Home 

Amakaag

                                                                        Cali-Nuur Muxumed Gaas

 

 

 

Gabaygan hoose waxaa tiriyey Cali-Nuur Muxumed Gaas, wuxuuna tiriyey markii loo soo sheegay geeridii aabihii Muxumed-Gaas.  Wuxuu ararta hore kaga hadlayaa raggii hore ee qoyskooda ahaa ee mawdku ninba xilli iyo meel dhigay oo uu wali asaydooda iyo ilmadooda wado iyo sida aan adduun loogu waaranyn. Wuxuu kaloo miisaanka saarayaa waxyaabaha is badela marka abwaan hal-abuur ah, geesi waran adag, oday garasha dheer, aqoonyahan xirib leh, sida aabihii, uu geeriyoodo. 

 

Gabaygan waxaa abwaanka ka qoray oo inoo soo diyaariyey Xadiis Axmed Caabi.  Wuxuu yidhi Cali-Nuur:

 

1. Nimanyahow irdaha maansadiyo, ooday gabaygiiye

2. Xalay baa alaylkii hurdada, layla oogsadaye

3. Arintaan la ladi waayay baan, idin ogaysiine

 

4. Cabdullahi baa iil la dhigay, aamanuu hore e

5. Arbow Xaaji iyo Faarax-urur, aakharow kaca e

6. Ilmo igama bi’in Muuse iyo, Maxamed awgiiye

7. Maantaa albaabkii bur buray, ubuxu saaraaye

8. Irrid baa bannaanaatay aan, cidina awdayne

9. Aw-Muxumed siduu Raage yidhi, wow ekoon tahaye

10.Agoontoow Absame Kuumadiyo, ina Ogaadeene

 

11. Caawuu ilayskii ka damay, reer Ugaas Magane

12. Aqoontayda Reer Dalal malaha, sooma oriyaane

13. Indhuhuu qabsaday Khalaf Xirsigii, aaddanaan jiraye

14. Agoonta iyo kii jilicsan yaan, cidi ogaanayne

15. Martidaa awrta loo loogi jiray, adhina wow maadhe

16. Aftahamo iyo geed laga hadlaa, waa iska ilowe

17. Ararta iyo maahmaahdiyeey, aabbahaa dhimaye

18. Tan iyo Aadan iyo Xaawo waa, oohin taagan ahe

19. Ifka ruux ku nool oo ma jiro, abid ku noolaane

20. Mana ogin ayaanta iyo wakhtigu, saacaday imane

21. Astaaqfurulah inaan aamusiyo, samirku waa aade

 

22. Intaa idhiye meel kale anoo, ka anba qaadaaya

23. Iidoor Gal-Duur wuu qabsaday, eegga dabadeede

24. Ilig iyo Wardheer sow Hartina, shalay masoo aadin

25. Agaha Xodayo iyo Faafan sow, lama ilaalaysan

26. Marsin Owra iyo Caarro sow, kama ol-oolaysan

27. Awaare iyo Dig sow Ciidagale, oodda kama meerin

28. Ararso iyo Cobolana berribay, awr kusoo furiye

29. Irmaankaaba lagu sii wadaa, dharyihii Ooyoode

30. Arladii Jidwaaq iyo Jigjiga, Oromo loo gooye

31. Abaalkiisii Wiilwaal ma helin, uririntoodiiye

32. Camanje iil ma jiifeen hadduu, sidan ogaanlaaye

33. Eed sheegadkaygaw ahaa, guul iyo ayaane

34. Afka uma galeen cadow kolkay, ani i diideene

 

35. Iimeey miyaa laga qabsaday, eheladii joogtay

36. Ita iyo Obora iyo dadaan, kala aqoon waayay

37. Ibni Aadamkii kale intii, la isu soo ururshay

38. Cawlayahan idaylkii miyaa, shalayto soo ooyey

39. Sow Reer Afgaab lagama rarin, aradaduu yaalay

40. Bah Reer Sacad ushaa lala dhacaa, goor iyo ayaane

41. Addoon baa Goday looga tagay, agihii Baarguune

42. Ma arrimiyo Reer Muuse Khalaf, wayla amakaage

 

