Home

Cirjiidh II (Janaayo 2006)

                                                    Xuseen Cabdi Xalane

 

 

 

Gabaygaa hore ka dib Xuseen iyo Cirjiidh danahoodii ayey kala raacdeen oo ninba gees ayey duruufuhu u hoggaamisay.  Saddex sano ku dhawaad kolkay kasoo wareegtay ayey ku kulmeen Denmark.  Kulankaana Xuseen gabay dheer oo xogwaran iyo warbixin ah ayuu gabayaagu ka tiriyey.  Wuxuu yidhi:

 

1. Deyr hore Cirjiidhow warkaan Dubai ku falleeyey

2. Dan baa tidhiye adigoon duda dhaaxo kale dawrey

3. Jacaylkaaga igu duugan iyo darajadeyntaada

4. Dareenkeyga faraxii dardaray xiisa danankeyga

5. Kulankii diiwanada galeen dunida gaadhsiiyey

 

6.  Dagaalladiyo aafadi adoo deeqla kaa bixiyey

7.  Sidaan oogu diirsaday darteed gabaygii aan duubay

8.  Duud markiisa gabaygaad ogeyd dulucda weedhiisa

9.  Ma danaynin dooddii murtida waagi dabadeed

10. Caawey dabayshiyo mar kale dirirku saadsheene

 

11. Dalkaan imid dad badanoon jeclaa wada dalxiiskooda

12. Dabeyl caafimaad iyo sidii laydh indhah diirsha

13. Maandhow xiskii daallanayaa dararyey aashiise

 

14. Dirkuu dhaliyo Awgaab indhuhu waw dubboodeene

15. Isagoo daliil quruxsanoo dad iyo maal buuxa

16. Oo gaari lagu diirsadaa doojin ubadkiisa (gaari dumar)

17. Mar inaan duljoogsado wax badan waygu duubneyde

 

18. Duubcaduu Ugaaskii dhaliyo diricyadii Xaawo

19. Inaan daahno oo aan mar kale dood ku wada guulo

20. Oo duni wixii waa ka dhacay ii dul maro Naadir

21. Iga didiye daal iyo wixii diidshay madaxiiye

 

22. Dabcigiisa wacan Kaahin baan lagaba daaleyn

23. Diiwaankiyo dadkii Ceelberdees qorayey duugtooda

24. Intaasoon wax badan doonayoo mar isku soo duubmey

25. Saw farax`daraadii inaan doobta rido maaha

 

26. Damacaaga dhoof dibad ah iyo Yurub waxaad doontay

27. Duruufuhu waxay ku xujureen danaha kaa hiilshay

28. Duca waalid baa ku ladhnayd daa’in abidkaaye

29. Dadaalkii waxaad `doon lahayd gaadhay dalabkiiye

 

30. Denmark degmada Nordikiyo degenka aad joogto

31. Waa dhulkaad u doogsada lahayd diiftu way bi’iye

32. Inaad malab durduurani carrada dahab hadduu yaallo

33. Durba inaad daliilkeeda heli waw danniyaaye

 

34. Inta aad diyaar ooga noqon dooda dhinaceeda

35. Aan inoo dabree  sheekadaa dihin aan daayo

36. Waxa igu dirqiyey maansadaan daday albaabkeeda

37. Isha shiishka loo dabay halkay daarantahay toogto

38. Nin kaloy ka duuftaba adayn duni ku dhaafayn

39. Warkaan dado adaa dooxan kara ereyga diimoone

40. Dulmarkeeda garo xaajadaan soo dallaci doono

 

41. Nin doolaala dheer baan ahoo deyrba meel tage

42. Kama dego diyaaraad kacdiyo haada danantaaye

43. Qaarad durugsan meel uunku dego oy degmadu gaadho

44. Dal ma jiro aduunyadan dulyaal oonan waa degine

 

45. Waxaasoon dawaafa iyo katlaba daaf walbaba gaadhey

46. Daadsan iyo wixii gaadhi dadan la igu duuflaashay

47. Carra loo dalxiisiyo dabaal bado waxaan dooxey

48. Hoteel lagu danbaabiyo sar aad dahab ku miisaasho

49. Sariir diiran oo dabasan iyo moolo kula diista

50. Waxaan daar qurxoon degey wixii dabaqyo lay qeeday

 

51. Madcam lagu dekeeyiyo cuntada nooc walbaba daadsan

52. Darab iyo sarreen duban wixii dadab la ii saaray

53. Maxaa daran maxaad dayi wixii dalabyo lay keenay

 

54. Darmaan carraba iyo naag cadood qurux la diideysa

55. Waxay damacday inaan daahiyaa doqonsanaanteeda

56. Waxaasoo adduun lagu degmoo aniga lay daadshay

57. Uma deexan dookh igama galin laygu degi waaye

58. Darrintii Nimciyo waxaan ahayn diiqo ay karisey

59. Amaan doobi caano ahayn soobir dararteeda

60. Ima deeqo duul kale waxay igu durraanteene

 

61. Dal tabyadu waa cudur haddana la iska daaweyne

62. Xudunteydii lagu duugay iyo hooyo dararteede

63. Digrigiyo wadaadkii xirisiga iigu dhigey deelka

64. Malaha waa darteedii waxaa ii durbaan tumiye

65. Wax kaloo i deeqaa la waa duniyo maalkeeda

66. Waa laygu daw galay cishqiga dooni agankiiye

 

67. Dibirkii Bakool iyo dul iyo ceelberde dooxi

68. Dusha Labashir duudihi Kawaan dooga quruxdiisa

69. Gu’ga da’ay abeeraha da’ dhalay daalin sidigteeda

70. Geelii nirgaha daabiyee xoorta laga daadshay

71. Xunbadii la duurduuran dihanayaa mooye

 

72. Adhi daad masaalkiye wixii daadsanaa hudihii

73. Wanka geesku duubmiyo ahmigi xaydh dirgani waayey

74. Duco loo qalyaa iyo dan kale loo daldaliyaaba

75. Dibaaxdiyo wadaada darmaday darabta iidaaman

76. Digrigiyo daryaankii xadrada `dihanyaa mooyi

 

77. Lo’da oo dixaha loogu xidhay dalandalankii weysha

78. Oo xamashka doogiyo cagaar dihin la daaqsiiyey

79. Oo dararta waalaani candhada doojin kari waayey

80. Xaycadkii la darandoorin jirey dihanyaa mooyi

 

 

 

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.