Home

Maxamed-daahir Xasan  

                                                  Gantaal (April 1985)

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Gabaygan waxaan isagoo maqal ah idiin soo gudbinay saddex sano ka hor.  Cajalka gabaygu ku duubnaa maqalkiisa oo liitay awgeed ma aanaan qorin.  Dhawaan ayaa waxaanu helnay nuskho cajalkaa ah oo maqalkeedu ka wanaagsan yahay midkii aanu gabayga kal hore ka duubnay.  Haddaba gabaygii oo qoran iyo dhagaysi kii hore ka fasiixsan ayaanu halkan ku haynaa.

 

Gantaal wuxuu ka mid yahay gabayo silsilad ahaa oo ay horraantii ilaa badhtamihii 1980aadkii  is dhaafsadeen niman Ogaadeen ah iyo kuwo Isaaq ah.  Kuwa Ogaadeen waxaa ka mid ahaa Yuusuf Colaad, Fakad, Xasan-garabeey, Gandaal, Makayte, Axmed-nuur, Fidhin, Maxamed-daahir, ikk.  Kuwa Isaaq waxaa ka mid ahaa Xaaji Cabdikariim, Dheeg, Bashiir, Aw-muxumed, Banfis, Qaasim, ikk.

 

Maxamed-daahir wuxuu si gaar ah uga jawaabayaa gabay uu tiriyey Bashiir Ismaaciil.  Gabayga ayaad ka fahmaysaan dooda labada nini siday u socotay. Gabaygu waa 384 meeris.  Hordhaca kaliya ayaa ah 114 meeris.  Cajalka aan ka qoray maqalkiisu waa kan gabayga qoraalkiisa la socda waxaanuna ka helnay mahadi ha ka gaadhee Cabdiwali Madar.  Akhris iyo dhagaysi wanaagsan.

 

Dhagayso gabayga

 

Maxamed-daahir wuxuu ku billaabay:

  • Ga’da gabayga Raagaa gingimay, gulucyadiisiiye

  • Isagaa gardaadshoo ebyoo, geeyey meel kore e

  • Googooska loo hooriyiyo, goobta lagu joojin

  • Waa garwaaqsiguu noogu dhigay, yaan la geesmarine

  • Gegiduu banneeyey ku taal, gudumo raadkeede

  • Goobaabintuu noo xardhaan, ganato shiishnaaye

  • Sayidkaa gadaalkii dibeed, goob u joogsadaye

  • Isagaa guddoonkii labaad, gaafwareeg toloye

  • Oon lagula googoosan jirin, gooha maansada

  • Gaashaan xariiruu ku helay, iyo galaas koobe

  • Qamaan Guulle waa baray haddaan, lays garraaxayne

  • Gumac kama dunnayn iyo rasaas, goohii Cali-dhuuxe

  • Golxob Yuusuf-uureey[1] murtida, waa ku goyn jiraye

  • Guubaabadii Jaamac-dheri,[2] galow ka ceegaagye

  • Laf gammuuran waa gani ogaa, Camanje geeraare

  • Ma gafaynin goortuu akhriyi, Geelle[3] say tahaye

  • Kama guurin Baar-xawle waa, gaalisayn jiraye

  • Garbo waw lahaa Maax galsho ah, mana galloobayne

  • Gabbaldhiman u diid Beenaleey, gabayga miisaanye

  • Ina Dage sidii gaagureed, god u bakaareeye

  • Gigta hore Ismaaciil Mireba, gaysan nabar weyne

  • Ilka-dahable goodiga naxwaha, laguma gaadhayne

  • Niman geeriyoodaa la tegay, guugga maansada e

  • Gaadhgaadh yar mooyee xikmada, laga galoofowye

  • Gurka maanta soo hadhay gelgelin, goon ka fadhateeye

  • Rag galbaday garoonkay fureen, gaban ku dhaanteeye
     

  • Iyadooy geddaa tahay haddii, lays gorgorin maanta

  • Ninba goonidiis kali rayiga, faan ha goodiye

  • Gurmagocoto kii hadhay qabsaday, geedatadan jaane??

