Home

Taariikh iyo Gabayo

                                                                                               

Qoraal

Maax Dhagoole
Xarbi Ismaaciil
Maxmuud Oomaar
Maxamed Dheere
Camanje Yogol
Cali Oday vs. Weerar Gurxan--- coming soon
 
 
 
 
 

The largest online collection of Somali poetry

Intiinii la socotay waxaan dhawaan idin soo gaadhsiinay cajalad uu duubay Cabdullaahi Dhoodaan oo uu ku toosinayey khaladyo badan oo taariikhda  laga galay iyo suugaan badan oo la marin haabaabiyey.  Waxaan isla xilligaa idiin balan qaadnay inaan ka shaqaynayno soo hellidda cajal kaa la mataan ahaa.  Waxaan idiinku bishaaraynaynaa inaan middii labaadna gacanta kusoo dhignay oo aad halkan hoose ka dhagaysan kartaa.  Dhagaysi wanaagsan.

Maxamuud Oomaar

Xarbi Ismaaciil

Maax Dhagoole

Guba 2 Cali Daya Iidoor
Boobaay Xarbi vs. Qawdhan Qaar Cayuun
    Meel xun Kamandhu...

Camanje Yogol

Cali Oday

Maxamed Dheere

Namiimiye Cali vs. Weerar G. Max'd vs. Weerar C.
Halxidhaale

Halac Dheere

Gunaanad

  Dulmar Kooban Gunaanadka cajalka

Gabayadan oo qoraal ah ayaan soo sidnaa sida xamaalkii .  Ha u daymo la'aanin inaad qoraalka ka libaysato oo aad akhriska iyo dhagaysiga kolba mid ku nasato ka dib markaan kusoo giraangirino.

Tixihii Maax Dhagoole bal kusoo dhawow:

 

Maxaa Dhagoole ayaa gabayadii ay is dhaafsadeen Camanje, Cali Geele, iyo Beenaleey loo geeyey kolkaa ayuu isna wuxuu ku darsaday gabay aan ka hayno: 

  • Abtiyaashay anigaa aqaan, nimanka Iidoore

  • Ha ka aamusnaadeen Absame, waan abhinayaaye

  •  

  • Aroortay yimaadeen iyagoo, awr faruun xidhane

  • Irriduu yaxoobaa siddii, ood fadhiisin ahee

  • Uurtuu ka reemaa siddii, igadh cayuumeede

  •  

  • Cirka oo unkadi buu yidhaa, adhiga ii looge

  • Aqal aad ah buul ooraluu, ka ag samaystaaye

  • Aagaamuhuu kala yaqaan, ta u iniin roone

  •  

  • Aboodaan ka gubi buu yidhaa, ubad fayoobaaye

  • Istalaab xun buu kaga dhigaa, meeshan oofta ahe

  • Ilamahan galabtuu iman, aabihii dhalaye

  • Afcastuna markaasaay dishaa, kabadhe Iidoore

  •  ...

Mar kale oo uu gabay dhinaca Isaaq u diray waa kii lahaa waa inta aan hayno ee: 

  • Iidoor qardoofaan lahayn, tan iyo Qaabiile

  • Qasrigaasu waw kala xidhnaa, qolada Daaroode

  • Waxaanse qoodhihii jaray, markaan Qaar-cayuun idhiye

  • Ma kitaab Quraanaan ka dayey, qeexanaa hadalku

  •  

  • Hadda uu qaliil kama baxoow, qeyd macaash yahaye

  • Hadda uu qar ooddan iyo sool, qaali mariyaaye

  • Hadda uu qaraamaad ka guran, qollada Hiiraane

  • Hadda uu qashwado fool xun iyo, quluc biyeystaaye

  • Hadda uu quddaha leefayaa waa, qorqodihiiye

  • ...

Markii kalana waa tii laga soo wariyey: 

  • Milix keentayaa iyo adhyaha, marin ka doontaaba

  • Macaluul wax kagama dhintaan, macawisaalowe

  • Malax badane siddii Moor garba la’, min isku heeryeeye

  • Mantag celiye miir daaca-qudhun, kala musbaaxayste

  • ...

Gabaydaa dhex mari jiray nimankii Isaaq iyo Maax Dhagoole waxaa ka mid ahaa mar ay qolo hadal usoo fareen Maax oo ay yidhaahdeen: 

  • Sin baneeye bawdkiyo habraha, bari ka sheekeeye

  • Barin goon leh iyo meel banaan, boodhka kala xaadhe

  • Bisqinyaha habaaskii galay, dib uga baandheeye

  • Halkuu baadi doonkii ku helay, boodhka ka afuufe

  • ...

 Markaa ayuu Maaxna u caliyey: 

  • Kalya cune kalluun xadhig ku dabe, kuudud qumayaale

  • Muslinka oo karuurkiisa dhama, kiishad madhan hayste

  • Koran xabagi oofaha jartiyo, nirig kabaalayste

  •  

  • Kub habaasle waagii barayaba, kadinka taagnaade

  • Meeshiyo kaxdii Dhoobo Weyn, kolay la meerayste

  • Wax karkariye dheef laga kibriyo, madaxyo kiikayste

  • Kuraantiyo intuu madaxa cuno, kalalax maadoole

  •  

  • Kanbal reer intuu yuurursado, meel xun kamandhuudhe

  • Siddii nirig kaliilada lahaa oo, hal loo kiciyey

  • Kamiintii hunguri buu qabaa, kadan lasoo roorye

  •  

  • Kayntaa markii uu u baxo ee, ka kale doonto

  • Kunkii la cadcadaab ma u eg yahay, kadaf godkii waayey

  • ...

Gabayada Maax ee kale bal soo raadi.

Maqal

Maxamuud Oomaar
Guba 2
Boobaay
Xarbi Ismaaciil
Cali Dhuux Daya
Xarbi vs. Qawdhan
Maax Dhagoole
Iidoor
Qaar Cayuun
Meel xun kamandhu.
Camanje Yogol
Namiimiye
Halxidhaale
Maxamed Dheere
Max'd vs. Weerar C.
Cali Oday
Cali vs. Weerar G.
Halac Dheere
Dulmar Kooban
Gunaanad
Gunaanadka cajalka
 
 
 
 
 
 
Dhoodaan|  Sayidka M.C.Dage|  Qamaan|  M.C. Beenaleey|  Raage Ugaas|  Kaadheeri|  Guba|  Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.