Home

Shaamareer  

                                                              Dhoodaan

 

 

 


 

 

     Cabdullaahi Dhoodaan wuxuu gabaygan tiriyey 1977kii , isagoo jooga magaalada Dhagaxbuur.  Waxaa la wariyey in ka dib markii jabhadihii xornimo u dirirka ahaa ee Soomaali Galbeed iyo ciidamadii qalabka siday ee Jamhuuriyaddii Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen badanka gobolkaa, meelo badan oo dhulkii la qabtay ka mid ah in bililiqaysi xumi ka dhacay.  Dhagaxbuur oo dhulkii gacanta Soomaalida soo galay ka mid ahaa ayuu Macallinku isla maalmihii la qabtayba yimid.  Makhaayad caan ahayd ayuu qaxwe u doontay.  Makhaayadii markii uu galay ayuu waayey meel uu salka dhigo.  Minqaxwihii ayuu waydiiyey "war wax lagu fadhiisto meeshu miyaanay lahayn?"  Isaga oo aan garanin ninka su'aasha weydiiyey inuu Cabdullaahi Dhoodaan yahay ayuu wuxuu ugu jawaabay "lahayd ee, ciidamadii dhulka soo galay ayaa na boobay oo bililiqaysi ba'an noo gaystay ee meelahaa iska saldhayso, ama istaagaba ku fiiqso  koobka shaaha ah."  Macallinka oo ogaa falaadxumada dhulka ka socota ayaa meel iska kadaloobsaday.

 

      Isla kolkii uu fadhiistayba, waxay indhihiisu qabteen dhallinyaro door ah oo daasado shaah ku cabbaya.  Waa daasadihii ciidamadii Itoobiya ay ka goosteen jiscinkii hilibka iyo nafaqada kaleba lahaa ee ay intifaacan jjireen.  Haddaba, dhalintii meesha ku shaahaysay mid ka mid ah ayaa Dhoodaan gartay oo intuu u yimid ku yidhi "Macallin, xornimada maad maanta ka gabaydid?"  Wuu yara muusooday, Macallinku.  Bililiqaysiga, dadka la marin habaabiyey, danaysiga gaarka ah, qado kusoo tuugga, iyo khayaanada qaran ee lagu hayo shacabka ayuu dhooroofay kolkaa ayuu Shaamareer tiriyey.  Isaga oo meelo badan wax ka tusaya shacabka Soomaali Galbeed ayuu wuxuu yidhi:

 

 

·        Shilka dhacay shaqaaqada dhulkiyo, shaarubkiyo boobka

·        Waabeeyo shiilka u bartiyo, shuushka hadhi waayey

·        Ragbaa shaash libaax leh iska dhiga, waana shurunshuure

·        Shaxshaxdu waa bilaash iyo, tab uu shariirsado e

·        Runtii shimiqda lagu dhuumin jiray, shaaracaan tubiye

 

·        Shooba shoobadii Xamar kolkay, shaandho nagu miirtay

·        Hargaysaba shux way naga heshiyo, shuuqsi maalka ahe

·        Ogaadeenya waxa shiiqiyaa, waa shirkadahaase

·        Runtii shimiqda lagu dhuumin jiray, shaaracaan tubiye

 

·        Gabayadaan shareeraayey ee, waayo badan sheegay

·        Cidna haatan kama sheelayee, waw sharaxayaaye

·        War sheelsheelin mooyee hortii, maba shihiidayne

·        Saakaan dagaal iyo shirabi, weerar shaaximane

·        Shaqalkiyo rag waa inaan shibane, kula shabaaxaaye

·        Runtii shimiqda lagu dhuumin jiray, shaaracaan tumiye

 

·        Shafeecadii ka qade Xaylihii, sheemay nolosheena

·        Shar Soomaalibaa noo badalay, oo shaxeex kulule

·        Shaamareer ma haysteen, hadduuu shiri Ogaadeene

 

·        Shucuurta aan xaqiiqada ogayn, lalase shoocaayey

·        Shinbir weeye taa malabadaa, sheedda ka eryoone

·        Ragga shilinka Soomaaliyiyo, shuumidda u jeeda

·        Ee shuuriyee alloomee dhulkee, sharac Allee diida

·        Runtii shimiqda lagu dhuumin jiray, shaaracaan tubiye

 

·        Shariif iyo Absamaha kaliyo, nimanka Sheekhaash leh

·        Shufti waalan mooyee waxaa, shaac bax uga dhaartay

·        Xeebtiyo Shalaanbood waxaa, shuuro kaga beertay

·        Waxa ii shaqee yidhi intuu, shilimo qaar siiyey

·        Sharcaa loo sinaan waxaa yidhoo, hoosta naga shiiday

·        Waxaa sheedda maad naga tusoo, laabta naga shiishay

·        Shansho iyo tagoog waxaa jabshoo, shirixsi noo laayey

·        Runta keenii sheegana waxaa, Shabaqle fiid saaray

·        Shib ahow waxaa yidhi anaa, kuu shaxaad tegiye

·        Oo shuruflihiisiine yidhi, shawshab taladooda

·        Soomaalidaa ladaba shaanbin, ee cuni shabaabkiiye

·        Runtii shimiqda lagu dhuumin jiray, shaaracaan tubiye

 