  • Awal hore gurbays baan ahaa, gebidhac sheekayne

  • Mar hadduu gadhkii ii maroon, maanta gedo joogo

  • Gajow xoog ah goonbaar macaan, garasho loo aayo

  • Waa inaan gedaan weel ka dhigo oon, gafuur simo e

  • Goora-qaadda[4] uugada anoon, geesna uga leexin

  • Waa inaan gefsiiyoon ku xidho, golo-dheciisiiye

  • Awr gool ah oo gaamuroo, goojo hiliboobay

  • Ooy guuto baanahi qasheen, gawrac-shidho maalin

  • Gafuur deylan geygeyn maryaha, inuu ka gaadhsiiyo

  • Waa ged loo ogaayoo baruur, shiila gorodowye

  • Galladqabe goggii buuxsamoo, kurusku giig beelay

  • Gomodoha kollay tahay dux waa, kugu gaboodyeyne

  • Garanwaa ma yeeshooy halkuu, gool ku bururaaye

  • Gu hagaagay goortuu unkado, gamashi daaduunye

  • Galgaal dhalay gor laga nuugayaa, gabanta daabeeye

  • Gadhoodh laga lul giirbeyle dhalay, gaaguf[5] subageeye

  • Gayax darartay gorofkay xunbada, gibil u yeeshaaye

  • Rimay goojo gaadada ka siman, geel la towsadaye

  • Waxaan uga golleeyahay murtida, gabayga aan sheegi

  • Af-soomaali gaar kuu ahaa, gooni niman yaala

  • Ganbadhkuu lahaa iyo hiddaan, dhaafin gurigiisa

  • Gaalaamulux ka roon iyo midkii, lasyku gowlabaye

  • Garab-deyl ma kala soocna, waa gu’ iyo jiilaale

  • Anu maalintaan soo geddiyo een, gablada sheegi

  • Garankayga goortaan ka furo, gacamo soofaysan

  • Ma gowdhgowdho ee waa garsoor, gabayadayduye

  • Guudka ararta guurada habboon, gaada mudacayga

  • Guul aroorintaydiyo maddaha, si aan u gaadhsiiyo

  • Gar Iblays ma fiicnee haddaad, go’boda sii dhuuxdo

  • Waxaad garan inaan gabay fadhiyo, gururuftiisiiye  

  • Oon garaadihii buunkadiyo, guusha taagnahaye

  • Intaa waan gudoonshaye haddaan, gees kale u leexdo

  • Gamaankuba dushaa waa gammaan, daawashada guude

  • Isku gowna ma ahoo illeen, gabalba waa cayne

  • Kaygaa gorfeeya ah kan kale, goora-lale weeye

  • Garba-goroyo faalada haddii, laysku geyo maalin

  • Siduu muran ku gudhi waa inaa, gaalib loo waco e

  • Oo waxyaalihii lagu garramay, laga gun-gaadhaaye

  • Guluf baxay gantaalaha jirraban, guuto wada roori

  • Geenyadii Nugaal ahi fardahay, galow ku dhaaftaaye

  • Gadaal waxay u reebtaa qaddaan, gaabshay orodkiiye

  • Geeduhu dushaa waa ka geed, daawashada guude

  • Isku gowna ma ahoo illeen, gabalba waa cayne

  • Gabdho maydhax doonoo aroor, gudunta soofaystay

  • Oo gooradii Sibi ku baxay, gu’ga kaliishiisa

  • Dhirtu uma gudboonoo badhbay, garab maraayaane

  • Kolna garas-jilfoolliyo dharkayn, kuma gudaayaane

  • Gebangaab dhammaajiyo sarmaan, gacan ma saaraane

  • Genmadoobe maygaag mulaax, kama golaystaane

