|
Cabdullaahi Dhoodaan Maxamed Cumar Dage |
|
|
|
- Nabi Muxamed baa loo jeclaa, jaah mar la arkaaye (csw)
- Isagana waxaa lagu jirabay, inuu jihaadaaye
- Idinkuna xornimo saa jirtaad, jiif ka damacdeene
|
- Darxurmoode nimankii fadhiyay, darar
Nugaaleed e
- Demeni iyo baqdini waa miday, dir u
lahaayeene
- Dulligaad Dhulbahantoow qabtaan, Doyna
laga sheegye
|
|
-
Dogob iyo gidaar kugu dummiyo, daad ku jiidanaya
-
Naftu waxa dardarayoo dhan bay, dhaax ka durugtaaye
|
-
Ka huleeshe Howdkii sarriyo, haatan
Caynaba
e
- Nimaan
Habar Jecliyo Muusayoow, uga hagaagaynin
- Inuu
dhoodi hoos ugu dhacoo, haniyo weeyaane
|
|
- Naftu inay
maqnaatiyo inay,
mahad ku noolaato
- Maaweelis weeyaan haddii,
mid u dhexeeyaaye
|
-
Nafta hura iyadoo hadheey, hibasho reebtaaye
- Haddii kale huluulaha ku jira, habi
la'aantiine
|
|
- Wallee in ayna laakiin ahayn,
laydha socotaaye
- Libin baa dhow ruuxii jihaad,
laabta ku hayoowe
|
- Doolaabta naagaha xidhiyo,
duubcadiyo weerka
- Agoomaha ilamada
duugagyiyo,
dumarka booyaaya
- Kama diilalyoodaan kuway, duray
wadaageene
- Allaa dilay nin aan diin lahayn,
oo dariiqo ahe
|
|
- War duudkaaga ceeb saaran iyo,
diilintiyo jaaha
- Waxaaba kaaga duug roon adoo, meyd
dafuufanahe
- Inkasta ood difaacdo
oo warmaha, lagu daaduunsho
- Siday kuu damqaan
nabaradaa, diifta kugu reebay
- Isagab dilkaagaa u
dhibiyo, dakaharadaadiiye
- Baqaa door ah hay odhan
Cabdiyoow, waa dameernimo e
|
-
Shaybiyo
haddaan la layn, Ina Shiraha Jaamac
- Haddaan
shaqabka Col-ujoog ka tagay, loogu shalow siinin
-
Aararsame shafkii ma aha iyo, shaanki reer boqore
- Hanna
sheegannina waxaydin dhalay, baliyo shaydaane
|
|
- Halgan dhaawac loogama hakado,
dhimasho yeelkeede
|
- Dab nin kaliya oo shida miyaa, duulka laga
waayey?
|
|
- Faan iyo bilaash kuma lug go'o, fulayna yeelkiiye
|
- Raas weyn Ilaahow ka yeel, raacday foolxumo e
|
|
- Warankaagu ruuxuusan mudin, weedh la marin waaye
|
-
Dhulka laguma soo koobi karo, socod dharaareede
- Nin afkayga dhawrow adaa, dhibay naftaadiiye |
|
- Soomaalina macnaa lagu yaqaan,
meel ay joogtaba e
- Oo waa hiddaha noo macaan, malab
siddiisiiye
- Mar kastana ma moogaano ee, wuu
naga dhex muuqdaaye
|
-
Warsangali u mari yaan Hartiga, gabalkii moogaane
-
Majeerteen u sheeg xaajadaa, waa mashaqo weyne
- Maxamuud
Saleebaan u mari, madaxyo weyntiisa
- Bal inay
dhagliga meeriyaan, aad u maqashiiya
|
|
- Waraabaha ku ruugaaya iyo, aar ku raamsanaya
- Sidday kuugu kala roon yihiin, maad u kala reebtid
- Ninkii rodolna miisaama ee, kiilo raajiciya
- Ee raasamaalkuu helaa, rubuc ka hooseeyo
- Xisaabtaa inuu dib u rogrogo, sow ra'yigu ma aha |
- Jilaal
abaaraad hadduu, adhigu kaa liico
-
Ama
khoof diraaceed haddii, lagugu aaheeyo
-
Ogaadaay
