Hoyga Suugaanta ee Doollo

  The largest online collection of Somali poetry

Dhoodaan  | Akhris  |  Halqabsi  Maqal Sayid Maxamed  Abwaanka Guba  | Ma Ogtahay | Email Us

Capital Convenience & Halal Meat & Xawaaladda Tawakal Express

10804 107 Ave
Edmonton, AB , T5H 0X2

Tel: (780) 990-0930


Links

  QubbiNews   
Silsilad Suugaaneed
Guba (coming soon)
Rayad
Camanje, Geelle, ikk ...
Daarood ku fuul
Daba La' (more to come)
Haameey/Halac Dh.
Hurgumo (more to come)
Deelleey

Qormooyinka Doollo

Abtirka Suugaanta
   Xasan M. Ibraahim    

Dhurwaale: Taariikh iyo Gabayo -- Taxriir

Muxuu cay Dameer igaga dhimi wayska ciyayaaye - Jawaab

Fooleey Aadan Cali Cawaale Xuseen

Taariikhda Qoraalka Far Soomaaliga   A. Dawlo

Cabdi Gorod wuxu yidhi  Cawaale Xuseen

Qardoofe: Magan-dawr iyo Cali-dhuux -- Cawaale Xuseen

Gabayaagii Hore: Xigasho Xushmad leh Xadiis A. Caabi

Tix iyo Tiraab: Raage Ugaas Cawaale Xuseen

Suugaanta Qafaalan Qaabkee Dhiciyaa
Xasan M. Ibraahim

Silsilad Suugaaneedka  Soomaaliyeed
 Cawaale Xuseen

The Role of Somali Broadcasting... A. Dawlo

Ololihii Qoraalka Far Soomaaliga A. Dawlo

Geedaha  iyo Haadda...
Cabdalle iyo Cawaale       

Wiilwaal:  Cadka Rag Walaaleeya
Cawaale Xuseen   

Wiilwaal: Lugo Goroyo
Cawaale Xuseen

Bushaaro, Bushaaro: Maax Dhagoole Dhimay
Taxriir

Wayshaan u Xidhay        
Cawaale Xuseen  

Bishu waa 30 Balliguna..
Cawaale Xuseen

Sayidka iyo Soomaali...
Axmed Idaajaa

Taariikh Kooban: Sayid
Maxamed .C. Xasan
Cawaale Xuseen

Yuusuf-dheere M. Sugaal

Utummo Sheeg
Sax u Bishaaraysta
Fidaa'iga Galbeed
Kas iyo Maagii
Warkii Xero Malayko
War Gubtaanyo
Dhambaalkii Illaahay

M. M. Fidhin

Faalo
Guubaabo
Soomaaliyey Kaca
Taliskaa Wareersan
Hasha
Surka Gooya
Taliska Heehaaba
Liidasho
Saddex Magac

M. A. C. Bidhiidh

Jawaabtii: Cali Dhuux
Xarunta noo soo rar
Bidhiidh vs.  Sayidka
Haddaan Dhimano

M. C. Gandaal

Digasho
 Denbi Ururay
La Yaab
Sargooyo

Wayshaan u xidhay

Ina Mataan vs. G. Dulyar
Wayshii (Akhris)
 


 

Cirjiidh iyo Xalane oo gabayo is dhaafsday

Janaayo 2011


 

Mire, Hurre iyo Gabadh Godban
Wq: Cawaale Xuseen


Gabaygii ma Dhiman, Dhaawacna ma aha

Wq: Cawaale Xuseen

 


Maqal iyo Muuqaal

Sayid Maxamed

Tabiye: Daahir Xirsi Cabdi (Daahir-Cudhaadh)

Daraawiish iyo Maxamed Subeer

Daraawiish iyo Reer Bari

Jiinleey

Gudban - Gaalo Lagad


Qalbi Karbaash (Updated)

Cabdullaahi Dhoodaan.


Show sabbaad tahay 

Dhoodaan iyo Qaasim oo gabayo is dhaafsaday


Xarbi Ismaaciil Samatar (Updated)


Ka durduurta waataad wax badan iga dalbayseene

Gabaygii ahaa Gantaal ee uu Maxamed-daahir Xasan ugu jawaabay

Bashiir Ismaaciil  


Garaad Xirsi Faarax Xirsi (Garaad Wiilwaal)


Sayid Maxamed:

1)Maandhow lug kow laha ka daa   2)Dhurwaa adhiga Eebbaa leh

3)Dardaarankii 1aad   4)Dardaarankii 2aad 5)Ma duqaynay Reer Bari   6)Miinanle 7)Xiin Finiin   8)Waa duni   9)Saha kacay 10)Xasanow hubqaadaye 11)Dhacdooyin, gabayo iyo geeraaro isku xidhan 



Abtirka Suugaanta - Qaybtii 2aad (II)

Xasan Maxamed Ibraahim


Dhurwaale: Taariikh iyo Gabayo Silsilad ah

Xarbi, Qowdhan iyo kuwa kale


Daawo in yar oo Jacburkii Dhoodaan ka mid ah


Cabdullaahi Dhoodaan

Umu Sibyaan, Jeeraaro Booddo, Isweydiin


Daawo laba gabay oo gabayada Singub ka mid ah

 

Daawo maansadii:  Afrika iyo Soomaliya


Muxuu cay dameer igaga dhimi, wayska ciyayaaye!

