Home

Feedho Dhagax Saar (1963) 

                                                              Dhoodaan

 

 

 


 

 

Gabayga inta maqan iyo taariikhdiisa doon.

  • Indhawayd farsamo gooniyaan, aad u faaqidaye

  • Sidii facaylkii waa, baan ka fooraraye??

  • Faqa kaligay baan meel cidla ah, ula fogaadaaye

  • Feker iyo wareer bay diliyo, faal aan ii bixine

  • Laakiin ficil idaariyo ma jiro, cid aan ku foognaaye

  • Fahmina waayey xaajadu dhankay, noola foof tahaye

  • Furaashkaba haddaad weydo waa, feedho dhagax saare

  • Foor tawsan xaajaan arkaa, oon la filanayne

  • Inta hadalka laga soo furtiyo, feedhaha iyo uurka

  • Waxay faaladii uga tageen, way fajacayaane

  • Faruuryihiyo afkuna way naceen, faafi sheekada e

  • Fahmina waayey xaajadu dhankay, noola foof tahaye

  • Fariid nacas xun waa laga dhigaa, fool adkaan jiraye

  • Fulayna geesi waa loo rogaa, fadallo waynaaye

  • ...

  • Furuut iyo farshiyo caano iyo, fuudna lagu qooshye

  • Biyo faar leh maantaan arkoo, fudad dhexyaalaane

  • Fahmina waayey xaajadu dhankay, noola foof tahaye

  • ...

 

 

Tixraaca: Garnaqsi, Qore: Maxamed C. Gurxan

 

 

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.