43. Abuurkay wataan wali Bahgeri, agaha diishiishiiye

44. Arladaa la weerarayo iyo, oodda soo durugtay

45. Maba oga wadaadiikii inuu, aakharow kacaye

46. Odayadii xuduudday dhigeen, haatan la ilowyeeye

47. Kobtaan ubadka gayso is lahaa, uun kalaa dagaye

48. Xagay iman kuwii Yurub u kacay, waa su’aal adage?

 

49. Away Nuur Cubudhiyow dhulkaad, nagu ogayd waayo

50. Afey iyo Qamaan baa dhintaye, ma indha taageene

51. Axmed Buraale iyo Saahid baa, aakharow kacaye

52. Asmaa lagu akhriyay Reer Warfaa, fal iyo uusduuge

53. Bah-Xawaadladii aadanayd, aabigii dhige e

54. Anaa Dalal ah nimankii lahaa, anafo loo diidye

55. Arlada iyo Ciiddii ka tage, loo ogaan jiraye

56. Hadda waxay kusoo urursadeen, agaha Ceel Xaare

57. Iyaga iyo gabdhaha adhiga jira, waysku itaale

 

58. Cali Yuusuf wuu umalsan yahay, goor iyo ayaane

59. Iblays baa habeynkii la shira, aan insi ahayne

60. Wuxuu ku akhriyaa inay tolkood, kala irdhoobaane 

61. Dibba wax uma eegaan intay, odayo doontaane

 

62. Dhoonyacab agoontuu ka tagay, aayatiin ma lehe

63. Sow Reer Xirsi wuxuu arkaa, aniga uun maaha

64. Iyaga iyo Reer Boon nac buu, uurku buuxsamaye

65. Untun aan bogsoon iyo finbaa, oofta kaga yaale

66. Kama aarsan karo cadow nimay, oday wadaagaan e

67. Ilmo Laag-Madoobana ma jiro, wax aan idhaahdaaye

68. Ayaan baa dagaal dhacay nin yidhi, waa umuur culuse

69. Ma ogtihiin nimaan samir lahayn, uu dadka u liito

 

70. Baryahanba bah-Abasguul kuma hadlaan, or iyo laakiine

71. Ilqarsade iyo Garaad Yuusuf baa, eebadii dhigay e

72. Hadda waxay irfidii kaga jabtaa, aagga Garaslay e

 

73. Iska aamu reer Fiqi Cigaal, aafadaa tidhiye

74. Iyagoo indhaha kala hayuu, awrku dheeliyaye

 

75. Arimaha la yaabka leh markaad, eegto dulucdooda

76. Ogaadeenba Sheekhaashi sow, uma awood sheegan

77. Sow Aadan Khayr lagama dhigin, adhi dhurwaa laayey

78. Sow Cali Wanaag lama ajalin, aar la’aan dhimaye

79. Ubadkii Shishoore iyo miyaan, Sacad agoontoobin

80. Kolbase oodda kuu sii xigtey, eeddu qabataaye

81. Ugaas Kooshin iyo Maalin Guur, sow ma iman waayin

82. Ugaas Nuur miyaan ficilku galin, dumarka ooyaaya

83. Ma Amaadin baa col iyo nabad, kala ogaan waayey

84. Cabadalaha agtiisa ah miyaan, uubatadu gaadhin

 

85. Asalkeeda laanqayrtanaad, ka indho beesheene

86. Aqoonyahano taariikhda qora, oo in badan baadhay

87. Odayaal gabooboo hiddaha, aad u garanaaya

88. Asalkoodu meeshuu ahaa, soo aqoonsade e

89. Abraha iyo Fircoon iyo Nabruud, ehelkii weeyaane

90. Yurubkii arlada waa qabsaday, waa ilma adeere

91. War isa saamaxa haddaan samir la helin, waa alow sahale

92. Arimaha dhexdiina ninkii, odhan karow jeedi

93. Hadaydaan is aaminin waqiin, ududsan maysaan.

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.