|
Garnaqsi wuxuu abwaanku tiriyey
1974kii. Waxay sababtiisu ahayd, dawladii Soomaaliya ee
xilligaa dalka ka talinaysay ayaa jahawareer badan galisay
siyaasadii ururadii gobonimo doonka ahaa ee gobolka Soomaali Galbeed
ama Ogaadeenya ka dagaalamayey. Cabdullaahi Dhoodaan sida ay
dawladdu u majara-habaabisay dhaqdhaqaaqyadaa in badan ayuu ka
hadlay mawqifkiisuna wuu caddaa laga soo billaabo 1963kii.
In badan ayuu dadka iyo dawladdaba u digay. Wuxuu abwaanku jeclaa
in dawlada Soomaaliya madaxbanayso siyaasadda ururadaa si caalamku
ugu arko ururo gudaha Itoobiya ka kacay oo xukuumadda Addis Ababa
iyo dulmigeeda ka gadoodsan. Wuxuu diidanaa in dhaqdhaqaaqa
gobonimo doonka ahi
ugu muuqdo wadamada caalamka gaar ahaan Midowga
Afrika, Midowgii Sufeeti iyo Reer Galbeedkaba
ismaandhaaf ka aloosan xadka kala qaybiya Itoobiya iyo Jamhuuriyada
Soomaaliya
Cabdullaahi Dhoodaan iyo
waxgarad kale oo badan oo gobolkaa ka soo jeeda ayaa in badan
dawlada la xaajooday arintaana inay ka dhaadhiciyaan isku dayey.
Dawladdii Maxamed Siyaadse arintaa way ka madax adaygtay wayna
diiday dhaqdhaqaaqa xornimo u dirirka ah ee Soomaali Galbeed inuu
madaxbannaanaado.
Sidaa iyada oo ay tahay, ayaa
1974kii waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay kalfadhigii sanadlaha
ahaa ee Midowga Afrika (OAU.) Damacii dadweynaha iyo
doonitaankii waxgaradka gobolkaa ayaa haddaba dardar hor leh ay rag
badani galiyeen iyaga oo is leh ka faa'iidaysta madaxda Afrika ee ku
kulansan caasimadda Soomaaliya. Raggii arintaa waday ayaa
dhammaantood haddaba xabsiga loo taxaabay si aanay si gaar ah oo aan
dawladu ogayn ula kulmin qaar ka mid ah madaxdii gebranayd hoteelada
waa weyn ee Xamar.
Nimankaa marka gaalshireha loo
dhaadhicinayo Cabdullaahi Dhoodaan wuu xanuunsanaa oo wuxuu jiifay
Cisbitaalka Digfeer. Cudur dhakhaatiirtii caajis galiyey oo ay
saari waayeen ayaa hayey. Caloosha ayaa barartay oo sidii
buufimadii in badan ka hormartay jidhkii soohnaa ee Macallinka.
Maalin maalmahii cisbitaalka uu jiifay ka mid ah ayaa waxaa soo
booqday laba nin oo ay saaxiib ahaayeen. Nabdaado
gaaban ka dib, wuxuu Cabdullaahi Dhoodaan butaacay gabaygan Garnaqsi
oo uu nimankii ka codsaday inay Xamar ku baahiyaan. Maalintaa
tii xigtayna fay ayuu yidhi oo abwaanku lugihiisa ayuu cisbitaalkii
kaga soo baxay, cudurkii inkaaraana dib looma arag.
Garnaqsi wuxuu ka mid yahay
gabayada Dhoodaan oo ay adagtahay in la kala hormariyo kuwa ugu
horreeya. Haddii gabayada Soomaaliyeed mar uun la baratansiin
lahaana, waxaan qabaa inuu kaalinta ugu horraysa ka gali lahaa, kuwii
hore iyo kuwii dambaba. Wuxuu ku billaabay Garnaqsi:
-
Cabdi Gorad garaadkii markuu gabayga saaraayey
-
Gablan talo adduunneey wuxuu ugu guraabaasay
-
Macnahuu ka gooraamayaan Biixiyoow galaye
-
Kol hadday garkaa iyo garkaa geesna qaban weydo
-
Inaad gebi dhacdaa way xuntahay ood galgalataaye
-
Bari iyo galbeed xaajo waa mid u gawaan raace
-
Ha yeeshee gadmaan doodifeey geeri loo dhalaye
-
Kurus gool sideed jira mar bay guduri dhaantaaye
-
Guduudane marbuu kuu noqdaa aar gaboodyo lehe
-
Gendi weheshad baa kaaga roon xuunsho guluc
dheere
-
Gudcurkiyo cadadu waa midkaan gibilku saarayne
-
Gojooxada ka weynee guntiga lagu gufaynaayo
-
Iska gudub gantoobkeedu sheeg taana way gabiye
-
Ka gilgilo gantaal kugu dhacaa kaaga gu'i waaye
-
God-dhaw goori iyo gawracdii laysla garan waayey
