Home

Maxamuud Cali Beenaleey

                                                                             Gabayo isu jawaab ah

Ceelis Kaalaya
Baxnaano
Indha-Badane
Baho
Halgabay
Naagyahay
Uurkutaalo
Kaa Waayey
Nafyahay
Samir
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Beenaleey, Camanje, Dhuux, iyo Geele

Camanje ayaa waxaa la wariyey in niman Isaaq ahi u qabsadeen hal ooy dhaheen hal baad naga dhacday Camanjooy.  Camanje oo aad ula yaaban nimanka iyo xaajo xumadooda ayaa yidhi hashii in aanan arag ayaan idiinka dhaaranayaa ee ii imaada.  Nimankii ayaa u yimid Camanje si uu kitaab Jaamac ah ugu maro inuusan hashii indha saarin aysana ku maqnayn isaga.  Nimankii oo gole fadhiya oo ka sugaya Camanje inuu dhaarto ayuu gabaygan u tiriyey oo wuxuu yidhi:

  • Nimanyahoow hashiinii ma arag, waana la hubaaye
  • Waa taan hudheelaha galaa, hogoga Iidoore
  • Waa taan hariirsade gubaa, dhuxuli hoos taale
  • Waa taan makhaayado hurshaa, halow i leefaaye
  • Haweenkaygu waateey midgaha, hilib ka iibshaane

Ma dhanna....

Cali Geele nin la yidhaahdo oo Arab (Isaaq) ah ayaa uu jawaabay Camanje oo yidhi:

  • Abasguul Isaaq inaan la simo, igama eegtaane
  • Aanada rag kale haw dhintee, eray yar baan baanay
 
  • Hadday ayra geel kuu dhashood, waaya badan eegto
  • Uumiga kaliileed hadday, aammineey curato
  • Oo ibaha naasaha la jaro, waa af-kala-qaad
 
  • Markabkoo alleyl dhacay hadduu, shooladda afuufo
  • Eglan iyo walaa buu maraa, toban ayaamoodee
  • Kol haddii Ingiinku u fakado, waa af-kala-qaad
 
  • Nin maqaaxi iibsadey haddii, loogu iman waayo
  • Goortii albaabada la xidho, waa af-kala-qaad
 
  • Afar boqol ka badan maansadaan, uurka ku hayaaye
  • Isaaq iyo Ogaadeen haddii, laysu soo urursho
  • Ninka aniga ma ahee gabyaa, waa af-kala-qaad
 
  • Awr badan waraabuhu hadduu, waa ajale laayo
  • Ma uu aamusnaado ee kolkuu, uubatada qaado
  • Kolka aarka weyni u yimaad, waa af-kala-qaad
 
  • Waa taan Ogaadeen noqdaa, aharta diidaaye??
  • Waa taan agoon xooleheed, ku intifaacaaye
  • Waa taan adduunkoon la dhicin, ka aradnaadaaye
 
  • Waa taan irbado iibsadaa, sida Ugaas Nuure
  • Waa taan aroortii kacaa, arah u guuraaye
  • Waa taan siddii yey anbaday, ilo ka yeedhaaye
 
  • Waa taan awaaraha miskaha, dib ugu aastaaye
  • Waa taan in goon ah iyo habaas, kala afuufaaye
  • Anigoon adduunyaba lahayn, adhi iyo geel toona
  • Waa taan bir wada aad ah iyo, gudun afaystaaye
 
  • Waa taan ib dhuunyaale iyo, dhiraha eegaaye
  • Waa taan abqada meeriyaa, idil dharaareede
  • Waa taan Absame Kuumadiyo, ehelkii sheegtaaye
 
  • Abtirsiimo waa taan Hartiga, uga ekaadaaye
  • Ubadkayga waa kay siddaa, arab Mareexaane
  • Waa taan Majeerteenka Eyl, inan ka doonaaye

Maxamuud Cali Beenaleey ayaa labadii tixoodba gaadheen.  Wuxuu ku darsaday gabaygan hoose:

