Home

Ha Midowdo

                                                              Macallin Dhoodaan

 

 

 

Shirkii Midowga Afrika (OAU) ee lagu qabtay Xamar 1974kii ee uu Dhoodaan gabayada dhawrka ah ka tiriyey gadaashii ayuu kanna tiriyey.  Markii la gunaanaday shirkaa iyada oo ayna Soomaaliya iyo Itoobiya wax heshiis ah gaadhin isku day badan dabadii ayuu Macallinku wuxuu damcay inay dawladii Soomaaliya hubayso ururadii xornimo u dirirka ahaa ee gobolka Soomaali Galbeed ka dagaalamayey iyada oo ay waliba dawladda Soomaaliya caalamka u muujinayso inaysan Itoobiya wax weerar ah ku qaadin kuna qaadi doonin.  Wuxuu doonayey in Jabhaddu u madax baannaanaato wadida hawlaha xornimo doonka ah dawladuna taageerto sida siyaasiyiinta jabhadu wax u wadaan.  Isagoo haddaba xukuumadda shukaansanaya, shacabka guubaabinaya qodobo culusna soo bandhigaya ayuu wuxuu yidhi:

  • Ilaahii makhluuqoo dhan iyo, dunidan meegaaray

  • Muslinnimo kolkuu soo dejay, ee Muxamed soo saaray(scw)

  • Ee magaca aan sheeganiyo, midabka noo yeelay

  • Ee uu madow nooga dhigay, amase maariinka

  • Ee uu mabada'a noogu xidhay, muuminnimo khaas ah

  • Wallee inuusan meeqaan xille iyo, meel xun noo dirine

  • Ma maroorto suu nala damcay, ee way macaan tahaye

  • Mana moogan tuu mudan yahee, mahadnaq weeyaane

  • Isagaa Macbuudkii ah oon, magan galaynaaye

  • Mana jiro wax kale oo maslaa, muran la'aantiiye

  • Rabbigay mid weeye ee, kuwii shan u malaynaayey

  • Kol haddaanay taanadii maqlayn, Muxamed noo sheegay(scw)