ayaamaha gu’ baa la irkan doonaaye
---------------------------------------------------
- Aabiga
markay ula tageen, ururta Caynaanshe
- Anshigay
Gunbuur u edbiyeen, ma u ekaysiiyey
|
|
- Waxaa murugo iyo qoomamiyo,
maanqashiyo ciil leh
- Maskax iyo garaad iyo wixii,
muruqba kaa liita
- Markuu adiga sharaftaad mudnayd,
kaa maroorsado e
|
- Allay lehe bagaa laysu dilay, Daahiroow
sabanka
- Xidid loo daryeeliyo bagaa, darajo loo
waayey
- Dagaal aan qarsoonayn bagaa, loogu kala
duugay
- Bagaa Dir iyo Daroodba, qiiqu uga duulay
|
|
- Fadhato u shaqaysaye maxaad, adigu
faa'iiday (ama)
- Hooyadii figeeyoow maxaad, adigu
faa'iiday
|
- Ooftuu dhigay Ciida Gale, sidii ugaadheede
- Siddii aaran geeloo dideey, ooda jabiyeene
- Mar hadday indhaha jeediyaan, orod ma
daayaane
|
|
- Mataankaagii ood xaasidaa,
murugaday keento
- Carabtii midowdaa og iyo, kii
macooda ahe
- Masarba waa wixii lagu qabsaday,
gacal la moohaaye
|
- Askar
amar ka diidaa kornayl, waa Allow sahale
- Uubuu
galaa inan-gumeed, ururta laa caaye
-
Aflagaado waa loo dhintaa, eeqo duul gob ehe |
|
- Nimankaa siddii dibi lix jir ah, luquntu waynaatay
- Laanjaha markay fuulayaan, lugo ku
rooroora
- Barwaaqada intay leefayaan, luusa
garawgiina
- Intay labanka daaranahayaan, lebi
ku gaajooda
- Iyagaa sariir leexsadee, luumiyaha
seexda
- Lafta dhabar siday uga jabaan,
laaca waligiinba
- Libaaxdaa koraysaan nahaye, hayna
loogina e
- Waagaad laxaadaysataan, lowga kala
fiiqa
- War ha u liicinaay Xabashi, waan
lagatamaynaaye
|
-
Ingiriis ka soo carar hadduu, Cadan ku fiicnaaye
-
Cishriin lag baa laga dilloo calankii, soo duubye
-
Wuxuu ciidan iyo xoog lahaa, ceejiyaa helaye
-
London kuma caweeyaan kobtay, cudud u yiileene
------------------------------------------------------------
- Ciqaabna ha kayaabina haddii, Diinta la cusleeyo
-----------------------------------------------------------
- Bal
muxuu asiib baa wadee, Arabna doonaayey?
|
|
- Danbaaburiyo gaaraabidhaan, fiid
is daba yaacay
- Danbas iyo wax nool kay yihiin,
daa'imaan garane
- Dab iyo qiiqna waan kala aqaan,
saa duqbaan ahaye
|
-
War waa laysku soo raran yahee, hoos ha ii ridine
-
Inta reerka lay isugu imaan, haygu rogin Faafan
|
|
- Makaahiilna jeerbaan ahaa, mini
Abraahiine
- Ina Macallin baa la i yidhaa, nin
u muraad loo
|
-
Rabboo caynsha mooyee ninkaa, saanad lagu ciirye
|
|
- Daaqiyo dulaha ceelashiyo, doogga
iyo rayska
- Wax kuu diidan oo durug leh, oo
dibadda kuu saari
- Waxa kaaga daran eed ogtahay, eed
la dirirayso
|
Xarbi Ismaaciil Samatar
-
Kolkii
curaddadiisii la jaray, ees cidla istaagay
-
Cali Dhuuxba daya eega wuu, soo
calaacalaye
- Cabdi
Gaab caruurtaadii laa, cududna kaa roone
- Maxay caydu kuu qaban kartaa, waad calyocalyeyne?
