Home

Ogaysiis

                                                 Dhoodaan

 

 

 
Gabaygan abwaanku wuxuu tiriyey 1980kii.  Sababtiisu waxay ahayd, Raadiyihii Harar ka bixi jiray ayaa waxaa sanadkaa maamulkii gobolkii Hararghe la odhan jiray oo kan Soomaalidu degto ah lagu daray qayb cusub oo Af-Soomaali ku baxda.  Madaxdii gobolka oo uu horkacayo Bashiir Sheekh Cabdi ayaa Macallin Dhoodaan ka codsaday inuu gabay ku anqariyo xafladda furitaanka idaacadda.  Codsigaa madaxdii dawladdu usoo jeedisay abwaanku wuu yeelay wuxuuna tiriyey gabaygan Ogeysiis la baxay oo noqday codkii ugu horreeyey ee laga sii daayo idaacaddaa.  Wuxuu yidhi:
  • Gabayadii horeeteen ebyee lay af garan waayey

  • Labaan ina yaryar ah kuu akhrini ararahoodiiye

  • Anoo niman abhinayaan ku idhi edebna siinaayey

  • Waloow abaahiisii dhintoo gabay agoontoobay

  • Maahmaah asaliyaa jirtoon ciddi iloowayne

  • Abwaan hore miduu sheegay baa ina odhanaysa

  • Ri’ isnuugtay meel uga ekaa nin is amaanaaye

  • Anoo erayadiisaa runta ah dhinac ka eegaaye

  • Oo aanan rag oo idil xikmadda ka asaraareynin

  • Ama aanan aqoon dheeridaa uurka galinaynin

  • Aalaana maanso aan unkini aamus kaba doortay

  • Anshigiyo asluubtaydu faan ma ogolaadane

  • Murtidii idlaatayoo filkay waana ku asiibay

  • Ee soo abaadiyo ma rabo sheeko oolin ahee

  • Kollayse irideeday xidheen taan abda la haaye

  • Dundun iyo aboor buu nin yidhi wayla amakaage

  • Gabay aan abuuraa hadduu aniga ii muqdo

  • Waxaan dooni meel ugub ahayd inaan abaaraaye

  • Ayaan kale astaan lehee waxaan arar ku faaleeyay

  • Ruuxii aftahan loo yaqaan ama abwaan sheegtay

  • Wax if jirra wax aakharo jirriyo waxaan la eeganba

  • Waa inuu ogaadaa siddii uur-ku-baalaha ee

  • Aadmiguna sidduu aawilaa dhaaxba la arkaaye

  • Amin soo socdaa wuxuu ahaan waan odorosaaye

  • Odhaahdaa markaan jeediyayeen erayadaa sheegay

  • Ma inkirin Illaaha I khalqiyo amaradiisiiye

  • Umuna jeedo wali aadan iyo awliyaan ahaye

  • Ardaal xun iyo ay garad midduu eeba kaa dhigiba

  • Adduunkiyo arlada Eebahay uumiyaha jooga

  • Rag iyo orri heer oday, niniyo ooga ku xiroole

  • Qof waliba ujeediyo markuu hadal abaaraayo

  • Caqligiiseey meel uga ekaan odhaahtidiisuyee

  • Anna abidkay lama aamusayn tii aan aawilaye

  • Ohobayntii Soomaliya ee nalagu ay gooyey

  • Ogaadeenya aayaha xuneey kula aroorayso

  • Argagaxay ayaantaa markaan eegay xaajada ee

  • Aarkii dabooliyo shacbiga uubatada raacay

  • Markaan idhi dadkiinaa anbaday uga al-oolayso

  • Een bari siddaa awaadeed Xamar ka ooyaayey

  • Nin agjoogay cadow baan ahaa kana irdhaysnaaye

  • Awal horre ishaariyo sarbeeb urursan mooyaane

  • Cabsi aadmi hadalkaan in badan u afra duubaayey

  • Addis Ababa maantaan imide ooda kaga qaaday

  • Waataan xaqii ugu adimay siddii axkaaneede

  • Ikhtiyaarkay anigoo hadliyoo aashay soconaaya

  • Ogaadeenya nimankii af-xidhay waan ka aarsadaye

  • Aqalkaygii anigoo ku jirra oo Itoobiyana

  • Eegana idaacada kaleen kaa afurinaayo

  • Irrideedu waagii horeey inaga owdnaydee

  • Iyana waa albaab noo furmiyo Adarideeniiye

  • Eegiyo dabeed inaan iyana ku isticmaalayno

  • Ooy na anfacaan raadiyaha laba irmaanaatay

  • Oo kacaan agaasimi yaqaan wada aloosteeda

  • Dadkanagii la aafayn jiraa loo abaabuliye

  • Iblayskiyo ibtiladaan u jabin war ay afuufaane

  • Waxay fadhato eedaaba waa noo udgoon yahaye

  • Ku abshirada hakana oolin waa naga ogaysiise

Taariikhda gabayga waxaan ka saxay Garnaqsi oo uu Qoray Maxamed C. Gurxan

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.