Home

Dhurwaale iyo kuwo kale

                                                   

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Uruurin: Xarbi, Qowdhan, Gahaydh, Dage, Hurre, Khaliif, Aflow, Beenaleey iyo Fadal

 

Ka dib markii uu u xoogsheegtay ciidamadii xaq u dirirka ahaa ee Daraawiishta, gumaysigii Ingiriisku wuxuu billaabay inuu isku ballaadhiyo Soomaaliya oo dhan,  ciqaab ahaanna uu geeska u geliyo qoys walba oo Soomaaliyeed oo uu ku tuhmay in Daraawiishi gacan ka heshay 21kii sano ee ay gaylanka ku jirtay.  Si ay ciqaabtaa iyo is ballaadhintaasi u fusho, wuxuu hubeeyey qoysas uu u bixiyey British Somaliland Tribes waxayna kuwaasi iyagoo Ingiriis ku naxaadhsan dhagac ku siiyeen degaanadii ay dariska ahaayeen.  Tolalkii kale ayaa eexdaa iyo caddaalad xumadaa ka gadooday.  Waa siduu doonayaye, Ingiriis dhacdiid ayuu u seexday, dhex-ku-bari ayuuna noqday kadib markii ay Soomaalidii isku mashquushay. 

 

Sanadihii u dhexeeyey 1921kii iyo 1933kii degaanka ay ku dhaqnaayeen nimankaa gabya ee kor ku xusan oo ah dhulka dhaca inta u dhexaysa Dhagaxbuur, Wardheer, Burco iyo Hargaysa waxaa ka dhacay dagaalo sokeeye oo dhexmaray jilibyo Ogaadeen iyo Isaaq ku kala aroora oo ay ka mid ahaayeen Makaahiil, Reer Isaaq iyo Reer Cabdille oo Ogaadeen ah iyo Habar Yoonis, Sacad Muuse, Ciidagale iyo Arab oo Isaaq ah. Sheekooyin badan oo ay ka mid yihiin Ijaabo-ku-sali, dameero-qalato, iyo miyaan caadaqaatiyo midgaan Ciise Dhamal sheegan ayaa baxay.  Guud ahaan, dagaaladaasi saddex-geesood ayey ahaayeen, waxayna kamid ahaayeen kuwii laga tiriyey gabayada Silsiladdii Rayad la baxay oo in badan si dhansaar iyo khalad soocan ah dadka qaarkii u tabiyey.  

 

Qormadani waxay ku saabsan tahay gabayadii laga tiriyey hal dhinac oo ah dhinaca Haro Digeed.  Waxaa ugu horreeyey dagaalkii Dhurwaale ee u dhexeeyey Reer Cali iyo Ciidagale, waxaana gabaygii koowaad dagaalkaa ka tiriyey Xarbi Ismaaciil Samatar oo Reer Cali afhayeen u ahaa. 

 

Dhurwaale 

 

Sida taariikhdu sugtay, Dhurwaale waxaa ku gacan sareeyey Reer Cali, rag boqol kor u dhaafay oo Ciidagale ah ayaana goobtaa lagu dilay.  Xarbi oo looga bartay inuu gabyo markasta oo uu tolkii gaadho guul tan oo kale ah ayaan doorkan gabyin.  Sababta uusan dagaalkan uga gabyin ayaa la weydiiyey.  Wuxuu ku jawaabay: “Inta Ciidagale Bari iga xigo gabyi mahayo ee aan nimankaa dhan u kala dhacno.”  Sida muuqata, Xarbi wuxuu jeclaa inuu mar labaad duulaan dumo oo uu weerar hor leh Ciidagale ku bixiyo.  Hase yeeshee markii Xarbiyow gabaydii laga dayn waayey ayuu tiriyey tix ay naga soo gaadhay in yar uun.  Wuxuu yidhi:     

  • Maansada Cabdiyo Nuurba way, igu canaanteene

  • Ciroolaha i waydiiyey iyo, culimadaan diiday

  • Cismaan iyo adaan Jaamacow, kuu camirayaaye  

  • Ka cudhaadha cawaan sidii, ceel idiin shubiye

  • Carab iyo Gureey waatuu, cunay waraabuhuye

  • Cabdulaahi Nuux iyo Salaan, ciidda lagu aasye  

  • Ciwad Eebbe mooyee Khaliif, ka cifan maysaane[1]

  • Cadaab ma arke Aw Yuusuf baan, ciilkii duubnahaye

  • Ceeblaawihii layga qaad, caalimka ahaaye

  • Nin cadaawe riixaa ka madhay, cuurka Reer Dalale[2]

  • Iyagu soo ceshaa iyo innagu, kula carrownaaba

  • Jeeroo col kale soo baxoo, qolo uun caw beesho

  • Ama ay wax kala caad baxaan, sida cirkoo hooray

  • Intay Baho cadceed iga xigaan, caafimaad dhimaye

  • Afaan Ciidagale ugu gabyaa, iima caad bixine

Qowdhan Ducaale

 

In kasta oo ay guushaasi Xarbi ugu muuqatay mid qabyo ah, haddana dhinaca Isaaq jabkaa Ciidagale gaadhay aadbaa looga naxay hadal hayntiisa ayaana badatay.  Qowdhan oo afhayeen u ahaa Ciidagale, Xarbina ay isu jawaabi jireen ayaa dabadeed Dhurwaale gabay baroor diiq ah ka mariyey.  Wuxuu yidhi:   

  • Allahayow balaayadu siday, noogu wada baahday[3]

  • Bowdada sidaan uga jabniyo, buuratada lawga

  • Ma barbaartii baa la jaray, buubsan jirey geela

  • Boqol sumac miyaa naga hadhiyo, baarcaddii wadatay

  • Togga baallihiisii miyuu, bahalku hiigaayey

  • Waatii Suldaankii bakhtiyey, badhida weynaaye

  • Bilaash weeye cayduu Isaaq, noola soo baxaye

  • Nimankii Berbera quudan jiray, bacadkii waw maadhe

  • Bannaankay ku haasaawayaan, waw baraad li’iye

  • Habar Yoonis beyr baa ku dhigan, baraqnuglaantiiye

  • Hablihii baroortee raggii, Arab miyuu baashan??

