Home

Maxaa iigu Jira (1968kii) 

                                                              Dhoodaan

 

 

 

 

 

Gabaygan taariikhdiisa soo raadi.  Wuxuu yidhi:

  • Indhawayd mabaadii kalaan, mihindisaayaaye

  • Maaweeladii iyo ka tagay, majadii gabaye

  • Ceel maaxsan baan shubaayaa, maalin iyo leyle

  • Ii muuqan maayaan waxaad, idinku moodeene

  • Maadooyinkaan fiiriyaa, waaba meel kale e

  • Anoo maqan haddii la i arkoo, madaxa laalaadshay

  • Miisaanadaan beegi iyo, rodoladaan miiso

  • Markab aan xambaartiyo ka culus, moodhar aan sido e

  • Mashaariic sidaasaa igu furan, Eebahay magane

  • Murug iyo wareer baan qabaa, layna moog yahaye

  • Calool muusanawday dishiye, ima maqalaysaane

  • Nin marqaan u jeediyo xarrago, hay malaynine e

  • Maxaa yeelay maamustii way, macangagaayaane

  • Maar dheeshay waa lagu hubaa, miridh aroortiiye

  • Mooraal habaas yeeshay baan, maydh is leeyahaye

  • Militariga Soomaalidow, bal laan ku maaweelsho

  • Malkada ugu horaysana haddaan, madaxa guubaabsho

  • Margi balaqa awrkii hoggaan, lagu makaabeeyey

  • Kan xidhiidhka la isugu maree, daba mushaaxaaya

  • Tallaabadiyo miidaankuu socdaa, ways matalayaane

  • Oo geelii mildhaawuhu qabtee, didayey ee maagtay

  • Miyil-weynkii baa loo tumiyo, neef u maakar ahe

  • Maahmaahdu saasay ahayd, waanad maqasheene

  • Marmaroor tusyaa iyo jidkii, toosan mariyaaba

  • Siduu ula macaamilan jiriyo, maamulkuu barayey

  • Ardaygu meel uunbuu uga ekaan, macallinkiisiiye

  • Masaladaa halkaasoo kalaan, kaaga maakibiye

  • Offishaalaha miidhanoow, mooyi say tahaye

  • War gaadhigan marsada kii hayee, waday mashiinkiisu

  • Mitir maylka shaallee hadduu, maanka ka illaawo

  • Amase uu jidkuu marin lahaa, miino kaga aaso

  • Mashaqiyo dadkii fuushanaa, mawdba waw halise

  • Sheekada macaan ee dhagaha, layska maqashiiyo

  • Iyo dawgii muuqday oo si kale, loo macaamiliyo

  • Masiibiyo inay cudur tahaan, marag u haystaaye

  • Mataankaagii ood xaasidaa, murugaday keento

  • Carabtii midowdaa og iyo, kii macooda ahe

  • Masarba waa wixii lagu qabsaday, gacal la moohaaye

  • Offishaalaha miidhanoow, mooyi say tahaye

  • Dadka magaca Soomaaliyee, meel kastaba jooga

  • Ee ministarada qaar yihiin, madaxda loo sheego

  • Ee qaar masuulka yihiyo, mudanayaashiina

  • Ee qaar maxkamadii noqdeen, moodeeyno xukaanta

  • Ee qaar shaqaalaha markaa, miisa yahay hawsha

  • Ee qaar iskuulada murtida, looga marinaayo

  • Ee qaar macallimiin yahee, wax u micnaynaayo

  • Ee qaar magaalada dagee, qaar miyiga joogo

  • Ee qaar mushtariga yahee, moodka gadanaayo

  • Ee qaar musheekhdii yahee, dhigaya Mowliidka

  • Ee qaar gumaysigu mutee, dhiiga laga miirto

  • Ee qaar maatada yihiyo, muunadaa dhalatay

  • Ee qaar mardaadiga xarrago, wada mushaaxaayo

  • Ee qaar  maxaabiista yahay, manida tuugaysa (money)

  • Makhluuqaa aan soo sheegayee, kala meeqaan liita

  • Cudur wada maseeyaa jiroo, aan mid uga laabnayne

  • Maxaa iigu jira weeye oon, maaro loo heline

 

 

Tixraaca: Garnaqsi: Maansadii C.M.A Dhoodaan. Qore: Maxamed C. Gurxan

 

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.