  • Iyagoo galool diiran kara, gumar ma feedhaane

  • Gal macaanta liisha leh kasbay, ugu gobeeyaane

  • Ooy garraadowgii boog lehee, godon u dhaafaane

  • Gar la soohay gaadiid ku raran, adiga oo giijin

  • Haddii uu gam’ kuusoo yidhaa, goor aad sare joogto

  • Inaad gees u duushiyo kuftini, kula gudboonaaye

  • Galalaati waa kuu ridaa, geeddi cayn xumiye

  • Gadaal waxay u eegaan, midkii guriga noolayne

  • Ee gargaarihii lagu xidhaa, uuna gu’i hayne

  • Sarbeebtaa gingiman maansadaa, gibilka loo yeelay

  • Godka aan shaxdaa degay jaraha, laba dhacaan gaysan

  • Waxaan uga gol leeyahay murtida, gaafa hadalkeeda

  • Go’a kama roggaayee ninkaan, garanin yeelkiisa

  • Afartaa wax layskuma gadee, golgoldhig waayeel dheh

  • Geeraar abwaan iyo higgaad, gun iyo baar weyn dheh

  • Murti gaaxsanayd iyo xikmada, godol horraadkeed dheh

  • Gu hillaacay guulaama di’i, galalaxdii roob dheh

  • Gucumaala aar iyo libaax, gaydh lasoo kacay dheh

  • Garnayl dhacay rasaas laga gabbado, gubiyo naabaal dheh

  • Mar haddaan gantaalaha rakibo, gumacna liishaamo

  • Garbo simanta meeshaan ku rido, laga galiilyoo dheh

  • Gabaygaan u diri Reer Wagaash, gun iyo baarkiis dheh

  • Guntay waanan furay maansadii, gudaha weynayde

  • Aan u galo ujeedada runbay, gobi la yeedhaaye

  • Inkastoon ka gaabsaday dhammaan, godob Islaameedba

  • Inkastoon gadaafiyo necbaa, gaydho-dirir hoose

  • Inkastoonan gaaleef u rabin, beesha gudaheeda

  • Giddigeedba Soomaaliyoo, gacal walaalowda

  • Inkastoon ku guubaabin jiray, gu’iyo jiilaalba

  • Inkastoon midnimo goob ahaa, garasho xeeldheer leh

  • Golduleelo inkastoon ka jiray, goolka dhalintiisa

  • Inkastoo gankay nimaan ahayn, aanan la googoosan

  • Inkastoonan goodiba aqoon, waa gun camalkeede

  • Gafka badan hadduu Reer Wagaash, gellina dayn waayey

  • Gasabkooda waa inaan marshaa, oon la gudhiyaaye

  • Guduudanaha tooxsaday bal aan, galo jawaabtiisa

  • Bashiirow guntaa laga fantaa, geed haddaad koriye

  • Haddaad guur u jeedana xil waa, layska giijaaye

  • Gar haddaad naqaysana cadlaa, lagu guddoonshaaye

  • Haddii aad gabyeysana runbaa, lagu gorfeeyaaye

  • Waa gebbaanse caadadii inaad, gebi-dhaclaysaaye

  • Taariikhda guudnimo haddaan, kala guroon eegay

  • Gundhigeeda faalada haddaan, goof ku falanqeeyey

  • Teeriyo Guray iyo Darwiish, gaaniyadii Leego

  • Gobonimadii loo soo halgamayee, gamaska loo fiiqday

  • Eey gawso aar kala baxeen, geesi dubayowday

  • Gurmadkeedii dheeraa xornimo, gebiyo loo jiidhye

  • Wax diiwaanka kuu galay ma jiro, guul u dirirkaase!

