Home

Gocasho

                                                                                   Dhoodaan

 

 

 

The largest online collection of Somali poetry

  • ...

  • Agoow gabadhkii qowqowle da'ay sahankii guureeyay

  • Geedi iyo nagaadiba mid way ugu gudoonsheene

  • Gobonimada way sheegayaan garanna maayaane

  • ...

  • Godobtu uma soo waaridiyo eed la ganac haysto

  • Garashada baqaysiyo inuu geesi fulayoobay

  • Gabayadaan kusoo sheegi jiray gool xawariyoobay

  • Iyo guuguulihii faaliyee baalasha is gooyey

  • Garnaqsiba intaan kuugu daray geed ka fara weyne

  • Miyaan kaala gaabsaday maxaad iila garan wayday?

  • Tanood gudubto guul weyn in aad gaadho la arkaaye

  • Gorayadu ciyaartaa lugtooy galiso mooyaane

  • In ayna meesha gaynayn ta kale soo ma garanaysid?

  • Awr-gaal nabarkuu ogyahay la gagabi waaye

  • Gafarkaan la jiidaynin ee goofka lagu tuuray

  • Gunta dharo ka jeexnayd baruur gadowga loo saarye

  • Gaajada qamaamaysa waa u gaardaymo iyo ceebe

  • Fardo guul aroor iyo cokani looma kala goyne

  • Geelaan ceelka tubay looma darin gaawe maax kulule

  • Gargaar Eebahay baa la siin sharaftaa goomoone

  • Gudguduudkii waagaa u baryaye galabba ma ahayne

  • Qof walaalkii gaday meel shishaa laga ganaaxaaye

  • Gar fidaa'i lagu jiifiyaa kii baday gugiiye??

  • Gacal uu xigaalkood hagraday gocosho dayn waaye

  • Haddii awal gafuurkii xidhnaa jiitin laga gooyey

  • Gabayadaan kusoo sheegi jiray gool xawariyoobay

  • Iyo guuguulihii faaliyee baalasha is gooyey

  • Garnaqsiba intaan kuugu daray geed ka fara weyne

  • Miyaan kaala gaabsaday maxaad iila garan wayday?

  • Lib gadaanka saarnayd majirin ood u gaardidaye

  • Hashaan soo godlaayeyba markii layga gaagixiyey

  • Miyaan kaala gaabsaday maxaad iila garan wayday?

  • Gurmadaha run sheegiyo itaal beena geedada e

  • Gulufna raadkay hayaan waa curyaan daba gurguurtaaye

  • Godobtu uma soo waariddiyo eed la ganac haysto

  • Gabowgoobi inay soo wadoo laaska gudhinayso

  • Imisaan galbeedka uga digay waa gu'yaal badane

  • Wakhti aan gadoodaba dan baa iga guclaysiine

  • Aqoon dheer haddii  lala gabado xeeshu gaasirane

  • Kolley mooyi sida loo gadiyey garashadaadiiye

  • Gargaar iyo gunaad igu dartaa kii ku gowracaye

  • Siddii wuxuu gandaal kuu sidaad daba gablaysaaye

  • Meel unbaad ka gaasirantihiin guulahay magane

  • Gagabada malihiina kale waa il-gabadhlayne

  • Miyan kaala gaabsaday maxaad iila garan wayday?

  • ...

  • War gaaraabidhaankaa uu la tagay waa gugubihiiye

  • Xuunshadii guyaal badan fadhiday garaska baalkiisa

  • Goodaado inay raadgadoo good ku soo fidhiyey

  • Intaan idinku guubaabshay waad gama'sanaydeene

  • Waliba qaar gadaal soo socdoo geesaasa kaa bixiya

  • Ood cadho garaarta u dhacdoo kaa gilgilasiiya

  • Iyo gocondho kuu muuqataan goor dhow filayaaye

  • Waxba kama gadayn faaladaan jeer gunaanadaye

  • Tixda eraygaa gaashaaman een kaaga soo gurayo

  • Gedgeddiga saddexan baan rabaa inay gorfeeyaane

  • ...

Nasiib xumo gabaygan in badan ayaa ka maqan, inta aan halkan ku xusnayna qaarbaa  is dhaadhaafsiisan.  Fadlan nala soo socodsii haddii aad isagoo dhan ama qeyb ka mid ah hayso.  Mahadsanid.

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002Doollo.com. All rights reserved.