Jawaabtii aanu kal horre u dirray duulkii ku xadgudbay, u gafay, aflagaadeeyey kulana laleemooday qadaf aysan mudnayn abwaanada qaaliga ah ee Soomaaliyeed iyo suugaantooda xalaasha ahba....   More >> Jawaab


Fooleey Aadan Cali Hareeri Af-Soomaaligu waa af caan ku ah murti iyo maahmaaho badan.  Maahmaahda iyo murtiduba waxay ku yimaadaan dhacdo qofka qabsata...

Cawaale Xuseen


Silsiladdii Halac iyo Haameey:

Haameey xaggee jiray markii, Halac la sheegaayey, iyo

Halac-dheere ninkii sanado, hayn jiraan aheye >>>

Cawaale Xuseen


Taariikhda Qoraalka Far Soomaaliga

Af Soomaaligu waxaa uu ka mid yahay luuqadaha Geeska Afrika kuwa ay ku hadlaan dadka ugu tiro badani. Dadka Soomaaliyeed ee ku hadlana...  Axmed Haybe (Axmed Dawlo)


Cabdi Gorod Wuxuu Yidhi:

nin adduun ku noolow maxaa aragti kuu laaban, dib maxay ka noqon waa adduun doorshay kii hore e ... sii akhri >>>

Cawaale Xuseen


Magan-dowr iyo Cali-dhuux:

Qardoofihii gacan-ka-hadalka isu rogay ee dhexmary Dowr iyo Dhuux...Qiso gaaban

Cawaale Xuseen


Gabayaagii Hore; Xigasho Xushmad Leh

Xaddis A. Caabbi


Raage Ugaas:  Tix iyo Tiraab

Professor Maxamed Cabdi Gaandi ayaa Raage uga dambeeyey cilmi dejintaa oo wuxuu ku daray tixdii iyo tiraabtii maahmaahda.  Wuxuu Professor Gaandi aaminsanyahay...

Cawaale Xuseen


Suugaantan Qafaalan Qaabkee loo soo Dhiciyaa

Xasan Maxamed Ibraahim


Silsiladdaha Suugaanta Soomaaliyeed ee caanka ah waxaa ka mid ah Guba, Rayad, Haameey ama Halac Dheere, Daba la’, Hurgumo, Deelleey, Olal Reema..., Cawaale Xuseen         


The Role of Broadcasting in the Development of Somali Language  Axmed Dawlo


The Mass Literacy Campaign 1973-75. Axmed Dawlo


Geedaha iyo Haadda Geyiga Soomaaliyeed

Cabdalla iyo Cawaale


Cajal taariikheedkii 2aad ee Cabdullaahi Dhoodaan

duubay halkan ka dhagayso isagoon dhacdo iyo gabay walba gaar ahaan kuugu soo qaddimay (dhinaca midig ee suugaanta cusubna waad ka helaysaa)


Cadka Rag Walaaleeya:  Dhaqanka Soomaaliyeed waa dhaqan hodan ku ah sheeko xariirta ay sameeyaan af-shaxanno ku xeel dheer mu’allifnimadda dhinaceeda tiraabta.  Qeybtii Hilibka ee Habar Dugaag...Wiil Waal.  Cawaale Xuseen 


Lugo goroyo ma horaa mise waa dib:  Qisadii dhexmartay Garaad Wiil Waal iyo Cali... Cawaale Xuseen


Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro, Maax Dhimay!

Waar aabihii kude ha dhintee muxuu kaaga tagay?  Waar iga walloo aakhirana waa kaaga horeeyaa uu... Qiso Gaaban


Wayshii cabeebsanayd: Gurdankii gacanta iyo gabaygaba lahaa ee dhex maray Guure Dulyar iyo Ina Mataan: Wayshaan u xidhay... Qiso gaaban... Cawaale Xuseen


Ka durduuro gabayada aad Guba u maqashay oo dhan iyagoo dhagaysi iyo akhrisba ah iyo gogoldhig gaaban oo aan ugu talagalay inuu sahlo fahamka sooyaalka taariikheed...


