Home

Falaadkii

                                                             Cabdullaahi Macallin Dhoodaan

 

 

 

Gabaygan khatarta ah wuxuu Cabdullaahi Dhoodaan tiriyey horraantii sanadkii 1973kii.  Ma furfurin abwaanku gabayga oo siddaa duuduubka ah ayuu u socday. Dowladdii Ina Siyaad Barre iyo falaadxumaday kula dhaqmaysay dadka Soomaali Galbeed ayuu yoolka gabaygu ahaa. In kasta oo ay adag tahay in gabayada Dhoodaan mucdooda iyo macnahooda qaaliga ah aan wada fahano, haddana waxyaalo badan ayaa ku tusaya xariifnimada iyo aragti dheerida uu isticmaalayo Macallinku si uu u mucaarado dowladii manaxdada ahayd ee uu hoosteeda ku noolaa xilligaa isaga ah. Wuxuu yidhi:    

  • Falaadkii adduunyada haddaan, fiiro ugu laabto

  • Ilaahay farsamadiisu waa, ta ugu fiicnayde

  • Eegana haddii laga fakaro, say u fududaatay

  • Fasahaaad inay gaadhay baa, laysu furayaaye

  • Waxse kuma fillee meel xunbuu, fallagii haystaaye

  • Fahmaddii wareer baa ku dhacay, faylasuufiga ee

  • Garashadu markay foorarteey, faalo dhimataaye

  • Kol hadday finiish iyo fanaash, geed walba u fuushay

  • Danba haatan kii faalin jiray, woow fadhiyi meele

  • Fooruhu ayaantuu kacee, fiintu ciyi wayday

  • Fiidmeerta shaadhkii maxaa, looga wada fayday?

  • Caanaha falleedha leh maxaa, loogu fura gooyey?

  • Isagoo faraadhyo leh maxaa, udubkii loo fiiqay?

  • Fongor buuxda sowtii lahayd, fanaxda yoow jeexay?

  • Ragaad bay fadhaayeen shantii, wiiga fooraraye

  • Kuwa falanfalxada maalayaa, ha isu fayteene

  • Beertii faraacida haddii, faashka lala seego

  • Qudahay fajaastee biciid, ma u fangali wayday

  • Fiddidiinka cawshaan hadduu, fiidkii soo tagaye

  • Wayba faraxsanaayeen kolkay, ceebta fuliyeene

  • Kii u feedha buurraa sidday, Faadumo u diiday

  • Fanacowdu qaarkood armay, ficil darro u gaysay

  • Shirkii dooda culus faanbiyee, dooda kulul faagay

  • Fagaaraha dhaxdiiseey dorraad, kala faqaayeene

  • Arintaa fadhoociga ku jirra, yaa fashilin doonee

  • Fardo gulufa bay fuushan tahay, oo fariin wada e

  • Hayeeshee ninkii fiirsan jiray, faalkii garan waaye

  • Feedh bay ciyaar ugu jiraan, fuusto riixyaduye

  • Gugii Furuqle fooxay shideen, qiiq fatahi waaye

  • Hilibkii fantada loo karshaa, xuudku faanbiyeye

  • Jinni fuudkii laga daadiyoo, fiixdi laga boobye

  • Sheydaankii fuuqsaday waxbaa, foodda kaga yaale

  • Kuma jirro findhicilkaad ogayd, foolasha Iblayse

  • Waxaa faanka lagu eedayaa, faarafaaraha ee

  • Farsamooyin adag bay dhashaa, fookanayntuba ee

  • Falxad bay u haystaan wallee, gaal fashiista ahee

  • Doofaar finaaqeey hadhow, furar ku maaleene

  • Wataa subaga faarka leh cuntee, faraxal yoow dooni

  • Iyadoo fidoo kala baxdeey, qaar u fidhayaane

  • Fayoobaanta Eebow kariyo, inuu furdaanshaaye

  • War faa’iido waa tii Allee, ha i fadqalalaynin

Gabaygu ma dhamays tirna oo intan in la eg ama ka badan ayaan maqan.  Haddii aad hayso ood jeceshahay inaad nala wadaagto fadlan nala soo xidhiidh

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.