Home

Yaa Dirsaday

                                                              Dhoodaan

 

 

 

 

 

Fadlan gabaygan qaaliga ah haddii aad taariikhdiisa hayso ama meel laga heli karo aad og tahay nala soo xidhiidh, mail@doollo.com

  • Damiin macalinkiisiyo isagii ha is dacweeyeene

  • Ninba dowgu leeyahay kolkii dooda aan u dhowro

  • Ardaygii da' loo yeedhiyee diminta miim saaray

  • Kol hadduu tacliin doonayayoo deel xafidi waayey

  • Garta haddaan la daahayn isaga sow danbigu ma aha

  • Aniguna mudada doorka een ciidho diriraynay

  • Ogaadeenya cadawgii dalhriyo daadufkii sirayey

  • Midna kama dabooline dirkaba wawga digay dhaaxe

  • Dabaalsiiyey hadal diiriyiyo sheekho duur xul ahe

  • Mar u daday baryana daahay oo dooxay maansada

  • Daraf iyo dhawaaqii anoo dacalba gaadhsiiyey

  • Tix aan sogordihiyo faallo dheer miday durduurtaanba

  • Danaaniga la garay muusanoow inuu ku duubnaaye

  • Nin dalluunshay baaq inaan ahayoo qaylo dananayso

  • Dusha guud naxwaha sidaa ha u dareemeene

  • Darxumadaan ka qaylyaayey iyo dulucdii hoosaysay

  • Ujeedadu halkay daaranayd baal ka daawade

  • Mid ka dude ee tii kale macnaha looma daadagine

  • Aan ku daalo taagay amaan seego danahaye

  • Faqna durugsadoo ruuxba ruux laysku wada daarye

  • Warar laga danqado duulba duul ha u dawaafsheene

  • Dadku badi sidaa iyo darteed haba dadaaleene

  • Dacdarada badhkeed iyo wixii dilay Ogaadeenya

  • Duleystiyo daldalihii xaggaa ugu dammaan leeyay

  • Oon laba dugaag idhi mid bay daaqad ka arkeene

  • Waligoodba dabarkii hore oo duuga bay garane

  • Inkastooy dakano taa ahayd oo dulkaba tiilay

  • Wax soo degay ammuur nooga daran tii darraatabe

  • War daabaana qaadka ay matali dawlada Af-weyne

  • Ogaadeen damiin kama dhigtee yaw dirsaday hawsha?

