Home

Xaajadii (1976)

                                                                             Macallin Dhoodaan

 

 

 
Xaajadii Macallinku wuxuu tiriyey dabayaaqadii 1976kii.  Wuxuu ka hor tiriyey guuto hubaysan oo ka mid ahaa Jabhadda Xoraynta Soomaali Galbeed oo tababar kusoo dhamaystay xeradii ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ee Qoriilow la odhan jiray.  Waxay guutadaasi kusoo jeeday gudaha gobolka Soomaali Galbeed ama Ogaadeenya oo dhaqdhaqaaq xooggan oo xornimo doon ahi ka jiray muddo dheerba.  Wuxuu ka mid yahay gabayada Dhoodaan kuwa loogu jecelyahay, waana gabay taariikhi ah.  Wuxuu ku billaabay:

 

 
1.   Waagii hummaajidu ahayd, halabadii guusha
2.   Xaajadii huluulaha gashee, haatuf ka adeegay
3.   Xaajadii halaagguba ka dhacay, ee huqdiga reebtay
4.   Xaajadii hurgumadeedu ay, heerka culus gaadhay
 
5.   Xaajadii hadhkii loo fadhiyey, geeda hoos badan leh
6.   Xaajadii habeenkii ardaa, lagaga haasaaway
7.   Xaajadii horseedkiyo ergadu, waayo ku harraaday
8.   Xaajadii halyay daacadiyo, hanaddo loo soocay
 
9.   Xaajadii cirroolaha hufiyo, hebelo loo doonay
10.  Xaajadii markay hoga gashaba, la isku haaraamay
11.  Xaajadii hagaag diidayee, lagu heshiin waayay
12.  Xaajadii hirgali wayday ee, hadal ka soo daashay
 
13.  Xaajadii hagoog iyo waxay, sir u hullaabnaydba
14.  Markay hoos u jiidaan waxay, kor u hayaantaaba
15.  Humse iyo waxay qoomamiyo, hibasho keentaaba
16.  Belo ka hig lahayd iyo waxay, baas la huguntaaba
 
17.  Markii heedaddawgii batayey, dhiidhi huri wayday
18.  Hurdufkiyo haraatida markii, rag isku haaneeday
19.  Ninkii libinta soo hoyi lahaa, hiilkase u baahday
20.  Habarwacad kuwuu ula tagee, hilibka soo mooday
21.  Ee horwaynka say ula dhacshaan, kaga hadhee diiday
22.  Halgaaddii isaga loo wadiyo, hootadii nacabku
23.  Nimankii hagraday maalinkay, hanatayee laysay
24.  Habboonaatayey siduu u yidhi, jeerkii Gabay-hawle
25.  Isba dhinaca hoomaydaybuu, maalintaa hadayee
   26.  Anna waa habkiisii waxaan, haatan leeyahaye
 
27.  Maansadaan haloosiyi jiriyo, qayladaan huriyay
28.  Haw liicinaay waxaan hayoon, dhab u hanuunshaaba
29.  Marna Xabashi huura leh Lixlaha, kula haliilaaba
30.  Marna hagar u daayoon rasaas ka haqab waayaaba
31.  Marna badaw hunguri doonayaa, harag u jiidaaba
32.  Marna haatuf been sheegayaa, hadal dhacsiiyaaba
33.  Marna laba hadraysaa cidlada, ku hindisoodaanba
34.  Marna horintii jaadka u fadhiday, male habeeyaanba
35.  Marna kii dharaar loo hanjabay, uu ka haajiraba
36.  Marna kii hublayn waayayee, heerkii lagu dhaafay
37.  Soomalidu maxay noo hayaan, socoto haybshaanbee?
 
38.  Hambalaalaqsanidaan arkiyo, hirarka ay fuushay
39.  Iyo sidaan jid loo haysan iyo, hilinka ay doontay
40.  Hiinraagga feedhaha waxaan, hiririgleeyaaba
41.  Kolla waxaan hammiga fooraroon, hadalka daayaaba
42.  Kol waxaan halmaan aawadii, huga illaawaaba
43.  Kolla waxaan is haadraaciyoon, maadda la hintaabe
44.  Kol waxaan hiyiga wayraxoon, gacal huruufaaba
45.  Kolna hoobadnimo jiibiyo, gabay ku heesaaba
46.  Kol waxaan higgaad ay fahmaan, hoga-tusiyaaba
47.  Kolla tixaan higaagga u xidhiyo, haar ku dumiyaaba
 
48.  Halgan saasa taaggay waxaan, soo huddamiyaaba
49.  Waxay dhadiyo haydh-haydh madaw, ku humbullaataaba
50.  Hummaaggaa waxaan fiiriyoon, daba huleelaaba
51.  Dhankay ugu hubleeyaan waxaan, ula hashleeyaaba
52.  Himbiriirsi oohina waxaan, daba hiqleeyaaba
 
53.  Kol hadduu dadkaygaa hurdee, hoorri dhacay toosay
54.  Horta anigu holacaan qabiyo, hibashaday dayne
55.  Eeggaanan haadaa dhacayn, halacsi mooyaane
56.  Oo naftii aan haaraami jiray, hiif u celinayne
57.  Oo inaan hawoodiyo karaa, inaan hadaaqaaye
 
58.  Nimanyohow hambaabiray haddee, heeganka u taagan
59.  Hankakoobsanayee maanta saan, ugu hadhuub qaadnay
60.  Inkastoon hannaanku u ekayn, kaynu ku hungownay
61.  Himmadaan la soo boodnay waa, loo han weyn yahaye
62.  Hayaankaan raraynaana waa, geeddi hawl badane
63.  Dhexda inuu hadhsado kii rabow, waa ban hoolane ahe
64.  Oo kii haro biya ah moodiyow, waa harraad kulule
65.  Oo kii hoyasho guri doonayow, waa cidlaw hadafe
66.  Oo kii hadimo diidayow, waa naftaa huride
 
67.  Kii xoola haabhaabanow, kama hodmaysaane
68.  Kii hadaaf xarrago maagganow, haaruftaad bixine
69.  Hayeeshee halaaggiyo innagoon, halasahaa jiidhin
70.  Hareer joosan maynoo filkeen, haybad naga roone
71.  Hawd iyo Jabuutiba xornimo, waa ka habartoodee
 
72.  Oo haynraaf dhulkoodii gabiyo, heecay bay noqone
73.  Wixii lagu harreenshaana waa, hoo adays gabaye
74.  War ruuxii huleelee ka taga, hogobka ciiddiisa
75.  Hayntoloshkuu maganta u noqduu, abid ka hoosayne
76.  Hamuuntiyo dadkaan sheegayow, waxaan haliilayno
77.  Waa dalkeenna hooyoo xornimo, lagu hoggaanshaaye
 
78.  Wallee hibada guushiyo sadkaan, u hanqal taagayno
79.  Cadaw inaad hankaagtaan raboo, idinla heesaaya
80.  Oon ku lala hardamayoon ahayn, la is hujuumaayo
81.  Oo hadimmadiinnii wadaa, qodaya haadaane
 
82.  Nacabkii hoggaan kugu xidhee, heerya kugu qaata
83.  Hantidana bannaan kaa tubee, hoygii kaa bixiya
84.  Iyo wixii ku hoosaasiyaa, waa isla halkiiyee
85.  War haw u kala hambaynina dagaal, haayirkiyo tuugga
86.  Oo sidaa xornimo aan helliyo, hodan ku raadceeya
 
 
Gabayga waxaa noo soo diray Cabdi Cumar.  Mahadsanid
 

 

 

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.