|
Ciidamadii
Soomaaliya markii ay kasoo baxeen gobolkii Soomaali Galbeed ama
Ogaadeenya ee ay sida orodka ah uga qabsadeen ciidamadii Itoobiya,
waxay si aan aabayeel lahayn meelo badan kaga carareen askar badan
oo dhaawac ahayd oo u gacan galay ciidamadii cadowga. Ragga
dhaawaca ah wixii ka badbaada cartanka iyo cadhadii Itoobiyaanka
jiidda hore waxaa loo dhaadhicin jiray magaalooyinka waa weyn oo
daryeel caafimaad ay ka heli jireen.
Dabayaaqadii
1979kii ayaa Macallinka oo fadhiya hoteel la odhan jiray Hotel Harar
oo ku yaalay magaalada Addis Ababa waxaa u yimid Dhamme Xuseen
Jaamac. Xuseen wuxuu ka mid ahaa saraakiishii Xoogga Dalka
Soomaaliyeed ee Itoobiyaanku qabtay iyaga oo dhaawac ah dabadeed
isaga oo dhaawicii ka bogsaday ayuu si caadi ah ugu noolaa Addis
Ababa. Sheekaysi gaaban ka dib, Macallin Dhoodaan isaga oo ka
xun dhammeha iyo raggii la midka ahaa wixii qabsaday, dhulkii markii
horre dhubuqdhubuqda iyo siyaasad xumada lagu soo galay, markii
dambena sida baraqnuglaanta ah looga baxay, shacabkii degaanka
waxyeelooyinkii loo geystay, iyo kala-dhantaalkii ciidamadii
Soomaaliyeed gaadhay isgaa oo aad uga cadhaysan ayuu Halgaad tiriyey.
Wuxuu yidhi:
- Hadda waxaa hilaadii ku yimid,
ama hannaankii leh
- Soomaaliya intay ku hamiyeen,
say u hano qaado
- Iyagoo markaa nala hubsaday,
dawladii hurudday
- Xafiis iyo hareertana ma garan,
hogagii xeeleede
- Markay horror kasoo hoyo
tidhiye, haasta nagu qaaday
- Hoboow heeda waagay tuntaye,
nagu hilaabowday
- Hiyi kaca danaysiga aheey, nagu
hanqaaraysay
- Hal-jir iyo nin harag
dhoofsadiyo, beer ku haramaysta
- Habarwacashadoodii intaan, laba
ka haasaawin
- Hawhawdii Xamar ee sidaa, noo
hawadinaysay
- Hantaqa waa markaan ugu
dhacniyo, goof hadoodilane
- Huf iyo been hadh kaga saar ah
bay, nagu hungeeyeene
- Hoheey waxaad habheebta u
gasheen, waa isku halayne
- Dadkeenii hayaamayee xaggaa, loo
habqaminaayey
- Waa isaga hanbaabicin jiree,
waxa u hooseeyay
- Hanbooriba inay nagu wadaan, oo
hurgumo jiifto
- Oo halaag Soomaaliya tihiyo,
halis inoo baaqday
- Lama hadin hubsada ee aayar
baa, loo hogaansamaye
- Hoheey waxaad habheebta u
gasheen, waa isku halayne
- Halligaad inay nala damceen, had
iyo goor taagan
- Hingalahay dadkeenna u xidheen,
haatan ood aragtay
- Wali hanuunsigiyo beentii bay, daba hublayn qaare
- Rag haydaartadeenuba u tahay,
halabadii guusha
- Hamhamtiyo warkoodii aan jirin,
kama hadhaysaane
- Hoheey waxaad habheebta u
gasheen, waa isku halayne
- Keenaa hulaaban baydin hodoon,
hiiqin waligiise
- Markaasaad hadhuub caano iyo,
hilibba siisaane
- Hararkiyo darmana loo goglaa,
hadhacaad waabtaane
- Hadhuudh iyo qaxwana loo
karshey, habacsan dhay geele
- Ragna hebadka waxa nooga dhigi,
waa hangoolada e
- Hubkaad sidato badow haysta
iyo, hoorri kugu dheelye
- Isagoon hallaba kuu ogayn,
jaahil ku halleeyay
- Oo idiin hanjabayaad waqiin, u
habranaysaane
- Hus baad odhan lahaydeene, waa
leys hagranayaaye
- Hadhowto iyo Soomaaliyaad,
haybadda u siine
- Hiiraan iyo Hargaysiyo asgari,
dhaafay hilinkooda
- Oo haadkaagii soo galay
markaad, hiil u daydayato
- Halladaad haday nagu tumeen,
hubanti waad siine
- Hobyo iyo hadday tuugga Xamar,
idin halaakaysan
- Halkana qaaqlihiinii ka tagay,
lagu hagaagaynin
- Ummad hoogi baad ila tihiin,
huuti yahay baase
- Garashiyo haddaad hadur ka
tahay, maamul heer sareba
- Gobonimadaad haabhaabanee,
lagu hadaaqaayey
- Haddaan hororba laga waabiyeen,
kugu haliilaaya
- Maba hanan karayside maxaa,
taana laga haybsan?
- Hayeeshee haddaad ku hammidaan,
hodonso ciidaada
- Halyeynimana lays bidahayood,
haysan kari doonto
- Hanti waaba lagu leeyahiyo, hoo
adays ka lehe
- War heelada iblayskaa mindhaa,
idin halmaansiine
- Muqdishadii habeediyo qalbiga,
haarufta u yeeshay
- Hanbaggiyo war ay kugu qubtaad,
hooy u leedahaye
- Haloosiga Af-weyniyo jinbaad,
la hidiwaasteene
- Wixii idin haboowshaa badhkiin,
sii hiigsanayaane
- Hagaga looma baahnee haddaad,
hubanti doonayso
- Xukuumadaa haraadka u
bakhtiday, way hantaaticiye
- War hawl yari dhulkay
maaganayd, inay ku haaneedo
- Ee habeenno shicibkii lahaa,
lagu hor maalaayey
- Inkastoo dad yari hawd galayoo, taagii hudinaayey
- Halaqiyo hangaralahuu dirtiyo,
haramacadkii waashay
- Humaajooyin way nagu dhufteen,
haayirka i boobay
- Hollin ma aha koobaade, way
nagu halaaqeene
- Annagoo habsoow nagu dhacayoo,
hiil isaga baahan
- Hanadadii Ogaadeenya
oon, iskuba hawlin
- Horusocodkay noo soo dirtoo,
haaligaa yimide
- Horimada malaysiyada iyo,
wiilashii hudmaayey
- ………………………………………………….
Soo
raadi inta dhiman.
Taariikhda
gabayga si aan u saxo waxaan eegay buugga Garnaqdi ee uu Maxamed C. Gurxan ka
qoray maaso halgameedkii Cabdullaahi Dhoodaan. Gurxan iyo ciddii uruurinta
suugaanta qaaliga ah ee Macallin Dhoodaan waqti galisaba aad ayaan ugu mahad
celinaynaa..
|