Home

Ma Ogtahay

 
 

 

 
Ma ogtahay akhristoow in:

1)   Sayid Maxamed Cabdille Xasan iyo Cabdullahi Dhoodaan ay yihiin labada nin ee Soomali- kuwa nool iyo kuwii aakhiro u hoydayba -ugu gabayo badan.  Sida ay taariikhdu qirayso gabayada Sayidka iyo kuwa Dhoodaan, inta hadda laga hayo,  ayaa waxaa cad in uusan jirin nin gabayo tiraadaa leh tiriyey.  Tirada kaliyana ma ahee xagga tayada waxay labaduba ku jiraan safka horre.

2) Sayid Maxamed Cabdille Xasan ahaa ninkii ugu horeeyey ee bilaabay gabayga saddexlaha loo yaqaan oo ah gabayga xarafka uu ku socdo oo saddex jeer oo kala duwan oo mid walba arin madax banaan ka hadlayo lasoo celiyo beyd walbana lagu daro.  Dhoodaan oo Sayidka in badan ka dambeeyey ayaa sii bacrimiyey oo isna aad caan ugu ah inuu isticmaalo maansada noocan ah oo tusaysa xariifnimada iyo farshaxanimada abwaanka.  Tusaale ahaan:

Sayidka: (Riix: Maqalkan)

Dhoodaan: (Riix:  Maqalkan)

3)   Raage Ugaas uu ahaa ninkii ugu horeeyey ee abla-ableeya Af-Soomaliga iyo qeybihiisa.  Wuxuu u qeybiyey qeybaha aan maanta u naqaano oo wuxuu yidhi:  "Hadal waa tiraab iyo tix uun, waxaad tidhaahdaaye."  Tix waa weedh kasta oo hab-dhac, qaafiyad, iyo luuqeyn leh ama qaadan karta.  Tiraab waa hadal aan xaraf ku socon qaafiyadna ku qasbanayn ee si caadi ah loogu dhawaaqo.  Waxaa kale oo uu Raage Ugaas u yeelay gabayga qaafiyadda maanta loo isticmaalo, gaar ahaan wuxuu ku sargooyey laxanka ah: "Hooyaleyey Hooyaleyey Hoyaaleyey hooyee."  Waa kii uu lahaa:

  • Hooyaalayey gabyga way, ugu horeysaayee

  • Halla uma tartee maansadaa, lagu hagaajaayee

Cilmigan cusub ee Raage dajiyey ka hor gabayga waa layska bilaabi jiray oo hooyaaleyeyda uma baahan jirin.  Wixiise ka dambeeyey badhtamihii qarnigii 19aad wuxuu nin walba la beegsadaa inuu waafajiyo qaafiyadaa Raage u sargooyey. (Deeq Sayid Kaariye)

4)   Cabdullahi Macallin Dhoodaan uu ku gabyey xaraf walba oo alifbeetada ka mid ah marka laga reebo Khda.  Waxay diiwaanada iyo madaxyada gabayda uruuriyaa qalinka ku duugeen in uusan jirin xaraf qudha oo uu Macallinku carrabka la gafay Khda oo uu u arko inay Af-Soomaali aad ugu yar tahay ma ahee.  Wuxuu Cabdullaahi-dhoodaan ii sheegay in erayo faro-ku-tiris ah sida khuuro ma ahee aanay jirin erayo badan oo KHda ka kaca oo Af-Soomaali ah, waxaase jira erayo badan oo Af-Carabi ah oo KHda ka bilowda.

5) Cabdullaahi Dhoodaan uusan hadlin oo aan weedh qudhihi afkiisa kasoo bixin 16kii sano ee noloshiisa ugu horeeyey.  Xataa oohinta caadada u ah ilmuhu markuu dhasho ma ooyin Dhoodaan.  Markii uu 16 sano dhawr bilood ku darsaday ayaa codkiis ah oo la maqlo u horaysay.  Hadalkii ugu horeeyey ee laga maqlana wuxuu ahaa "war heedhe heedhe Jaamacoow waxaad tidhaa:"

Adoo miciyo dhoobanoo

Dhoollo habareed leh

Dhiilkiinii qaaloof

Maxaa dhalada kaa saaray

 

Sidaa oo uu jeclaaday in wiil yar oo ay isku da'aad ahaayeen oo mid kale la caytamayey inuu ku jawaabo.

 

6) Cabdullaahi Dhoodaan ahaa ninkii ugu horeeyey ee Gabay Jacburka bilaabay.  Siyaasad, maadays, iyo dhinacyo badan oo kale ayuu ku taabtaa Dhoodaan gabayga noocan ah.   

7)   The word poet comes from the classical Greek word of "poietes" which meant not only poet  but also creator.

 Much more is coming soon...

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.