  • Gumaysiga la jaal baad ahayd, garab manuusaaye

  • War gaaraabidhaan baa ku haga, goor habeenimo e

  • Markaasaad god dheeriyo jariyo, gebi ka duushaaye

  • Gaadaadhac waa lagu yaqaan, Goxoshle Iidoore

  • Geyigaba ma joogtide cidlaad, galalafayaasaaye

  • Gondolaysi baa kula tegiyo, geeb laguu shubo e

  • Hadduu gini dhexyaal naarta, waad ugu gelaysaane

  • Galab-oori-daaq baad ku tahay, guri shisheeyaade

  • Gidsiyaha Carbeed baa dhaqdaa, gudub u leeftaaye

  • Girgiraad u shidi reer sidii, naag la guursadaye

  • Garaanciin lafood iyo kalyaad, gedi taqaanaane

  • Garowgood bislaysaan sidii, geradi mooyaane

  • Waa kuu garaadxumo inaad, gole ka faantaaye

  • Nin waxgaran haddaad tahay caqliga, gees lagaa mariye

  • Mar haddaadan goob laysku helay, guul ka dhalinaynin

  • Inaad gaabsatiyo aamus baa, kula gudboonaaye

  • Ma gegnayd sarkhaan maalintaad, gabaygan duubaysay?!