"Bishu waa soddon baliguna waa buuxaa"  Raage Ugaas iyo aabihii Ugaas Warfaa oo si heer sare ah ugu xidhiidhaya Af-Soomaali cilmiyeysan... Qiso gaaban.  Cawaale Xuseen


Sayid Maxamad iyo Soomaalidii ka soo horjeedday keebaa gardarnaa? Axmed Faarax Cali Iidaajaa


Taariikh kooban oo ku saabsan Sayid Maxamed Cabdille Xasan, Allaha raali ka noqdee, iyo halgankiisii hubaysnaa ee uu kaga soo horjeeday gumaystayaasha Ingiriiska, Xabashida, iyo Talyaaniga...


Dabuubtii Qamaan iyo,

Darwiishkii hubaysnaa

caku Diricii Raage iyo, dhaqankii ma doorsamay
murti baa la dabaxaday, boqol iyo kun diimood

doc ka yeedhay baa jira...

By: Cabdi Cali Weyd

Halxidhaaluhu wuxuu ka mid yahay noocyada gabayga ama geeraarka kuwa loogu jecelyahay wuxuuna inta badan xambaarsan yahay garasho shishe oo maldahan oo ay Soomaalidu caan ku ahaan jirtay.   Halxidhaaluhu waa nooca oogu adag ee maanso lagu qotomiyo maxaa yeelay in abwaanku gabay ama geeraar qaafiyad leh uu dhiso waxaa u dheer inuu wax xujeeyo oo ama dhaqanka miyiga, diinta, xidigiska, iwm wax ku xujeeyo ama uu mid isaga lagu xujeeyey furo.  Waxaa dhici karta in abaanku bad yahay oo gabay noocaad doonto kuu marin karo laakiinse haddii uu halxidhaale loo soo faray furi waayo ma gabyi karo oo wax kale iskama sheegi karo.

 

Halxidhaalaha caanka ah ee maansalaydu wada taqaan waxaa ka mid ah kii Faarax Caytame kusoo gunaanaday silsiladdii Haameey/Halac Dheere ee ugu dambeeyey gabaygiisii Af-Gudhiye la baxay iyo kii dhex maray Sayid Maxamed iyo Gooni Yare.  Waxaa haddaba jira kuwa kale oo badan oo sababo jira awgood aan aad loo maqal.  Waxaa ka mid ah kuwa Raage Ugaas ka sugnaaday iyo midkan dhexmaray Cali Oday iyo Weerar Bulxan. Weerar baa ku horeeyey oo Cali xujeeyey oo wuxuu yidhi:

 

Wuxuu yidhi Weerar:

 

  • Caliyow biyo ooman

  • Sidee loo balxiyaa?

 

  • Baqbeenadoo dacarootay

  • Sidee looga baxshaa?

 

  • Buur weyn oo macaluushay

  • Ma la baanan karaa?

 

  • Laas bilaale ku yaaloo

  • Boqol maaxda ku deeqoo

  • Bidhe hoorsi galayninoo

  • Batow loogu arooro

  • Adaa beyd gabay sheegtee

  • Calow baabka ka dhawr?

 

Cali Oday ayaa wada furay oo yidhi:

 

  • Laas bilaale ku yaaloo

  • Boqol maaxda ku deeqoo

  • Bidhe hoorsi galayninoo

  • Batow loogu arooro

  • Bucdibaa la yidhaahdaayoo

  • Laba bawdo dhexdood buu

  • Ka bariisanayaa

 

  • Buur weyn oo macaluushay

  • Kol hadduu boqor eexdo

  • Waa buurtaa macaluushoo

  • Lama baanan karaayo

 

  • Basaridii habartaa

  • Riyahay barqinaysayee

  • Ka biirsatay qaabka

  • Markii waagu baryo

  • Bukurteey lulanaysayee

  • Karbaashkaw barkinaysay

  • Burcad bay ka samaysoo

  • Baqbeenadaa dacarootay

  • Sidaasaa looga baxshaa

 

  • Bawda weyne barbaariyo

  • Beydalkii gabadheedoo

  • Isla baaluqa gaadhay

  • Bawrigii mehershoo??

  • Ee barada laysugu keeno

  • Basar bay ku kacdaayoo

  • Weerarow biyo ooman

  • Saasaa loo balxiyaa

 

Weerar baa ku noqday oo wuxuu yidhi:

 

  • Ri dhashoo waxarteedii

  • Reer dhan caano ku deeqday

  • Bal risaalo ku doon?

 

  • Inta raad iyo ruux leh

  • Lababa waysku rafiiqee

  • Raha kay aano yihiin?

 

  • Ra’sigaa wax lagooyoo

  • Adduunkiina rudhaaya

  • Bal Calow run ka sheeg?