|
|
- Qof walaalkii gaday meel shishaa,
laga ganaaxaaye
- Gacal uu xigaalkood hagraday,
gocosho dayn waaye
|
Maxamuud Cali Beenaleey |
|
- Doqontiyo intuu ruux damani, noo
qabsado daalac
- Danbigooda yey nagu dacweyn,
garasho deelqaafe
|
- Dadba haybso mooyee ayaan, sii
hundo ogaanin
- Hebaloow ma nabadbaa ayaan, horay u
weydaaran
|
|
- Dhay baan lisaayee haddaan, dhoobo
qodayaaye
- Dhalinyaradii rooraysay baan,
dhaca odhan geele
- Labadii is dhuun goyn lahayd, waa
isugu dhiibe
|
- Luqmo dheerahaan helay hadday, laqanyo kaa
hayso
- Anigguba markaan kaa lalmaday, iima loodsamine
- Lubigii walaalnimo ninkii, laalay baad
tahaye
- Gablan lexo-jecloy waa wiixii, lumiyey
Ayjeexe
|
|
- Ku danqaday mid kibir diidsanaa,
wuu la diriraaye
|
- Nin i xooray maantaan xumaa, aniga
oo xaas ah
- Ku xiltiray xanaano iyo wanaag,
aniga oo xoog leh
|
|
- Dadkayagu kadaab uma badniyo, reer
ma kaadsade e
- Cilmi korodhsadkiisiyo xikmadi,
naguma koobnayne
- Maskaxdu kaamil inay noo tahay,
kumaan hayeen qaare
|
- Uma baran bahdey iyo inaan, bi'iyo
Daaroode
- Shisheeyaha kolkaan baratanaan,
badin aqaanaaye
|
|
- Marsada uu cadaawuhu
degee, lagu
malaynaayo
- Ilaalada ku meermeeriya oo, ha
iska miriqshaanto
- Shanqadhooda goortii mugdi ah, maala dhagihiina
- Maalintiina muuq iyo bidhaan,
milicsadoo eega
- Mutux yuu ahaan kiinuye, waa inaad
magoogtaane
- Ragna maqaalufaa toosisee,
mihindis foolaada
- Ismaan raaca towfiiqdu waa, lagama
maarmaane
|
- Laba' caanaheed iyo anoo, labanka
fuudaaya
- Wiilal baa i looyaamiyoo, ii
lalabay fiide
- Libinna yaana geyninee haaddaan,
kaa lug baxo maanta
- Walee aniga oo ladan Buslooy,
kuguma soo laabto
|
|
- Qamaan iyo siday sheegayaan, qodobadii Raage
- Qofka cune qadaadkiyo la raba,
gawrac luquntiisa
- Mindiduu qoobka kula soo baxaan,
qoorta kaga goyne
|
- Indha-badane nimankii lahaa,
ududsan maayaane
- Waxaa geela aanaysan jiray, ubaxa
Daarood e
- Kolkii horeba kuma aaddanayn,
adhi-fadh Iidoore
|
|
- Ri isnuugtay meel uga ekaa, nin is
amaanaaye
|
- Afloow nimuu jidhxaayiyo nimuu, ubadkii weer
laayey
- Iyo nimuu aboor xaganayaa,
uurkutaalo lehe
|
|
- Damiin macalinkiisiyo isagii, ha
is dacweeyeene
- Ninba dawgu leeyahay kolkii, dooda
aan u dhawro
- Ardaygii da' loo yeedhiyee,
diminta miim saaray
- Kol hadduu tacliin doonayayoo,
deel xafidi waayey
- Garta haddaan la daahayn isaga,
saw danbigu ma aha
|
-
Nafyahay baxaysaay intaan, adiga kuu booyi
-
Baasahaa dhacaayiyo haddaan, baajin karo mowdka
-
Teydaan bilaad laga koriyo, gelin lahaa buure |
|
- Daabaana qaadka ay matali, dowlada
Af-weyne
- Ogaadeen damiin kama dhigtee, yow
dirsaday howsha
|
-
Beentiyo runtuba waa dhaw bay, kala
baxaayaane
- Aan baxnaansho xaajada halkii,
badhida loo saaro |
|
- Tukashada iblays kaa duwiyo,
toobadkeenimadu
- Ma taqaanid mooyee ileen, kheyr ma
tabantaabsho
|
Sayid
Maxamed Cabdille Xasan
|
|
- Heeryada ninkii kugu raree, hoygii
kaa bixiyey
- Iyo kii ku hoosaasiyaa, waa isla
halkiiye
- War how kala habaynina dagaal,
haayirkiyo tuuga
|
- Allahayoow Ferenjigii
muxuu, nacas fariideeyey
- Faa'iido laawiyo muxuu nin ragga,
feyl ka wada yeedhshay
- Nimaan aabihiis fuuli jirin, faras muxuu saaray
