Home

Qalbi Karbaash

                                                  Dhoodaan

 

 

 

Xaflad lagu maamuusayey daahfurkii Kulyadda Lafoole, kolkii ay noqotay kulyad madaxbannaan badhtamihii 1970aadkii, oo isla Lafoole lagu qabtay ayuu Dhoodaan gabaygan ka tiriyey.  Maxamed Siyaad iyo madaxdii Kacaanka midi kama maqna, seefta Tawradduna way xiiraysaa.  Billowga wuxuu gabayaagu ku halqabsaday nin wadani ahaa oo la odhan jiray Maxamed Ismaaciil.  Ninkaa Soomaalidii Ingiriiska dabadhoonka u ahaydi waxay ku naanaystay Balaayo-cas, kolkii xornimada la qaatayse waxaa loogu baddalay Barkhad-cas.  Isagu wuxuu nebcaa bisha Febraayo oo wuxuu xusi jiray wakhtiyo badan oo uu gumaysigu Afrika hoojiyey bishan dhexdeeda.  Sanad walba markay Febraayo soo dhawaato ayuu isla kacaa oo uu ku balweeyaa

 

Bishani waa bishii tolkeen ba’ayey; bishani waa bishii balaayada eey

 

Dhoodaan isagoo ujeedadiisu tahay in ninkaa taariikhdiisa la muuneeyo ayuu gabayga billowgiisa ku xusay.  Dabeed wuxuu ka hadlay qodobo badan oo uu Kacaanku ku dhawaaqay, hirgalintoodana balanqaaday hase yeeshee aan waxba ka fulin.  “Waa la yidhi ee ma yeeleen ayaa meesha ku jirta.  Waa maya.” ayuu Dhoodaan yidhi.  Erayo ammaan u eg asii gabasho ah ayuu ku hormaray.  Ninkaad gaadayso ninbaa loogu gabadaa, sidaa darteed dhufays ayuu qaadanayaa oo inuu isa soo mutuxo dabadeed ay seefta waalidu la tagto, ama uu u ilduufo oo ay durba fahmaan oo ay yidhaahdaan ninku saw kii saa yiri ma aha ayuu diidan yahay.  Wuxuu doonayaa inay fahmaan mar uu ka tashaday oo uu Jawhar kor u dhaafay. 

 

Intaa ka dib, wuxuu u gudbay hadafkiisii dhabta ahaa oo uu weerar ku qaaday Maxamed Siyaad.  Bishimo gaabnaha iyo burjuwaasiga ciilka qababa waxay ku dhacayaan Ina Siyaad.  Dabeed wuxuu u gondodegay xalkii, waana halkan meesha uu gabaygu afgembiga buuxa noqonayo.  Wuxuu ku dirayaa raggii saraakiisha ahaa ee dhuunta wada casaa oo uu leeyahay ninka dadka iyo dalkaba ka qabta.     

 

Markii uu Harar tagay ee ay gabayadiisii badnaa ka baxeen idaacadihii Addis Ababa iyo Harar ayaa wuxuu Kacaankii Xamar ka talinayey afarta fool iyo afarta adinba isugu geeyey sidii uu u heli lahaa gabay uu Dhoodaan ku amaanay Tawradda.  Rag badan ayaa la hawlgaliyey oo xataa Jacburkii ayey ka baadheen.  Waxay u daydayayaan oo ay muhiimaddu tahay inay isku garaacaan gabayadiisa ka baxa Harar iyo Addis Ababa iyo kuwii uu horay uga sii daayey Soomaaliya, sidii ay isu garaaci jireen maansada rag kale oo badan oo uu ka mid ahaa Cabdi Muxumed Amiin.  Cabdi waa kii Xamar kaga heesi jiray: cimrigii jiryow caynaanka hay, hay, hay, waligaa hay, kolkii uu Itoobiya tagayna waa kii lahaa: cimrigii jabyow caynaanka daa, daa.  Laba-aflayntaa ayey ka faa’iidaysteen oo intay rag aftahamo ahi isu dabamaraan ayey odhan jireen “Cabdi ma hadda oo uu cadowga u galay ayuu quman yahay mise markii uu sidan halkan ka lahaa ee uu Xamar joogay ayuu qumanaa.” 