  • Mise toodu haw baaliddee, budulkanay qaadi

  • Ma burburay baryahan Reer Cabdigu, baalka waa sidaye

Muddo kolkii ay kasoo wareegtay walina Ciidagale aanay aargudan ayuu mar kale Qowdhan gabaygii ku noqday isagoo guubaabadii halkii ka sii wada.  Wuxuu xusay inuu weer xidhay, sumcadxumo badanna ay soo gaadhay.  Kol haddii uu sidaa mutay, Ciidagelana aargudan waayey waxaa lama huraan la noqotay inuu mar kale gabay kicin iyo aarodoon ah tiriyo, Isaaq oo dhanna hiil iyo gacanba ka dalbo.  Wuxuu yidhi:    

  • Waayadanba dhuugbaan xidhoo, dheg iima noolayne

  • Anunbaa dhabriirayee rag waa, dhalasho raacaaye

  • Maan gabay dharaartiyo dayaxa, dhayda ka caddeeyo

  • Abtirsiimo lama dhumiyee,  dhamacda maan oogo

  • Maan dhammaan Isaaq kula dhex dhaco, waa dhambaal culuse

  • Dhalinyarada Reer Nuux col waa, looga dhaar maraye  

  • Dhaxal eego mooyee ma laha, dhiiranaan ficile

  • Hadduu dhiiranaa Reer Shirdoon, naga dhawaateeye

  • Ina Buux hadduu nagu dhawyahay, naguma dhawreene  

  • Dhamalqaylo nimanka u dhashiyo, dhirif Makaahiile

  • Reer Samatar waa dhacan yahay, dhiigse laga waaye

  • Waxaa dhaboolaqa lagu teediyaa, dhiisha ceebta ahe

  • Dhuxdhuxlaynta Reer Fiqi Cigaal, haygu dhiriyeene

  • Goortay dhafoorada jabshaan, haw dhiseene aqale

  • Dhab baan ku hadlayaa Reer Baniin, dhididi maayaane

  • Waadigii dhextaal iyo bankii, Dhedibba loo diidye

  • Meeshiyo dhallaannimo col baan, dhuungalaw xigaye

  • Dhakhsaan uga gigilanoo annagaa, dhiifin cadawgaase

  • Arab wuxu ku dhaantaynayaa, dhaawac nagu yaalle

  • Dhacamuhuba ways tiiriyaan, dhawrta celiyaane

  • Dhiigii Dammuun buu Sammane, soo dhufanayaane

  • Idinkuba dharaartii Ballaadh, waydun dhimateene  

  • Waataydun dheeraadka iyo, dhicirta waydeene  

  • Dhanka Bari haddaannaan degeyn, maydun dhaqateene

  • Maantana miduun ugu dhaqsada, dhibiya ehelkeede

  • Habar Yoonis dhudaheeda badan, waysu dhawnahaye

  • Nin walaalkii soo dhinac galoo, dhiirran laga waaye  

  • Isaxaaqna dheeraadku waa, xeerkii noo dhacaye

  • Ugaadh Cumar dhawaaqaan u diray, dhoobey warankiiye

  • Muuse Cabadallihii Dheen fadhiyey, waa kaan dhiidhiyine  

  • Dhirta Maydhisaar meesha iyo, dhinaca Buuhoodle

  • Dhar castii Laan Mullaaxiyo raggaan, dhawrayaan imane

  • Kol haddii dhawaaqa iyo dilkiyo, dhagartu weynaato

  • Oo ficilku dhegahooda galo, way ka dhididaane

  • Kama dhawrsadaan abid hadii, uu dagaal dhaco'e

  • Dhiigyacabbadii Habar Jeclaan, dhaanka soo rarine  

  • Dhulbuteeye waan galin haddaan, dhiman xigaalkaye

  • Eray kalana waa Ciidagale, midaan ku dheereeyey

  • Sheekh Yuusuf waa laga dhabqay, ee dhab u siyaareeya

  • Culimada wankii dhaban leh iyo, dhebicadkaw sooca

  • Dhoorriyo sidii Keenadiid, dhiiga soo celiya

  • Oo geeri waa loo dhashee, dhax xidhka uun diida

  • Ka dhegeysan maynee fulaha, dhoosha ka adkaysta

  • Dhulkana waa la kala boobayaaye, udubka dheereeya

Cabdi-gahaydh Warsame

 

Dhurwaale markii sidaa loogu kala baxay rag door ahina ka gabyey ayaa Ciidagale guubaabo iyo kicin galay.  Gaade aarodoon ah ayaa habeen madow degaankii Reer Cali soo gashay oo dishay saddex nin oo nin la odhan jiray Carab Cali Horor ka mid yahay, geelna qaaday.  Gabayaa Ciidagale ah oo la odhan jiray Cabdi-gahaydh ayuu warkaasi gaadhay kolkaa ayuu gabaygan soo dhiibay.  Wuxuu xusay sidii loogaga adkaaday dagaalkii Dhurwaale iyo in rag ciil hore qabay ay wareemaysigan soo abaabuleen, dabadeed libin la hoydeen.  Wuxuu yidhi:  

  • Warka xalay Curaabtow tolkay, ceelkii laga keenay

  • Ee sida cilmiga Eebbahey, lagu cibaadaystay

  • Aniguba ciyaar baan is idhi, coobirkaan ahaye

  • Ma ku caafimaadeen gobbay, caadadeed tahaye

  • Caqli ma leh Af-diinluhu hadduu, caarad dhuub helo e

  • Kol haddii cidhbaha loo rakibo, ciilbax dabadeede

  • Caruur looma dhiibine rijaal, caarufaa sidaye

  • Ciilkii Dhurwaaluu ogaa, cadanyadiisiiye

  • Ma caddahay Cismaan-garow halkuu, Carab ka liishaamay?

Geelii habeenkaa la qaaday waxaa ka mid ahaa geel uu lahaa wadaad Reer Aw Qudub, Sheekhaash ah oo reer Dhagaxbuur ahaa oo la odhan jiray Sheekh Cumar Madoobe.  Sheekh Cumar ergo ayuu Ciidagale u diray oo yidhi war geelayga ii soo celiya annigu Reer Cali ileen ma ihiyee.  Ergadii wadaadku diray iyadoo faramadhan ayey soo noqotay.  Kolkaa ayuu Sheekh Cumar gabayo kuhaan ah tiriyey.  Waxaa ka mid ah:    

  • Gorgorkay sidiisa u lashaa, oodan garanayne

  • Awliyo guhaad culus la timid, gaadhka kaa qabatay

  • Guulliyo Allaan kuu baryee, geela Arab raaca

Mar kale ayuu ku noqday oo waa kii lahaa: 

  • Rag cukani hadduu calasta dhamo, wuu is celiyaaye

  • Intaad soo cabteen yaad haddana, nagu carrowdeene

  • Anniguna Cammaan raaciyey iyo, curadkii Yaasiine

  • Casiisow adaan kuu cowdaye, Ciidagale naafi

  • Allahayow cir soo hooray iyo, caadba laga waayo

  • Allahayow adhiga caal ka geli, yaanay ciir lulane

  • Carrabkooda Eebbow ka yeel, culimadii eednay

Waxaa la yidhi, iyaga iyo Allahoode, dagaalkan soo socda ee Maxamed Cumar Dage, Cabdi Hurre iyo Khaliif Xarbi Ismaaciilba ay ka gabyeen kolkii lagaga adkaay, Ciidagale wuxuu eersaday wadaadkaa Reer Aw Qudub oo waxay yidhaahdeen asmo iyo inkaar ayaa nagu habsatay.  

