Home

Dhab ka Hadal

                                                              Macallin Dhoodaan

 

 

 
  • Dhabbe saxan dhayaalkii makriga eed, u dhalandhooshay

  • Fikradaad dhiraandhirin jirteed, dhaaxa daba joogtay

  • Halgan dhanba adoo bari dhex galay, oo kusoo dhididay

  • Inaad dhaliso gool iyo inaad, dhimato mooyaane

  • Dhexdhexaad inaad kaga hadhaa, waa dhabcaalnimo e

  • Fikradaad dhiraandhirin jirteed, dhaaxa daba joogtay

  • Dhukusaad mar bay yeelan iyo, dhuudis gaadmo ahe

  • Kolla orod dhabaabaca noqdiyo, waa dhakhso u roore

  • Dhadhaab kaa horjeediyo adoo, dhiibo filanaaya

  • Dhiigiyo naftaadana huroon, dharaboon eegaynin??

  • Oon dad nacabku dhaansaday hadhow, yeelan dhaxalkaaga

  • Dhadhamiyo dhamcaatiyo adoon, dheef u xilanaynin

  • Dhamaanteed adoo saa u garan, ama u dhawraaya

  • Halgan dhaawac loogama hakado, dhimasho yeelkeede

  • In dhawayd dhawaaqii badnaa, waanigii dhimaye

  • Mase dhoofin mana dhuuman, mana dhaqaaq dayne

  • Ma dhabarin is dhuudhuubiduna, ma aha dhalankaye

  • Dhajiyaha xinjiro dhaadhigiyo, dhari karshaagiisa

  • Af-weynaha dhargiyo kaan la dhiman, dharagse diidaynin

  • Wax kalaa dhuftay leeyihiin, malaha Dhoodaane

  • Dhankalaaso waanigii aqiin, tuugu dhaygago e

  • Dharbaaxooyinkaygii cuslaa, waan la dhacyaaye

  • Intaan dhabarka kaga joogsadoon, dhiico ugu yeelo

  • Waa inuu dhafoorkuba qarxoo, dhaga dilaacaane

  • ...

Soo dhamaystir hadda adigaa ileen Macallinka ka loox-jiitayee.  Mahadsanid.

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.