 

 

Cali Oday baa wada furay oo wuxuu yidhi:

 

  • Haddii aan run ka sheego

  • Asaad been ka rogaasho

  • Walaalkaygii rummaadow

  • Rabbi baa lagu raacshay

 

  • Ri dhashoo waxarteedii

  • Reer dhan caano ku deeqday

  • Xilli roob aad sugaysaad

  • Firi meel ku riddaayoo

  • Raxmaddii ku heshaayoow

  • Habaynay ku raddaayoo

  • Biqley soo rogataayoo

  • Laamaay raaricisaayoo

  • Dheelidday ruxruxdaayoo

  • Sabuul gees ka ridaayoo

  • Hadhaw baa la riftaayoo

  • Mooyahaa lagu riiqiyoo

  • Dharigay ku ritaanoo

  • Inta raad iyo ruux lehba

  • Risiq wuu u noqdaa

 

  • Raadkaa raadka ka weynoo

  • Ruuxaa ruuxa ka dheer ee

  • Ruqufraaquf dhaaqaaqiyo

  • Reeryo qaad xumadiisiyo

  • Miskihiisa radooban

  • Rashka gaaban dhurwaagay

  • Raha aano yihiinoo

  • Waysku reer Dhicisow

 

  • Ra’sigaa wax la gooyey

  • Adduunkiina rudhaaya

  • Cadkii Eebe rid’eeyee

  • Ragga meel kaga yaalee

  • Rundudaan u aqaanaa

 

Weerar baa ku noqday:

  • Caliyoow soddan reeroo

  • Sac adduunyo ka soofin

  • Oo subagii wadi weyday

  • Sifadooda bal sheeg?

Cali baa furay oo yidhi:

  • Weerarow soddan reeroon

  • Sac adduunyo ka soofin

  • Oo subagii sidi weyday

  • Safarbaa la yidhaa

  • Saa hadday noqon waydana

  • Sinsin baa la yidhaa

  • Saa hadday noqon weydana

  • Safsadaa la yidhaa

Nasiib xumo halkaa ayey cajaladii

sheekadu ku duubnayd ku

dhammaatay.  Soo raadi

hal-xidhaalahaa badan ee qaaliga

ah oo wixii aad ka hesho nala soo socodsii liibaane.

 

 

 

 

 

 

 

 


Kor u noqo

Suugaanta Cusub 

Xuseen C.  Xalane
Cabdi Xirsi & Sayidka
Xuseen Hudle

Sheeko gaaban: Waa Xaq

Khaliif Muxumed Oonduuf

Walhad:  Sayid Maxamed

Geela: Raage Ugaas 

Jiinleey: Sayid Maxamed
Cali-Nuur Muxumed Gaas
Maqashiiya: Sayid Maxamed
Waa Duni: Sayid Maxamed
Maxamed Bulxan
Gooni Cabdi Xaaji
Cabdi Xirsi, Dilkii Garaad Cali, Gondogooye iyo...
X. Dhiqle: Qayb Libaax

X. Dhiqle: Ingiriis sidii...

Yuusuf Dheere: Deelleey

Dhurwaale: Taariikh iyo  Gabayo

Af-Durdur: Dhawr gabay

M.C. Beenaleey: Baxnaano

Qamaan Bulxan: Dhawr gabay
Qamaan Bulxan: Sayid Max'ed wuu dhaqan yahay

    Weerar iyo Cali Oday

Buraale Cali Seexde

Cilmi Raage

Ina Dubbe: Sayidka

     Muuse Cali Faruur
Kulmis iyo Kacaan
Kabashada cilmiga...
Wayrax

Mahdi Jaamac Burgal

Cabdullaahi Yuusuf
Xuseen Cabdi Xalane
Ciil ka keen       
Qaaradaha   
Cirjiidh I       
Cirjiidh II      
Cabdi-Kaahin Qoorcadde

M. D. Xasan

Gantaal: Jawaabtii Bashiir

Timo Jilic 

Tawxiid
Cabdi Majiid

Camanje Yogol

Namiimnimo
Halxidhaale
C. Oday iyo W. Bulxan
 Halac Dheere (akhri)
Gunaanad

Xaashi Cali

Xaashi vs. Adan Budul

Xuseen Dhiqle

Fajac

Cali Oday

Cali Oday & Farax Nuur

Ibraahim Cayo

Haameey (Halac Dheere)
Haameey (Akhris)

Xasan Garabeey

Ciil u Dhimo (Ma dhanna)
Silsiladdii Deelleey
Gaariye
Hadraawi
Idaajaa
Gaariye
YamYam
Idaajaa
Yaasiin A.X. Nuur
Faarax A. Cali
Singub
Xasan Ganeey
Cabdi C. Weyd
Cismaan Askari
Cabdi Iidaan
Axmed D. Cabdi
  Xirsi Kolon
Maxamed C. Filsan
Ciise M. Shirwac

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 - 2009 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.