 

Daydaygii waxay kusoo heleen Qalbi Karbaash.  Aad iyo aad ayey u riyaaqeen oo telefoonkii iyo fariintii ayaa waashay - isu kaalaya waa kanee.  Qalbi Karbaash aad ayaa loo dhagaystay.  Wuxuu soo maray Oktoobar Kacaankii dhashee baylahtiray ciidda, nimankii noo baaqay arintoodu way fiicnayd, nimankii saa yidhi ee saa yidhi, ee taa yidhi ee taa yidhi oo waxay yidhaahdeen oo miidhan ah.  Kolkii uu gaadmadiisii bogtay ee uu soo gaadhay:

 

Laakiin bishimo gaabnihii dib u biqlaynaayey

Eee bariba nooca u ekaa haatan soo badaye 

 

ayuu dhaylaaskii qaayisay oo dib u gudhay.  Afkaa dhagta laysu wada saaray, hooga, adoogaa Alla shid, war ma gabaygakan baa taageero ah!  In gabaygu afgembi buuxa yahay ayaa layska dhaadhiciyey.   

 

Intaa waxaa weheliyey Dhoodaan oo idaacadii Harar gabaygan iyo kuwo kaleba kasoo macnayn jiray isagoo Maxamed Siyaad ku leh “kuwii ku ag joogay ayaa fahmi waayey ee gabaygu  waa afgembi buuxa.”  Si kastaba ha ahaatee, Kacaanku waa uu waayey, hal gabayna Allaha ka dhigee, mid gabayada Dhoodaan ka mid ah oo uu ciirsado.  Qalbi Karbaash wuxuu ahaa:    

 

·         Abwaankii buxuur ihi markuu, gabayga baandheeyo

·         Bidili[1] weeye bayduu ka tagay, ood bedeletaaye

·         Rag horaa bisleeyeye intuu, gun iyo baar sheegay

·         Markhaatiga bakhayl yaanan noqon, uga ba’aayaaye

 

·         Barkhad Casba sidduu Feberweri, bacawnimow saaray

·         Sannadda isku buuxda intay, kaa dul bilanayso

·         Mid bay bilidu kaa foorartaa, oo balaayo ahe

·         Midna badhaadhihiyo khayrba, waa lagugu beegaaye

·         Bishan ay tilmaameen iyadoon, dhawr kal barakownay

·         Mar ay laba tobnaad buuxsantayoo, barina sii dhaaftay[2]

·         Birmadkiyo kacaankii dhashayee, baylah tiray ciida

·         Ee booli quutaha eryiyo kii, shacbiga boobay

·         Ee gacal isbiirsada ka dhigay, beeshii kala guurtay

·         Ee bannaanka maatadii qubnayd, beer cunto leh geeyay

·         Ee inay sirteenu baxdiyo, baadi ka ilaashay

·         Ee baankii noo soo dhacshiyo, waliba batroolka[3]

·         Ee yidhi bilaash nama dhaqdee, aan runta u baydhno

·         Ee yidhi xaqiyo baadhilkii, aynu kala baadhno

·         Ee yidhi ninkii boobayow, joogso bi’i waaye

·         Ee webi butaacsada na yidhi, oo baryada diida

·         Ee yidhi dhaqaalaha badh bay, naga bulaayaane

·         Innaba beero aan yeelanee, badar inoo shiida

·         Ee yidhi jahligu waa balee, aan tacliin barano

·         Ee boqol kun baadiye u diray, oo buraashado leh

 

·         Ragga bigilka dheer noo tumiyo, madaxda noo baaqday

·         Barwaaqo iyo guul baan Illaah, uga baryeynaaye

·         Iyagiyo bishay noo kaceen waa, wax loo bogo e

 

·         Haddaan nahay bar iyo hawlwadaag, bacad kasoo guuray

·         Amaan nahay walaalihii la baxay, tawrad barakaysan

·         Durba si aan baqoolaha filkeen, baac u wada dhaafno

·         Waa inaynu boogtoo dhan iyo, bararkii doonaaye

·         Dabeedna ay bogsootaa halkii, cudur la buurrayde[4]

 

·         Balan adag sidii loo dhigtayeen, daacad ugu baaqnay

·         Ama hawsha laysugu barteen, barantankaw yaacnay[5]

