Home

Jeeraaro (1973)

                                                              Macallin Dhoodaan

 

 

 
Sannadkii 1973kii ayuu Cabdullaahi Dhoodaan gabaygan la baxay Jeeraaro tiriyey.  Wuxuu joogay magaalada Muqdisho.  Ma dhanna gabaygu, na soo gaadhsii haddii aad inta maqan hayso.  Wuxuu ku billaabay:
  • Jeeraaro boodayeey wataas marisay jeegaane
  • Jillabba suu jadeerka u fantay ee jiic isula fuulay
  • Ee jinaw aroortii macaan looga jaranaayo
  • Qofkii waayo badan soo jiree dunida soo joogay
  • Dul iyo hoos markuu jeleecada jaad walba u dhawro
  • Isba wuu u jeedaa inay jeerba cayn tahaye
  • Siduu bidiqa waala u jabiyo waa jigloo kale e
  • Ama waaba jarihii shaxdee nimanku jeexdeene
  • Maray kaa janjeedho o ocabbaar talo kaa jiifto
  • Iyo maalin lagu jaajiyo ood dunida jiidhaaba
  • Jirjirayn adduunkaa yaqaan waaba jaah sida e
  • Ragna ways jikaaraa intaa laysu soo jilo e
  • Non kastaaba jiilaal ogaa jeenafliyo oone
  • Ha yeeshee jir weyn baa ka da'ay meel jidhaamo lehe
  • Ninba jago abaara yuu ka kale jooji leeyahaye
  • Taasay jidkeediyo arkeen jiir la sii maro e
  • Markaasay jujuub iyo dhasheen jimo la buurtaaye
  • Oo waliba la isugu jacburin jaarri iyo xeele
  • Raggii jilicsanaadaa hadhoow meel xun jamaslayne
  • Jaaqudhun harraaday wallee abid ku jeelaane
  • Doqontii jahjahanaysa ee juuqba celin weyday
  • Jucuurnimada markii lagu bartiyo jaahilnimadeeda
  • Nacabkeedii juubaha sitee jaaha miranaayey
  • Oo jimiricaayaa heliyo junni qarsoonayde
  • Wallee cadwona kii loo jabaa malaha jeefaafe
  • Jirrida iska eeg dhuuxa way jabaqsanaysaaye
  • Maskaa jiitama yuu sidii jiis ku caabiyine
  • War yaan jararta qayrkaa ciyoon kugu jillaabayne
  • Jingil adiga yey kaa samayn xuurtan jeellaniye
  • Juxuusaaba yuu kuu imaan saa jinnaa dhalaye
  • Adoo jaara caana ah dhigtay oo jiija malabaystay
  • Jilqurkaa h amoogaan yuu jowhar kaa madhine
  • Intuu bacad kusoo joojo yuu jaanta kaa xadine
  • Cagtaadoo jilfo leh yaan hadhow jeerin kaa mudine
  • Jilbis uriyo goodaado yay jeebka kuu galine
  • Nabi Maxamed baa loo jeclaa jaah mar la arkaaye (scw)
  • Isagana waxaa lagu jirabay inuu jahaadaaye
  • Idinkuna xornimo saa jirtaad jiif ku damacdeene
  • ...

 

  
 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.