Home

Mujaahid

                                                     Dhoodaan

 

 

 

The largest online collection of Somali poetry  

Gabaygan iyo masiibo ayuu abwaanku isku maalin tiriyay, isku ujeedo iyo hadafna 
way ahaayeen. Hadaad rabto inaad ogaato ujeedada gabaygan abwaanku u sameeyayna, 
waxaad eegtaa hordhaca gabayga masiiba.
 
1.      Intuu horay musheekh naga daldalay ama masuul fiican
2.      Ismaqiiqyo jeerkii hadaan dhuunta mudi waynay
3.      Kolba intuu muftiga weerariyo macalimiintiiba
4.      Oo masaajidkii naga dunshiyo mawlacoo idilba
5.      Kolkii mood Afwaynow layidhi waaba mudankeene
 
6.      Midabkiyo codkuu uga egyee ma'aha Soomaali
7.      Maqsadkuu ujeeduu matali milayba waa nooce
8.      Mana aha mu’minnee gaalka waad isaga malayseene
9.      Muslinnimo Habaar-biiray baa muudsadoo cunaye[1]
 
10.  Musaliini baa u sheekh ahaa waana maafiyo e[2]
11.  Waa inagu maxaabsaday waase tuug Majuusiya e
12.  Mufsid iyo basaas buu ahaa maakhadayn jiraye
13.  Kol haduu masiixigii ladilay uba masayraayo
14.  Masaafada uu galay muuji caawaba e??
15.  Madfac kula tagyaa iyo shacbiga la isku madhiyaabe
16.  Inkastoo miyiyo magaalaba badiyay mayd kooda
17.  Makhnuudka makhluuq badan kadhigay muu'dal kiristaana
18.  Wuxuu saaka marayaa inuu maydho diintaba e
19.  Quraan kana hadaynaan mintidin wuu masaxayaaye
20.  Mashqac buu hortii nagu dayiyo madaqsi xeelleede
21.  Maqadhooyin kuu xidhay siduu noo mashquulinayay
22.  Hadba wuxuu miiq nagu hubsado oo mus noo galaba
23.  Iyo wuxuu maluugada rogoo xadhig maleegaaba
24.  Ayaamahanba waa ka is mutaxay Ina-makaaryoose
 
25.  Bal aan mihindis kaygii ku dayo inaan majiiraaye
26.  Malmaloogii baa dhalay inay murugto hawshuye
27.  Magaceena Soomaaliyeey wuu murdudayaaye
28.  Waa inaan u miciinaa wakaa muusanawga ahe
29.  War guul ma'mutihii hadaad kala mildhawdaane
 
30.  Bal aan mihindis kaygii ku dayo inaan majiiraaye
31.  Habaar ba'ayna madaxa ha isqoree malaha meexcaade
32.  Wuxuu abidkii noogula maqnaa waa mu'aamarade
33.  Sidii muuq wayn lagu lahaa waa midnimadiiye
34.  Maqrib iyo mugdiga fiidka iyo muuni subaxeed ba
35.  Muriidkoo madiixiyo ladiid mu'adimiintiiye
36.  Mu'saliina salaad uma mohdee maarta ka cabsooye
37.  Islaamkii mudici waa haduu gaal makaakiyo e
38.  Naf aad mahadisaa kuuma hadhin kii Muslin ahowe
39.  In mujaahid la isugu baxaa waa inoo madale
40.  Mucdigaa Habaar-biiray iyo kii maciisa ahba
41.  Hada inaan makalo goyno waa lagama maarmaane
42.  Muqdishaba in lagu weeraraa maanta ku haboone
43.  Mataa faraha beentuu hadhow macanjilayn doono
44.  Maslaxaad markuu sheego ee hadal madhoodheeyo
45.  Maqlimayno baa u taala iyo maya sagaal goore
 
46.  Maraadkiyo mallees kuu watiyo muunyo uu diraba
47.  Maqlimayno baa u taala iyo maya sagaal goore
48.  Maareeye buul ah iyo wasiir loo maxlallayaaba 
49.  Magmagow sayaa iyo shaxaad daba manuus yaaba
50.  Kolba qaar masuuliyad aan jirin lagu mashaysiiyay
51.  Madiido u samee khaa'in kii macasha dheeraaye
52.  Maqlise mayno baan leenihiyo maya sagaal goore
 