  • Muraad kama galayno ee, sidaa ha iska moodeene

  • Intaana gabaygii aan maaganaa, kaliya ma ahayne

  • Maansada marxaladii labaad, waan idiin marine

  • Qofkii helaya maan fiicanee, madax fayow haysa

  • Run la miidhay dhagihiisa, waa inaan ku miisaaye

  • Mudadii gumaysigu hantiyey, maamulkii dunida

  • Margiyada dad lago soo xidhoo, wada mareegaysan

  • Oo laga mulkiyey baa badnaa, waxay muhiibeene

  • Soomaalidase dhiig-miiradkii, kama macaashayne

  • Miskiin liita nagamaysan dhigan, oo midiidin ahe

  • Mulbis dhaqankayaga maysan badin, amase maydhaane

  • Mayalkaan u haynay iyo wax badan, maalin dirireede

  • Muruq baan ku difaaci jiray iyo, xoog mataano ahe

  • Inkastooy madaafiic wateen, mooto iyo saanad

  • Falaadh baan mariidka u daray, iyo maylinkii warane

  • Maarene baryaan ula tagniyo, waliba maadhiine

  • Milleteri gumaysi ah kolkaan, aragno muuqiisa

  • Dhaaxaay madluun iyo noqdeen, mayd la sii wado e

  • Soomaalina macnaa lagu yaqaan, meel ay joogtaba e

  • Oo waa hiddaha noo macaan, malab sidiisiiye

  • Mar kastana ma moogaano ee, waa naga dhex muuqdaaye

  • Wax ka mid ah annagu waa mamnuuc, inaan dad maagnaaye

  • Waliba kii marooraan nidhaa, maandhow naga daaye

  • Durba gawrac kuma miijinno, ee waw miyirinaaye

  • Qoladaan maslaxadaa tusno, een maaro uga weyno

  • Annagoo hadday muruq is bidi, kaga mildhaawaynin

  • Murugtaye dharbaaxaan indhaha, kaga malaasnaaye

  • Magligaan u haynaan wadnaha, kaga mudaynaaye

  • Midigtaanu ugu dhiibi kaa, mawd hadduu rabaye

  • Sidaan qeyrkiiba u madhin jirraa, loo makalayaaye

  • Mililkiisa goortuu arkuu, mood  na dhahayaaye

  • Mabdi'ii dadkeenii hore iyo, marinkuu noo jeexay

  • Maqalnay oo sidaasaan ahayn, moogadii hore e

  • Maskaxdiyo ogow geesinimo, maankii lagu beerye

  • Ilaahii makriga soo dajaa, maydhi kara taase

  • Haddii nala mahoobiyahayoon, madaqsi diidayno

  • Mudacnay ee gartii aan lahayn, kii na marin waayey

  • Mardabo iyo qalooc iyo hadduu, muran lasoo joogo

  • Malkadaan ka dhiidhiyi jiray, buu milaygu joogaaye

  • Magaceenu Soomaaliyeey, wuu murtudayaaye

  • Waa in loo miciinaa hadduu, muusanoow yahaye

  • Kuwii mooradeenii degayee, dhacayey maalkeena

  • Waxaynu  saaka uga maagannaa, waa macno la'aane

  • Malaxdaa bislaatay iyo haddaan, maasha sari weyno

  • Minjaheena saasuu dhidhkii, ugu maleegnaane

  • Naftu inay maqnaatiyo, inay mahad ku noolaato

  • Maaweelis weeyaan haddii, mid u dhexeeyaaye

  • Sayid Maxamed maansadii ku mari, waanad maqasheene

  • Murti kale haddaad fiirisaan, waxan ku maahmaahnay

  • Warankaagu ruuxuusan mudin, weedh la marin waaye

  • Midowgii Soofiyeeti iyo hubkii, Moosko laga keenay

  • Muqdishana kasoo degi jiray, oo mudhuxsan baa yaalle

  • Micnihiisa nimankaa bartay ee, kala madhow heedhe

  • Miinshaar wax goysiyo, haddaad miige wadataane

  • Dagaalkaa miskaha soo duwee, macasha noo dhiibtay

  • Mintid kaliya lama doonayee sii malmala kow dheh

  • Marsada uu cadaawuhu dego, ee lagu malaynaayo

  • Ilaalada ku meermeeriyoo, ha iska miriqshaanto

  • Shanqadhooda goortii mugdi ah, maala dhagihiina

  • Maalintiina muuq iyo bidhaan, milicsadoo eegta

  • Mutux yuu ahaan kiinuye, waa inaad magoogtaane

  • Ragna maqaalufaa toosisee, mihindis foolaada

  • Ismaan raaca towfiiqdu, waa lagama maarmaane

  • Miidaanka goortaad heshaan, midig u liishaama

  • Miisaan dabkiina u rida oo, waliba moogaysta

  • Mar kastaba dhufayskay galaan, meylal kor u dhaafa

  • Dharaartii midhaysiga ku dila, mira habaynkiina

  • Xaqeena oo markhaati raggii, maydhaxda u gooyey

  • Malabkuu bartaye waa inay, dacar magawstaaye

  • Masiibo waa inay kala kulmaan, malafsigeeniiye

  • Waa inaan muudsada nidhaa, mur iyo waabeeye

  • Haddaan maanta Soomaliyey, ceebta laga maydhan

  • Nafta aynu maradhaadhin ee, madhax la doonayno

  • Musaraar-dilaac bay u dhiman, ciilna way mudane 

  • Magawdaye haddaan Eebahay, naga madoobaynin

  • Libtiyo maadu Soomaaliyey, waa inoo madale

  • Inaga ma aha fulay maarsadoo, dib u majiirtaaye

  • Makhribkii inoo weerar iyo, mawjad kicis weeye

  • Saqda maax gudoodiga dhulkaan, mee is nidhi weeye

  • Intaan milicdu soo bixin dhaqsaba, gaadh madada weeye

  • Ku madkeeya shiil iyo maddane, oo marmari weeye

  • Maaleeye dhiig kaga quboo, goo minjaha weeye

  • Mid ka fiiga daayoo inaan, murugsanaa weeye

  • Miciyaha inaan kaga ridnaa, qool midi leh weeye

  • Mas yidhi liq Biciidkaa sidii, ha u maragado weeye

  • Goroyadu murriyadday cuntay, ooy soo mantagi weeye

  •  Musuqiyo waxay maasuqeen, ooy mag dhabi weeye

  • Maatidana guushaad hesheen, ugu madiix weeye

  • Oo ha midowdo Soomaalidii, kala maqnayd weeye

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.