Home

Yaa Kasbaday (1978) 

                                                              Dhoodaan

 

 

 


Yaa Kasbaday Cabdullaahi wuxuu tiriyey horraantii 1978kii.  Kabaxaaydii gobolka Soomaali Galbeed ay ciidamadii Jamhuuriyadu sidii deero ilqoodhka ka aragtay Shabeel u gabbanaya ay uga soo afarqaadeen ayuu aad uga xummaaday.  Hargaysa isaga oo markaa tagay ayuu wuxuu ku billaabay:

 

 
  • Umma kiilo maansada, siddii xuud kalluunsada e

  • Kasha muran ku yaaley xikmadi, kilinkilaysaaye

  • Kulcubaha xiskay dooda iyo, kiishash laabta ahe

  • Faalada kalayaha buuxisiyo, kubada uurkayga

  • Kaah iyo iftiinkay baxshaan, kaaxi maan arage

 

  • Kurka gabayga soo muujiyee, sheegidda u kaalman

  • Ma kaakicine dhawr goor, anigoo, kaalay odhan waayey

  • Kud iyo mid karaysa ah, afkana kaabiga u jooga

  • Geedada wuxuu kuuriyo, saabka kuududaba

  • Kol hadduu karsamay oo shidamayoo,, aad u kululaaday

  • Lama kaydin karo maansadii, kaayaheed galaye

  • Saakana karaamaa jirtee, bal aan tix kaynaasho

 

  • Shini kaalufkeed galay iyo siddii, koronkorow oomay

  • Ama ceel karkaarada jabshiyo, webi karaar dhaafay

  • Ama kaal danley qeybsatiyo, kur iyo dhal yaabis

  • Siddii koronka iyo koorta iyo, kololo’ii Raage

  • KOnton iyo kun xaajoo mmurgiyo, waayo kala kaan ah

  • Oon lagu kama’in baa jiroo, nalagu keenaaye

 

  • Wax kadliyo kadaalibaa orda, oo kuududaa badane

  • Kubka iyo ka biixida jabshaye, sii kirkira meesha

  • Karin buu u deydaya hayaa, wuuna kabayaaye

  • Kattanna ma aha ee waa kooshkalaan, keebka liishada e

  • Kurtun baaba loo fiiqan ooy, kalax qoraayaane

  • Kallifaa aan layskula kami’in, yaa kasbaday mooyi

 

  • Kanbalkay lahayd jilib carro, iyo meel kabdhoodka ahe

  • Garta keedii kaabiga galay, ee lagu kawaanleeyey

  • Kiskisaha midaa lagu xakabay, kaddinna loo diidday

  • Kolkaan maalmo koolkooliyay, dib u kadlaysaaye

  • Katibkan aan ka kaaftoon lahayn, yaa kasbaday mooyi

 

  • Karbaash loo yagooree ritigaan saaray, kabad weyne

  • Kiintaalkayga koobuu noqdaa, koronkortiisiiye

  • Baq karuursha loo yeel haddaan caano kaydsado e

  • Kildhi iyo kafee waan helaye, koobab baan jirine

  • Ka u baahi ciilka u noqday ee, ciil ka kori waayey

  • Iyo kuwa kashbacay ee dharagaye, uur kubada yeeshay

  • Kuwa waliba kaskiisa waxaa, loo kabtiyayaane

  • Mid kororsi bay daaran tahay, xeeshan kaariniye

  • Kaafka iyo kala-dheeridaa, la isku koosaaray

  • Inay keeni baad garan wuxuu, rag isku koosaaaray

  • Kurbada iyo walaacaan qabno. Iyo karaka nagu raagay

  • Malaha kibis la quutayo dadbaa, looga dhigay kawle

  • Haddaan nala kadeedayne, way kadab go’aayaane//

  • Dadkayagu kadaab uma badaniniyo, reer ma kaadsado e

  • Maskaxdu kaamil inay noo tahay, ku maanhayeen qaare

 

  • Kullina waan baryeynaa Allow, keen xornimadiiye

  • KAlsoonidan lunteee Cali-Katiin, kulankiinoo diiday

  • Iskulaal ismana kaashadkiyo, koodka nala saaray

  • Kiis nagu xukuman baa jiriyo, yaa kasbaday mooyi

 

  • Ilaahay Kariimow adoo, kaliya mooyaane

  • Karti lagula sheegtiyo, awood kale ma dhawrayne

  • Kalaamkaagii baa lagu sitaa, wali kitaabkiiye

  • Yementa Koonfureed kii wacday, iyo Kuuba iyo Ruushka

  • Ee nacab kufaaroo kibriyo, Kiristaanka u yeedhay

  • Karaamadii Rasuulka iyo anoo, taadii kaashanaya

  • Dhulkay naga kaxeeyeen Allow, yaa kasbaday mooyi

 

  • In Islaamku gaal kabo u sido, yaa kasbaday mooyi

  • Kiinyadii xumayd iyo Axmaar, kadaf ah oo liita

  • Kaneecadiyo kudkudahaa intaad, naga koraysiiso

  • Koodhiga intay nagu guraan, yaa kasbaday mooyi

 

  • Kob dagaal ah fulay kayn gala, iyo ma lihi kayrkayrle

  • Cimli korodhsadkiisiye, xikamadu nagauma koobnayne

  • Meel kuray ka dheelaa, Iblays nooga koor-lulaye

  • Kafa Boortaqiiskii Gurey, riday kabaalkiisa

  • Iyo kii Daraawish kabay iyo, Koofil qoladooda

  • Iyo Kuubadii Kaastaro iyo, aarmi Kurushoofa

  • Ku waliba kolkuu rabo hadduu, nagu dul kaajaayo

  • Ku kar-celinta iyo ciilkan, waan karara’aynaaye

 

  • Inta aan kitaabada sidno een, Sheekhyo Kiristaamin

  • Malaa’ig kumaandoosa iyo, kooxo nala laaya

  • Oon koorahoodiyo askari, kidib kasii deynin

  • Ilaahii na kaalmayn jirayow, maad kusoo kicisid

 

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.