  • Rag ninkii ku daandaansda ee durqin u jeeda

  • Dood iyo dagaal baa mid uun lagaga duufaaye

  • Danqashiyo waxaa murugo kulul dibirta qaarkeede

  • War daabaana qaadka ay matali dawladda Af-weyne

  • Ogaadeen damiin kama dhigtee yaw dirsaday hawsha

  • Duumiyo xanuuniyo adooy diifi kugu raagtay

  • Dugduglay ha joogtee adoon wali kasoo duudsan

  • Oo deyr-xumaad yahay waqtigu ama diraac dheerba

  • Hadduu gaas col waa dumi jiree lagugu soo duulo

  • Kuray daqaqamoo tagay halkuu daaqi jiray geelu

  • Galabuu kaaga soo digay inay doonyo ka carrawday

  • Makhrib dabadii goor ay ahayd waa cawaw darane

  • Ooy damug kusiiyeen xeryaha diricyo soo dheelmay

  • Ku soo daaya adigoo leh oo doobke uuminaya

  • Colkii doomanaysaa hadduu weerar kugu daacsho

  • Geelaagii oo dihin haddii lala dawaareeyo

  • Deris nimaad ahaydeen adigoon qaylaba u diranin

  • Durba hadduu kusoo gaadhoo doodi kugu dhaafo

  • Digdigtiisa orodkaad tidhaa wuu ku daaficiye

  • Isagoo dalleen weyd ah iyo daaci kugu sheegay

  • Oo daali maayo leh kolkaad aayar daba liicdo

  • Gudcur damug ah goor ay ahayd oon dayaxu muuqan

  • Waddadaba hadduu kaa duwoo duur fog kula aado

  • Dariiqaba intuu kaa lunshoo dogob ku jiidhsiiyo

  • Markuu dalawyo baas kaa ridoo dawgii kaa lumiyo

  • Intuu darafta xanan kuugu maro ama dusoo leexdo

  • Dabragoyn intuu ugu dhuftoo dadab u sii baydho

  • Duulkii geela loo waday hadduu diilintaa u jeedsho

  • Damaacina hadduu galo si uu kaaga darib quuto

  • Dilaal iyo haddii uu malaal kuu diyaarsanayo

  • Daldalooladaada oo batiyo dabacsanaantaadu

  • Dabiib uu ku naaxiyo markay daawadiinoqoto

  • Dallada iyo guushaadu waa dabar gu'iisiiye

  • War duunyada raggii kaa dhacay ee dawrshay xeradaada

  • Ogow daalinkaad aamintay baa kaaga sii darane

  • Dingaraaraduu kugu ladhi tii dagaagnimo e

  • War daabaana qaadka ay matali dawladda Af-weyne

  • Ogaadeen damiin kama dhigtee yaw dirsaday hawsha

  • Haddaanse reerka deyrku u adkay dagagar mooyaane

  • Libaaxii dinaahshee ciyaa waaba kuu digay

  • Markaasaad duddada oodataa ood dab shidataaye

  • Marse hadduu duleedkaaga yimid diilalyana hayso

  • Isagoo dibnaha kaa xidhayoon maalka didinaynin

  • Hurdo-dakharta leylkii ahiyo duhurkii mooyaane

  • Intaad dibadda jogtaba hadduu soo daf odhan waayo

  • Oo duunyadii eber ka dhigo amuu dad kaa laayo

  • Labada aar ka dalandoolayee aamusaa darane

  • Soomaaliya dabcigu waa tabtaa daacad ay bidiye

  • War daabaana-qaadka ay matali dawladda Af-weyne

  • Ogaadeen damiin kama dhigtee yaw dirsaday hawsha

  • Daruur curashii maagan iyo daad arlada buuxsha

  • Markay di'is diyaarka u tahayee qayo udgoon daacdo

  • Tiixa diliqle mooyee intaan dhibicdu soo duulin

  • Qaanso-roob daliigani hadday baal iskaga duugto

  • Unkadkiyo daryaankeeda baxa amase dawdaw leh

  • Danabkiyo hillaaciyo waxay dununucaysoo dhan

  • Allaaba waa dix ay soo rogtiyo doox waraabsama e

  • Hufo iyo dabayl bay noqdaan diririgteediiye

  • Ha ku daalin waa duuf xareed laga durduurtaaye

  • Daadufnimada Soomaaliya ee durugsiga u jeeday

  • Dubaaqa iyo ra'yiga keen ah buu saa u dumiyaaye

  • War daabaana qaadka ay matali dawladda Af-weyne

  • Ogaadeen damiin kama dhigtee yaw dirsaday hawsha

  • Annagoo dalkaa weyn leh oo dad iyo maal buuxna

  • Ninka yidhi duq weyn baan ahayoo raba daryeelkiina

  • Ee daakhilkiinaa ma jiro laba ka doodaa leh

  • Waa shay dantiisa wuxuu noo dirqiyayaaye

  • War daabaana qaadka ay matali dawladda Af-weyne

  • Ogaadeen damiin kama dhigtee yaw dirsaday hawsha

  • Dux ay nagu qabaan bay darteed noo dalfinayaane

  • Kolba taladii door noo ah bay daaf ku ridayaane

  • Indho-duubka saasay wax badan nagu duduubteene

  • Waxay dacayda nagu jiidayaan dawlis xoog badane

  • War daabaana qaadka ay matali dawladda Af-weyne

  • Ogaadeen damiin kama dhigtee yaw dirsaday hawsha

  •  Dubaax shiilan bay naga heleen oo dalaal tubane

  • Beryo inay na darandooriyeen oon usii dararay

  • Dawarsiga carbeed inaanu nahay daasad lagu qaato

  • Dalbashiyo in magaceer baryada dibada loo haysto

  • Daabaqd in laynagu dhuftayoo doofil nagu heesay

  • Ninka yidhi duq weyn baa ahayoo raba daryeelkiina

  • Adna dalandalkii baa tahayoo weydin daadihin leh

  • Xagna dabinka saan ugu galloo noogu rido daanka

  • Iyo si uu cadkeena u dubtiyo daabax nala maagan

  • Kaba dacar khadhaadh ka i dafaye ka i dagaa ba'ane

  • Dirgashaduuba naga dhawrayaa digatir mooyaane

  • War daabaana qaadka ay matali dawladda Af-weyne

  • Ogaadeen damiin kama dhigtee yaw dirsaday hawsha

  • Dagdagluhu darbadahoodu way sii dalacayeene

  • Kuwa sharaftideenii dafiray amase noo diidan

  • Dugsan mayno inaan daa'inkood diriro mooyaane

  • Qof aan doocba hayn iyo ma oga kii damiin ahuye

  • Damiir laawe iyo dawdar iyo doqonna yeelkoode

  • Danbi kuguba haasaawin iyo been dacaayad ahe

  • Runta inaan ku diirdiiray taa waxaa u daliilkii ah

  • War daabaana qaadka ay matali dawladda Af-weyne

  • Ogaadeen damiin kama dhigtee yaw dirsaday hawsha

 

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.