|
Dad kooban oo caamo u badan ayaa waxay
Dhoodaan ku eedeeyaan inuu dawladii Maxamed Siyaad durba mucaaraday oo uu collaad xun
u qaaday kadib markuu ka wiswisay falalkii foosha xumaa ee ay kula dhaqantay
shacbigii Soomaali Galbeed ama Ogaadeenya. Dadka sidaa aaminsani waxay
inta badan daliilsadaan gabayada faraha badan ee uu Dhoodaan ku fadeexeeyo
dawladii Siyaad Barre, gabayadaa oo ku noqday Jeneralka iyo xukuumadiisiiba
falaadh ka tagaan wadnaha garkiisa.
Waxay haddaba dadka Dhoodaan ku
eedeeya arinta noocaa ah ilowsan yihiin ama ay ka ilduufeen qayb weyn oo ka mid
ah taariikh nololeedkii iyo taariikh halgameedkii abwaanka. Wuxuu abwaanku
ka mid ahaa hal-abuuradii Soomaaliyeed ee soo dhaweeyay
dawladii militariga ahayd ee Soomaaliya ka dhalatay 1969. Dhoodaan isagoo ka biyo diidsan xukuumadii rayadka ahayd ee ka hor 1969 dalka ka jirtay, ayuu
wuxuu ku casuumay kuna soo dhaweeyay kacaankii gabayo badan, gabayadaas oo isugu
jiray digniin iyo tusaalayn uu lee yahay dalka iyo dadkiisa wax haloo qabto,
yaanan xoolaha dadweynaha la xalaalaysanin, Soomaalida maqanna hala raad goobo
oo Soomaali Weyn hala mideeyo. Waa kuu lahaa:
-
Gabayaal caraabin ah intaan,
kugu casuumaayey
-
Allow talis cidhib goo ma
odhan, caawa ka hortoow e
-
Ceefado aan yeeshiyo dacwada,
mid aan ku cayntaarsho
-
Iyo waxaan ugu cafaariirsadaa,
caawa ii baxaye
Haddaba Dhoodaan markuu wax
dheg u dhiga waayey, talooyinkii iyo tusaalayntiisiina waxba laga soo qaadi
waayey, dawladii kacaankuna ay musuqmaasuq iyo khayaamo kula dul wareegaysatay
danihii Soomaaliyeed, dadkiina laysku habaabiyey lana iska hor iyo daba keenay,
culumadii ay Maxkamad jaa'irad ahi raasaas howda kaga saartay, wax garad iyo
aqoonyahana waxba laga maqli waayey, ayuu abwaanku wuxuu arkay inuusan Maxamed
Siyaad
u haynin wax maslaxo ah umadda Soomaaliyeed ee jamhuuriyada ku dhaqan gaar ahaan,
guud ahaana Soomali Weyn iyo halgankii gobonimodoonka ahaa ee uu Dhoodaan
horseedka ka ahaa ee lagula jiray gumaysiga Itoobiya. Markaa ayuu mucaarad
dalacay oo uu col xiira-xiira ah ka noqday danbi-falayaashii iyo dawladii
dhiigmiiradka ahayd ee Xamar ka jirtay.
Qalbi Karbaash waa gabay ka mid
ah gabayadii uu abwaanku ku dhiiri galinayey xukuumadii Soomaaliyeed una
sheegayey inay waddada toosan qaadaan haddii ay rabaan guul iyo gobonimo waarta. Wuxuu Cabdullahi
Dhoodaan carabka ku dhufayaa bilowgii horre ee
Kacaanka waxyaalo badan oo uu qabtay sida qoridii Afka Hooyo, Ololoyaashii
Horumarinta Reer Miyiga, Isku Tashi iyo Iskaa Wax u Qabsadii la dhiiri galiyey
iwm. Dib bayse ka cantatabtay oo ay cagta marisay dhamaan wixii wanaag ahaa ee
ay samaysay, markaas weeye markuu Macallin Dhoodaan diiday inuu wax ka dhagaysto ama uu
ku biiro raggii durbaanka u tumayey Maxamed Siyaad. Muwaadhin iyo halgamaa ka
horeeya Dhoodaan kama dhalan Soomaaliya tan iyo Sayid Maxamed Cabdille Xasan.
