Home

Xulub Socod (1975)

                                                 Dhoodaan 

 

 

 

Xulub Socod wuxuu Macallinku unkay 1975kii isaga oo jooga magaalada Hargaysa.  Waa gabay dhaxalgal ah oo uu Soomaali haddii hadal wax daaweeyo dhinac walba wax kaga tusay.  Siddii caadada u ahayd Dhoodaan xikmad qafilan ayaa gebiyada sare haysa gabaygan.  Wuxuu yidhi madaxiisa Allaha raajiyee:

 

  • Xaashaa lilee beenta, waa laga xishoodaaye

  • Hadalna wayga xaraansanayd, xigashadiisiiye

  • Kolba gabaygu meeshuu xuliyo, maanso xubinteeda

  • Markaan helo xusuus muuqateen, xaraf ku miisaamo

  • Xariiqdiisii waa inaan marshoo, xididkii raacaaye

  • Maantana xaggii uu jiray baan, kaaga xaadirine

  • Anoon xerada Soomaaliyeed, xumo ku sheegaynin

  • Xog ogaaal dabciga waa inaan, ku xabbad qaadaaye

  • Allow xoolo keen buu yidhaa, kii xaniif ahuye

  • Xoogaa dharaartuu helee, loogu shubo xeedho

  • Xusbadda u horaysaaba waa, Xaali la ciyaare

  • Xikmadaha asaageen watee, xoogga  lagu yeesho

  • Rag Allow maxaa naga xayira, waa xujiyo yaabe

  • Barashada xageediyo cilmiga, kii aan ku xisaabno

  • Shahaadooyinna u xaadiree, dhowr xilliba qaatay

  • Xafiis kaligii uu maamushey, xiiso ka hayaane

  • Xikmadaha asaageen watee, xoogga lagu yeesho

  • Rag Allow maxaa naga xayira, waa xujiyo yaabe

  • Xirfad iyo garaad kii isbiday, ee xornimo gaadhey

  • Xeebaha dhulkiisiyo ma baran, geed xanjaala ah

  • Xukunna maa la ii dhiibto buu, xuuxda la hayaaye

  • Xikmadaha asaageen watee, xoogga lagu yeesho

  • Rag Allow maxaa naga xayira, waa xujiyo yaabe

  • Xaqsoornimada kii laga rabeen, xeerarka u dhiibno

  • Miduu ximiyo miduu xaasidiyo, miduu xabaalaayo

  • Iyo miduu xanaaq kula dhaciyo, miduu ku xayraamo

  • Iyo xamaga qaar uu hayoo, xaangabshoow fudude

  • Xujur galiye saasaa batiyo, howl xanibayaale

  • Xannaaniyo wanaag kii mudnaa, xaabuq baa dilla e

  • Xikmadaha asaageen watee, xoogga lagu yeesho

  • Rag Allow maxaa naga xayira, waa xujiyo yaabe?

  • Xalaal quute kii sheegan jiray, ama xadraynaayey

  • Xaabxaabka dagan wuu yaqaan, inuu u xeebtaaye

  • Wuxuu ribada xoogaa faraha, kaga xantaystaaba

  • Hadhowbuu xashimo buuxsadaa, xaydhna bararaaye

  • Boolida xantoobayso iyo, xagafsi mooyaane

  • Xikmadaha asaageen watee, xoogga lagu yeesho

  • Rag Allow maxaa naga xayira, waa xujiyo yaabe?

  • Is xalxalidu way fiican tahay, la xaragoodaaye

  • Intuu xabawarkaa yahay aduun, ee xiqdigu yaalo

  • How xilan xariirtoo dhan, waa la iska xooraaye

  • Dadku inuu xamaashaa ka roon, inay xaraamaane

  • Xikmadaha asaageen watee, xoogga lagu yeesho

  • Rag Allow maxaa naga xayira, waa xujiyo yaabe?

