Home

Qaydaraan Sudhad

                                                                              Dhoodaan

 

 

 

The largest online collection of Somali poetry  

Cabdi Iidaan  nin layidhaahdo oo gabay af-xumo ah Macallinka ku sheegay magaciisa ayuu jawaab u ahaa gabaygan iyo mid kale oo isaga la nooc ah oonaan eega haynin.  Bal waxa ka raacay akhri oo arag ileen hadda ka hor buu abwaan kale yidhi "Af-lagaado waa loo dhintaa eeqo duul gob ahe."

  • Walow aan qiyaamihii tusayoon qalin jab gaadhsiiyey

  • Bal qooraansi waa lagu dayaa toore sii qayane

  • Baqalla qayl dameeraa dhaliyo geenyo qurux weyne

  • Qabaal weynse uma buuxinine qow yar waan odhane

  • Dawac quduf ah iyo dhurwaa qaardanbaha gaaban

  • Qarridiyo wixii habar dugaag meel qarfale joogay

  • In kastuu qaloonbiyahayuu aad isugu qaylyo

  • Qudra ma leh qabkooduna cabbaar hay qurquriyeene

  • Qabaabaale aar ihi markuu dirir u qaashaysto

  • Qudhyankiisa feedhaha inuu qoonsaday garane

  • Qayrabkoodii miidhnaa intaan lagaga qaw siinin

  • Qandhuufada libaaxiyo intaan qoobku wali gaadhin

  • Qaxootiga baqaha waa inay qabax ka siiyaane

  •  In kastoon qadhiidhay oon tufayoo gooyey qudhiciiba

  • Qufiddiyo qabuuraha markuu qodis ka dayn waayo

  • Qabri dhidar wuxuu ugu tagaa shay qalaadya ahe

  • Dadkanaga cadaawihii qaldaye qiiqa ugu dhuuntay

  • Qodobada xornimadoodi bay uga qisoodaan

  • Qulaanquliyo raacsiinta ay nagu qayaamaysay

  • Bal maantaan qufaynaa waxay been qobtolayeene

  • Qaxar lagu halgamay sheegatiyo dhiig lasoo qubaye

  • Haddii Yurub qadhaadh idin badayo qool wax lagu keenay

  • Imisay qof Soomaaliyeed qoorta kaga goysay

  • Qaladkiyo taariikhahanagood qoroto mooyaane

  • Qalqali tuurkii Xamar baa u weyn qoonsi dirireede

  • Qalayf kale haddii uu jiriyo qarash la dhiibaayo

  • Shacbigiinii ugu qowl adkaa ama wax quudhaayey

  • Markay dawladnimadii quntaye Roma laga qaatay

  • Xisbigii wax qabanqaabin jiray sow idinkii qadiyey

  • War qoladaysigii lagama dayn taad qotomiseene

  • Dharaartii qarbigu guuray bay noqotay qaaraane

  • Shaqaalihii Fashiitigu qortaye soo qaribay Leego

  • Qarqarada waxay igu toleen yaa iskaba qaaday

  • Qoomkii la laayey eed haddaba ubaxyada u qaado

  • Nimankii qudhooda jaray baa qaadigiina ahe

  • Qandhuufana ma gaadhine hadday qooq la doob-dhabiye

  • War maa loo qabsado dhiigii way qiran lahaayeene

  • Iyagiyo saldanaday qudhqudhin kii la qayr ihiba

  • SYL ba nimankii qaribay yaa qadhaabsada e

  • Qabiilnimada soow iyaga hunbaday ee qunbaha jiitay

  • Raggii qurub kasoo riday wakaa qoodan suuqyada e

  • Qisaastiyo maxay uga badeen qoomamiyo ciilka

  • SNL qorshihii dawladnimo qurub ka waayeene

  • Kolkii madaxdii jeel lagu qabiray quuste dabadeede

  • Nimankaa qureesh iyo xor iyo qaali baan nahay leh

  • Qaranimo ku faan uma ekee waa qalfoof madhane

  • Wixii la isla qolofaadhiyaba waan qarxinayaaye

  • Tiina kalee qabowgiyo ku timid qayladiyo buuqa

  • Waqooyiba qaneecaadsan waa qaydkii uu helaye

  • Lix qaboono calankuu sudhaye qoor-tolka u doontay

  • Hadduu luqunta qoob kaga hayaa kii qaraabsadaye

  • Qamuunyaa Hargaysaba dishayoo qawlalkaa xidhane

  • Qadoodiga markii lagu dirqiyey qiil u bixi waaye

  • Qaahira u daaduume iyo qoolasha Carbeede

  • War goortay ku qamardaadsatay Qadar u yaaceene

  • Qardoofahay Waqooyiga baday yaan qodob yar kaa siine

  • Nugaalba qiimaheediyo Taleex waa la quudhsadaye

  • Qorshe gobol hadduu jiro xaqu taa ma qadiyeene

  • Garbahaarrey waa loo qasbee qeybta ma lahayne

  • Qaskaa iyo Jabuutina markay qaabaddaa aragtay

  • Waa waxay qoqobaha u xidhayee uga qaxaysaaye

  • Labada is qalatee is qadin kii qareensadana

  • Qawraarin baas laga ridyoo waa qar laga tuurye

  • Raggaa qalaanqal doogeeda iyo qadow kusoo guur leh

  • Kuwuu qamaaminaayaba intuu qaawiyuu furane

  • Waxay fadhato qaaqda u hayaan soo qayiran ma aha

  • ...

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.