|
|
- Duunyada ragii kaa dhacaye,
dowrshay xeradaada
- Ogoow daalinkaad aamintay baa, kaaga sii darane
|
- Naakhuudayaal iyo kufraad, nabiyo moodeene
- Nacaluhu kuwuu fuulay baad, daba
nashlaysaane
- Nasab haddii aad tihiin gaaladaad, nici
lahaydeene
|
|
- Soomalidu ma kala daah adkayn,
deyro iyo deeq
- Diif hadduu badh qabo reer ma
jiro, darayo beelaaye
- Inta qaar la daayacay miyaa, gobol
la baardaajay
|
- Ninkaad dilli, ninkaad dagi, ninkaad dabin
u qoolaysid
- Waa laysu kala daadiyaa, yuunu kaa didine
|
|
- Maroodiga hurdaa geedka, uu jiifo
hadhaciisa
- Hiyigiisu daaq buu jeclaa, taana
hidin waaye
- Hanqaloocsay oo gaadhi waa, xiid
haraadanuye
- Kaasaay
Hangaralihii dhulkiyo, Habasna laaceene
|
- Mustaqiimnimaa loo hadlaa, muranku waa ceebe
- Nin waliba maroor iyo qasiyo, muran haduu keeno
- Goortii markhaatigu dhacaa, mowdku ka adeegi
|
|
Muxumed Yuusuf Xasan
(Gabay Howle) |
- Wax walba wow huraayaa ninkii, ii walaal
noqone
|
|
- Wax
badan baan hoggaankiyo jeclayn, inuu
hagaagaaye
- Waynaan
helaynine Xirsuu, kaga habboonaaye
- Hayin
nimuu ka jiifsaday wax uun, hilayga saarsaarye
- Faratoon
aan haaramannee, inaga heeryeeya
|
- Danbiguu falaayaa Uweys, loogu
dowgalaye
- Candho dogoble goortaan
dillaa, roobku noo da’aye
----------------------------------------------------
- Rabboo ku caynshiyo anoo ku cafa
mooyaane
- Walee caafimaad uma fadhidid,
Caliyoow Buuhoodle
- Oo caadhkii weynaa gabdhihii, ku
catiraynmaysid
|
|
Raage Ugaas Warfaa |
- Cidlaa laga kaxaystaye miyaa, cudud la ii
sheegtay
|
|
- Aboodigu ma lalo garab hadduu,
iin ku leeyahaye
- Orod uma holodo ooglihii, adhaxda
beelaaye
|
- Sargaalka iyo Hindiga waa
dilaan, uma sujuudaane
- Surkana waa ka gooyaan dadkii,
saaxirka ahaaye
- Soomaalidii uma turaan, saaruqa
ahayde
|
|
|
|
|
|
- Bus xagaa ah jiilaal baryaday,
qaranka oo biifay
- Barqin doog leh nayluhu gugay,
banana rooraane
- Lag baruur leh bowdiyo shanshiyo,
badhi hadduu waayo
- Baraar habartii loog kama furtoo,
gowrac kama baajo
|
- Ha lays dilo dagaal waxaan ahayn, daawo
lagu waaye
---------------------------------------------------
- Haddaan lays jikaarayn dunida, jeex anaa
rogaye |
|
- Baajiri jarkeed waa bukurin, laba
bikuuroode
- Binjaday lahayd saan hadday, ugu
bilkaynayso
- Buluskii biyaha ceel ma sido, mana
baqool daayo
|
- Odayaal gaboobaa marbay, gaban ahaayeene
- Guxushaaga aan kicin marbuu, gaananaan
jiraye
- Nimaan guuyo abid yeelan baa, geelal
foofsada e
|
|
- Geeluba ugaasoow hadduu, ayda
miranaayo
- Abeerkiisa naaxiyo hadduu, aaranku
is waayo
- Isaguba ma kala aamusee, waysu
ololaaye
- Haddaan ina adeereey ku idhi,
sowma urugootid
|
- Cudud ma leh col kula weerar
gala, ciidan iyo xooge
- Inkastey cid kuu soo diraan, waa
cidloo kale
- Caloosha iyo madaxay sidii,
dumar cantuugaane
- Maandhoow cayaayirka iga daa,
Carabi waa naage
|
|
- Rag kaa faqay rafiiq nimaad tihiin, talo
lagaa reebay
- Meel aan lagaa rabin indhaha, lalama sii
raaco
- Layskuma ridaan rido haddaan, ruuxu ku
arkaynin
|
- Haddii madal la waco uunku, waa nin iyo
maankiiye
- Nin waliba waxaan madarta qaban, meel is
kala taagye
- Mid baa ma aha odhan oo runtaa, mowdku ka
adeegi!
