Home

Cabdullaahi Dhoodaan

                                                             

Qoraal (A-Z)

Alla-tuug
Aweeti  
Callaamo
Daba la'a
Dalxiis
Dhab ka Hadal
Dhugasho
Digasho
Duraaqsi
Falaadkii
Feedho Dhagax Saar
Furdaamis
Gardaro
Garnaqsi
Gocasho
Ha Midowdo
Ha u Liicinaay
Haddii Amxaarooy
Halgaad
Higlo
Isweydiin
Jag iyo Luuf
Jilbo Riiq
Jeeraaro
Likaaco
Mardabaaloow
Maxaa iigu Jira
Mujaahid
Ogaysiis
Qalbi Karbaash
Qarjac-Muudle
Qaydaraan Shudhad
Qodob
Saleelo
Shaamareer
Takartii Maroodiga...
Toosoo Kacaay
Tusaale
Uguma Maadayn
Uneexo
Uusduugad
Waa la Mulkiyey
Xaajadii
Xaawo iyo Aadan
Xulub Socod
Xuuraa Baf
Yaa Dirsaday
Yaa Kasbaday
More to come...
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Macallinku wuxuu safka hore kaga jiraa, haddii uusanba ugu horraynin, ragga Soomaliyeed ee maanso yahanadda ah kuwii horre iyo kuwa hadda noolba.   Ilama aha inuu jirro hal-abuur maanta nool oo la miisaan iyo macna ah Macallin Dhoodaan.  Cabdullahi Macallin Axmed (Dhoodaan) oo gabayadiisa mid walba kaligii si gaar ah buugaag looga qorri karo, waxaa lagu tilmaami karaa in uu yahay halbeega lagu kala sooco maanso ruugyadda iyo kuwa iskood isagu dheerayiya ee aan siddaa  u sii ridnayn.  Gabay walba oo uu tiriyo abwaanku waxaa si gaar ah uga dhex muuqata xeeldheeri, murti wacni, eray xulasho, xariifnimo, macno iyo tarkiib yaab leh oo uu abwaanku caan ku yahay.

Markasta oo aad gabay uu tiriyey Macallin Dhoodaan dhagaysato ama akhriso, waxaad is lee dahay gabay kan u dhigma waligii cid tirisay lama sheegin.  Haddiise aad isla fadhigaa ku dhagaysato gabayga kaa xigga ee ay isku cajalka ku duuban yihiin, waxaad si dhib yar markiiba u iloobaysaa kii aad dhagaysatay daqiiqado ka hor, oo aad kan kugu dambeeyay u qiraysaa inuu yahay gabaygii ugu cajabta badnaa ee aad waligaa maqasho.  Sababtu ma aha in adiga, dhagaystooy, ay xulashadaadu liidato amaba aadan aqoon hoose u lahayn kala sooca maansada.  Xaqiiqo ahaan, sababta arintaa keentayi waxay tahay gabayada Dhoodaan oo uu midba midka kale ka khatarsan yahay kana cibaaro iyo cilmi qodan yahay.

Waxaa la sheegay in Yuusuf-Dheere Maxamed Sugaal oo ah nin maansada abuurkeeda iyo kala sooceedaba aad caan ugu ah uu gabay ku mariyey:

  •     Faylasuuf ka weyn ma dhalan, faxalkii Dhoodaan e

Maxamuud Cabdi Kaadheerina wuxuu yidhi, isagoo u digaya nin isku dheerariyey Macallinka asaan agtiisa qori ka jabin karin:

  • Boqorkaan dhacayn ee murtida, baarqabkii gabayga

  • Biladdeeda wiilkii hantiyey, barrihii suugaanta

  • Haddaad beer adaygaaga tidhi waan u bixi maanta

  • Naf aad birqooshaad siddaa ood, budka u qodiyee

  • Is biimaynta qaarkeedna waa, kuu baraarnimo e

  • Ma gaadhaayo bayd aad furtaa, Boqorka Dhoodaan e

  • Anaan baratamaynaa haddaad wax is bidaysaayse

  • Billaawuhu markuu kugu dhaco iyo, baaska daba joogga

  • Barkad naxa bariiqada siddii, bilista how yeedhin

Yuusuf Dheerena waa kii lahaa kadib markii uu soo tiriyey akhyaar badan oo maansada maleegeeda ku caan baxday:

  • Sano nool abwaan baa murtida laga ishaartaaye

  • Eegana waxaa laga orshaa adiyo Dhoodaane (adi wuxuu abwaanku ujeedaa Cabdi Sheekh Biixi)

