Home

Ibraahim Cayo 

                                                                                   Haameey:  Silsiladdii Halac iyo Haameey

 

Ibraahin wuxuu ahaa nin reer Wardheer ah, gabayganse markuu tirinayo wuxuu joogay magaalada Jigjiga.  Gabayga qisadiisa oo gaaban waxaa weeye nin Majeerteen ah oo Haameey la odhan jiray oo ay meel ka wada shaqayn jireen ayuu wan afar jir ah u qalay abwaanku.  Wuxuu ku yidhi cun hanbana lagaama rabo ee calooshaadu waxay kuu qaado qaado.  Haameey wuu ka noolaaday wankii, wixii calooshu u qaadi weydayna weel ayuu ku ritay.  Dhaqanka Soomaaliyeed martidu waxay cuni karto ayey cuntaa, laakiin qaadashadu waa ceeb. 

Ibraahin isaga oo arintaa ka hadlaya jawaabna ka bixnaya gabaygii Halac Dheere ee uu Cali Sharmarke tiriyey markii dembana silsiladda noqday ayuu wuxuu yidhi: 

  • Dadka Dhabayaco heer lama ahayn, lama heesayne
  • Markuu Faranji heenseestay buu, soo hanbaabiraye
  • Huurmoodka Deex Bari ka yimid, way hinbaabiciye
 
  • Hebel magaca ay sheegayaan, uma hagmaayaane
  • Hoggaan diid ah waatii dorraad, loo hanbooriyaye
  • Dhabayaco humag beenah, ways kaga hadaaqaane
 
  • Saddex haloo kugu huursanaa, tan iyo Haabiilba
  • Kolkaad Orobo heegan u tahaad, la hardafaysaane
  • Hunle Tanade weeyee hadduu, hadal yar kuu dhiibay
  • Siddii heeshi webigoo kalaan, kuu hafinayaaye
 
  • Hal waxaan ku idhi heybta iyo, habarwicii yeedhay
  • Waxaad Koonbe uga haayirteen, Geri halaagiiye
  • Harti goloha kama yeedhi jirin, eega ka horowe
  • Wixii harag cadcadi suu cabbaar, kuu hawadinaayey
  • Wali Dhabayacooy kaama hadhin, huutanimadiiye
  • Holla xumaddu waa duugagii, inaad hagaagteene
 
  • Halla waxaa ka idhi kii haddeer, hononay ee faaney
  • Hidda boqor ma gaadhide waxyahow, midig ka haaneedi
  • Dhaqankiinii hiijada lahaa, ee huqdigu jiifo
  • Iyo higiradiinaa yare e, idin hungaynaysa
  • Hanaankii gun kaa dhigi jiraa, u hardio weynaaye
  • Hiyigaad ku xeertiin sidaan, kuu haraatiyeyba
  • Gooraad hagaagtiyo ma jirin, harra ku maydhaaye
  • Gobonimada saad jeer habeen, uga huleesheenba
  • Hadda siddii hormuud kuumadiyo, haybtayada guudka
  • Hulka xeebta idinkoo hundhudha, kuu horjoogsadayba
  • Lama arag habeen uu wanaag, kuu hoyaadtimaye
  • Halla waxaan ka idhi reer Hartiga, kaba han weyneyne
  • Si’aad noo hareer joogsataan, dhaax la heli doonin
  • Sumuc idinku heeryee Kufriga, loo hishiishiciyo
  • Inaad wada hanfadayaal tihiin, maalintuu hubiyo
  • Sida waagii aad naga hadhuu, kuu haraatiyiye
 
  • Hubka aan tolkay haysan ee, lagu halaagaayo
  • Waxaa nogga hiirtaanyo badan, dood haweysiga e
  • Huubooyin buu nagu af-baray, huura-eyluhuye
 
  • Halla waxaan ka leeyahay hanbiyo, tii hungurigiiya
  • Marti weelal heemaarsatoo, reer usoo hoyata
  • Dad hanti leh hadhuub caano li’iyo, hoo intuu bixiyo
  • Hibashiyo catow kuma dareen dhiil, la heensadaye
  • Idinkaa hallada ceeba li’iyi, hayla qaab darane
  • Tu la hubo habaynkii Jigjiga, xeedhyo hilibaysan
  • Hanbo lagama doonayn siddii, reer hadhuub suga e
  • Waa Dhabayac uur hugucsan oo, dhabar higaagnaaye
  • Wan habeed leh goortuu liqiyo, fuud hal jaban deeqa
  • Kor u hilatadiisii intuu, hilib kasii buuxsho
  • Baruurtuu hanbaday soo higoo, haysan kari waaye
  • Hunqaacada kolkuu boodayee, sii humaagsanayey
  • Hankakoobsiguu fooraree, hogol butaacaayey
  • Hucda iyo hacdii iyo wuxuu, kala hiinraagaayey
  •   Hayaay iyo haween soo didiyo, ubad hurdaa toosay
  • Maxaa helay maxaa tallow hayiyo, hadaladii faafay
  • Hoostiina kama dhawrataan, hogaga ceebeede
  • Haddaydaan Hartiba ma aha odhan, hunufka saa yeelay
  • Haameey xaggee jiray markii, Halac la sheegaayey

Raggii Silsiladdii Haameey/Halac Dheere ku jiray ee Harti jawaab ay ka bixiyeen gabaygan ma arag.  Haddii aad hayso noo soo dir.

 
 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.