53.  Bal aan mihindis kaygii kudayo inaan majiiraaye
54.  Muslimkii xaqiiqada ahaa ways makaabsadaye
55.  Masa garan Mareexaan wixii mawqif kooda ahe
56.  Xog maldahani way soo mudhbixi maragna taariikhe
57.  Mooraduugyo Soomaalidii dhiiga laga miirtay
58.  Qoladaan mandabo loogu shubbin amaanse loo meerin
59.  Iyo madax kuwii looga dhigay lana mihiib siiyay
60.  Kolkay miirdilaacaysay waa moogan dabadeede
61.  Soomaalidu mulkiga ay lahayd moodka iyo noolba
62.  Mabtii iyo dadnimo dayda iyo mooshin dawliyada
63.  Mac suruhu waaka lag joojiyee meehanawga ahe
64.  Mareexaana waa gooni oo lala masayn waaye
65.  Inkastoy u miidhaan misheen xaqii nalaga maydhaamay
66.  Kolkay miirdilaacaysay oo moogan dabadeeda
67.  Dadkaasay la meeqaan yihiin lagama miidheene
68.  Musqaad kale hadii laga heliyo mugucyo dheeraad ah
69.  Mareexaanka soomaali waa laga madhaayaaye
70.  Lana garay muraadkooda iyo muxurtadoodiiye 
71.  Muddana waa inaan majiijinoo seef la mariyaaye
72.  Markay dani minjaha soo xidhee uu mulindiyaynaayo
73.  Ama uu macatabkii gooye ee maandhaw ku cataabo 
74.  Maqlimayno baa u taala iyo maya sagaal goore
 
75.  Soomaaliyo Mareexaan kolkii aad isu miisaanto 
76.  Meelmadhan inay noqonayaan kama murmaysaane
77.  Maryihii guduudnaa kuwii madaxa loosaaray
78.  Muftiyaashi iidana ladhacay mootehiyo baaska
79.  Ee boqol masiixigii u dillaan murugsan doonaaye 
80.  Mashaqada intaa le'eg haduu falay Mareexaanku
81.  Malcuunkii Habaar-biiray bay midigta siiyeene
82.  Maroorkiyo xumaatooyinkii uu macaamillayay
83.  Dadna waa ka wada maagtay way is kala mukhuurteene
84.  Wuxuuse u hormuudaaba waa moolki geerida e
85.  Oo ma malakumawd kiini baad malabsanaysaane
86.  Mardhaw waxaan filaayaa kuwaa dawlada ismooday
87.  Inay magac yadoodii dafiri amay mamnuucaane
88.  Amay niman Mareexaan ahaa ay midgaan qirane
89.  Maslax iyo mindhaa Xoosh-kibroo laba madqaal sheegtay
90.  Kola mudashaday kaa aqbali maanka yay galine
91.  Salxaanoo madhmadhayaaban show biri masuugayne
92.  Macdallaa maqaawiirta dhaaxa kii masruufsadaye
93.  Maraykan iyo Carab kii tagiyo Moosko iyo Jayna (China)
94.  Ee qaba mag Soomaaliyeed miinadow dabane
95.  Maraydayda qaar waa lakiis maati dooxyadu e
96.  Waana mudh iyo deebaaq waxay mala bullaysteene
97.  Isxaan in laga aqbalo maanka yay galinnin
98.  Ama musaabaxaad laga aqbalo maamku qori waaye
99.  Mardabaale waa inuu dhintiyo miila boob yaduye
100.     Mitad diidki dheeraad hayaa wow mandadayaaye
101.     Idinkiyo manqada kii siraa muufadii xadaye
102.     Laadaa danbigu waw manaa maasuqiinta ahe
103.     Masiifaha xun waran maylin iyo malag adeegaaba
104.     Kursiguu miskaha saari jiray waa la maanacaye
105.     Dabadeedna kii miliqsadaa loogu malaqsiine
106.     Dadka kale marqaan haw dhashiyo mahadnaq Eebow e
 
