|
Macallinku wuxuu safka hore kaga jiraa, haddii uusanba ugu horraynin, ragga
Soomaliyeed ee maanso yahanadda ah kuwii horre iyo kuwa hadda noolba.
Ilama aha inuu jirro hal-abuur maanta nool oo la miisaan iyo macna ah Macallin
Dhoodaan.
Cabdullahi Macallin Axmed
(Dhoodaan) oo gabayadiisa mid walba kaligii si
gaar ah buugaag looga qorri karo, waxaa lagu tilmaami karaa in uu yahay halbeega
lagu kala sooco maanso ruugyadda iyo kuwa iskood isagu dheerayiya ee aan siddaa
u sii ridnayn. Gabay walba oo uu tiriyo abwaanku waxaa si gaar ah uga dhex
muuqata xeeldheeri, murti wacni, eray xulasho, xariifnimo, macno iyo tarkiib
yaab leh oo uu abwaanku caan ku yahay.
Markasta oo aad gabay uu tiriyey Macallin Dhoodaan dhagaysato ama akhriso,
waxaad is lee dahay gabay kan u dhigma waligii cid tirisay lama sheegin.
Haddiise aad isla fadhigaa ku dhagaysato gabayga kaa xigga ee ay isku cajalka ku
duuban yihiin, waxaad si dhib yar markiiba u iloobaysaa kii aad dhagaysatay
daqiiqado ka hor, oo aad kan kugu dambeeyay u qiraysaa inuu yahay gabaygii ugu
cajabta badnaa ee aad waligaa maqasho. Sababtu ma aha in adiga,
dhagaystooy, ay xulashadaadu liidato amaba aadan aqoon hoose u lahayn kala sooca
maansada. Xaqiiqo ahaan, sababta arintaa keentayi waxay tahay gabayada Dhoodaan
oo uu midba midka kale ka khatarsan yahay kana cibaaro iyo cilmi qodan yahay.
Waxaa la sheegay in Yuusuf-Dheere Maxamed Sugaal oo ah nin maansada abuurkeeda iyo
kala sooceedaba aad caan ugu ah uu gabay ku mariyey:
Maxamuud Cabdi Kaadheerina wuxuu yidhi, isagoo u digaya nin isku dheerariyey
Macallinka asaan agtiisa qori ka jabin karin:
-
Boqorkaan dhacayn ee murtida, baarqabkii gabayga
-
Biladdeeda wiilkii hantiyey, barrihii suugaanta
-
Haddaad beer adaygaaga tidhi waan u bixi maanta
-
Naf aad birqooshaad siddaa ood, budka u qodiyee
-
Is biimaynta qaarkeedna waa, kuu baraarnimo e
-
Ma gaadhaayo bayd aad furtaa, Boqorka Dhoodaan e
-
Anaan baratamaynaa haddaad wax is bidaysaayse
-
Billaawuhu markuu kugu dhaco iyo, baaska daba joogga
-
Barkad naxa bariiqada siddii, bilista how yeedhin
Yuusuf Dheerena waa kii lahaa
kadib markii uu soo tiriyey akhyaar badan oo maansada maleegeeda ku caan baxday:
Waxaa intaa waheliya in marwalba abwaanku mowduuca uu ka gabyayo uu yahay mid
inta badan dadka Soomaliyeed wax tar badan u leh. Tusaale ahaan, waxaa la
odhan karaa Macallinka gabayaddiisu boqolkiiba todobaatan iyo shan 85% waxay ku
saabsan yihiin oo ay ka hadlayaan ama u hadlayaan dhaqdhaqaaqyaddii xornimo
doonka ahaa ee lagaga soo horjeeday gumaystaha foosha xun ee Ethiopia.
Wuxuu abwaanku hormuud ka ahaa aasaasayaashii iyo abaabulayaashii xisbigii
Nasru-Laahi. Xisbigan oo ahaa dhaqdhaqaaq madax banaani doon ah oo ka
jiray gobolka ay Soomalidu dagto ee Soomaali Galbeed, dadka qaarkiina u yaqaano
Ogaadeenya oo wali ku hoos jirra xukuumadda gar-ma-qaadatada ah ee Ethiopia.
Waxaa la sheegaa in abwaanku ka hor intii uusan hormuudka ka noqon
dhaqdhaqaaqaas isaga ah uusan lahayn maanso saa u muuqata.
Intaa waxaa dheer oo Macallinka gaar u ah, inuu lee yahay codad iyo naaxiyado
kala jaad jaad ah goonina isaga u ah oo dhagaysigooda Soomaalidu aad ugu xasisho. Sidda uu u qaado siiqada gabayada ayaa waxay tahay si aan
laga xigan karin oo isaga oo kaliya ahi uu awoodo inuu siddaa keeno.
Arrintani waa arin muhiimadeeda leh, maxaa dhacay marar badan ayaa waxaa la
arkaa nin gabay fiican oo haddii gabaygiisa la qorro macno iyo murti badan laga
dhadhansan karro, laakiin markii uu ku luuqeeyo gabaygiisu aanu siddaa
dhadhan u lahayn.
Dhoodaan waxaa kale oo uu yahay aabihii iyo abuurihii nooca
maansada ka midka
noqday ee loo yaqaano Jacburka. Lama sheegin Dhoodaan ka hor cid
gabay jacbur ah oo sida gabayga caadiga ah u macno badan danaheeda ku gudatay.
Jacburku waa xikmad, maad iyo madadaalo yuururta oo ay Soomalidu aad
ugu qoslaan uguna raaxaystaan.
Waxaa dadka qaarkii xusuusan yihiin hal-abuuro kale oo
Cabdullaahi Dhoodaan ka bartay
samaynta gabay jacburka oo sameeyay jacbur isna aad loogu qoslo. Waxaa
raggaas ka mid: Cabdi Saahid, YamYam, Hadraawi iyo Shube.
Haddaba ku talo galkeenu ma aha inaan
taariikhdii Macallinka ka sheekayno,
sifayn badan oo kale oo uu u baahan yahay Dhoodaanna ma jirto oo dadka badankiisu way ka
dharagsan yihiin sifaadkiisa iyo taariikhdiisaba. Waxaan kaliya doonaynaa
in aan hordhac u samayno gabayada Cabdullaahi Dhoodaan ee hoos hadhsan doona boggan.
Haddaba, Macallinka gabayadiisa laguma soo koobi karro maqaalo yar yar oo kan oo
kale ah. Haddii aad u baahan tahay Taariikh nololeedkii Macallinka waxaad
akhrin kartaa Buuga la yidhaahdo GARNAQSI, Maansadii C.M.A Dhoodaan qeybtiisa
koobaad ee uu qorray Maxamed C. Gurxan. Buugan waxaad ka
helaysaa suugaan halgameeedkii abwaanka iyo taariikh nololeed kooban.
Mar walba oo aad soo booqato doollo.com waxaa la arkaa inaad ugu timaado gabayo
abwaanku lee yahay oo ku cusub bogga. Haddaba si is daba joog ah usoo eeg
si aadan u gafin suugaanta qaaliga ah ee Cabdullaahi Dhoodaan. Fadlan, riix magaca gabayga aad
xiisaynayso inaad akhriso ama dhagaysato. |