 

Maxamed Cumar Dage

 

Reer Cali dilkii Carab Cali Horor dib way u liqi waayeen waxayna dumeen col balaadhan.  Intii aanay wali weerarkaa qaadin ayaa waxaa Haro Digeed socdaal ku tagay Maxamed Cumar Dage oo ahaa gabayaa hasha lagu maalo, difaaca Ogaadeenna caan ku ahaa.  Odayaashii Reer Cali ayaa isku duubay oo yidhi hanaga tagin Maxamedow kolkaan Ciidagale jabino si aad uga gabaydo.  Maxamedna wuxuu ku jawaabay markaad guulaysataan ha inoo ahaato, dib ayuuna raaskiisii ugu noqday. 

 

Colaad horre iyagoo qabay ayey odhaahdaa Maxamed Cumar Dage ficil cusub ku dhalisay, weerar ayeyna Reer Cali ku kala bixiyeen degaankii Ciidagale.  Dagaal rag badani ku go’ay ayaa dhacay, haseyeeshee guushii, waa galabba ninleeye, waxay ku dambaysay Reer Cali.  Kolkii Ciidagale cararay ayuu Arab dagaalkii soo galay.  Reer Cali Arabkii soo hiiliyeyna way ka adkaadeen.  Sidii balantu ahayd, hoggaankii Reer Cali ayaa soo diray nin la odhan jiray Aadan Dhagoole kana codsaday inuu warka dagaalkan gaadhsiiyo Maxamed Cumar Dage kana soo qaado gabayga lib-ku-faanka ah ee uu tiriyo.      

 

Aadan Ciid iyo Doollo ayuu usoo ambabaxay.  Qeyradii Maxamed Cumar Dage markii uu soo gaadhay ayuu toyday gurigii abwaanka, markii loo tilmaamayna horay ayuu ka abbaaray una waramay.  Imaatinka Aadan Dhagoole dhaqso ayuu u faafay dareen ayuuna ku beeray qeyradii oo dhan maxaa yeelay balaf ayaa horay usoo gaadhay.  Dabadeed waxaa la yidhi, bawdkii reer Maxamed Cumar ayey dad badani isa soo tubeen si, reer miyi wax ka war jecelee, qof walba warka u helo. 

 

Xogwarankii markii uu qaatay ayuu Maxamed Cumar soo baxay, laba xabadood ayuuna kor u riday si uu dareenka dadka oo buuxa usoo jiito.  Gabaygan hoose ayuu dabadeed tiriyey isagoo Reer Cali tahniyad iyo bogaadin u diraya, Ciidagale iyo Arabna ku diganaya.  Wuxuu yidhi:     

  • Warkii xalay Awaariyo ka yimid, aradka Gaaroodi

  • Iidoor Galbeed iyo warkii, Idhan ka soo duulay

  • Eraygii xaqiiqoow hadaad, alalad mooddeene

  • Ooftuu dhigay Ciidagale, sidii ugaadheede

  • Sidii aaran geeloo dideey, oodda jabiyeene

  • Mar hadday indhaha jeediyaan, orod ma daayaane

  • Afkii Ina Warsame Baanshe iyo, amarkii beenoow ye[4]

  • Ayaan iyo ayaan buu sanguhu, daba ulaysnaaye

  • Oon baa ku daa’imay kuwii, dabada aasnaaye

  • Abshir dhaha Isaaq iilayoo, aarsay Reer Caliye

  • Afartaa sidii alifka iyo aayad, ma u sheegay

  • Ma anfacay ilma adeeraday, waw abaalgudiye

  • In yar kalena waa iiladkii, uunka kala gaadhay

  • Irdaha Reer Mataan iyo Cabdoow, ururta Reer Muumin  

  • Sidii Orobadii  Yurub hadday,  eedi kala gaadhay

  • Midkood idhanka reebtaba haddii, dirir la eegaayey

  • Edeb xumo waxaw soo hormaray, ey lasoo diraye

  • Umalkii waxay kula dhaceen, adhi salaaxdiiye

  • Idomaaladii baa go’iyo, uuskii Guulane

  • Asad iyo ubad dhurwaa haddii, la isku aaheeyey

  • Waraabuhu afmeer iyo hadduu, idhan kasoo qaylyey

  • Wuxuu uubateeyaba markii, laysu soo ururay

  • Arbihii madoobaa hadduu, uurka ka higgooday

  • Orodka iyo boodababa hadduu, ayda kala jeexo

  • Onkod iyo sidii roob, loola amakaagye

  • Ma adkaysto adhi gaadka oo, aar ku duufsadaye

  • Goortuu intaa abasaxshaa, fiintu oloshaaye

  • Waxa u aaraha lagu dilaa, uufanaha weere

  • Araayaha maroodiga ninkii, agab usoo qaata

  • Ma anfaco atoor guuyo oo, soo ag joogsadaye

  • Gaaniga markuu ku ajaluu, aayohiis bogane

  • Askar amar ka diidaa kornayl, waa Allow sahale

  • Uubuu galaa inan gumeed, ururta laacaaye

  • Aflagaado waa loo dhintaa, eeqo duul gob ehe

  • Asxaan ma laha Alamaan hadduu, aaladii helo e 

  • Aji iyo midgaba waa dilaa, uustar buuxsamaye

  • Waxaa ololey ubadii Samane,  eeggadii hore e

  • Aabiga markay ula tageen, ururta Caynaanshe

  • Anshigay Gunbuur u edbiyeen, ma u ekaysiiyey

  • Damal Aadan iyo ha is arkeen, awrta Reer Caliye

  • Ugaasyadu ha geelgeetamaan, amarka seegtaaye

  • Bal muxuu asiib baa wadee, Arabna doonaayey?

Cabdi Hurre

 

Gabayaa Ciidagale ah oo la odhan jiray Cabdi Hurre ayaa isna gabay dagaalkaa ka tiriyey.  Cabdi xilliga dagaaladani dhacayaan dalka ma joogin oo wuxuu ku dhaqnaa Cadan, Yemen, haseyeeshee dhoofkaa iyo dhulkaa dheer ee uu ku maqnaa kama hor istaagin inuu gabyo.  Gabaygiisu waa baroordiiq iyo guubaabo dhammaystiran, wuxuuna si murugo leh  u sifeeyey jawiga Ciidagale ku sugnaa dirirtaa dabadeed.  Wuxuu kusoo afjaray in Ciidagale qab jabay, shisheeyuhuna ku wiirsado.  Wuxuu yidhi:   