107.     Bal aan mihindis kaygii ku dayo inaan majiiraaye
108.     Hadba waa tilmaan muxubadoon yaraha muusoone
109.     Maskax waayo arag baa kolay maaxatoo furrane
110.     Magrigiyo xusuustaa qalbigu mawjad soo kicine
111.     Soomaaliba masiibada heshee kaga madluun siisay
112.     Waxaa ka mid ah maqaarsaaradiyo minister beenaade (wasiir beenaad)
113.     Miidaan qarisku waa magac-uyaal kuu magoogani
114.     Masawir iyo waa moobayaal ama mayeedhaane
115.     Maxbuus taliye lagu sheegayaa wuu ilmiriglayne
116.     Haka suggin magdabin uu wanaag soo madaahibo e
117.     Manqas buu la daba taagan yahay kii maqooradaye
118.     Oo miinshaartii Habaar-biiray bay maylal ka arkeene
119.     Ninkuu mudiba suu u lahaa mudaca kaasaa leh
120.     Mid waliba inuu madi noqdoo kaligi meeraysto 
121.     Marxabeeya say ugu noqdaan wuu u maamulaye
122.     Ooy maraga beenta u furraan maansolugalayda
123.     Maradhaaro kala joojiyoo waa majaloseege
124.     Anigoo sheegay inuu moolihii yahay gaal maliyi raaca
125.     Alla magane waxay kaa martiyi maansadaan tiriyay
126.     Mullaaxada dhankale ha u gadiyin oon mashiiqsado e
127.     Uma gar amaanadaa jirtoo waan mudacayaaye??
128.     Mucjisada Afwayniyi qabkii haba maquunsheene
129.     Musaraardillaac iyo waxaa maanshoreer adag leh
130.     Soomaalidu maraan iyo inay noqotay maansuuq e
131.     Dhamaan teedna uu mehersadaa reer miskiin ahuye
132.     Ma min sheegaba wiil kii dhashaa loo mashxaradaayay
133.     Rag mutacalimiin iyo sargaal meeshidood gaba e
134.     Askartii madfaca ay daddiyo kaarahiyo miiga
135.     Ama kii maraaya badiyo qaybta minawaarka 
136.     Laga waa sargaal soo mudh iyo maahir geesiya e
137.     Mid waliba malkhabadduu xidhoo wayska maarsadaye
138.     Mushtarkaan isugu qayshaniyo suuq magaagyada e
139.     Dibjirkiyo malaalliinta iyo maxasta ooyeysa
140.     Iyo kii mucaaradi jiriyo ururradii meeye? 
 
141.     Mareexaanka eeda leh markii aan iska miihaaho
142.     Maariin san dhuubanniba waa ruux mataanka ahe 
143.     Masaartiyo magliga xiirayaa ama mariid dhooban
144.     Waa in lagu madkeeyoo dagaal ugu maliiqnaaye
145.     Inteenii kaloo mid ah jahaad miigan aan u yaacno
146.     Minjoxaabo kii nagula kaca amase miirshowle
147.     Umadana muddaahano ku wada ee murkucinaaya
148.     Ismul-maalig waa inaan ciyoon ugu marreeyaaye
149.     Masuubiyo waxaan kuu hogsaday macadhar Eebahaye
150.     Inta mi'ah mid uun laga dhimee magac Illaahay a
151.     Toban miim ka kacayoon cuskaday lagugu miineeye 
152.     Murtidu waa Habaar-biiray iyo kuu miciinsado e
153.     Wixii nagu maraardayan hayow madal ku ceebow e
154.     Maskaxdiyo mariiqaba adoo madhan lagaa yeelay 
155.     Adoo moxogga uurtiyo wadnaha malax lagaa yuuqay
156.     Minjahaad ku roortiyo adoy midigtu naafowday
157.     Maalka iyo moodkaba adoo maalin lagu dhaafshay
158.     Adigoo masruufkaad liqdaa dhuunta mariwaayay
159.     Dhuunigii kuu macaanaa allow malaxdu kuu dhaanto
160.     Afwaynaa maraaqiyo ku guban moobahuu shidaye
161.     War ha maqaalufaysteen umaduu kala maqnaan siiyay 
 
 
Cabdi Xiis ayaa ku deeqay.  Aad baad u mahadsan tahay saaxiib.
 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.