Home

Higlo

                                                                            Macallin Dhoodaan

 

 

 
  • Xasanoow higlada waan arkaa, soo hadoodilane
  • Celeen hamash ah waatii lahayd, roobna wuu helaye
  • Had iyo jeerba waa lagu yaqaan, higilka doogga ahe
  • Maroodiga hurdaa geedka, uu jiifo hadhaciisa
  • Hiyiguuse daaq buu jeclaa, taana hidin waaye
  • Hanqaloocsay oo gaadhi waa, xiid haraadanuye
  • Kaasay hangaralihii dhulkiyo, habasna laaceene

  • Jiilaal hawaarsaday abaar, laysku wada hiifay

  • Habar-adhi humraa soo dhaciyo, hogo kaliileede

  • Hanqadh iyo hillaac baa xigiyo, daad haraaciye

  • Dhagar heetisaa meesha ay, ku hangalaynayso

  • Honboboro-libaaxeedda waad, sii hannaan garane

  • Dab ay huriso waa la arki jiray, digo hulaaqdaaye

  • Hudubaan khasaaraa ugu jira, ciirta uu helaye

  • Dafo hiilinaysay ahayd, taa hagooganiye

  • Haataadhus-laysaye waxay, beeni huguntaaba

  • Hurgumadiyo maashiyo wuxuu, nabar hafeeftaaba

  • Higashiyo waxay heedadoow, ku hunbulaataaba

  • Mid bay huri hillaacyada bariyo, hawda karameede

  • Haylaha casaaduu arkaa, galowga heesaaye

  • Halabada bislaateey ogowd, haaddan socotaaye
  • Boodada haldhaagaa ka weyn, haara faashadaye
  • Barruu haramacadkii dhaansanaa, cowl hogaansade
  • Hareeri iyo galool saadambay, caws huwanayaane
  • Hurduf jiije kii doortay bay, hadi ku saaraane
  • Nirig hadaftay iyo hooyadeed, way is helayaane
  • Haddaan haraga haasaawihii, kaaga wada hoolo
  • Harar iyo Halloobiye mar iyo, Helele meeshiisa
  • Heerahaad la taaliyo dadkii, howdka kula joogay
  • Umaddoo dhan haysugu halayn, kaasi waa hebel e
  • War suugaanta hano yaan adeer, haybadaa lumine

Qaarbaa gabaygan maqan, adigaana haya soo ma aha?  Noosoo gudbi, kheyr baad helaysaaye.  Hoos baan kaga soo qoraynaa in aad adigu soo dhamaystirtay gabayga. 

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.