  • Dhulku wuxuu caddaadaa markuu, mayay ka caagaaye

  • Ceeryaamo roob maleh hadday, curato jiilaale 

  • Warka xalayto Cadan iigu yimid, cudurkan lay saaray

  • Cududaha sidii layga xidhay, calawga uurkayga

  • Cagta socodka ciir-ciirisee, lawga ka cuslaatay 

  • Waa midaan canaanteeda qabay, ceebtan igu taale

  • Maantana tolkaan ku camirraa, cawdu ma u duushay

  • Cali iyo Haaruun miyaa, gabal Isaaq ciilay

  • Cabdi Bari miyaa go'ay sidii, madag cuf loo waayey 

  • Ma canbaar-cadkii baa la jaray, curaddadii Iido

  • Caleen jilicday saw Reer Gobdoon, caawa kama liito

  • Cabdi Ciise caalsaarriddii, Ciise iyo Iidle 

  • Ma carsaanyo jaban baa raggii, caaradka u joogtay

  • Carfigii miyaa layga ridey, calankii guudkayga

  • Ma carjabay shisheeyuhu baguu, caawa lee yahaye

  • Sida faras col dheer lagu galoo, orod ku caatoobey

  • Oo caawaduu yimid rugtii, ka cabitaan waayey

  • Caraafiidayeey xalay miyaan, caato ledi waayey

  • Sida halaq godkii ku caddilmoo, cawsku qarin waayey

  • Curduduubmayeey xalay miyaan, cidhif bannaanaaday

  • Sidii inan Catrahoo  hugiyo, gogol ku ceebowday

  • Oo dadkuba inuu caddibo, uga cabsoonaysa

  • Ama naag cusayb lagu eryoo, caado lagu baajey

  • Oon currado aad iyo lahayn, gabadh u ciidmaysa

  • Oo ceeb in lagu sheegiyo, cay ka baqanaysa

  • Carcaraafayeey xalay miyaan, ciil la ledi waayey

  • Sidii dhaan carceeroo ka yimid, lebida cuunkeeda

  • Ama caynab geeloo Berbera, Cadan usii dhaafay

  • Caatoobeyeey xalay miyaan, cagaha jiidjiidey

  • Sidii cawl ban lagu weeraroo, baydar celinaayo

  • Cub halkuu yidhaahdaba mid kale, kaga ciyoo baacshey

  • Is caguujayeey xalay miyey, cidhibtii dhiigowdey 

  • Ma haddaa dhulkii laga cammiray, aqallo caarcaarle

  • Geelii casaha lagala baxay, Cobole may dhaafay

  • Raggii ay cafuufleey dhigeen, curashadii dayrta 

  • Nimankii la caansiirin jirey, ma calqadaa saaran

  • Cududaha miyaa loogu tolay, Alifyo caarcaarle

  • Cishriinka soo hadhay miyey, damacsanyiin caawa 

  • Reer Cali miyaa wada cuskaday, curadadii reerka

  • Cadceed iyo cadceedeeda kale, ciirshe dunidiiye

  • Cidna miyaanay kaga yaabahayn, Reer Cabdiga daatay

  • Cashiiriyo miyaan laga baqayn, ciidamo u hiisha

  • Waxba yaan calaacalin rag waa, cayn walba u jooge

  • Waayadan Cawaaloow ma tirin, maansadaa culuse

  • Ma callaqay madfacu  waa, kaan cabbayn jiraye

  • Cutub kalena waa maansadaan, idinku cayntaarshey

  • Caqli male Ogaadeen hadduu, cunay jalkiisiiye

  • Caawuu ka geeraarayaa, Ciyow dushiisiiye

  • Culayskiyo danbaabkaan ka baqay, iyo caraafiidka  

  • Igu celiye cayntaarin iyo, colalkii dheeraaye

  • Xarbiyow cargaagtaniyo xoog, cudud ku faankaaga

  • Cisi laguma waariyo aduun, coodin libineede

  • Ciyoonbaa ratiga aanu rari, ceeshka noo sida e

  • Koran cabudhle cooglaha biyaha, lagu ceshiimeeyey

  • Waanu soo ciyaarbogi sidii, Caabbi Duullane'e

  • Casar libinta inaan dheelmi, way sida cadceedaase

  • Caska Sibi cufkii Dhagax Madow, Sagag cankuurkeeda

  • Calawgii Bullaaliyo intaa, Cagasur eegaysa

  • Cag haddaad dhigtaan meel bannaan, sida shabeel caarle

  • Oonaan carrada idinka wadin, waad na cariseene

  • Carab Laagba reerkoodu waa, caydhiyo agoone

  • Calaydh kama danbayn Bah Abasguul, cululuf mooyaane

  • Cismaan Digin sidiisii haddaan, caydhu idin leefin

  • Is cunbulintii Ina Nuur Siyaad, haadka la cunsiiye

  • Wax Gurraase garaska u  cunaa, caabuqii galaye

  • Cabdillena u yeedh iyo haddaad, Camar helaysaane

  • Caska waaga maadhiin ciyiyo, ciiro naga eega
     

  • Cutub kalena waa maansadaan, Ciidagale saaray

  • Wax badanbay raggiina cuslaa, Caliyo laayeene

  • Wax badanbay waraabaha cashiyey, subag cabsiiyeene

  • Gobannimo caruuskeedu waa, col iyo duullaane 

  • Caaradaha warmuhu haddaanay celin,  loo cag dhigi waaye

  • Haddaynaan cardiiqaha ka dhigin, nama ciseeyaane

  • Miyaa mawdku kaba  caaggan yahay, waydun cararteene

  • Ciddiyaha ku jara dirirta waa, lagu cisoobaaye

Khaliif Xarbi Ismaaciil [5]

 

Dagaalkaa Maxamed Cumar Dage gabayga dhaadashada ah ka tiriyey, Cabdi Hurrena midka calaacalka ah ka mariyey, Khaliif Xarbi Ismaaciil kuma qancin.  Rag 27 nin kor u dhaafay oo Reer Xaad, Arab, Isaaq ah oo goobtaa lagu laayeyna wuxuuba u arkaa in xabbaddu khasaare ku ahayd.  Gabay uu dareenka noocaa ah ku muujiyey ayuu tiriyey, wuxuuna sheegay inuu Cismaan, Jaanbiir iyo Bah Iido guud ahaan la rabay dibirta dhinaca Reer Xaad u badatay.  Wuxuu yidhi inta nasoo gaadhay:   

  • Turuqyada Cismaan baan lahaa, toori baad geline

  • Taxni baad ka dhigan baan lahaa, timihii Jaanbiire

  • Tumankii Bah Iidaan lahaa, waad tummaatiyiye 

  • Waa tacab khasaar reyfalkaa, tiriyey Reer Xaade 

Ismaaciil Xayd Xirsi (Aflow) 

 

Rag door ah oo Absame ah ayaa gabayo ka tiriyey hardankan u  dhexeeyey Reer Cali, Ciidagale iyo Arab. Gabayaa la odhan jiray Ismaaciil Xayd Aflow oo Sacad Muuse, Habar Awal, Isaaq ahaa oo xilligaa socdaal ku tagay Bullaale ayaa waxaa la sheegay inuu in badan maqlay gabayadaa dhaadashada ah oo iska soo dabadhacaya. Ismaaciil gabayaa caan ah ayuu ahaa sidaa awgeed mar wuxuu damcay inuu jawaabo, marna ammaankiisa ayuu u baqay.  Nin Cabdullaahi Ciise la odhan jiray, Reer Isaaq, Ogaadeen, oo Ismaaciil seedigii ahaa ayaa dareemay in Aflow gabyi lahaa haddii uu tolkii dhexjoogi lahaa haatanse uu is dhawrayo.  Kolkaa ayuu u yimid oo ku yidhi Ismaaciiloow xilahay dalaaqan inaan ruux il qaloocan kugu eegi karaa jirin ee wixii aad odhan lahayd dheh.    Damaanadqaadkaa ka dib Ismaaciil gabaygii wuu ku dhiiraday, wuxuuna yidhi:  

