Home

Maax Dhagoole

                                                                                               

Dhagayso
Iidoor
Qaar Cayuun
Meel xun kamandhu...
Akhri
Iidoor
Qaar Cayuun
Meel xun....
 
 
 
 
 

"Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro, Maax Dhagoole Dhimay."

Abwaanadii horre ee maanso ruugyada ahaa waxay ku caan baxeen u miidaanday ay gabayga u miidaandayaan oo aanay meel walba iyo munaasabad walba ka tirin.  Haddii qodob uu gabayga ku fadhiisiyo abwaanku waayo, wuxuu door bidi jiray inuu afkiisa haysto oo ilaa gabaygu usoo maro aan hadal darooryan ah oo aan meella haysanin laga warinin.  Waxaa laga yaabaa inaad in badan maqashay rag isu jawaabaya oo la leeyahay hebel gabaygii wuu ka xidhmay hebelna hebel kale gabaygii ayuu ka faa’iidaystay oo wuu u furmay. 

 

Marka abwaan hebel gabaygii wuu ka xidhmay lagu leeyahay macnaheedu ma aha in abwaanka beyd-gaabnimo hayso.  Waxay tahay uun in qodob uu ka gabyaa uusan jirin oo ama wuu xujaysan yahay ama isagaa loo xujaysan yahay.  Waxaa kale oo ay noqon kartaa in abwaanku sugayo dhacdo uu is leeyahay dhacdadaa ka dib Allaa ku lehee la beegso gabaygaaga, sida haddii tolkii laga tugtugroonaado oo uu sugayo inay mar kale soo roggaal celiyaan dabadeed uu gabay dhaadasho ah mariyo. 

 

Niman uu ku tuhmayey inay gabayga macnihiisa dilayaan oo mid aan haadna haysan tirnayaan mar uu canaananayey waa kii abwaankii halabuuradda Soomaaliyeed ugu sitay, waa Macallin Dhoodaane, ku dhaliilay:

 

- Gabay deri leh layskama daldalo, oo darooryan ahee

- Hadalka qaar diciif kaa dhigayo, dawdar baa jiro e

- Ma wax laydin dirayaa dirqigu, waaba dooc kale e?

- Mise waa dubaaqiyo miday, damacday laabtiinu?

 

Mar kale Cabdullaahi Dhoodaane isaga oo sifaynaya halka uu gabay la beegsado iyo sida uu macno wanaagsan ugu qotomiyo waa kii ararta gabaygiisa caanka ah ee ‘Salleelo’ ku lahaa: (Guji halkan oo dhagayso tusaalahan)

 

- Anoo suursanaayoo waxbadan, saami heli waayey

- Oo surinka maanso u haboon, la iga saynsaabay

- Markaan eego saaciyo xilligga, sawdka dhalan doona

- Sinta maalintuu soo dhigtee, sararta ii dhiibto

- Surmaseegto waw diidi jiray, inuu sinbiidhaaye

- Caawana bal aan meel ka saro, taan sidayn jiraye

 

Macallinku wuxuu sifaynayaa inaan gabayga goor walba iyo geed walba laga tirinin ee uu u baahan yahay in shinkii galo.  Mar haddii shinkii buuxsamana in dib loo afduubaa ay adag tahay.  Sidoo kale markii kale isagoo arintan gabay kale ku sifaynaya waa kii lahaa: (Guji halkan oo dhagayso tusaalahan)

 

- Kurka gabayga soo muujiyee, sheegidda u kaalman

- Ma kaakicine dhawr goor anigoo, kaalay odhan waayey

- Kud iyo mid karaysa ah afkana, kaabiga u jooga

- Geedada wuxuu kuuriyo, saabka kuududaba

- Kol hadduu karsamay oo shidamayoo, aad u kululaaday

- Lama kaydin karo maansadii, kaayaheed galaye

            - Saakana karaamaa jirtee, bal aan tix kaynaansho

 

Wuxuu Dhoodaan si qurux badan u sifaynayaa sida gabaygu u qabto. Inuu dhawr goor soo gujiyo, isna uu isku dayo inuu is hortaago, dabadeed uu saabka feedhaha soo dhaafo oo afka baarkiisa yimaado, mar haddii uu halkaa gaadhana aysan suuragal ahayn in lasii celiyo. 

 

Hordhacaa gibinka ah haddii aan ka gudbo, waxaa la wariyey inay Maax Dhegoole iyo niman Isaaq ah joogto u ahayd dagaalka xagga maansada ah, in badanna uu Maax uga yeedhyeedhay nimankaa oo ay ka samreen markii ay gabay la ekayn waayaan.  Markay iska aamusaan waxay Maax ku ahaan jirtay dabar xidha ileen qof kuusoo jawaabi waayey gabay kale inaad u tirisaa ma habboonee.  Xilli waqtiyadaa ka mid ah ayuu Maax aad u dhibsaday aamusnaanta xagga nimankii gabaygu u dhexeeyey  ka jirtay iyo sidda ay uga gaabsadeen inay usoo jawaabaan.  Wuxuu haddaba geed gaaban iyo mid dheerba u fuulay inuu daandaansado oo bal mar uun dhinaca nimankaa gabay ka yimaado, hase yeeshee waxba waa kasoo yeedhi waayey. 

