Home

Jilbo Riiq (1973)

                                                                                   Macallin Dhoodaan

 

 

 

Macallinka waxaa laga wariyey in uu yidhi hadal macnihiisu ahaa dhamaan gabayada aan tiriyey, waayaha ina soo maray iyo wacdaraha haysta dadka af Soomaaliga ku hadla waxaa laga dhex heli karaa gabaygan hoose ee Jilbo Riiq la baxay.  Wixii aad halkan ka weydo, ama ku jira eed fahmi weydana, ka dhex doon Falaadkii Adduunyada gabayga la baxay ee isna ku daabacan doollo.com.  Wuxuu yidhi:

  • Riddii dabada laabnayd kuwaa, rimayda moodaaya
  • Ridinriib sideedaan idhaa, ha u riyaaqaane
  • Riyada way habaabaan dadkii, run u maleeyaaye
  • Ruqo dabada laga fuushan yahay, ruuxna kicin waaye
  • Haddaan ribada kii doonayaa, rixin ka dhowraynin
  • Raqba wa rageediina sow messhu kuma roona
  • Waraabaha ku ruugaaya iyo aar, ku raamsanaya
  • Siday kuugu kala roon yihiin, maad u kala rebtid
  • Ninkii rodalna miisaama ee, kiila raajiciya
  • Ee raasamaalkuu helaa rubuc, ka hooseeyo
  • Xisaabtaa inuu dib u rogrogo, sow ra’yigu ma aha
  • Kol haday jilbaha riiqatay oo, rabashku dayn waayey
  • Runbaa tidhi ragaad baygu go’an, marisna way raagtay
  • Riyaa booday raacday gashoo, rays u tagi wayday
  • Raqbaa dooday raasbay cuntoo, beenna way raratay
  • Rugbaa xiintay roobaa gubtoo, raacataa damisay
  • Risbaa ciday ramaasbaa hadloo, raydab baa shiriyey
  • Hudbaa riixan jiicbaa runduda, gumarna wuu ruugay
  • Rashbaa qaraxday raamaa isku dhacay, ragagax baa yeedhay
  • Midbaa rimiyey riir bay ahayd, xuudna way ramatay
  • Jinnaa rudhay balaa raamsatoo, raalibay noqotay
  • Baddaa ruxantay, daad baa rogmaday, oo rajaa samirtay
  • Kala roore beel iyo ribbee maa, la kala raysto
  • Raxan ururtay reerkay liqeen, uga day raandhiiska
  • Rabbigii adduunyada lahaa, suu rabay noqonee
  • Qofba wuxuu raaracshaa, lagu risaaqaaye
  • Hayeeshee il raxankaa samayn, laab riyow timidee
  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.