  • Cismaanoow adeer maansadaan, caribayeynaayey 

  • Waanigii casilay meeshiyo, caydhkii karameede 

  • Calaamooyin igu baaridey, baan idin cashaysiine 

  • Ka curaagta caawaan sidii, ceel idiin dariye

  • Cashar dhigato maal laga helaa, waaba caariyo’e

  • Cabdi Dhariyo Sheekhaash, kolkaan ciiriga eryaayey

  • Kuwaan caanahoodii genbiyey, cidi ma kuu sheegtay

  • Kolkii Caabudwaaqiyo Xer iyo, Gaadsan la cantuugey

  • Ee Ina Caruus iyo la diley, Caalinkii dunida

  • Nin cibaara lihi kama gabyee, cidi ma kuu sheegtay

  • Casarkii kolkay weehateey, cabasho ooyeysey

  • Hadday soo ciyeen wiilashii, cadaw xaraynaayey

  • Raggii haadku ciirada ku rogey, cidi ma kuu sheegtay

  • Caydii Jiciir lagu dhuftiyo, cabashadii gaadhey

  • Ciyaalkaa ku tuurtuuri jirey, Gobabki cawlaaye

  • Kolkaad cimilka wada oodateen, sida midgaan caydha

  • Ee Culuqa soo doonateen, cidi ma kuu sheegtay

  • Cayuuntiinna Shaashka leh kolkaan, cadho u qaadaayey

  • Casarkiiba waataan ku furay, calamadaydiiye

  • Calaydh iyo bankii qaydar baa, loo caddaan wadhaye

  • Kolkay baarqabyadu caranayeen, cidi ma kuu sheegtay

  • Candharaafyadii baa hadhiyo, Reer Cismaannada’e

  • Kolkaan beel cidaadaha ka dhigay, cidi ma kuu sheegtay

  • Cukur iyo Dhegoodbaa ku galay, caaraddii hore’e

  • Kolkaan cududa weynoow ritiga, caynka hore gooyey

  • Een adhi camuuddaasa dhacay, cidi ma kuu sheegtay

  • Colkii xigeyna waataan qabsaday, cuurka Reer Dalale

  • Rimaydii cagaagtay iyo nirgihii, caga-gubyoonaayey

  • Cartan ololka goortay sidii, culumo eedaantay

  • Cara dhiciya maantaan lahaa, cidi ma kuu sheegtay

  • Nimanbaannu caadh go’a ahayn, Caliyo Haaruune

  • Cabdillaha Allaa nagu ridiyo, Cumar rugtiisiiye

  • Haddaan awrku noo ciidan gelin, Camar ma gaadhneen

  • Cagtuna way dalooshaa sidaan, Ciid u weeraraye

  • Caruusada habeedda leh kolkuu, Ciidagale dhaafay

  • Ee doosha laydiin cuskaday, cidi ma kuu sheegtay

  • Nin carceeray baan ahay afkaa, layska calashaaye

  • Cadda keliya uunbaan ka dhigay, curubtii Daaroode

  • Cankana maalinbaan idin gashaday, sida caddiimeede

  • In warkaygu Caw-baarre tagey, cidi ma kuu sheegtay

Dhaqaaleeye geeliinnu way naga dhexeeyaaye

 

Mar kale ayaa waxaa la wariyey in niman Reer Cali ahi geel kasoo dhaceen Ciidagale.  Geelii ayaa waxaa ka daba yimid ciidan Ingiriis iyo Xabashi isugu jira oo dhawrayey heshiis ay horay u kala sixiixdeen heshiiskaa oo ahaa in qabiilkii mid kale xoolo ka dhaca si wadajir ah looga soo celiyo.  Haddaba geelii markii uu dib ugu noqday Ciidagale ayaa waxaa geeraar mahad celin ah tiriyey geeraarshe reerkaas ah.  Xarbi ninkaa ayuu gabay ugu jawaabay isagoo xusuusinaya in aanay geela sidaa kaga hadhaynin.  Wuxuu si jeesjees ah uga codsaday nimankaa geela Ingiriis u celiyey inay birta, oonka, qaniinka, cadhada iyo dhugatadaba ka dhawraan inta uu gacantiisa kaga soo noqonayo.  Wuxuu yidhi:     

  • Hadduu gaalku noo kiin dhiboo, maanta naga dheelmo

  • Dhala-uus dhabbaha qaaliyeed, dhinaca Buunshaale

  • Xeryahaan kaliil hore ku dhacay, dhaafin mahayaane

  • Intay dhagaxa hoos uga ridaan, dhuumin mahayaane

  • Dhoobada intay joojiyaan, dhoofin mahayaane

  • Nimankii seen isaga dhawnaa, dhaagi mahayaane??

  • Dhudhumada markaa inaanu qaban, dhawri mahayaane

  • Kolkii hore dhallaan baydin galay, dhuumashe ahaaye

  • Intaan dhudaha Guuleed maroon, col u dhabaalyeeyo

  • Annagoo dhan reeraha dhexdood, dhaaxa naga eega

  • Arladiina dheelkiyo intay, dhedada baas joogto

  • Dheeheey waxaan kaa maqnahay, dhibica deyreede

  • Meeshii dhinbiil badan leh iyo, dhaayin la ogaada

  • Dhogorteeda jeel baa rogee, dhanaha fuudsiiya

  • Kaa haatan dhays ihi intuu, dhalayo sii raaca

  • Dhiilka uun ha eegine nirgaha, dharaq u sii daaya

  • Cusbada dheegga yaan lagaga rarin, dhaamiyaha awrka

  • Goortay magaaladu dhashaad, dhadarbiyeysaane

  • Dhurwaayahay  ha iga siisanina, dhar iyo soor toona

  • Niriggaad ka sii dhaylyeysataan, dhagar u qoondeeya

  • Dhaqaaleeye geeliinnu way, naga dhexeeyaaye

Qab ayaa gabaygan ka muuqda maxaa yeelay mar niman uu horay u dhacay ayuu ku digtay, marna geelooda ayuu ka codsaday inay sii dhaqaaleeyaan inta uu xoog kula soo wareegayo. 