Waxaa intaa waheliya in marwalba abwaanku mowduuca uu ka gabyayo uu yahay mid inta badan dadka Soomaliyeed wax tar badan u leh.  Tusaale ahaan, waxaa la odhan karaa Macallinka gabayaddiisu boqolkiiba todobaatan iyo shan 85% waxay ku saabsan yihiin oo ay ka hadlayaan ama u hadlayaan dhaqdhaqaaqyaddii xornimo doonka ahaa ee lagaga soo horjeeday gumaystaha foosha xun ee Ethiopia.  Wuxuu abwaanku hormuud ka ahaa aasaasayaashii iyo abaabulayaashii xisbigii Nasru-Laahi.  Xisbigan oo ahaa dhaqdhaqaaq madax banaani doon ah oo ka jiray gobolka ay Soomalidu dagto ee Soomaali Galbeed, dadka qaarkiina u yaqaano Ogaadeenya oo wali ku hoos jirra xukuumadda gar-ma-qaadatada ah ee Ethiopia.  Waxaa la sheegaa in abwaanku ka hor intii uusan hormuudka ka noqon dhaqdhaqaaqaas isaga ah uusan lahayn maanso saa u muuqata. 

Intaa waxaa dheer oo Macallinka gaar u ah, inuu lee yahay codad iyo naaxiyado kala jaad jaad ah goonina isaga u ah oo dhagaysigooda Soomaalidu aad ugu xasisho.  Sidda uu u qaado siiqada gabayada ayaa waxay tahay si aan laga xigan karin oo isaga oo kaliya ahi uu awoodo inuu siddaa keeno.  Arrintani waa arin muhiimadeeda leh, maxaa dhacay marar badan ayaa waxaa la arkaa nin gabay fiican oo haddii gabaygiisa la qorro macno iyo murti badan laga dhadhansan karro, laakiin markii uu ku luuqeeyo gabaygiisu aanu siddaa dhadhan u lahayn.

Dhoodaan waxaa kale oo uu yahay aabihii iyo abuurihii nooca maansada ka midka noqday ee loo yaqaano Jacburka.  Lama sheegin Dhoodaan ka hor cid gabay jacbur ah oo sida gabayga caadiga ah u macno badan danaheeda ku gudatay.  Jacburku waa xikmad, maad iyo madadaalo yuururta oo ay  Soomalidu aad ugu qoslaan uguna raaxaystaan.

Waxaa dadka qaarkii xusuusan yihiin hal-abuuro kale oo Cabdullaahi Dhoodaan ka bartay samaynta gabay jacburka oo sameeyay jacbur isna aad loogu qoslo.  Waxaa raggaas ka mid: Cabdi Saahid, YamYam, Hadraawi iyo Shube. 

Haddaba ku talo galkeenu ma aha inaan taariikhdii Macallinka ka sheekayno, sifayn badan oo kale oo uu u baahan yahay Dhoodaanna ma jirto oo dadka badankiisu way ka dharagsan yihiin sifaadkiisa iyo taariikhdiisaba.  Waxaan kaliya doonaynaa in aan hordhac u samayno gabayada Cabdullaahi Dhoodaan ee hoos hadhsan doona boggan. Haddaba, Macallinka gabayadiisa laguma soo koobi karro maqaalo yar yar oo kan oo kale ah.  Haddii aad u baahan tahay Taariikh nololeedkii Macallinka waxaad akhrin kartaa Buuga la yidhaahdo GARNAQSI, Maansadii C.M.A Dhoodaan qeybtiisa koobaad ee  uu qorray Maxamed C. Gurxan.  Buugan waxaad ka helaysaa suugaan halgameeedkii abwaanka iyo taariikh nololeed  kooban.

Mar walba oo aad soo booqato doollo.com waxaa la arkaa inaad ugu timaado gabayo abwaanku lee yahay oo ku cusub bogga.  Haddaba si is daba joog ah usoo eeg si aadan u gafin suugaanta qaaliga ah ee Cabdullaahi Dhoodaan.  Fadlan, riix magaca gabayga aad xiisaynayso inaad akhriso ama dhagaysato. 

  
Maqal (A-Z)
Alla Bari
Daba la'
Dalxiis Geyn
Dhalanteed
Dhugasho
Duraaqsi
Falaadkii
Furdaamis
Gardaro
Garnaqsi
Gocasho
Ha Midowdo
Halgaad
Higlo
Is Weydiin
Is weydiin II
JacburI 
Jacbur II
Jawaabtii Y. Dhere
Jeg iyo Luuf
Jeeraaro Booddo
Jilbo Riiq
Likaaco
Mindi Raacis
Mujaahid
Odoros
Ogaysiis
Qalbi Karbaash
Qaydaraan Sudhad
Qaydaraan Sudhad II
Qodob
Saleelo
Saleelo (luuq kale)
Shaamareer
Takartii Maroogiga...
Tantoomo
Toosooy Kacaay
Tusaale
Ukun Bururtay
Umu Sibyaan
Uneexo
Uusduugad
Walaalayn
Xaajadii
Xulub Socod
Xuuraa-Baf
Yaa Dirsaday
Yaa Kasbaday
Ya'ley
More to come...
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.