·         Bilcan iyo duq booshiyo dhallaan, ama barbaar wiil ah

·         Nin beerliyo nin baadiya jiriyo, balad wixii joogay

·         Burhaantii Siyaad noo marshiyo, baaqii golaheenna  

·         Bayaan amarkii way noo fareen, badhaxna ma ahayne

·         Laakiin bishimo gaabnihii dib, u biqlaynaayey[6]

·         Ee bariba nooca u ekaa, haatan soo badaye

 

·         Burjuwaasigii ciil qabay baa, buul madoow galaye

·         Hadba wuxuu mid soo buufiyaa, amuu bilkeydaaba[7]

·         Badhar jaad ah madax loo gadoo, biir cabtuu helaye  

·         Markaasuu barkimadow dhigtoo, been ku duufsadaye

·         Basarkaa inay suubiyeen, waxaa buruufkii ah

·         Ha bariidsan beecqaali iyo, badaw cabaadkeeda

·         Barbar kale markaan fiiriniyo, suu dadku u buuqay

·         Billaahi baan ku dhaartiyo Allihii, baaqiga ahaaye

·         Gardarro loo badheedhaa jirtoo, laga baroortaaye

 

·         Shaqaaliyo reer balad qofkii, bayr la galansiiyo

·         Madaxduna u baantaa xafiis, wuu ka baygagiye

·         Xaq bidhaamay oo jira qofkii, laga bacaad saaro

·         Wax baan kuu bannaanayn haddii, lagula soo boodo

·         Waa si ay niyada baariga ah, uga baduugaane[8]

·         Berri maxaan sameeyaa unbuu, baaqi ku ahaane

·         Inkastuu bad qabay ruuxu sow, dan u bukoon maayo[9]

·         Oo qalbigii budh weyn lala dhacaa, soo burburi maayo?

 

·         Boqno-gooye saasaa jiroo meel, u baarqab ahe

·         Dhawr[10] badatay iyo reer haddaad, bahal ka oodayso

·         Bilcil iyo haddaad geed quwaax, buuran ku adkayso

·         Dugaagii baruur cunni jiraa, bawd ka soo dhiciye  

 

·         Buntukhaagii fiicnaa adigoo, boodhka ka afuufay

·         Bariisada haddaad raadsatiyo, waaga barigiisa

·         Cagta bagafsan meeshuu dhigiyo, buruqdii kuusnaydba

·         Buur iyo dhul baadlaba intaad, bixiso raadkiisa

·         Barbarkii dabayshiyo urtana, aad isaga buusto

·         Isagoo bogga cadaynayoo, geed barqadii jiifa

·         Intaad bidix kasoo toogataad, balaq ka siisaaye

·         Sidaasaad libaaxii ba’naa, kaga badbaadaaye

 

·         Kuwii baday dadweynaha sidaa, amaan ka booyayno

·         Raggiina aan baqayninoow inaad, baafisaa jidahe

·         Oonu booca saad ugu dhegtaan, baga nidhaahnaaye

·         Haddii kale baq dhay lagu daraybaa, barradii noo yaale

·         Buqbuqood hadduu subag burcada, dhali baxnaaneeya

 


 


[1] Biddili waa wax yar oo dhif ah. Wuu ku xaalufin oo hadalkuu kaa dhammaysan sidaa awgeed ma helaysid meel aad kasoo gasho oo goldaloolo ah.

[2] Oktoober 21keedii ayuu dhufays ka dhigtay.

[3] Waa markii ay Tawraddu qaramaysay bangiyadii iyo shidaalkii dalka soo geli jiray.  Talyaani ayaa hore u haystay labadaba.

[4] Wuxuu u arkaa in Kacaanku milil korkii dhayayo.

[5] Waa bacaad-celintii iyo wixii faa’iido la’aanta ahaa ee dadka lagu mashquuliyey.  

[6] Ma doonayo inuu yidhaahdo laakiin bishimo weynihii oo waa la fahmi haddii uu sidaa yidhaahdo.

[7] Amuu yoolbaadhaba.

[8] Dadkii waxay yidhaahdeen raacay ayey qalbi-karbaashayaan.

[9] Qofkii isagoon Kacaan-diidba u qasdin sow kaa dan u bukooday ma aha.

[10] Dhawr iyo dugaag waa isku mid.  Waa so’ ku noosha dawaco u yar tahay libaaxna u weyn yahay.  Oodaay dhawrtiyo dhaxantaba celi ayey reer miyiga xoolaha oodayaa ku heesaan.

 

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.