-
Cilmigaan ka goodinahayaa taa ka guda weyne
-
Gogol-dhigadka maamaahdu waa gabayadaydaase
-
Gucunkeeda maansadu halkay gacan-togaalaysay
-
War guulaanti xididaysatiyo guurti laga yaabay
-
Goljeex iyo madaba way helaan inay ku
goobaane
-
Ma gartaan gibaankoo dhan iyo jaale goray-ciile
-
Gurdan raaca googaatamoow gaabsadaan odhane
-
Gocorkiyo ardaa niijiyoow hooy gabaan idhiye
-
Halkay gumacyadaydu u socdaan waa gun iyo baare
-
Af gurrani hadduu goob yidhaa wuu guracayaaye
-
Haku guban dheh waa guluc shishiyo goobadaan
xidhiye
-
Hana moodin goof laga bixiyo gaaman laasa ah
dheh
-
Galalaati mool howgu dhicin gawyalaan falaye
-
Gamuunkaan cirka u riday halkuu dhigan
gafuurkiisa
-
Ha arkeen gulaamadii batiyo uur-ma-gaaxsade e
-
Onkod galaw ka diday baa odhan geesinimo doone
-
Markaasay gabrada laacayaan saa gobbay koriye
-
Amay goosan xabag gawlaliyo maydhax gumareede
-
Giddigiin ka soo guda halkaa goor horaan idhiye
-
Adigaa garaad lehee Cabdiyoow nimankan gaagaaban
-
Guddoon waxaad u sheegtaa ergada kii aad garan
weydo
-
Galoofyahow garaadkaa intaad gaar isula shawrto
-
Shaki hadduuba kaa galo adoon goolka dhalinaynin
-
Kubbadaa gabaacuulsan laad haw giraan-girin dheh
-
Tix gamuuran oo gaaban oo caynka lagu giijay
-
Waxaan arar gadaanka ugu sudhi amaan u guud
saaray
-
Suubaan galgalineed kolkuu marayo geeleenu
-
Waa say awrtu ugu guuxdo ooy halo u goojaane
-
Gondadegay galshadii aan dhuraad galaxsan
doontaane
-
Gorod iyo gammaan iyo lo' iyo xiliyo
gaadiidba
-
Gabaahiir dad laga joojiyoo gaydh qabaan nahaye
-
Igadhkaan gandaalka u sidnaa gaagaxoo lumaye
-
Anna galalafkaasaan rabaa cidaan galaaftaaye
-
Galbi dhabadka ciil iyo guraan goonida u nahaye
-
Gaboodaha xajiinta leh jarcada kii aan kaga
gaaray
-
Gofaniyo abees gaamuriyo weliba goodaado
-
Iyo gabaska waabeeyada ah hoosta ii galiyey
-
Goga junida kaan uga madhshiyo halal gamaareeya
-
Garaad-laawe moog waliba suu ii gabaanadiye
-
Golxaaliyo galaayuusna waa ficil ganbooleeye
-
Markuu caga gubyeysnaa ninkaan jaamaha u galiyey
-
Isaguna kabtaydii gubaan gacalkay moodaayey
-
War gaaska iyo guutadu markay gabagabaynaysay
-
Ninkaan geela uga reebay een gaade ka ilaashay
-
Isna gulufka igu weeraraan gacalkay moodaayey
-
Markii laga gol roonaa ninkii aan u garbaynaayey
-
Ama gurro iyo ninkii aan guhaad goor walba u
diiday
-
Isaguna i guulguulayaan gacalkay moodaayey
-
Garanuugta yaacdiyo ninkaan goodirka u celiyey
-
Een biciidka geeska u qabtiyo faraw gadoodaaya
-
Isna geenyadaydii didshaan gacalkay moodaayey
-
Sidaan ugu gadaanaa ninkaa looga wada giigay
-
Een geedankiisii noqdaye waxaa i gaadhsiiyey
-
Si aan uga gayoodaba adaa guuldarro i badaye
-
Gonda-gooye ma ahayn waxaan kuu gardaadsadaye
-
Nabsi guratay goor aad heshaba waana ii godobe
-
Maskii good ahaa iyo ninkii loo gar qaadaayey
-
Guurtida markii loo wacee taladii loo guulay
-
Cid gungaadha xaajada kolkii goobtii laga waayey
-
Waxay gocotayoo eersatayoo gabgabo u diiday
-
Waa masaartu xidadkay gashiyo gabankay aaseene
-
Nin ganiyo libaax waa ogyahay kii galadayaaye
-
Adoose goomanaadaa kolkay ila gudboonaato
-
Nacab aan iskaga kaa gudbiyo hiil gabaabsiye
-
Geeridii aan kaa celin jiraan gudin u soofayne
-
Garnaqsaday
guddoonkiina waa nin iyo gaarkiise
-
Gadaafada haddaad odhan lahayd laguma
gaadhsiinin
-
Ninkaa gebiga igu soo dunshayoow soow ku garan
maayo
|