  • Adduunyada xinbow yaala iyo, xadhig maleegaase

  • Xaska haatan laysugu jiree, gool xawariyoobay

  • Xadaafiirta maakiban hadaad, yaraha xaalayso

  • Xodxodada wanaag ha u malayn, waa xarfado baase

  • Xanbaariyo tabcadi dhaaftay iyo, weerar ku xabbaadhe

  • Xurmo laysku gaadaa jirtiyo, xeelo dhabar wayne

  • Xaataa hadaad odhan lahayd, muu xayi u sheego

  • Xublayntiyo is xuuraanka iyo, xooftadiyo baaqa

  • Xulub-socodka goob xaadhashada, xagarro food saarka

  • Xudh labixida laas xadhandhansiga, xooxsi kala boobka

  • Xufuufaynta xabag giijintiyo, xeego daba roorka

  • Xagagabadka xoodaanmiskiyo, xabag dhunkaal siinta

  • Xuduud dhowr xamaan waabashada, cimilo xayndaabka

  • Xaskul guradka xigin faagashada, maylimo xaquuqa

  • Xalaash tumadka xanaf taabashada, waramo xiirsiinta

  • Xakab dhigadka xalay oon baxsiga, xorod karkaar goynta

  • Xaq duudsiga dantaa xurursadkiyo, god u xayaanbaynta

  • Xidhiidh tacabka xarun booqashada, xaafad tamashlaynta

  • Joornaal xaradhka duulaan xirsiga, qolo xajiimaynta

  • Run xasaynta been iyo xasarad, xayn isugu yeedhka

  • Xusul duubka xoon beerashada, hadal xawaasheynta

  • Xasil doonka xadataysigiyo, xannano oodayska

  • Xaladaynta xaashiyo qorkiyo, war isla xaydxaydka

  • Xis ka luminta duur  soo xulkiyo, xuub isagu gaarka

  • Xaad u fudhida xowdheer qarsoon, xoodh iskaga siibka

  • Xareed awdka dhoobada xargagan, haamo ku xamaynta

  • Xatooyada is daba xiinka iyo, xaajo qiran waaga

  • Rag xaftiyo xigtoodaba ka maal, oo xunbo u reebka

  • Xoday iyo xangeeyo u liskiyo, xoor dusha u saarka

  • Xanfarkiyo xugtiyo toobinkiyo, soo xinjiro nuuga

  • Xashiish buulka xaasaan dabkiyo, xaabo guratayska

  • Xawaaraha ka dhacay xuutaddiyo, xuunsho dalandoolka

  • Xanto gaadhay xidinxiidka iyo, jiif xamili waaga

  • Adduunkii xasili maayo oo, laysla wada xiiqye

  • Xiddigiyo markii aad waqtigan, xaalufka ah dhowrto

  • Xunguguro tirsiga faalku sheeg, oo ximroow baxayee

  • Qoladii xagluhu ay dabcaan, xays balloow di’iye

  • Siddii xamar gammaan bay walee, u xakamaysnaane

  • Hadaad xaydaan xaydda Soomaliyeed, sii xiribo baadhno

  • Inagays xakaaree kolkaan, muran xidaynayno

  • Murti baan lasoo xaadiraa, waliba xeel dheere

  • Xagtimaha dhexdeenaba waa, ka xantanaynaaye

  • Xurguftii aan weynaynba waan, xarakadaynaaye

  • Markaasaa Xirsiyoow Xaashi daa, lagu xabeebtaaye

  • Is xaduurintaas oo kale iyo, xararoow mooyaane

  • Xurfadaha gumaysigu qotiyo, dabinkuu xoodaayo

  • Xaqiiqada waxaynaan arkayn, taa xanuunka lehe

  • Xidaarnimo maxay tari haddaan, la is xil-qaamaynin

  • Wixii nacabka layskaga xajaa, sow xarbiga ma aheee

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.