 

Kolkii dambe ayuu Maax go’aan ku gaadhay inuu safro oo Isaaq dhex tego si bal markay arkaan ee la yidhaahdo ninkani waa Maax ay ugu jawaabaan dabadeed halkaa qodob uu ka gabyo uu uga helo.  Wuxuu u biyeystay dhinacaa iyo Hargaysa oo markaa ahayd ceel biyood qalo badan oo aan gudhin dhacana Dooxada Maroodi Jeex.  Wuxuu Maax iska dhaadhiciyey meel kale oo uu dad ka waayaba in uusan ceel biyoodkaa cid ka waayi doonin. 

 

Sidii uu filayey, kolkii uu ceelkii gaadhay ayuu kula kulmay rag badan.  La is waraysay.  Oo maxaa la is yidhi? “Waar abti, waar maxaad soo doontay?”  ayaa Maax niman weydiiyeen.  “waan bukaa oo waxaan soo doontay niman saaniciin ah oo waxaan u baahanahay in la i toobo.” ayuu ku jawaabay.  “Oo xagaa ku xanuunaysa?”  ayaa la weydiiyey, wuxuuna ku jawaabay “salka in la iga toobo ayaan rabaa ninkii itoobana waxaan siinayaa intaas oo neef oo geel ah.” 

 

Wax Alla wixii saanac carro Isaaq joogay ayaa isugu yimid.    Toobinle walba wuxuu ku dooday inuu isagu ugu farsamo badan yahay, kuwa kalena uu aqoon badan dheer yahay.  Waa siduu Maax doonayee raggii ayuu qoorta isu galiyey, waxaana meeshii ka dhacday annagoo Reer Hebel ah ayaa Maax toobayna iyo annagaa toobayna.  Qir iyo qir iyo car iyo wir ayey tagtay.

 

Markii murankii iyo gacan hadalkii circa isku shareeray ayuu Maax ileen waa nin caafimaad qaba ee iska kacay.  Nimankii toobinka isku haystay ayaa hareeraha ka galay “waar iga walloo abti annagaa ku toobayna” iyo ma ahee annagaa toobayna!  Maax helyey qodobkii uu raadinayey halkaana gabay baa kasoo baxay.  Intuu nimankii saa u eegay ayuu mariyey gabay dhawrkan meeris ee hoose naga soo gaadhay, aanuse raadintiisa ku jiro.  Waxaa ka mid ahaa gabaygii nimankii uu maqshiiyey:

 

- Iidoor hunguri toobiyihii, tuur walba u fuulye

- Ma maantuu futadayda toobinkeed, taag isugu sheegtay

- Aniguba intaan nayl turqado, ways tadaawiliye

- Wallee toobin dheerow afkaa, iguma soo taagtid!

 

Sheekaba sheekay keentaaye, nin u dhashay nimankaa Maax gabayga u mariyey ayaa maalin maalmaha ka mid ah tuulo u dhaadhacay.  Wuxuu tuuladii kasoo maqlay war uu aad ugu farxay oo uu sugi waayey inuu kusoo noqdo reerkii uu saaka kasoo kalahay.  Wuxuu is yidhi mindhaa cid walba oo magac kula wadaagtana sidan iyo si kasii wanaagsan ayey ugu farxi doonaan warkan isaga ah.  Maqriboodkii haddii uu jeeskii dib ugu soo noqday ayuu wuxuu meel dheer kasoo bilaabay “bushaaro, bushaaro, bushaaro, waar idinkuna bil kheyr dhaha.”  Bilkheyr ayaa laga horkeenay iyadoo la isleeyahay tollow warkaa saa u farxadda badan ee uu maanta tuulada ka keenay muxuu yahay!  Markii war kale laga sugayey ayuu yidhi “bushaaro bushaaro Maax Dhegoole dhimay!” 

 

Nimankii iyo reerkii dhannaa ee loogu bishaareeyey geerida Maax cid la yaabtay ninkan geerida ku bishaaraysanaya lama sheegin.  Waxaase yaab lahayd mar nin raggii goobtaa xaadiray ka mid ahaa uu ku jawaabay “now waar aabihii kude, dhimayee muxuu kaaga tagay.  Waar iga walloo aakhirana waa kaaga horeeyaa.”

 

Maax iyo nimankaa reer abtigii ah meel walba way isla mareen wax ay isula hadheena ma jirin geeridiisuna wax walba way kala qiima badnayd sida raggaasiba ugu bishaaraystay.  Aakhiro xitaa inuu uga horeeyo oo ku haalufayn doono ayey aaminsanaayeen.  Haddaba bal ninkaa gabayadiisii iyo kuwii loogu jawaabayba doon.

 

 

 
Dhoodaan|  Sayidka M.C.Dage|  Qamaan|  M.C. Beenaleey|  Raage Ugaas|  Kaadheeri|  Guba|  Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.