 

Mar Kale Xarbi Ismaaciil iyo Qowdhan Ducaale

 

Reer Cali iyo Ciidagale ayaa mar kale is laayey kolkaa ayuu Xarbi Ismaaciil Samatar gabay dabaaldeg ah tiriyey.  Qowdhan ayaa gabaygaa digashada ah dhibsaday sidaa daraadeed tix kaga soo jawaabay.  Wuxuu yidhi:   

  • Xarbiyow gabaygu wuu kaa tasaqay, wuuna kaa tagaye

  • Wuuna kaa tawaawacay haddaad, toosi leedahaye

  • Adigiyo tumaal beentu waa, mid aad taqaanaane

  • Ma adigaa tubtii geela iyo,  tagay awaarihiiba

Xarbi ayey ugu muuqatay in meerisyadaa deelqaaf ku jiro.  In kasta oo aan haatan hayb-sooca sidii hore loo adeegsan, haddana xilliga nimankani isu jawaabayaan isir-xulku xoog ayuu lahaa.  Haddaba, deelqaaf ayey Xarbi ula ekaatay In Qawdhan xidhiidhiyo magaciisa iyo tumaal, waxayna arintaasi u furtay goldaloolo uu Qawdhan ka weeraro.     

 

Wuxuu ku billaabay in gabaygii macno beelay, Qowdhanna macno beelka gabayga ku dhacay sabab u yahay, sababta tixaha Xarbi loo hayo ee loogu halqabsado inay tahay in gabaygiisu mid hufan yahay.  Wuxuu intaa ka dib u gudbay sifayntii dagaalkii labadaa jilib dhexmaray iyo raggii Ciidagale ee sida arxan la’aanta ah birta looga aslay.  Qowdhanow kamaba soo waaqsan kartid jabkii aan ku gaadhsiiyey, annigana wax aad i yeesho daayee xataa xaab inaad igu soo tuurto waa tii rubadu diiday, ayuu raaciyey.  Wuxuu ku xidhay, kollay ii turi maysidee maxaa ku haya oo aad wax isaga dhicin la’dahay, tabar darro uun saw ma aha.  Wuxuu yidhi: 

  • Tisqaad ma laha gabay uu nin kale, eega tiriyaaye

  • Waxaase tayda loo wada hayaa, waa tamaamnimo e

  • Tabtaasaan ahaa eegga iyo, toban jirkaygiiye

  • Ha yeeshee nin taliyaa afxumo, sooma tooxsado e

  • Waadse iigu tagi cay haddii, layga tiigsado e

  • Tagoogtii fayoobayd sidii, turuqu kuu duulay

  • Labadii tacshiiradoodba saan, kuugu wada toogtay

  • Toorrida sidii loola dhacay, tima-caddii daashay

  • Tafdheeriyo ciroolaba sidaan, uga talaadaystay

  • Ma tummaatidaan kugu dhuftaad, toosi waligaaba

  • Tolse waxyeeladiisu ha jirtee, aniga yey taabtay

  • Tifbaa ugu yaroo maydinkaa, naguba soo tuuray

  • Ma taqaashan baan idinku jirin, na laga taabraaco  

  • Mise waad noo turteen saw xaggaa, lagama taag waayin

Muddo ka dib, dagaalkii u dhexeeyey qoysaskii Ogaadeen iyo kuwii Isaaq cirka ayuu isku shareeray.  Guubaabadii iyo kicintii gabayaaga ayaa wax lagu qaatay.  Degaan kasta oo ay labadaa reer iska soo gaadhaan ayey colaadi isku sintay.  Gaade, wareemaysi, halqalable, raacdo, raacdo-reeb, saf balaadhan, nabadii ayaa ceel dheer ku dhacday.  Nimankii Ogaadeen ee ay Ciidagale is hayeen ayaa aagii  ballaadhiyey oo Sacad Muuse, Habar Awal, weerar ku qaaday, geel badanna soo dhacay.  Geelaa waxaa loo bixiyey Indha-badane fara badni awgeed.  Indha-badane waxaa ka gabyey rag ay ka mid ahaayeen Maxamuud Cali Beenaleey, Cabdi-gahaydh, iyo Maxamed Nuur Fadal.  Gabayadaa ayeynu soo qaadanaynaa.      

 

Geeraarkan iyo gabayga ka dambeeyaba waxaa tiriyey Maxamuud Cali Beenaleey, wuxuuna ka tiriyey geelaa Indha-badane la baxay ee aan kor ku xusnay.  Markii diyaargarowgii dhammaaday, ilaaladii laga warqaatay, ciidankiina dhaqaaqay, ayaa waxaa laysla dhex maray in Maxamuud Cali uusan isku heli karin hasha ammaanduulaha iyo hasha gabayaaga.  Ina Cali wuxuu yidhi anigaa ammaanduule ka ah ciidankan ee hasha ammaanduulka miyaa laygu haystaa? Haddii colkii dib isugu noqday waxaa Ina Cali lagu yidhi hasha gabayaaga qaado, hasha ammaanduulkana nin kale ha la siiyo?  Ina Cali arrintaa wuu diiday wuxuuna ku adkaystay eraygaa hore ee uu yidhi. Waxaa laysla wada fahamsanaa inaan ninna Ina Cali hortiisa gabay xoolo ku qaadanaynin uuna rabo in labada halaadba isagu qaato.  Dood gaaban kadib, waxaa laysku raacay in abwaanka la xujeeyo oo uu tilmaan waafi ah ka bixiyo hasha uu gabayga ku qaadan doono, haddii kale hasha gabayaaga meesha laga saaro.  Maxamud Cali Beenaleey oo hashaas tilmaamaya ayaa yidhi: 

  • Hashaan geela ka qaadan 

  • Ee tolkay ii qaban doono

  • Tilmaanteeda aan qeexo

  • Qamiis ma aha madow

  • Qamiir ma aha guduudan

  • Qarjaf ma aha cag weyn ah

  • Qonjar ma aha cayuun ah

  • Qayax ma aha caddiin ah

  • Qumud goodir la moodo  

  • Qoran oo kala jiidan 

  • Oo qadow laaca taqaana

  • Qulqul aan ash ahayniyo

  • Baarkaa gees u qallooca

  • Waagay qaalin ahayd bay

  • Nirig qoor jabanaysay

  • Qaayibbaa la yidhaa

  • Afar qoone wadaag iyo

  • Qardhaas bay u xidheen

  • Qoodhadhkaa kala jeedda

  • Qaskii baysku wareegay

  • Kii qooraanso yidhaahdaba 

  • Qosol buu u dhacaayoo

  • Cadaabtay noo qariyaan

Hashaan geela ka qaadan, ee tolkay ii qaban doono, tilmaanteeda aan qeexo; waxaad meerisyadaa ka fahmaysaa kibir iyo isla weyni maxaa yeelay, inkasta oo aan wali wax geel ahi  gacantooda soo gelin haddana Maxamuud wuxuu ku kalsoon yahay inuu geelaa soo dareersan doono oo cid ka hor istaagi kartaa ayna jirin. 