·        Shunbul raacii Soomaaliyee, dhaax na shabakeeyey

·        Shawahaadii bay nagu rogtiyo, been la shaadibo e

·        Sholdho’aysan maysaan ra’yiga, galay shafkiiniiye

·        Shanqadh inagu duullaan ah, baad sharaf u yeesheene

·        Shaamareer ma haysteen, hadduu shiri Ogaadeene

 

·        Kolba shaadhkii Xamar wiil sitaa, shuush nasoo galine

·        Rag dadkayga shaanshaan xilliyo, shalaw ka tuuraaya

·        Shaahay isiiyaanba waa, inaan sharaystaaye

·        Badowgaan shakiyin ee sadkaa, shaarubta u feedha

·        Markuu ceeb shin dhalada u taguu, dib u shalaytoone

·        Oo waa shamac nin qooshtiyo, anfaco lama shifaystaane

 

·        Shalaqooti bay nagu ridi iyo, shawli gudihiise

·        Dushay naga shammiitayn si ay, nagu shifaystaane

·        Anna siday tolkay ugu shacturi, shuufay cadawgaase

·        Shuraakaa makrigii boobtayoo, shaki lagu soohye

·        Shar-ka-cawdu jaan baa watiyo, magacii shaydaane

·        Shiiniyo waxaa lagu baryaa, shaababka Carbeede

·        Rag baa kaga shukaansada Qarbiga, shaati iyo soore

·        Runtii shimiqda lagu dhuumin jiray, shaaracaan tubiye

·        Shaamareer ma haysteen, hadduu shiri Ogaadeene

 

·        War aayaha shukada loo gashayee, sha’nigu muujay

·        Shiqinnimiyo tuugadu ma galin, shalayto Soomaale

·        Dharaartay xornimo shaawirtay, xeel shintiriyeene

·        Oo shinniyayntii buu la askunnaa, weerarkii shalaye

 

·        Shacbigay dhaceen iyo dadkay, naga shidhaysteenba

·        Shuqul xumaddii hoosaa ka daran, sheexi mahayaane

·        Xataa shibilkaaba noo dawladayn, ama shifeerkoode

·        Runtii shimiqda lagu dhuumin jiray, shaaricaan tubiye

·        Shaamareer ma haysteen, hadduu shiri Ogaadeene

 

·        Inay shabakad dheer daadsatayoo, nala shirqoolaayey

·        Calanka ay shan Soomaaliyeed, noogu shaabahato

·        Shabeelada maxaa laba ka dhigay, sheedda kala haysta?

 

·        Summadda xaashiyaha lagu shaqliyo, shiidka dawligaba

·        Shantay calanka siiyaan, maxay shaabbadu u wayday?

 

·        Markay shukaanta laba yeelatiyo, shaal xorriyadeedeka

·        Saddex baa shixnado loo qasdiyo, shaagga boodhka lehe

·        Sirtaa shayba caynka u rogtay, shaahido arkeene

·        Runtii shimiqda lagu dhuumin jiray, shaaricaan tubiye

·        Shaamareer ma haysteen, hadduu shiri Ogaadeene

 

·        War shiidaadintaa boobka ay, nagu shifaysteene

·        Shillal bay na saartayoo caqligay, noo badali shaybe

·        Shirix iyo Soomaalaa boqnaha, shaaldo nagu goyne

·        Runtii shimiqda lagu dhuumin jiray, shaaracaan tubiye

 

·        Shaadali sidii oo kalay, nagu sharaabeene

·        Shashafada sideediyo baruur, noo shariirsada e

·        Aroorkaan Shilaabo u wadnay, Shilindi geeyeene

·        Soomaaliyaa shidaadine la eed, shubidda geeliiye

·        Kol hadday shidaaradi gashana, damacii shaashoowye

·        Tooda nimaan shishlaynoo dagaal, kugu shuqaynaaya

·        Shakaalkaa inaan ugu jirraa, waw shirbiyo guule

 

·        Shardi weeye xaajada inaan, di b uga shawraaye

·        Shamsada Bari Shaxdiyo Ayshaciyo, sheedda Harar oo dhan

·        Shakooraha Sidaamiyo Hawaas, Shaakis iyo Baali

·        Durur shalaxle webi shawle iyo, togaan sharuur beelin

·        Wax ku shaakhsanaa iyo haddii, loo shalwado Koonfur

·        Dhulkaasaa shubbaantii lahayd, shawshabtaa Xamare

·        Shucuubtaay ka fiirsoo haddii, layska shabin waayo

·        Shuli-haaluf beeshoo ah iyo, waa shuf taladiine

·        Annigana shakhsiga ii dudoow, maad shudada dhawrtid

 

      Si aan taariikhda gabayga u saxo waxaan eegay buugga Garnaqsi ee uu qoray Maxamed C. Gurxan

 

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.