|
|
-
Waa taan Cadaadley ka guday, xalay cawayskiiye
-
Caado iyo intaan Sirow tagaan, caano geel
dhamaye
-
Cosob iyo markaasay Maryama, ila ciyaareene
-
Citiraafna waan helay sidii, dawlad caadila
ahe
-
Waana lay casuumaday sidii, caalim soo dagaye
-
Ragna inuu catrado ii dhisuu, iila ciil qabaye
-
Cisigaa anoo heli karoo cudur, la'aan seexday
-
Turumbadu markii ay cidee, waaguna caasaaday
-
Cirkii iyo camuudii markaan, cayn kastaba
dhawray
-
Rag calool xun goortaan arkiyo, calalo
taanbuug ah
-
Carmis inaan ag joogaan gartiyo, wali
ciqaabtiiye
-
Caku aniga ee goormaa wajaaf, laygu soo
celiyey
-
Carradii biyaa iga xidhay oo, waxaan cabaan
waayey!
-
Cadar bay ahaydoo intaa caga, gubyaa i haysay!
-
Cagaag baa i mudayoo kabaan, cidhibta saaraa
dheh!
-
Shan nin bay casuumaysayoo fiidkii, ma cashayn
dheh!
-
Batar Ceerigaabaan ku jabay, mana ciyaarayn
dheh!
-
Cirka iyo baqoolaan ku tagay, Cadale meeshiisa
-
Cusbalayna waan soo mariyo, Ceelis gudaheeda
-
Cimrigayna meeshaan fadhiyo, kama carraabayn
dheh!
-
Cawdaan ku jiifiyo hurdada, caawa kama toosin
-
Sidaan u caweysimahayuu waagu, ku caddaan dheh!
-
Niman bay canaantoo haddana, ii calaalcala
dheh!
-
Ceeb baa la ii faafinoo, la ima caayayn dheh!
-
Hadalkaa calaamada leh waad, la cajabaysaane
-
Caynkaana waxa iigu wacan, ciilka aan qabo
dheh
-
...
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|