Home

Ha u Liicinaay

                                                              Macallin Dhoodaan

 

 

 

The largest online collection of Somali poetry  

 

Gabaygan wuxuu ka mid yahay gabayada Macallinka kuwii ugu horeeyay looguna jeclaa maqalkiisa ilaa horaantii 1980s.  In kasta oo ilaa iyo hadda uu dad badan qalbigooda ku sharaxan yahay gabaygani, haddana sida uu caamka u ahaa xilliyadaa hore ma ahayn si caadi ah oo la sifayn karo.  Wuxuu tiriyey 1959 isagoo ah wiil markaa aad u da' yaraa.  Da'da Macallinku marna kama aysan tarjumi jirin garashadiisa iyo aragti dheerida goonida u ah ee uu dheer yahay abwaanada kale oo dhan.  Sida gabaygaba ku cad waxaad arkaysaa in uu eg yahay Macallinku ruug-caddaa sebano badan halgami jiray gabyini jiray.  Wuxuuse xaqiiq ahaan ahaa hillaada dhowr iyo toban jir.  Wuxuu gabayga ku tiriyey Harrada Xoddayo oo madal u ahayd shir ay isagu yimaadeen halgamayaa tiro badan oo uu kamid ahaa CabdiNaasir Xaaji Maxamuud oo markaa ahaa gudoomiyihii xisbigii Nasrullaahi.

Anigoo dabka layga ilaaliyo oon gabay wuxuu galo iyo wuxuu gudo mid aqoon ayaa waxaan maqli jiray: Ha u liicinaay Xabashi waan lagatamaynaaye.  Kolkaasaa waxaan is odhan jiray talow cid is qonfaysa ma aragtidee ninkan jinni ee hadalkan yidhi muxuu ka wadaa!

Aad ayuu u badnaa gabaygani, nasiib darrose halalkan hoose ayaan ka helnay eega.  Wuxuu yidhi:

  • Inaan laaqsho mooyee waxaan, meel u ladi waayey

  • Leyl iyo nahaarkii waxaan, maansada u laliyey

  • Lushna shira dhexdeedaa waxaan, uga likaysnaaday

  • Isticmaarku siduu noo lunshaan, laxaw ku sheegaaye

  • Wallee inayna laakiin ahayn, laydha socotaaye

  • Libin baa dhow ruuxii jihaad, laabta ku hayoowe

  • Lalabahaa waxaa shiday ragay, looxa u dhigeene

  • Shacbigii lulmaysnaa wakaa, qaylo laasimaye

  • Lugbaa u kabantay Soomaalidii, baratay luufluufe

  • War ha u liicinaay Xabashi, waan lagatamaynaaye

  • Nimankaa siddii dibi lix jir ah, luquntu waynaatay

  • Laanjaha markay fuulayaan, lugo ku rooroora

  • Barwaaqada intay leefayaan, luusa garawgiina

  • Intay labanka daaranahayaan, lebi ku gaajooda

  • Iyagaa sariir leexsadee, luumiyaha seexda

  • Quruumaadka laydhiga Carbeed, laabis kala qaata

  • Lafta dhabar siday uga jabaan, laaca waligiinba

  • Libaaxdaa koraysaan nahaye, hayna loogina e

  • Waagaad laxaadaysataan, lowga kala fiiqa

  • Laakiinse maantaynu layn, waa laf-qabaleeye

  • War ha u liicinaay Xabashi, waan lagatamaynaaye

  • ...

Soo dhamaystir saaxiib.

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.