Home

Tusaale

                                                              Macallin Dhoodaan

 

 

 

Tusaale wuxuu abwaanku tiriyey Jannaayo 1970kii, Muqdisho.  Gabaygan dhexdiisa wuxuu Macallin Dhoodaan ku muujinayaa afshaxannimadiisa xagga gabayga, dhaqanka, afka, fanka iyo suugaanta guud ahaanba. Wuxuu xidhiidhiyey maahmaaho Soomaali ah oo badan oo uu kasoo saaray gabay qafilan.  Marka laga tago dhawr kale oo uu Dhoodaan tiriyey oo kan u yara eg, gabayga Soomaaliyeed wali kuma arag gabay noocan ah maxaa yeelay aad ayey u adag tahay in kuwa noocan ah abwaanku tiriyo.

Waxyaalaha gabayga lagu qiimeeyo waxaa ugu horreeya xikmadda ma guurtada ah ee uu gabaygu reebo dadkuna soo qaato markii ay u baahdaan inay qodob hadalkooda ka mid ah xoojiyaan.  Aftahanku wuxuu qodobka doodiisa ku badhigantaalaa maahmaah munaasab ah, sheeko xikmad ah ama meeris ama labo gabay ah.  Aad ayey Soomaalidu u qadarisaa haddii uu gabayaagu maahmaahdii, xikmadii iyo gabaygii isku dhafo oo uu ka dhigo meeris gabay oo uu qofku isticmaali karo si uu hadalkiisa u xoojiyo,  u qanciyo dadka dhagaysanaya uguna muuqdo qof waxa uu ka hadlayo aqoon dheeri ah oo dhaqanka ku aroorta u leh. 

Haddii aan rabo inaan saaxiibkay si habsan u khilaafo anigoo tusaya inaan kala aragti duwannahay, arinta markaa laga hadlayana aanaan si u wada arag, waxaan odhan karaa 'saaxiib Weerarow arintaa waan kaa diiday.'  Haddiise aan rabo inaan doodayda quweeyo oo aan qanciyo dhagaystaha waxaan soo qaadan karaa meeris gabaygan ku jira oo waxaan odhan karaa "Cabdullaahi Dhoodaan ayaa horay u yidhi 'nin wixii la toosani mid unbuu, tuur la leeyahay' e aragtidaa Weerarow waynu ku kala duwannahay"

Haddii doodu aniga iyo Weerar naga kululaato oo aan doormoodo inaan saaxiibkay ku tilmaamo inuu yahay nin madax adag waxaan odhan karaa "Weerarow waad kani adag tahay ama macangag baa tahay."  Haddiise aan rabo odhaahdaa inaan qurxiyo nin dhaqan aqoon ahna aan u muuqdo waxaan odhan karaa "Cabdullaahi Dhoodaan ayaa horay u yidhi 'dhagaxse taabashiyo tuujin iyo inaad tantoomayso, saddexdaa middaad ula tagtaa waa isugu taage.'  sidaa awgeed Weerarow qodobadii doodayda waxba Alle kama aabaynin oo ma aadan qaadanin" 

Sow ma aragtid farqiga u dhexeeya labada nooc?  Waxaan aad u jeclaadaa gabayada noocan ah markii aan arko wax macno darro ah oo maalmahan dambe batay oo dadka qaarkii waa gabay ku leeyihiin, asii cantarabaqash uun ah. 

Waxba yaanan hadal ku daalin ee adiguba Tusaalihii Cabdullaahi Dhoodaan aad u dhuux.  Wuxuu yidhi:   

  • Inaan tiriyo geeraar markay toogo ii qabato
  • War taariikhahaan fiiriyaa saacadday tahaye
  • Kolkii uu teembadii iyo wakhtigu kay isugu tooso
  • Halka tuhumadaydu jirtaa gabay ku toogtaaye
  • Saakana midaan taaban waan sii tilmaansadaye
  • Tulud baratay laba geel dhurwaa suu tafta u laaco
  • Awrkii tagtooy ahna libaax suu u kala tuuro
  • Ama tuug dharaartii la helo saan u turuq goyno
  • Ama taarkii loo dhigay dawaco say isagu taagto
  • Ama taqalka qoortii la sudhay say u tananayso
  • Dabeed habarta naysheeda tabi say tib ugu boobto
  • Taariikhda saas ah oo miyiga taallay waligeedba
  • Tabtaas oo dhan ooy tahay baad wada taqaaniine
  • War maahmaah tisqaad ah baa jirtoo aanan talaabayne
  • Murtideenii toosnaydna waa in aan tixraacnaaye
  • Ninka yidhi qof tiisiii dayacay tallo ha waydiinin
  • Qayrkaana wixii u tabcado taranso oo yeelo
  • Tubtuu mara lahaa iyo kolkaa wuxuu tilmaamaayey
  • Waa qaryrkiin ha tuugina macuhuu taaban hadalkiiye
  • Dhagaxse taabashiyo tuujin iyo inaad tantoomayso
  • Saddexdaa midaad ula tagtaa waa isu taage
  • Nin wixii la toosani mid unbuu tuur la leeyahaye
  • Oo waanada abuurkaa tirtira oo ka tabar roone
  • Qofka aan tirininse maalkiisu waa wada tasoobaaye
  • Maradiisa kaan tolan dhaqsay uga tifmaysaaye
  • Ka tashiilan waayana ma dhalan suu ku taajiro e
  • Anoon toobiyee hadalka iyo tooxsi uga jeedin
  • Taasina runtay inay tahay baad wada taqaaniine
  • Tafaraaruq nimuu gaadhay oo bari tabaaloobay
  • Rag murtida tafniidaa wuxuu jeer kasoo tabiyey
  • Dadkaygu baahi buu talaf la yahay waana caydh tubane
  • Tartiib xumana maalkaygiibaa teer ku baylahaye
  • I taageer oo gacalkayoow yey la talinaaya
  • Talankiyo ninkaa Xabashadii taxadka gaadhsiisay
  • Tacadi buu wixii mutaye uma timaadeene
  • In tabaabushiyo beeshu ay dhaqashadii tuurtay
  • Ooy waliba taab gaaban tahay idin tusaysaaye
  • Hadday shinidu malab toonsato oo meel tif kaga siiso
  • Intay tuduc walaalo ah tahay eey toobada u joogto
  • Geedaha taraxan kama naqaan mid ay ku taalaaye
  • Markayse talaqi guurayso eey balo taftaafayso
  • Tu waliba anaa talin hayeey kob isla taagtaaye
  • Markaasay dhawaaq tay odhan midiba taagteede
  • Xiinkeedi baa u taga dabeed cadow ka taag roone
  • Oo reerkay tigtiganaysay baa toobke loo guran e
  • Sidaan loogu turin baa dabeed wada taqaaniine
  • Hadal lagu tuntaa meel shishuu kula taraaraaye
  • Ninkiise taag leh waa kii la yidhi tahar buu goostaaye
  • Soomalida taxaabkiyo tabciyo tuur qabsiga keentay
  • Turuq sheegadkeediyo waxeer lays tumaatinayo
  • War taashkeedii noloshaa intaa loo tartamayaaye
  • Dadkiise taag yaraan lagu arkaa tuubo loo ridan e
  • Soomaaliya rag bay tabi inay taabka galiyaane
  • Tuugiyo badheedh cayn kastay noo tamadiyeene
  • Hadal lagu tuntaa meel shishuu kula taraaraaye
  • Taagtiyo tawaankeen haddaan badino towfiiqda
  • Itoobiya in ay ina tixgalin yaa tolaahayahee
 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.