Home

Qarjac-Muudle (Jawaabtii Cabdi Iidaan) 

                                                              Dhoodaan

 

 

 
 
Gabaygan sida la wariyey wuxuu Macallinku tiriyey horraantii Siddeetamaadkii. Waxaa dhacday 
in Xukuumadii Siyaad Barre ay u adkaysan wayday gabayadii qirada weynaa ee uu Cabdillaahi
Macallin Dhoodaan ka soo lalinayey Laantii Af-Soomaalka ee Idaacaddihii Ethiopia. Haddaba 
Waxaa uu taliskii Siyaad isugu yeedhay wixii abwaano ahaa ee markaa dalka ugu turuqyo 
weynaa si loogu gabyo, loona joojiyo baddii ka soo burqanaysan Macallinka oo halis galisay 
xukuumadii kali-talis ahayd.  
 
Wasaaraddii Warfaafinta la odhan jiray ayaa waxay abaabushay barnaamijyo suugaaneed
 lagu dhalleecaynayo Macallin Dhoodaan dadkana lagu indha-duubayo si loo marin-habaabiyo.
 Barnaamijyadaas waxaa ku dheehnaa maansooyin ay tiriyeen raggii Idaacadihii Muqdishu 
laga tilmaami jiray oo uu ka mid ahaa Cabdi Iidaan, Isaaq, oo Dhoodaan gabaygan
si gooni ah ugu ridiyo.
 
Haddaba Macallinku isagoo nimankaa u jawaabaya Cabdi Iidaana tusaalayaal badan siinaya, 
sida caadada ahaydna soobandhigaya meesha sartu ka qudhuntay, qaawinayana ujeedadii iyo 
siyaasadii dadbanayd ee xukuumaddii Siyaad ayuu mariyey Maansadan uu ugu magaca daray
Qarjacmuudle.  Wuxuu yidhi
:
 
Qalqaaliyo qandiga faaruqee, Xamar ku qawlaysan
Qaldaankii qabyada soo unkiyo, qaatil socodsiiyey
Siyaasadu qisaas lagu mutiyo, qool markay galiso
Xaqay naga qudh-qudhiyeen baan kaga qufaynaaye
     
                      ************************
 
Dhirtase geed quwaaxii qalalan, qodob aboor yeeshay
Qabadiyo Dharkayn qolof ritiyo, Qaranri oodeeda
Qoddax taag yariyo qoofalkiyo, Qocondhiduu dayrtay
Qarjajabo Qudhaanjadu gashiyo, qori jabkuu daadshay
Quwad malaha ay kaga qabtaan, Aar ku qawdhamiye
Miyey qarin qoqobohoodu waa, Qaran gallaydaase
Qaran-qaaro nama joojisee, waa bir qalaxdaase
 
                    ************************
Qod-qodeeye ka ay qasbina,  haw qayilo wiige
Dawac maanso quud kaga rabaa, haw qaloombiyo'e
Dayax shan iyo tobankii qadimay, galin qarsoonaaye
Gudcur Qammah habaynkoo qafillan, qaybta fiidnimada
Iyadoo bil sii quluulatay oo, qiro yar moodaysa
Sida Qarandidii kow dheh tidhi, qammar caways kaahay
Qof la mid ah horaan ugu qadaray, ma aha qaangaadhe
 
                      ************************
Ballaayada ku qamardaadsatay, moodi qayo roobe
Qasaariyo qabiiliga liqaba, dad u qushuucaaya
Ragga qoodan ee ka u qoslina, ugu qalaalaayo
Doqontaa qufici een aqoon, meeshii lagu qoomay
Ma qanciyo wax kama quustahaa, qaayo kale seegay
Ma qummani qudhayduba haddaan, kaa qallooc bida'e
 
                               ************************
Qolqolada caytama sidii, qaafadii dumarka
Wax la qaab ah qoonkii shubaa, ima quseeyaane
Af-qadoodi jaariga baraan,  weedhuu qaayibine
Ka qab weyni oo lama qastee, waaban quudhsadaye
Isma qabano iimana qalmaan, oo ma qayrsado'e
 