  • Afartaa gudoonshaye haddaan, gees kale u leexdo

  • Giddigiiba Iidoor haddaan, gebi ahaan dhuuxay

  • Waa guri madow oon qalbiga, nuurba loo geline

  • Waana gaagurtii xaasidkiyo, godoto shaydaane

  • Garbagale Iblays weeye iyo , gaal shuraabadiye

  • Galsho miira goomaad ajay, gacan-togleeyaane

  • Gadislayda ceebtay noqdeen, giir-xamaalyaduye

  • Ganbadhkii sariigtay jabsheen, gudub u tuureene

  • Gongon ma leh xishoodoo horay, uga gallobeene

  • Inkastoo gu iyo roob ku da’o, guuxna ku hillaaco

  • Hadduu dhiil ganboon yahay ileen, uma galo tiixe

  • Iyana waa gaddaas oo kaliyo, goof abaarsadaye

  • Go’bo kuma yidhaa kheyrku waa, garab maraayaaye

  • Garaadkay ka liitaan hubaal, geel-cadhaysyaduye

  • Kol hadduu garaabiyo marduuf, gawlalada beego

  • Ama dhawr galaan oo khamra ah, gororsadoo laaco

  • Gorof madhan inuu buuxo waa, garasho moodaaye

  • Gunta weel duleeluu aslaa, ama godeeyaaye

  • Sidii dhuug wax gani buu markaa, galalaf xiimaaye

  • Guullihii na uumuu afxumo, ugu gadhyeelaaye

  • Mar waxuu garaangarin, waxaan suurogelihayne

  • Gunburadii Hablood iyo Jiquu, mar isu geeyaaye

  • Gabaahiir abaaruu yidhaa, waa gu’ doog badane

  • Isagoo gelgelin boodh lehiyo, gegi ku seetaysan

  • Guryan faana waa shubi yaqaan, guulla kaba dheere

  • Gedgedoonka iyo beentu waa, shay u gooniyahe

  • Gelin kama dibboodaan inay, xin u gurguurtaane

  • Gogol way xajiimayn u taal, gaasho nabadeede

  • Gacal duuban oo mid ah khilaaf, waa dhexgeliyaane

  • Hadba geesigii daacaday, garab-wagliilaane

  • Isagoo u fidhi gaydhaday, boqonta gaadaane

  • Geeddiga markii loo hishee, karanta loo guuro

  • Guryo noqodka wayliyo Isaaq, kama gayoodaane

  • Labada go’doon way ka dhigi, garashadooduye

  • Bal inay geddaa tahay waxaan, idin garwaaqsiiyey

  • Sayidkii guyaal iyo guyaal, gaydho diriraayey

  • Een gulufka heesaha ka damin, gaade iyo haayir

  • Darwiishkaa gumaysiga necbaa, waad gol qabateene

  • Gaashaandhig idinkow ahaa, gaalkii Reer Yurub

  • Maantana gaddiinii xumaan, waad u goriseene

  • Go’ la maydhay oo daahiraad, gubax ku saydhaane

  • Galshadii xareed laga dhigaad, guda walaaqdaane

  • Qabiilkii god lagu duugay baad, soo gan-fadhataane

  • Golihii Sariyo tawradii, gacalka nooleeyey

  • Giddigeedba Soomaali weyn, guusha ugu baaqay

  • Guddoonshaha Kacaankiyo Xisbiga, guulna wadayaasha

  • Inaad goondhabaysaan cabbaar, waw galgalateene

  • Halgankii Galbeed waw shirteen, inaad gulaashaane

  • Laakiinse idinkaa ku go’ay, gocondho faagiiye

  • Gobonimo waxaad siisataan, googo lacageede

  • Geyigaba inaad iibsataan, gocoto dhawr jeere

  • Gobolada xoroobaad rabtaan, inaad gumaysaane

  • Haddaan calanka guudkeena sudhan, geesiyadu dhawrin

  • Geesh iyo dadweynaba haddaan, gaafka laga joogin

  • Oon gaadh lagaa haynin waad, gadan lahaydeene

  • Masaartaba haddaan gabal ku jirin, geedna ladhi haynin

  • Garaac laguma oodeen dhirtana, laguma gooyeene

  • Guduntuu addoonsigu wataad, daab u gelisaane

  • Hadba qaranka kii gaadibaad, ugu garbaysaane

  • Illaahay nin gooyiyo kufraad, daba guclaysaane

  • War haddii aadan garuumaha aqoon, gaal ka wali yeeshe

  • Haddaadan geenyo baydalan ahayn, gaal ka wali yeeshe

  • Hadba kii gumaysi ah maxaad, uga gashaa hoosta?

  • Maxaa godobta Soomaali Weyn, gurada kuu saaray?

  • Gaar maxaa bulshada kaaga madhay, gacal walaalowday?

  • Gufays cadow maxaa kaa dhigiyo, godoto naahuuro?

  • Absamuhu abaal waa galaa, waana kii gudo e

  • Garna way dabaashaa aqoon, garasho lays dheere

  • Idinkaan garraad iyo gushaash, geesna qabanayne

  • Gallad kuma nagaataan xurmana, maba gaydaan showe

  • Mar hadduu gafuurkiin engago, waa gab taladiine

  • Waxaad gaar u leedahay nin kale, how garaangarine!

  • Jabhadihii Galbeed ee xarbaha, gaarunka u qaaday

  • Gobonimo u dirirkii kufriga, gubahayee naafshay

  • Gaasas ka hor yimaad iyo colbaad, gabas-aloosteene

  • Miinaad ku gaarteen jidkii, ama ku goyseene

  • Gabbal-dhacay fidaa’igu markuu, kuugu guday baahi

  • Garbaduub intaa loo qabtaad, nacab u gayseene

  • Gumucaan adoonsiga ku waday, waysku gudubteene

  • Gamaaraydii Abasiiniyaad, goob la noqoteene

  • Inaad gacal wadaagtaana waan, helay gunteediiye

  • War Mingistaad gargaartaye hadmaad, gacan i siinaysay?

