Home

Qodob

                                                                              Dhoodaan

 

 

 
Hoos waxaad ka helaysaa gabay ka mid ah gabayada Cabdullaahi Dhoodaan oo magaciisa la yidhaahdo Qodob.  Gabaygu wuxuu la mid yahay labada kale ee iyaguna qaaflayda ah,  waa Qaydaraan-sudhad iyo Qarjacmuudle.  Taariikhda gabaygan saad u fahamto akhri hordhaca aan u samaynay Qaydaraan-sudhad.

Qodob wuxuu ahaa sidan: 

  • Qarnigaa badalay maansadii qaliga ahayde

  • Qaaraamiga iyo heesay wakhtiga uga qushuucaane

  • Ka qulquliya geeraarka aad looma qaayibo e

  • Inta gabay qofkii marin lahaa qiimo jabinaayo

  • Quful inaan ku gooyaaba roon qoomamuu taraye

  • Inkastoon sidaa uga qashdhacay oo qalbigu diiday

  • Oo gabay qallayf saa u yahay amuu qadhaadhaaday

  • Aan iskaga qutubo haatan way igu qodeeyeene

  • Dhawr qodon anoon kaa qarin kuuna wada qeexin

  • Qurqurkaa duleed xubin intaan sidii quraar faago

  • Middeedii aan qaataba haddaan laba usii qaybsho

  • Qabya-tiridda faaladu siddeed way u qalantaaye

  • Qudduuc fiina guuguulihiyo qodoto dhawdhawley

  • Qudha fuusha guumaysta iyo qaar kaloo jiraba

  • Shinbiraha badh qoodaar leh baan qumay ku sheegnaaye

  • Waxay qaalibkooduna ciyaan goor qaboono ahe

  • Baalaleey codkeed qalisay baad qoof ka dhigataane

  • Qarfa-duusha yeedhaba sidaa loo qaddarinaayo

  • Waa quduro inaan loo quweyn qawlka aadmiga e

  • Tan qufay ee tu kale hoo qudhqudhi qodobna waa kaase

  • Dadkanaga markii ay qashaye qaarba dhan u goysay

  • Kuwanaga qaldamay baan ku idhi qodob intaan sheegay

  • Haddii nacab walaalkaa qabtoo qaylo kaga yeedhsho

  • Qool weyn haddii lala dhacoo qaarta lagu boobo

  • Qablankiyo catowgiyo haddaad qawda sii maqasho

  • War quud raadso mooyee haddaad qamandhacoon weydo

  • Markii ay qudh-goyso ee dishee qawrac ugu jiiddo

  • Qormadii uu taagnaa hadday bawd qalaal noqoto

  • Qudhaadu kolkii ay soo hadhoo madiyoo qaawan

  • Qunyar buu awoodaa inuu qoorta kaa jaro e

  • Tan qufay ee tu kale hoo qudhqudhi qodobna waa kaas

  • Qorrofyada markii lagu jiriyo qarandi buulkeeda

  • Qunbe subag ah waan heli karriyo qaab dhite ahaaye

  • Qabaal xuukiyaan buuxsannoo taa qarka u yaale

  • Qalwaan ramadkana u seexiniyo qaadhkii naylaha e

  • Qadhoon baan dudada tiirsaniyo geed quwaax adage

  • Qansax lama mar ahaan degniyo hawd qar oodan ahe

  • War qooq iyo hurdada dheer intaan qaalmo rogonaynay

  • Gaajadii qunkeed xoogsatay ee qirada weynaatay

  • Dhulkeenii qoslaayey liqdiyo quruxda waagaase

  • Qanjidh iyo qanjaafuro liqdiyo seed qawaawir ahe

  • Badhkeen qanac hayeeshee dadaan quusan baa jira e

  • War quruxdeena kii daydayuu qaxar ka haystaaye

  • Tan qufay ee tu kale hoo qudhqudhi qodobna waa kaas

  • Soomaaliya iyaba waa u qaraac qoloba teediiye

  • Dad ma quusato ah baa yidhaa quud ka daydaya e

  • Ragse hadduu qulqulad kaa badshoo quudhsi kugu raago

  • Qardabiyo xumaatiyo haddii qadaf laguu gaysto

  • Qandhuufada yaryari boogahay qolofta kuu yeeshay

  • Kuma wada qalaadeen haddaad mar is qaniintaane

  • Qiyaastaa anoo kuu maray oo qodobna kuu sheegay

  • Qofkii raba wanaagoow waxaad qabato aan dhawro

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.