Home

Likaaco

                                                   Cabdullaahi Dhoodaan

 

 

 
Likaaco wuxuu Cabdullaahi Dhoodaan mariyey horraantii 1970aadkii, wuxuuna ku tiriyey Muqdishu.  Likaaco waa
gabay aad u murti badan.  Wuxuu ku billaabay hordhac gaaban oo sifanaya in dunidu galabba ninley tahay.  
Waa dadow badane oo wuxuu leeyahay way is dhex fadhidaa; nin libin la hoyda, mid ciil la luuda, mid libaax ah 
iyo laga roone aan inna waxtar lahayn, nooc walba.  Isagoo anshaxa iyo asluubta gabayga iyo midka dhaqanka 
Soomaaliga ee qofka ku dhaliila inuu is ammaano dhawraya ayuu wuxuu raaciyey inuusan isagu, Cabdullaahi ahaan, 
labadaa nin ee dambe midna ahayn – Anna labada cayn kuma jiree laan badhaan ahaye.  
 
Hordhacaa ka dib, wuxuu soo qaatay 12 arimood oo midiba mid lid ku tahay.  Nin addimadu foyow yihiin aanse 
dhaqaaqi karin, nin garaad iyo dhimir buuxa leh hase yeeshee aan garasho fiicnayn, nimaan gacantiisa iyo afkiisu 
kala go’ lahayn haddana aan waxba dib u liqaynin, nin laqanyeysan subag iyo baruur uu cunaynay aanay jirin, nin 
lexejeclo iyo daryeel badan haddana loofar is nacay ah iyo ugu dambayntii nin ciddii ay wada hadlaanba ku durduriya 
islamarkaana kii ay lagatamaanba intuu qonof dhexaad sudho oo uu la hangooleeyo bogga uu kaga dhaco ayuu isku 
sifeeyey.  Inkasta oo uu isagu isku halqabsaday, haddana wuxuu hadalku u dhacayaa waa Soomaaliya guud ahaan.  
Falsafad iyo sarbeeb gun dheer oo aynaan si fudud u dhuuxi karin ayaa ku duugan meerisyadaa aan sida aan cadliga 
ahayn isku dayey inaan faalo uga bixiyo.
 
Intaa kadib, wuxuu u gudbay gundhacii gabaygiisa isagoo tilmaan ka bixiyey luggooyada joogtada ah iyo khayaanada 
qaran ee dawladii Soomaaliya ay kula kacday dhaqdhaqaaqii xornimo u dirirka ahaa ee Soomaali Galbeed.  Wuxuu ku 
gudhiyey inuu, Cabdullaahi Dhoodaan ahaan, ogaa kana digay dibindaabyada ay xukuumadii Jamhuuriyadda Soomaaliya 
ku haysay halgankii Soomaali Galbeed.  Wuxuu yidhi:    
 
×           Aadmiga hawaa lagu larbee, waxa u laacaaya 
×           Kolba libinta qaar Eebahay, waa u liilgaline
×           Qofna lurkiyo ciilkaa bartoo, luun afkaw mariye 
×           Ragse laqan fariiduu noqdaa, amase waa liide
×           Ana labada cayn kuma jiree, laan badhaan ahaye
 
×           Nimaan luggi jabnayn baan ahiyo, xoogga lawyadu e
×           Hayeeshee laxaad kuma socdee, laangadhaan ahaye
 
×           Madaxiyo laabtay fayow, oo xiskay ladane
×           Waxse kuma lilloobaane, waan garasho liitaaye
 
×           Loog kama qadoo dheefta, ways kaga ladaabtaaye
×           Waxaanse luumanayaa majiro, amaan liqaayaaye
 
×           Anoon lag iyo darib quudanayn, subagna leefaynin
×           Nin ladaadyo qabataan ahoo, laqanyo haysaaye
 
×           Ma laafaalugdo xoolohoo, waan lexejeclaystaaye
×           Anunbaa kuwaygana lunshoo, loofar baan ahaye
 
×           Dadka sidii libaax dhiidhiyaan, wadar u laayaaye
×           Hadbase kaanu wada looltanaa, way lagdahayaaye
 
×           Soomaaliyaay liciif baad ka dhigi, laqan ahaantiiye
×           Lac midka u yidhaa ceelashee, laaska dhurayaaba
×           Ligligiyo wadaamaha kaluu, gadawga laacaaye
×           Oo maax lo'yowga u dhurraa, ama laxdiisiiye
×           Oo ladaabsi dhaankana xareed, ligica siiyaaye
×           Taydana ma liibaanahaa, laayacaa helaye
 
×           Waxba liiga tagay yuu sarmaan, ii ladqabatayne
×           Amase yayna lii-liijin say, noo lingaxayeene
×           Loolida qarsoon tuug rasaas, nagaga liishaanye
×           Waxba liigii tagay yuu sarmaan, noo ladqabatayne
×           Likaacadan horteed baan ogaa, leebbabkay mudaye
 

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.