Home

Garnaqsi (1974)

                                                                                   Cabdullaahi Dhoodaan

 

 

 

Garnaqsi wuxuu abwaanku tiriyey 1974kii.  Dawladdii Maxamed Siyaad ayaa jahawareerisay ururadii gobonimo doonka ahaa ee gobolka Soomaali Galbeed ama Ogaadeenya ka dagaalamayey.  Cabdullaahi Dhoodaan sida ay dawladdu u majara-habaabisay dhaqdhaqaaqyadaa in badan ayuu ka hadlay mawqifkiisuna wuu caddaa laga soo billaabo 1963kii.  Shacabka gobolkaa iyo  dawladdaba tusaalayaal maangal ah iyo digniino wax ku ool ah ayuu siiyey.  Wuxuu jeclaa inay dawladdu madaxbanayso Jabhadda Xoraynta Ogaadeenya si caalamku ugu arko mid gudaha Itoobiya ka kacay oo xukuumadda Addis Ababa iyo dulmigeeda ka gadoodsan.  Wuxuu diidanaa in jabhaddu ugu muuqdo wadamada caalamka gaar ahaan Midowga Afrika, Midowgii Sufeeti  iyo Reer Galbeedkaba  ismaandhaaf ka aloosan xadka kala qaybiya Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Soomaaliya.  Indheergarad gobolkaa ka soo jeeda ayaa dowladda la xaajooday iskuna dayey inay fahamsiiyaan muhiimadda ay madax-bannaanida jabhaddu u leedahay shacabka gobolka iyo dowladdaba laakiin Maxamed Siyaad arintaa wuu garan waayey wuuna diiday in halganka Soomaali Galbeed uu madaxbannaanaado.  Wasaaraddii Gaashaandhigga iyo tii Arimaha Dibadda ayuu si toos ah gacanta ugu galiyey maamulkii Jabhadda Soomaali Galbeed. 

 

Sidaa iyada oo ay tahay, ayaa 1974kii waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay kalfadhigii sanadlaha ahaa ee Midowga Afrika (OAU.)  Damacii dadweynaha iyo doonitaankii waxgaradka gobolkaa ayaa haddaba dardar hor leh ay rag door ahi galiyeen iyaga oo is leh ka faa'iidaysta kulanka madaxda Afrika.  Raggii arintaa waday ayaa dhammaantood xabsiga loo taxaabay si aanay si qarsoon ula kulmin qaar ka mid ah madaxdii gebranayd Jubba iyo Curuba.  Ragga xabsiga la dhigay waxa ka mid ahaa Maxamed Diiriye Uurdoox, hoggaamiyihii hore ee Jabhadda Xoraynta Ogaadeenya oo la xidhay April 1974kii.  Uurdoox waxaa si toos ah xidhidiisa u amray Maxamed Siyaad.  Khilaaf hore oo ka dhashay maamulka jabhadda ayaa keenay xidhayga Uurdoox.  Sidaan soo xusnay, Siyaad wuxuu doonayey in jabhadda 100% laga maamulo madaxtooyada iyo laamaheeda kala duwan, Uurdooxna, sida Dhoodaan,  wuxuu doonayey dhaqdhaqaaq madax bannaan. 

 

Nimankaa marka gaalshireha loo dhaadhicinayo Cabdullaahi Dhoodaan wuu xanuunsanaa oo wuxuu jiifay Cisbitaalka Digfeer.  Cudur dhakhaatiirtii caajis galiyey oo ay saari waayeen ayaa hayey.  Caloosha ayaa barartay oo sidii buufimadii in badan ka hormartay jidhkiisii soohnaa.   Maalin maalmahii cisbitaalka uu jiifay ka mid ah ayaa waxaa soo booqday laba nin oo ay saaxiib ahaayeen.  Nabdaado gaaban ka dib, wuxuu Cabdullaahi Dhoodaan butaacay gabaygan oo uu nimankii ka codsaday inay Xamar ku baahiyaan.  Maalintaa tii xigtayna fay ayuu yidhi oo lugihiisa ayuu cisbitaalkii kaga baxay, cudurkiina dib looma arag. 