  • Marna in aanan maakhado ahayn, maanac iyo saanac
  • Muslinkaba in aanaan u darayn, laysna mudan doono
  • Dadka nimaan manaabo iga qabin, in aanan maagaynin
  • Oo aanan musheekhdiyo nebcayn, nimaan macruufownay
  • Oo aanan kutubo laysu maray, meersan wacadkooda
  • Waa taan makhnuud iyo noqdaa, makhawad Iidoore
  • Waa taan magaalada tagaa, macanjileystaaye
  • Waa taan hashaan maali jiray, gowrac mariyaaye
  • Waa taan maqaankii hunguri, ugu madiixaaye
  • Mandharaari waa taan futiyo, madaxa goostaaye
  • Waa taan mindiyo uus leh iyo, malafsadaa dhiig e
  • Waa taan miscilo baas dhigtaa, aan marimo ootaaye
  • Waa taan malooliga cayilay, macasha jiidaaye
  • Waa taan muluca kala soo baxaa, moolka badihiiye
  • Waa taan min weyn iyo go' iyo, mohorod qaataaye
  • Margiyada iyo waa taan garbaha, malax ku yeeshaaye
  • Waa taad i moodaa dhurwaa, maraya dow dheere
  • Miskaha iyo waa tay futada, wax i malaahaane
  • Waa  taan middaan dhalay idhaa, maydhan yaa gadane
  • Waa taan nin aan maaganayn, maro u saaraaye
  • Waa taan maryamo luuli iyo, magacyo sheegaaye
  • Waa taan mushtaro baayacaa, suuqa mariyaaye
  • Waa taan mar naageed xidhaa, maaliyaha suun e
  • Waa tii saliid la i marshaa, maalin iyo leyl e
  • Waa tii Maxooliga Kufrigu, igu maraacshaaye

Ma dhanna

Maax Dhagoole ayaa gabayadii ay is dhaafsadeen Camanje, Cali Geele, iyo Beenaleey loo geeyey kolkaa ayuu isna wuxuu ku darsaday gabay aan ka hayno: 

  • Abtiyaashay anigaa aqaan, nimanka Iidoore

  • Ha ka aamusnaadeen Absame, waan abhinayaaye

  • Aroortay yimaadeen iyagoo, awr faruur xidhane

  • Irriduu yaxoobaa siddii, ood fadhiisin ahee

  • Uurtuu ka reemaa siddii, igadh cayuumeede

  • Cirka oo unkadi buu yidhaa, adhiga ii looge

  • Aqal aad ah buul ooraluu, ka ag samaystaaye

  • Aagaamuhuu kala yaqaan, ta u iniin roone

  • Aboodaan ka gubi buu yidhaa, ubad fayoobaaye

  • Istalaab xun buu kaga dhigaa, meeshan oofta ahe

  • Ilamahana galabtuu iman, aabihii dhalaye

  • Afcastuna markaasaay dishaa, kabadhe Iidoore

Cali Geele Ogaadeen oon meesha kuba jirin ayuu gabaygiisii ku caayey.  Ogaadeen kaliyana ma ahee Darood oo dhan sida Mareexeen, Majeerteen  iyo Hartiga kale ayuu magac dhabay.  Cali Dhuux Aadan oo dhinaca saaraya Camanje iyo Maxamuud Cali Beenaleey, Cali Geelana yool ka dhiganaya ayaa kusoo biiray oo gabaygii Maxamuud Cali Beenaleey mid u eg tiriyey.  Wuxuu yidhi inta aan hadda ka hayno:

  • Waa taan wan weyn dhinacii iyo, dhabarkii tuujaaye
  • Waa taan intaan kala dhigdhigo, dheriga heenshaaye
  • Waa taan middii ii dhexdayoo, dhowri kariyaaye
  • Waa taan in soo dhibicsadaa, dhaahiyaha fuud e
  • Waa taan fartaa dhuuban iyo, dhuraha leefaaye
  • Dhab calool ah waa taan wadniyo, dhabano iibshaaye
  • Waa taan dharkaygii xarago, dharas ku laabtaaye

Silsiladan oo markii dambe isu rogtay mid ay Daarood iyo Isaaq ku loolameen waxaa ka qeyb qaatay rag badan oo kale.  Afartan tixood een halkan ku xusnayna qaar badan ayaa ka maqan.  Soo raadi oo fadalan nala soo socodsii haddii aad wax ka heshid.

 

 
 
 
 
 
 
 
 
 
Dhoodaan|  Sayidka|  M.C.Dage|  Qamaan|  M.C. Beenaleey|  Raage Ugaas|  Kaadheeri|  Guba|  Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.