Indha-badane waxaa lagu gebgabeeyey goobta looyaqaano Gadhyogol.  Way soo luudiyeen waxayna isugu keeneen Cobolle, halkaa ayuuna Maxamuud hal gabay, hashii ammaanduulaha iyo qaybtii guud ee kusoo aadayba ku guddoomay, gabaygan ka sheekaynaya abaabulkii, awoodii iyo geela farihiisiina ka tiriyey.  Wuxuu yidhi:

  • Iradaha gabay Islaanow baryahan, iguma oodnayne

  • Axdibaan ka maray idina waad, igu ogaydeene

  • Aflagaadadiisii necbahay, aafo godobeede

  • Annagiyo Iidoorna ways, arag nacaynaaye  

  • Ajashaan ka goyniyo waxaan, ku ijtihaadayno

  • Ajri baan ka dayayaa sidii, ubadkii Reer Caade

  • Abaabul duulaan Reer Isaaq, waw abtiriyaane

  • Ilmadiid ma fiicnee tolkay, maysku wada oogay

  • Laba Aadan iyo Nuur Ayuub, idhanka maw dhiibnay

  • Ammaanduulihii Muxumed Gool, ubaxa maw saarey

  • Maw oriyey oogii ma shiday, mana u eedaamay

  • Ma addayney eyrooy jidkuu, amarku qaadsiiyey

  • Ilaalada ma loo direy halkii, lagu astaynaayey

  • Ma soo aragtay Dhoolo aaddanney, araddaday daaqaysay

  • Odayadii iyo wiilashii, awrtii ma u dhiibnay

  • Intayadii tab iyo xoog lahayd, orod ma guuraynay

  • Anoo salalay aaskoo dam yidhi, olol ma noo kaahay
  • Ilayskiyo dabkay noo shideen, gelin ma soo aadnay

  • Libdhadoo in dheer la'eg miyaan, weerar ku ekeeyay
  • Ma unkaday jigraha aaddan, iyo ulayar maadhiinku

  • Abeesaale iyo Qoorbidaar, uuro mays qabatay

  • Sidii Imuru iyo dawladii Adari oo koodhay (Raas Imuru Xayle Salaase Ina adeerkii ayuu ujeedaa)

  • Ama janan albaabkuu fadhiyey, eemar lagu yeeshay

  • Ama awlal malaboo shinidu, uumi kaga yaacday

  • Ama ilo biyo lehoo kaliil, lagu arooraayo

  •  

  • Nin arkaa asheed maalintaan, wadanay Eeraane

  • Ma ajalay nin aar doonayaa, uur nugayl ma lahe

  • Ma adkaaney erigii horey, ku ishiqaateene

  • Ma irkagay Iidoor wuxuu, eeday baa helaye

  • Kuman uguba kuman uur lehiyo, kuman irmaan-guuna  

  • Iyo kuman ilweyntiyo duqiyo, aarankiyo qaana

  • Iyo Kuman abaartii dhaloo, ubadka loo maalo

  • Iyo kuman intay igadh yihiin, laga unuungooyey

  • Iyo kuman abeereeyey oo, awrta la ciyaarta

  • Iyo aragsamoow baarqabkii, ayra lagu qooqshay

  • Intaasoo kun wada ayniyaan, ku eryey qaadhkiiye (qaadhku waa xerada lagu qeybiyo geela)

  • Insha-Allaahuye intii ka hadhay, baan ururin doonaaye

  • Awaleyda waa tay lahayd, ololka muunayse

  • Haddii ay itaalkeed hayaan, naguma eegeene  

  • Aashaa wad mooyee Cillaan, orodkii maw diidnay

  • Iyadoo aleemo leh miyaan, aayar daba-luudnay

  • Ayax iyo sidii daad miyaa, layga amakaagay

  • Ingiriis miyaa lagu matalay, aalladdaan wadanay

  • Iidoorku saw sida tukaha, kuma ag meereysan

  • Indha-badane nimankii lahaa, ududsan maayaane

  • Awal horeba kuma aadanayn, adhi-fadh Iidoore

  • Waxaa geela aanaysan jirey, ubaxa Daaroode

  • Ergisaad u hayseene haw, uur xumaanine

  • Inshaa Allaahu kii hadhayna, waan urursanaynaaye

  • Idahaaga dhaqo geel ninkii, ab u lahaa raacye

Mar kale iyo Maxamuud Cali Beenaley

 

Maxamuud gabayada badan ee uu hardankan ka tiriyey waxaa ka mid ah mid kale oo aan in yar uun ka helay.  Wuxuu yidhi isagoo dhaadanaya raggii gebogebada dhigayna guubaaninaya:

  • Afartii dhudood baw dhan iyo, dhabaqle Haaruune

  • Dhabbahayadun haysaanna waa, Dhebi iyo Hoobaane

  • Dhabantii lalaayaba ta kale, way u dheeliye

  • Dhab u dirira maandhooyinow, haysku dhowrina

Soo raadi gabaygaa inta maqan.

 

Cabdi-gahaydh

 

Warkii Indha-badane iyo gabaygii Maxamuud Cali Beenaleey ee digashada iyo goodiga wada socda ahaa ayaa la geeyey carro Isaaq.  Cabdi-gahaydh ayaa mid marag fur iyo calaacal ah garab dhigay.  Inta nasoo gaadhay wuxuu yidhi:

  • Dhiilaabayey xalay miyaan, dhagidi soo booday[6]

  • Ma dhabeyti dhawr baan hurdada, dhinacyaduu diiday

  • Gogoshii la ii dhigay miyaan, dhan isu weydaarshay

  • Sidii qalanjo dhaawacan miyaan, dhiraha laynaayey

  • Sidii naag ninkeedii dhintoo reer, ka dhaxal meeray

  • Ma dhulkaan shan baac qoday, Cabdow dhalasho waa yaabe

  • Ma dheg xumada Kiinguna maqlaa, dhibaya jiidhkayga[7]

  • Dhanuu jiraba Daarood miyaa, dhool ku wada faanay

  • Dhabayaciyo Reer Dalal miyaa, dhaanto laga keenay

  • Ma raggaanu dhax-xidhka u xidhnaa, dhudi ku geeraaray

  • Ma dhawaaqa Cali soo diraa, waliba dheerada[8]

  • Waa taynu dhaabaha lahayn, labada dhoomoode

  • Lama dhaco annaga reerkayaga, sida dhukaameede

  • Ama geelu seymuu u dhashaye, dhaqashadii daaya

  • Ama dhiciya sida reer tolkay, dhudi ma meerteene

  • Ama dhoofa waataad sidii, dhalo nugleydeene

Maxamed Nuur Fadal[9]

 