  • Galbeedse wuu xoroobiye inay, godobi kuu taalo

  • Ood ganaaxan tahay daa’inkaa, geli dubaaqaaga

  • Afartaa guddoonshaye haddaan, gees kale u leexdo

  • Hadduu geedo-weynow ritigu, gaadho jamalkiisa

  • Gurgurshaa hadduu yahay xiniin, gaamur ku ahaaday

  • Ama geel horweyn lagu daroos, gaydho daba taaho

  • Isagoo gordoday baajiduu, gacanka taagaaye

  • Markaasaa gufaacada ka bixi, galowgu heesaaye

  • Kol hadduu gulgulo buur noqdoo, guuxa labaraabto

  • Oos garaadihiisii ebyado, sharafi wow gaare

  • Gaboodyaalo weer kama didiyo, xoor gadoodahe

  • Gaardaymoodka waa laga badshaa, gaani buuxsamaye

  • Garuud kuma haraatamo bilaash, gobina waa saase

  • Gibil-dhawr ma laha Reer Absame, mana gayaan ceebe

  • Goofaadhtan kama waabaniyo, goroyo-quuqlayne

  • Guud-ku-shaashlihii aar dawaco, golay ma dheelaane

  • Arba gaamuraa kama gabado, haramcad gooheede

  • Wiyil gaarin iyo gaab sagaar, goobo kala weyne

  • Girdhiclaha dameerkiyo ritigu, laba ah gaadiide

  • Saar-madoobe waa geed ku ladhan, geed kaloo negiye

  • Cayo guri ku taal baa jiroo, maalku gees maro e

  • Wuxuu uga gudaa waa dikhnimo, goosinkaa baxaye

  • Gurdanboole daanyeer gefleh, ways giriirixine

  • Shabeel gudhan dhashiisana mar qudha, guuli kari waaye

  • Gabbaan wayska faanaa bilaash, waana goodiyiye

  • Gobna waysku loohaa cidluu, gararafleeyaaye

  • Idinkuna gaddaasaad tihiin, Goxoshle Iidoore

  • Adigoo itaal gaabanbaad, gaadh is tidhi buure

  • Reer Amaadin gaafyaha Nogbeed, godor ku maalaaya

  • Maalinguurka Goohiyo fadhiya, Sibi garraarkeeda

  • Garbo nimanka yaaliyo Dhanaan, Ooman gudaheeda

  • Gobolkaa Illaahay ku shubay, guuyadiyo maalka

  • Ramadkii guryaha buuxin jiray, waa geddii waliye

  • Gaawaha sidiibaad xunbada, gibil u moodaaye

  • Garab-rarato abidkiis ma noqon, gebigii Jeeraare

  • Guud ahaan Cabdille ruux yaqaan, uma goodiye

  • Jeeriyo gumaysigii caddaa, Golongodkii Laaran[6]

  • Iyo guud-qandhicilow Amxaar, shilin gamaareey ah

  • Dawlad gibir ka qaadaba la waa, maalin gelinkeede

  • Siduu Kabadhe geel uga dhacay, uunku garan waaye!

  • Guluf weerar daa iyo col aad, gaax ku didisaane

  • Abidkaa galoon yaal ardaa, gees umaad ridine

  • Ciidagalase gaadh wuu ka noqon, geerash iyo baare

  • War ma garow hudheel iyo kalyaad, geelayaga mooday?