                    ************************
Kuwase fadhato qawlkaan idhaa, uga qareemaaya
Ee maanta ii qorinhayaa, qaammudkood galaye
War qaash lagu wareemiyo, anoon qalab u sii doonan
Qammaan iyo siday sheegayaan, qodabadii Raage
Markaan qallimadoodii cuskaday, qoomamkaa horana
Qofka cune qadaadkiyo la raba, qowrac luquntiisa
Mindiduu qoobka kula soo baxaan, qoorta kaga goyne
 
                   ************************
Qarjac-muudle waysaga qadimay, qiilna waw hadhaye
Ha qaldamin qarqoorkiyo ma baran, gabayga qaydhiine
Eeggana Rag suu noo qashaye, noogu qarafaystay
Si qayaxan qayaamada guracan, maan u kala qeexo
 
                      ************************
Dad qayuucsanaan jiray waxay, qurubsi luudaanba
Cadho wuxuu qamiiroo wajiga, qiiqu kaga yaalba
Kolluun bay qallibantaa mardabo, ooy qumbucataaye
Soomaaliya dadkay qaxar badayee, qiiro ugu baaqday
Qandhuufooyin xaajadu ka wayn, ay qatalantaaye
Qardoofaha marooray waqood, nagu qorsheeyaane
 
                   ************************
Badow qarawsan bay nagu qastiyo, waray u qooshaane
Qardajiidh xaqiiqada gafay, qooq kulaa tidhiye 
Qab-qab dhaafay waa joogi jiray, tan iyo Qaabiile
Waxaanse Aadmi loo quudhin iyo, waa qamaar taniyu
 
                    ************************
Qurraacooyinkoodiyo sidaan, uga qammuunyoonay
Qurub-qurub anow kala dhig-dhigi, taa qotada dheere
Qabir galinta qulubaa gadiga, amase qiilqiisha
Qallaciyo Qamaanyada sankiyo, ula qalwayntooda
Quturkiyo rag nala qayr ahoow, qadaf samayntiina
Qoqobkiyo qabiilo u dhiskiyo, qoof u kala geynta
Qofna yuu qof aamininta iyo, kala qandhaysiinta
Qosolkiyo qaraami u tunkiyo, qaylo maqashiinta
 
               ************************
Qar-qarsiga dushiyo qaawintiyo, qonof ku taageerka
Qoryo siinta qalalaasihiyo, qalab u soo dhiibka
Waddankii oo ay naga qaadayaan, waan idiin qabanta
Qasabkiyo qadaad riixidiyo, hadal ku qoor goynta
Qumbaan subbagga uga buuxintiyo, kaanagii qubista
 
                   ************************
Qaloociyo qal-qaalaha xuniyo, yay is qaabilinta
Qardadiyo dhul sii qaydashiyo, qoodh isaga yeelka
Qaxoontigiyo qoys kala rarkiyo, qaxar u soo jiidka
Qalxankiyo qallibitaanka iyo, wax isu qoondayska
Qafal xumo qawaaniin gafkiyo, kor isu qaad-qaadka
 
                   ************************
Qudro yari is qolofaadhintiyo, qaali baan nahayda
Qoyaaniyo qabbow sheegadkiyo, meel qorraxa jooga
Qarrafiyo qarraamaad dhankiyo, qado ku soo tuugga
Qormayntiyo qolada goosadkiyo, qaydaraan sudhadka
Iyo qaar maqnaa sheeggu waa, qayro kala boobe
 
                     ************************
Qottonkiyo qummani diide iyo, qiimi sharafeede
Qureec na lagu doontaana way, soo qadhaadhahaye
Qacda joogsan waydiyo qabtiyo, qawdii naga yeedhay
Qambaruursi iyo qoomamiyo, qaandhow baa xiggiye
Qurruskaad cuntiyo baaqii kale, subaxdaan kaa qaadno
Dhaqaalaha raggii nagu qabayoow, sow ku qadi maysid
Dhaqaalaha Raggaa nagu qaboow, sow la qadi mayo!!! 
 
 
Dhammaad
************************ 
Allay lehe been lama xardhee wacdaro ayaa ka raacay Cabdi Iidaan iyo raggiisiiba. 

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.