 

Garnaqsi wuxuu ka mid yahay gabayada Dhoodaan oo ay adagtahay in la kala hormariyo kuwa ugu horreeya.  Haddii gabayada Soomaaliyeed mar uun la baratansiin lahaa, waxaan qabaa inuu kaalinta ugu horraysa galayo sida ititibsan, maangalka ah, inna aan wax turxaan ah lahayn ee uu u garnaqsaday iyo mahadhada uu reebay ee uu anfacay qof walba oo mid kale wax ka tirsanayey awgeed.  Garnaqsi dhexdiisa waxaad ka helaysaa ugu yaraan 10 maahmaahood oo midiba ta kale ka daran tahay, lix sheeko murtiyeed mid kasta kaligeed cutubyo laga diyaarin karo, iyo 19 balan-fur ama khayaano oo gobolka Soomaali Galbeed ay ku sameeyeen nimankii Jamhuuriyadda ka talinayey iyadoo waliba dadka gobolkaa kasoo jeeda ay daacad u yihiin.  Reer Soomaali Galbeed qudhoodu ma eed la’a sida ay Cabdullaahi Dhoodaan ugu muuqato bal wuu dhaliilayaa oo wuxuu u arkaa inay gebidhaclaynayaan, taladiisiina ay diideen.  Wuxuu ku laabfayow yahay inuu yahay libaax ninkii ganay iyo kii galladay kala garan og, inuu si hufan u garnaqsaday gudoonkuna u yaalo Soomaalida ama dhagaystaha iyo inuu qaawiyey oo qeexay khayaanadii qaran ee ay ku kaceen nimankii dalka hoggaanka u hayey.  Wuxuu yidhi:   

 

·         Cabdi Gorad garaadkii markuu gabayga saaraayey

·         Gablan talo adduunneey wuxuu ugu guraabaasay

·         Macnahuu ka gooraamayaan Biixiyoow galaye

 

·         Kol hadday garkaa iyo garkaa geesna qaban weydo

·         Inaad gebi dhacdaa way xuntahay ood galgalataaye

·         Bari iyo galbeed xaajo waa mid u gawaan raace

 

·         Ha yeeshee gadnaan doodifeey geeri loo dhalaye

·         Kurus gool sideed jira mar bay guduri dhaantaaye

·         Guduudane marbuu kuu noqdaa aar gaboodyo lehe

·         Gendi weheshad baa kaaga roon xuunsho guluc dheere

·         Gudcurkiyo caddadu waa midkaan gibilku saarayne

 

·         Gojoxada ka weynee guntiga lagu gufaynaayo

·         Iska gudub gantoobkeedu sheeg taana way gabiye

·         Ka gilgilo gantaal kugu dhacaa kaaga gu'i waaye

·         God-dhaw goori iyo gawracdii laysla garan waayey

·         Cilmigaan ka goodiyahayaa taa ka guda weyne

 

·         Gogol-dhigadka maamaahdu waa gabayadaydaase

·         Gucunkeeda maansadu halkay gacan-toglaynayso

·         War guulaanti xididaysatiyo guurti laga yaabay

·         Goljeex iyo madaba way helaan inay ku goobaane

·         Ma gartaan gibbaankoo dhan iyo jaale goray-ciile

 

·         Gurdan raaca googaatamoow gaabsadaan odhane

·         Gocorkiyo ardaa niijiyoow hooy gabaan idhiye

·         Halkay gumacyadaydu u socdaan waa gun iyo baare

·         Af gurrani hadduu goob yidhaa wuu guracayaaye

 

·         Haku guban dheh waa guluc shishiyo goobadaan xidhiye

·         Hana moodin goof laga bixiyo gaaman laasa ah dheh

·         Galalaati mool howgu dhicin gawyalaan faraye

·         Gamuunkaan cirka u riday halkuu dhigan gafuurkiisa

·         Ha arkeen gulaamadii batiyo uur-ma-gaaxsade e

·         Onkod galaw ka diday baa odhan geesinimo doone

·         Markaasay gabrada laacayaan saa gobbay koriye

·         Amay goosan xabag gawlaliyo maydhax gumareede

 

·         Giddigiin ka soo guda halkaa goor horaan idhiye

·         Adigaa garaad lehee Cabdiyoow nimankan gaagaaban

·         Guddoon waxaad u sheegtaa ergada kii aad garan weydo

·         Galoofyahow garaadkaa intaad gaar isula shawrto

·         Shaki hadduuba kaa galo adoon goolka dhalinaynin

·         Kubbadaa gabaacuulsan laad haw giraan-girin dheh

 

·         Tix gamuuran oo gaaban oo caynka lagu giijay

·         Waxaan arar gadaanka ugu sudhi amaan u guud saaray

·         Suubaan galgalineed kolkuu marayo geeleenu

·         Waa say awrtu ugu guuxdo ooy halo u goojaane

 

·         Gondadegay galshadii aan dhuraad galaxsan doontaane

·         Gorod iyo gammaan iyo lo' iyo xiliyo gaadiidba

·         Gabaahiir dad laga joojiyoo gaydh qabaan nahaye

·         Igadhkaan gandaalka u sidnaa gaagaxoo lumaye

·         Anna galalafkaasaan rabaa cidaan galaaftaaye

 