Wuxuu yidhi:
-
Abwaankii buxuur ahi markuu gabayga baandheeyo
-
Bidili weeye bayd uu ka tagay ood bedeletaaye
-
Rag horaa bisleeyee halkuu gun iyo baar sheegay
-
Markhaatiga bakhayl yaanan noqon uga ba’aayaaye
-
Barkhad Casba sidduu Feberweri bacawnimo u saaray
-
Sannadda isku buuxda intay kaa dul bilanayso
-
Mid bay bilidu kaa foorartaa oo balaayo ahe
-
Midna badhaadhiyo khayrkii baa lagugu beegaaye
-
Bishan ay tilmaameen iyadoon dhawr kal barakownay
-
Mar ay laba tobnaad buuxsantay ooy barina sii dhaaftay
-
Birmadkiyo kacaankii dhashay ee baylah tiray ciida
-
Ee booli quutaha eryiyo kii shacbiga boobay
-
Ee gacal isbiirsada ka dhigay beeshii kala guurtay
-
Ee banaanka maatadii qubnayd beer cunto leh geeyay
-
Ee inay sirteenu baxdiyo baadi ka ilaashay
-
Ee baankii noo soo dhacshiyo waliba batroolka
-
Ee yidhi bilaash nama dhaqdee aan runta u baydhno
-
Ee yidhi xaqiyo baadhilkii aynu kala baadhno
-
Ee yidhi ninkii boobayoow joogso bi’i waaye
-
Ee webi butaacsada na yidhi oo baryada diida
-
Ee yidhi dhaqaalaha badh bay naga bulaayaane
-
Inaba beero aan yeelanee badar inoo shiida
-
Ee yidhi jahligu waa balee aan tacliin barano
-
Ee yidhi baryadu way xuntee beero aan falano
-
Ee boqol kun baadiye u diray oo buraashado leh
-
Raga bigilka dheer noo tumiyo madaxda noobaaqday
-
Barwaaqo iyo guul baan Ilaah uga baryeynaaye
-
Iyagiyo bishay noo kaceen waa wax loo bogo e
-
Haddaan nahay bad iyo hawlwadaag bacad kasoo guuray
-
Amaan nahay walaalihii la baxay tawrad barakaysan
-
Burgada saan baqoolaha filkeen baac u wada dhaafno
-
Waa inaynu boogtoo dhan iyo bararkii doonaaye
-
Dabeedna ay bogsootaa halkii cudur la buurrayde
-
Balan adag sidii loo dhigtay een daacad ugu baaqnay
-
Amase hawsha laysugu bartiyo barantanka u yaacnay
-
Bilcan iyo duq boosh ah iyo dhalaan ama barbaar wiil ah
-
Nin beerliyo nin baadiya jiriyo balad wixii joogay
-
Burhaantii aan soo marshiyo baaqii daba joogay??
-
Bayaan amarkii waataan u faray badhaxna ma ahayne
-
Laakiin bishimo gaabnihii dib u biqlaynaayey
-
Ee bariba nooca u ekaa haatan soo badaye
-
Burjuwaasigii ciil qabay baa buul madoow galaye
-
Hadba wuxuu mid soo buufiyaa amuu bilkeydaaba
-
Badhar jaad ah madax loo gadoo biir cabtuu helaye
-
Markaasuu barkimo u dhigtoo been ku duufsadaye
-
Basarkaa inay suubiyeen waxaa buruufkii ah
-
Ha bariidsan beec qaaliya iyo badaw cabaadkeeda
-
Barbar kale markaan fiiriniyo suu dadku u buuqay
-
Billaahi baan ku dhaartiyo Allihii baaqiga ahaaye
-
Gardaro loo badheedhi baa jirta oo laga baroortaaye
-
Shaqaaliyo reer balad qofkii bayr la garansiiyo
-
Madaxduna u baantaa xafiis wuu ka baygagiye
-
Xaq bidhaamay oo jira qofkii laga bacaad saaro
-
Wax baan kuu banaanayn haddii lagula soo boodo
-
Waa si ay niyada baariga ah uga baduugaane
-
Berri maxaan sameeyaa unbuu baaqi ku ahaane
-
Inkastuu bad qabay ruuxu soo dan u bukoon mayo?
-
Oo qalbigii budh weyn lala dhacaa, soo burburi maayo?
-
Boqno gooye saas ah baa jiroo meel u baarqab ahe
-
Dhawr badatay iyo reer haddaad bahal ka oodayso
-
Bilcil iyo haddaad geed quwaax buuran ku adkayso
-
Dugaagii baruur cunni jiraa bawd ka soo dhiciye
-
Buntukhaagii fiicnaa adigoo boodhka ka afuuftay
-
Bariisada haddaad raadsatiyo waaga barigiisa
-
Cagta bagafsan meeshuu dhigiyo buruqdii kuusnaydba
-
Buur iyo dhul baadlaba intaad bixiso raadkiisa
-
Barbarkii dabayshiyo urtana aad isaga buusto
-
Isagoo bogga cadaynayoo geed barqadii jiifa
-
Intaad bidix kasoo toogataad balaq ka siisaaye
-
Sidaasaad libaaxii ba’naa kaga badbaadaaye
-
Kuwa baday dadweynaha sidaa amaan ka booyayno
-
Raggiina aan baqayninoow inaad baafisaa jid ahe
-
Oonu booca sidaad ugu dhagtaan baga nidhaahnaaye
-
Haddii kale baq dhay lagu daraa barradii noo yaale
-
Buqbuqood hadduu subag burcada dhali baxnaaneeya
|