  • Afartaa guddoonshaye haddaan, gees kale u leexdo

  • Arladii gahaydhiyo lahayd, geedsankiyo doogga

  • Barigaad gasheen mowdku, wuu idin galaaftaaye

  • Gaashaandhiggii Reer Warfaa, guduri kuu loogye

  • Gob dharbaaxadeed maalintii, lagugu gaylaanshay

  • Waataad galgalateen sidii, goosan weer helaye

  • …………………………………… gees lagaa mariye

  • Kol haddaadan goob laysku helay, guul ka dhalinaynin

  • Inaad gaabsatiyo aamusbaa, kula gudboonaaye

  • …. ……………….Ciidagale, maadan gabaydeene

  • Intaa waan guddoonshaye haddaan, gees kale u leexdo

  • Absamuhu siduu kuu galiyo, nabarkuu kuu gaystay

  • Gelgelintaa siduu kaaga dhigay, gegina kuu taagay

  • Murti gaaban faalada haddaan, kugu garwaaqsiiyo

  • Oon taariikhda lama gees maree, gobo’da kuu sheego

  • Garri danantay buunkoo gurxamay, fiinna gama’ diiday

  • Girigiri colaadeed lalabo, galowgu dhiilooday

  • Go’aan buuxa guutooyin culus, geedan jabis weyn leh

  • Iidoor inuu galo markii lagu, guddoon yeeshay

  • Ma gabadihii Arab-jiir markuu, gacalku hoodaystay

  • Inuu taliye guud yahay markii, laysku gacan qaaday

  • Gadhwadkiyo sideetaha[7] markii, garasho loo soocay

  • Giddigiis Ogaadeen markuu, guluf u heenseeyey

  • Gaas baaxad weyn iyo markuu, guure soo kiciyey

  • Wuxuu soo goldaasooy farduhu, golongol dhuubtaanba

  • Idinkoo gawaan jabay baqaha, kama gayootaane

  • Badda gowtigeediyo idinkoo, goof ku kala dhuuntay

  • Maalintii girkaa iyo girkaa, weerarku is gaadhay

  • Waxaad geel lahaydeen markii, laysu wada geeyey

  • Ganbadhkii Ogaadeen markuu, libin ku geeraaray

  • Sanad iyo weliba googo’ bay, gebogebaysnayde

  • Lafaruug gatkii saaladii, waa geddii waliye

  • Iyadoo gardhadu suuftahoo, boqol garaarood leh

  • Goojoraaxo iyadood timaha, goray haldhaa moodo

  • Galaalada[8] markay ciirisee, ramadku guuxaayey

  • Shinni gode sideedii markay, garawo xiimaysay

  • Gegidii bannaanayd markay, gaydho ololaysay

  • Gurxankii Magaal-buro iyadood, roob gudgude moodi

  • Goroflagadka naasaha markay, labada gees hooshay

  • Waryaa Daba-gabaasaay markay, garawo ooyeysay

  • Ee gaanigeedii nasrada, daba garaacaayey

  • Giddi Reer Wagaash waw dhannaa, gulubo luudkiiye

  • Gol libaax ka duufsaday atoor, foodda gelin waaye

  • Waydinkii ka gaabsaday inaad, geela ridataane

  • Anigoon gunbaa tahay ku odhan, galabba reer sheegte

  • Laakiinse gedgedoonka badan, guduri hoos taalo

  • Gobi kama hadheen maalintaa, goodir caga-weyne

  • Indha-badane gulufkii la tegay, gaado ma ahayne

  • Gabba’ na[9] looma dhiibine Cillaan, geesiyaa dhacaye

  • Xeradaa hadhkii lagu galeey, kala gaddoomeene

  • Gu’ dhal waad ka samirteen inaad, godol ka maashaane

  • Garba beelka waataan ku baday, een ku gaasiraye

  • Een gadaanka kuu sudhay waxyahow, goroftii caydheede

  • Midka dhuxusha lagu soo gureed, ganafto mooyaane

  • Ma ogoli isaga geel inaad, galab xaraysaane

  • Giir-xamaalnimaan kuu fasaxay, iyo garwaanlayne

  • Waad ganaaxan tahay maalintaad, godar hawaysaaye

  • Gardarada ma daysaan baqana, kama gayootaane

  • Abidkiinba goob laysku helay, guul ma dhalisaane

  • Muxuu gole-ka-faan tari haddaan, galangal kaa yeelay

  • Intaa waan guddoonshaye haddaan, gees kale u leexdo

  • Adoo garan sidaan kuu galiyo, nabarkaan kuu geystay

  • Ganbo-nacas anoo kuu xidhoo, gurada kaa fuulay

  • Shaabbad aan go’ayn iyo anoo, gaatir kugu reebay

  • Guryihiina anigoo madhshoo, galangal kaa yeelay