Indha-badane warkiisu Soomaaliya oo kaliya kuma ekaanin oo waxaa loo dhoofiyey dibadaha.  Waxaa la yidhi rag Isaaq ah oo Nayroobi fadhiya oo uu ka mid yahay Ina Nuur Fadal ayaa khabarkii Indha-badane la gaadhsiiyey.  Iyagoon wali warka si fiican u helin ayuu Ina Nuur Fadal wuxuu yidhi ‘warkaasi haddii uu dhab yahay geelaa cid aan Sacad Muuse ahayn lagama dhicin ee raggow ha la ogaado.’  Maxaad sidaa u tidhi ayaa la waydiiyey, wuxuuna ku jawaabay ‘lafaha kale ee Isaaq geela si fiican ayey ugu diriri lahaayeen.’  Nin Sacad Muuse ah oo golahaa fadhiyey ayaa hadalkaa ka cadhooday oo Maxamed dharbaaxo farba meel dhigay.  Farma’ ayey isku yidhaahdeen, degdeg ayaana loo kala jiiday.  Kolkaa ayaa ninkii odayga dharbaaxay waxaa lagu amray inuu raaligelin iyo xaalba dhiibo.  Maxamed Nuur ayaa yidhi ‘iska daaya haddii geelaa laf aan Sacad Muuse ahayn laga dhacay wax xaal ah ninka lagama rabo, haddiise Sacad Muuse geela yeesho anaa afkayga isku xaal marin.’  Waa gabayaa iyo caadadiiyoo wuxuu rabaa gabay taariikhda gala inuu mariyo, sidaa si ka wanaagsan oo uu ninkaa kaga aargoostana uma muuqato.  Kolkii lasoo xaqiijiyey in geela Sacad Muuse laga dhacay ayuu Maxamed, sidii balantu ahayd, gabaygan soo socda tiriyey.  Wuxuu yidhi: 

  • Waa lagu dhintaa geel ninkii, dhaqo yidhaahdow e

  • Waa dheeman iyo luul ku jira, dhib iyo aafaade

  • Dhayal iyo ciyaar laguma helo, dhuug iyo aar laaye

  • Iyadoo xeryaha looga dhigay, bawdka dhinaciisa

  • Iyadoo baruur dhaabantoo, kurusku dheeraaday

  • Iyadoo dhamaysoo ka timid, dhagaxa guudkiisa

  • Iyadoo dhaliilaha sariyo hawdka, kor u dhaaftay

  • Oo ay markaas wada dhashood, dhaan la furey moodo

  • Dhufaankeeda iyo aarankoo, dharabka loolaaya

  • Kolkay dheelmitaankii durduro, dhagac ka soo siisay  

  • Oo baarqabkii dhalay nirgaha, dhaafi kari waayey

  • Dhal jaceyl daraadii markuu, dhuunta galinaayey

  • Dhan u heegga laafyaha markuu, dhabal u qaadaayey

  • Dhareerkiyo xumbada markuu, dhemal u qaadaayey

  • Dhabta loo sargooyiyo tawaad, dhuxul la moodaayo

  • Kolkay dhibidu labadiisa qaar, dhaantay midabkiisa

  • Oo dhaygag iyo yaab ku dili, dhalanka loo uumay

  • Oo doobtii lama dhawrsanine, galowga dhiilleeyey

  • Ee uu micida dhumacaysatiyo, dhoosha ka ciseeyey

  • Dhirifka iyo cadhadii kolkuu, dhiraha laynaayey

  • Waa dhidibka geelee markuu, dhab u shaxeexaayey

  • Col la dhuray aroortii markii, dhaayan lagu foofshay

  • Dhengadaha kolkii dhabiga maran, dhawda laga saarey

  • Dhoobigii Ogaadeen kolkuu, dhaanto daba qaaday

  • Ay ololka dhacadiidisaad, dhicin lahaydeene

  • Dhar caddii magaaliyo dilaal, dhuuntay baa wadaye

  • Haddii Habar Xabuush laga dhaciyo, dheegga Habaryoonis  

  • Ama dhalantidii Ciidagale, lama dhaqaajeene

  • Dhiigyacabyadii baan lahayn, dhagartu saarreyde

  • Dhurwaagaa lafaha boobi laa, bil iyo dheeraade

  • Dhoonbuurkiisa Araboo sitaan, cidi la dhaafteene  

  • Dhammaan Ciise Muusaan nin ogi, sii dhexmariyeene

  • Dhirririda Ayuub kama tagteen, sidigta dhaameele

  • Tol-jeclaa ka dhiidhiyi lahayd, dhebi hashiisiiye

  • Idinkaa markii laydin dhacay, soo dhanbuuqsadaye

  • Abidkiinba dhoomaha Isaaq, dheg uma noolayne

  • Dhankaad naga xigtaan yey wadnaha, dhooli mood tahaye

  • Dhalool yahay xaggiinaa warxumi, nooga soo dhacaye

  • Hadduun baydin dhaar xoog leh iyo, dhiirri barateene

  • Irbad dhuub ma galisaan afkuna, waydin dheer yahaye

  • Hadmaydun shisheeyaha iska dhicin, soo dhabbacanaaya

Gabayadii nimankaasi is dhaafsadeen iyo sababihii keenayba waxa naga soo gaadhay waa intaa.  Tuug ma xado.      

 

 

Taariikhda iyo gabayada halkan ku jira waxaan 2003dii iyo 2004tii kasoo uruuriyey ilo kala duwan oo ay kamid yihiin:

 

1.       Far-Guri.  Xuseen Cabdi Xalane. Himilo Publishing Company. Minneapolis, MN. 2003.  

 

2.       Cajalad uu duubay Maxamuud Cabdullaahi Ciise Singub

 

3.       Cajalad uu duubay Cabdi Iidan Faarax

 

4.       Cajalad uu duubay Muxumed Cali Masmas


 


[1] Ciwad ama Ciwal:  Eray aslakiisu Af-carabi yahay oo la macne ah badal.  Wuxuu ujeedaa in Illaahay rag kale idiinku badalo mooyee geerida Khaliif kasoo waaqsan maysaan.  Erayga ciwad ku xusuuso meeriskii ku jiray gabaygii Cabdullaahi Dhoodaan ee ahaa ciwad kale Allaha noo baxshiyo, dawlad caadil ahe 

 

[2] Reer Dalal: wuxuu ujeedaa Reer Dalal Guuleed, Reer Cali, Reer Isaaq, Ogaadeen oo ah lafta uu ka dhashay gabayaagu

[3] Waxaan 2003dii ka saxay: Far-Guri.  Xuseen Cabdi Xalane. Himilo Publishing Company. Minneapolis, MN. 2003.  

[4] Ina Warsame Baanshe wuxuu ujeedaa Cabdi-gahaydh Warsame, wuxuuna tixraacayaa gabayga kore ee uu ninkaasi mariyey

[5] Far-Guri ayaan tixraacay

[6] Far-guri ayaan ka saxay

[7] Waxay la tahay jabka Isaaq gaadhay iyo ceebta haysata warkeedu inuu gaadhay Boqor  Georgeigii 4aad oo madax u ahaa boqortooyadii Ingiriiska oo xilligaa gobolada waqooyi ka talinaysay.

[8] Cali wuxuu ujeedaa Maxamuud Cali Beenaleey

[9] Far-Guri ayaa dhugtay

 

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.