·         Galbi dhabadka ciil iyo guraan goonidaw nahaye

·         Gaboodaha xajiinta leh jarcada kii aan kaga gaaray

·         Gofaniyo abees gaamuriyo weliba goodaado

·         Iyo gabaska waabeeyada ah hoosta ii galiyey

 

·         Goga junida kaan uga madhshiyo halal gamaareeya

·         Garaad-laawe moog waliba suu ii gabaanadiye

·         Golxaaliyo galaayuusna waa ficil ganbooleeye

 

·         Markuu caga gubyeysnaa ninkaan jaamaha u galiyey

·         Isaguna kabtaydii gubaan gacalkay moodaayey

 

·         Markuu geed koraayaba ninkaan badhi-gantaalaayey

·         Isna laanta ila goynayaan gacalka moodaayey

 

·         Gabadhuu jeclaadiyo ninkaan gaaridaw mehershay  

·         Isna taydii iga guursadaan gacalkay moodaayey

 

·         Guri aan furaashiyo ninkaan gogol macaan seexshay

·         Isna dhaxanta igu guuliyaan gacalkay moodaayey

 

·         Gurgurshaaga kii aan u rareen gabanada u saaray

·         Isna kaygii soo gowracaan gacalkay moodaayey

 

·         Gacantii maroodiga ninkaan galab kasii daayey

·         Isna gaws libaax igu ridaan gacalkay moodaayey

 

·         Markii laga gol roonaa ninkii aan u garbaynaayey

·         Isna shalay gollida ii dabraan gacalkay moodaayey

 

·         Ninkaan xoolihiisii gudhnaa godol kusoo taagay

·         Isaguna hashaydii gujaan gacalkay moodaayey

 

·         Galooftii madhnayd iyo ninkaan gorof u aabeeyey

·         Isna gaawahaygii jabshaan gacalkay moodaayey

 

·         Ninkaan cidhibta qodaxda uga gurayeen gunnada siiyey

·         Isna waranka ila gaadayaan gacalkay moodaayey

 

·         Ninkii aan galoolada ka jaray een gegidana u xaadhay

·         Isna gocondhi ii buulayaan gacalkay moodaayey

 

·         Garabgal iyo taageer ninkay Goobba iga keentay

·         Isna ganafka igu duugayaan gacalkay moodaayey

 

·         War gaaska iyo guutadu markay gabagabaynaysay

·         Ninkaan geela uga reebay een gaade ka ilaashay

·         Isna gulufka igu weeraraan gacalkay moodaayey

 

·         Markii laga gol roonaa ninkii aan u garbaynaayey

·         Ama gurro iyo ninkii aan guhaad goor walba u diiday

·         Isaguna i guulguulayaan gacalkay moodaayey

 

·         Ninkaan buurta guradeeda dheer anigu gaadhsiiyey

·         Ee gunteeda iga sheemayaan gacalkay moodaayey

 

·         Hadba gooshigeedee markuu libin ku geeraaray

·         Ninkaa igu garwaanlaystay baan gacalkay moodaayey

 

·         Garanuugta yaacdiyo ninkaan goodirkaw celiyey

·         Een biciidka geeska u qabtiyo faraw gadoodaaya

·         Isna geenyadaydii didshaan gacalkay moodaayey

 

·         Sidaan ugu gadaanaa ninkaa looga wada giigay

·         Een geedankiisii noqdayow waxaad i gaadhsiisay  

·         Si aan uga gayoodaba adaa guuldarro i badaye

·         Gonda-gooye ma ahayn waxaan kuu gardaadsadaye

·         Nabsi guratay goor aad heshaba waana ii godobe

 

·         Maskii good ahaa iyo ninkii loo gar qaadaayey

·         Guurtida markii loo wacee taladii loo guulay

·         Cid gungaadha xaajada kolkii goobtii laga waayey

·         Waxay gocotayoo eersatayoo gabgabo u diiday

·         Waa masaartu xidadkay gashiyo gabankay aaseene

 

·         Nin ganiyo libaax waa ogyahay kii galadayaaye

·         Adoose goomanaadaa kolkay ila gudboonaato

·         Nacab aan iskaga kaa gudbiyo hiil gabaabsiye

·         Geeridii aan kaa celin jiraan gudin u soofayne

 

·         Garnaqsaday guddoonkiina waa nin iyo gaarkiise

·         Gadaafada haddaad odhan lahayd laguma gaadhsiinin

·         Ninkaa gebiga igu soo dunshayoow soow ku garan maayo

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.