  • Oo gaajo kugu daa’intiyo, gabawar kuu miisay

  • Markii gorrodda lays daro xarbaha, gumacna wiifleeyo

  • Ogaadeen guhaad qaba adoon, gelin dabbaalaynin

  • Adigoo gulaalmoo ka jaban, lawga goroftiisa

  • Oo gurguurad mooyee laxaad, gaardi kari waayey

  • Inkastaba guruufoo adoo diin, ka orod gaaban

  • Adigoo gabaahiir fadhiya, goofna ku asqoobay

  • Sidii neef ganboor cunay adoo, gorodda laalaadin

  • Gasabkaa wuxuu yahay anoo, gaawe kugu siiyey

  • Gafuurkaaga dhiigiyo anoo, goror ka sii daayey

  • Oo guuli kaa dheertahaad, been ku gabaydaane

  • Gablankaan ku taartiyo runtaad, garab maraysaaye

  • Galool iyo dab weyn baad shiddaan, ood ku gubataane

  • Gammuunkaad cirraartayi, gadaal kuugu soo noqoye

  • Orgigii garoo yidhi ku daaq, aniga geeskayga

  • Ee giddi dharaartii riyaha, garab taxaashaayey

  • Gabbalkii markuu dhacay dabeed, talo ku gawriirtay

  • Geddiisii inaad tahay midbaan, kugu garwaaqsiine

  • Gumaysiga intay wada riddami, ayna dhalin goolka

  • Ogaadeen haddaad gaad is tidhi, gaydh horaad tabane

  • Gabdha siisayaa iyo xigaal, kuugu garayaaba

  • Xabashigu gargaar culus hadduu, idin guddoonsiiyey

  • Ooy gawaadhi kuu dhaamiyeen, badi u gaashaaman

  • Adigoo hubkii gaaladii, gudub u haaneedsan

  • Gabiibtii haddaad weerarteen, gogoshu noo tiilay

  • Giddi Dalal Ugaas iyo Caliba, gaadh-haye u taagan

  • Iyo guuto Reer Fiqi Cigaal, oo guntiga gaabin

  • Oo geesiyaal dhaartay iyo, lama gudbaankii ah

  • Gigtii horeba caydh kugu genbiye, aad la gubataane

  • Garxajis labadii gees biciid, waa gamuur jabane

  • Girinoofka doorani markuu, guudka ka higgoodo

  • Gadh-madoobihiiniyo barbaar, guud-caddiyo shaashle

  • Orod gaaxsanmaysaane waad, galangalcowdaane

  • Reer Subeer ninkii Hawd ku gala, way gagabiyaane

  • Gobbay caadadeed tahay inay, gacan saraysaaye

  • Bakhtigiina gegan buu tukuhu, wali gasiintaaye

  • Naagaha raggoodii go’ay een, gaagna laga reebin

  • Ee geeljirkaad doonateen, gumaca leefsiiyey

  • Geerida in laga qarshaa, waa garaad xumo e

  • Guddigaad samayseen runtay, garab maraayaane

  • Gocondhadu ragaad weyn male, ganitankeeduye

  • Adaa gows libaax taabtayoo, good is yidhi qaade

  • Gommodaydun kula soo baxdeen, gudumo aasnayde

  • Golxobkii wadkaagay afayn, gabayadaaduye

  • Godkii aad qodayseen adaa, galay Bashiirow e

  • Inay gebiyo kugu soo dumeen, garatay shaaleeye

  • Waxaan gaas dhannayn baad hortii, wada golyeyseene

  • Gacankii maroodigu hadduu, kugu gandoodaaye

  • Nabadaad galayseene dorraad, haw galaydhyeyne

  • Gadh-salaaxa iga daa adaa, gudhiyey waanwaane


     


    [1] Yuusuf-uureey gabayaa culus oo Reer Carraale, Reer Amaadin, Reer Cabdille, Ogaadeen u dhashay ayuu ahaa

    [2] Jaamac Xirsi Ducaale waa gabyaa isna la gedo ahaa Yuusuf-uureey oo isla Reer Amaadinkaa ahaa 

    [3] Axmed Geelle waa gabyaa kale oo qudhiisu isla Reer Amaadin ahaa

    [4] Goora-qaad waa wado weyn oo dusha marta

    [5] Gaaguf ama qunbe: waa weel reer miyigu subagga ku kaydsado

    [6] Golongod iyo Laaran waa laba sargaal oo ciidamadii Ingiriiska ee dhulka Soomaaliyeed gumaysiga ku joogay ka mid ahaa.

    [7] Sideete ama Sagaale waa ciidan yar oo ilaalo ah oo ka hormara gulufka ama gaaska weyn.

    [8] Galaalada waa bannaanada

    [9] Gabba’ waa canshuur 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002-2009 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.