Home

Salleelo (1974)

                                                 Dhoodaan 

 

 

 

Gabaygan Salleelo wuxuu abwaanku tiriyey 1974kii, wuxuuna joogay xilliga uu tiryey Hargaysa.  Kolkii uu Xamar dawladdii ka talinaysay ka quustay waa kii Cabdullaahi kasoo jeedsaday Diridhaba iyo Herar, xukuumaddii Maxamed Siyaadna mucaaradka culus ku noqday.  Wuxuu gabaygani ka mid yahay gabayada uu xilligaa dambe wax ka badalay isaga oo meelaha qaarkood si toos ah dawladii kacaanka ahayd ugu weeraray.  Gabayga nuqulkiisii hore iyo kan dambeba waxaad ka helaysaa bogga maqalka ee rugtan.  Wuxuu yidhi:

  • Anoo suursanaayoo waxbadan, saami heli waayey

  • Oo surinka maanso u haboon, la iga saynsaabay

  • Markaan eego saaciyo xilligga, sawdka dhalan doona

  • Sinta maalintuu soo dhigtee, sararta ii dhiibto

  • Surmaseegto wow diidi jiray, inuu sinbiidhaaye

  • Caawana bal aan meel ka saro, taan sidayn jiraye

  • Hadal sugan Illaahay samee, waana suu yidhiye

  • Salaamadii runtuu ina tusiyo, lama saluugaane

  • Suuradaha Qur’aankiyo markaan, sadaradii eegno

  • Qof waliba intuu socon intuu soor, anfacan doono

  • Intuu sabi cayaal dhali intuu sano, ee joogaayo

  • Iyo saacaduu dhiman hayiyo, sababta mowdkiisa

  • Rabbi hayna seejee in ay naari, soli doonto

  • Iyo in janadii suubanayd, la iska siinaayo

  • Illaahii samaystaa yaqaan, suu u galayaaye

  • Saamatadana kii raadiyee, sabana gaajooda

  • Safrad iyo baqoolo iyo lug iyo, suudi iyo guure

  • Sadaadiyo kulayliyo wuxuu, silic ku doonaaba

  • Hadba libintuu soo saar lahaa, waxay sinbiidhaaba

  • Sakal adag waxay kaga dhacdoo, meel ka sudhantaaba

  • Ama ay salaadida martoo, samada aadaaba

  • Saldhadaa waxay kaga jirtiyo, surin cidhiidhyoonba

  • Wakhtigii la seejiyo cadkii, laga sagsaagaayey

  • Mar unbuu xaqaa siinayoo, midigta saaraaye

  • Saamaatadana kii raadiyaa, bari hadday seegto

  • Mar unbuu xaqaa siinayoo, midigta saaraaye

  • Hayeeshee sansaan bay rabtaa saa markay tahaye

  • Wax waliba saraaday wataan, lagu sifeeyaaye

  • Kolkii sabada ceelka aan dagnoo, siigo iyo boodhle

  • Ooy subaxdu jiilaal tahay oo, sagal inoo muuqdo

  • Tuska suudigiisu uu bataye, milicda soo saaray

  • Daruur saalimaysana hadduu, dhinac ku saynsaabo

  • Sadbaa laga inshaartaa kaliil, saymo iyo roobee

  • Haddii kale cirkoo seeman iyo, samada oo qaawan

  • Inuu sahal dharaartaa ku da’o oo, biyaha saydho

  • Haba sugina saaxiibayaal, waa si aan jirinee

  • Haddaan gabayga saab ugu dhexrido, saafan mahayaane

  • Sheekadu salool ha u dhacdee waxaa salkeedii ah

  • Soomalida Galbeedeey ogoow, waad siloon tahay ee

  • Saantiinii oo muuqataad, sogordohaysaane

  • Sharaftiinii baad suuliseen, oo siyaada ahe

  • Bal maahmaahna waan kuu sawiri, saad ku garataane

  • Idahaba saleeligu intuu, saaran kari waayo

  • Sumalkii riyana seegay baad, saaka noqoteene!

  • Tu labaadna aan kuu sawiro, saad ku garataane

  • Sarsarka iyo hashii labada geel, soof kuwada raacday

  • Ee bahalku seeraha ku dilay, kama sokaysaane!

  • Bal tu kalana aan kuu sawiro, saad ku garataane

  • Saalada intay labada wiil xerro, ku saameeshay

  • Soo gurro markuu taada yidhi, sabigii dheelaayey

  • Saami weyn yarkii diiday iyo, sacabkii oo buuxa

  • Ee siddoo aan ku raaco yidhi yaa, sidiina ahee!

  • Mid afraadna aan ku sawiro, saad ku garataane

  • Saddexdii la yidhi Eebaheey, suuro galin maayo

  • Sancadiina saawayn kartaa, laga saliilyoone!

  • Duul yahoow wax baa idiin sanqadhay, sararo waawaynee

  • Malaha daalin baa indin sixrayoo, waabad salasheene

  • Nin waliba intuu suudh xidhiyo, shaadhadh wada suuf ah

  • Oo kabo sagaashana gatiyo, saacadii gacanta

  • Sargaalayntu waa idiin bilaash, ama santaagaase

  • Sarifdoon idiin maba ekiyo, gabadh salaaxoode

  • Waaba ceebtan lala soogan yahay, suuqyadaa Xamaree

  • Waa ceebtan lala soogan yahay, suuqyadaa Xamaree

  • Dhulkiinaa sanaadigu furtay ee, lagu safaadaayo

  • Dadkaa sir iyo caad xoolihii, laga sabooleeyay

  • Ee siliga lugu meerin ee, cadowgu seeteeyay

  • Ee soor macaan laga dhigtay ee, aad u saxariiray

  • Ee kii siqsiqa maalinkaa, hoosta laga siibay

  • Ee sogob baruur baan rabaa, ama sicii naaxay

  • Iyo subagga ii keen intaa, loo silsiladeeyo

  • Saldaniyo haddii aad rabtaan, saajacnimo buuxda

  • Suud iyo ha meeraysanina, Soolashii Bariye

  • Socdaalkii Hargaysiyo Burcana, how sawaalina ee

  • Haka suginna qayrkaa inuu, kuu sasabi gaal ee

  • Ergo kuguma saacido ileen, wiil ku saanyadayee

  • Shardoo nacabka Say-dheere iyo, saanad lala doonto

  • Seef iyo bilaawiyo shardoo, salabka loo qaato

  • Suryaduu maraayaba shardood, soodhle kaga shiishto

  • Sanbabada shardood kala heshoo, sarartu dhiigowdo

  • Adigana surkuu lugu jariyo, sabaro naafooba

  • Iyo suxuladaadoo jabiyo, seed ku kala booda

  • Shardii ood naftoo sirinsirqa ah, toban sagaalayso

  • Soomalidda Galbeedeey filkiin, lama sin maysaane

  • Isticmaar sutidoo loo qabtiyo, siin aad kaga keento

  • Sanahaabadaasuu ku dayn guushuu kaa sidda ee

  • Adigana suncadii kaa luntay baa, sacadaa iman ee

  • Markaasay siqiirkaad dhashay iyo, sabigu noolaan ee

  • Sidaan idhi haddaydaan wax badan, saahid ku ahaanin 

  • Xornima aad saleela u heshaan, idinka oo seexday

  • Waa tii saancad laga qaado oo, lugu sumoobaaye

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.