|
- Qab qab dhaafay waa waxay laba qabiil, qaran ku waydaaye
- Qaabiilba Haabiil intuu, qoonsaduu dilaye
- Qar ha dumo qiyaamana ha dhaco, qoysna yuu hadhine
- Qacda waaga labadeena qolo, ha isu qaateene
- Walee Faarax qooqaan ku dilay, qoomamayn mahayo!
|
- Ma cirkaa
la gayn oo dhulkaa, laga gawdiidsan
- Geydhooy
maraakiib miyaa, gurada loo saari
|
- Aakhiro raggii tagay haddaan, Eebe ka aqoodo
- Ina adhi jireed iyo nimaan, habartii awr goynin
- Sow waxaan iloobaba nin xumi, ima ogeysiiyo
|
- Ninka yidhi wax baan gani anoo, Gol iyo
Cayn jooga
- Ee yidhi badii Garacad baan, gudub u
weydaarin
- Godka lagu cadaabyow muxuu, go'uhu been
sheegay
|
|
Qamaan Bulxan Yuusuf
- Waxaad
aadamoow maagan tahay, adiyo maankaagu
- Iyo meel Ilaahay ku marin, kala mid
weeyaane
|
- Mar haddaan wadaad aayad diin, ila
ekeynaynin
- Ama aan aniga lay odhan karayn, tanu ahaan
mayso
- Allow yaa af lama daaliyee, iga
asluubeysta
|
|
- Cawl baa midgaan soo gasbaday, jeer gabraar tagaye
- Isagoon wax lagu gowraciyo, gowdhisaba haysan
- Golxobtiyo lawaa tooriday, Gurey ku noolayde
- Jeenay gabsiisoo markaa, qodatay garaaye
- Adiguna gaddii baa tahoo, ways gunaanadiye
|
Kumaa yidhi intanna?
- Lacagtaan
maqdarad geynayee, magac ku doonaayo
- Alla magane maan hooyaday,
maro u soo siiyo
|
|
- Waxaad adigu miihaalatiyo, malaba waa beene
- Waxaad mooday mowd baa sokada, kaaga soo
maraye |
Maxamuud Axmed Cali
(Bidhiidh) |
|
- Baadida ninbaa kula daydaya,
daalna kaa badane
- Oon doonihayn inaad heshana,
daa’in abidkaaye
- Dadkuna moodi duul wada dhashoon,
wax u dahsoonayne
- Dala malaha aakhiro haddii, loo
kitaab dayeye
|
- Haddaan dhimano geeridu kolbay,
nolosha dhaantaaye
- Dhaqashiyo marbay kaa yihiin,
dharagtu xaaraane
- Rag dharbaaxo quudheed dugsaday,
dhaqayadeed maalye
- Dhashaadeey sugtaa xaajadaad,
dhawrataa abide
|
|
- Fara waa Daraawiish waxay, falina waa
khayre
- Kun fuusha oo dab lihi waa qabiil, laga
fogaadaaye
- Sayidkoon fasixin geel ninkii, foofiyaa
dagane
|
- Tar qabaale duulkii qaldamay, kugu
qasaarowye
- Wixii jeer ku qaabilay gadaal, kuu
qadarin waaye |
|
- Muslinow bal maqal xaajadaas, layku malaq
siiyay
-------------------------------------------------------------
- Sune kama ansaxo
nimuu, tagay faralkii saaraaye
|
- Isku qayrna ma ahayn dadkuyu, gaal qasaa
yimide
- Kolkuu inan-gumeedkii qoslaa, gobi
qamuunyoone
- Quwaddiyo markii uu dhisnaa, xoogga
qarankaygu
- Qormo nalama soo yeelin jirin, duul
qayuucsanuye
- Qaskaan hilibka kaa siin jiriyo, qalanbi
xaabxaabe
|
|
- Waxaan heli waxaan haaban karo, iyo waxaan haysto
- Hiyiguba wuxuu doonayaa, inaan hibeeyaaye
- Iyagaa intay hilib qashaan, heesi dabataale
- Oo ku hilbo qaybsada waxay, hor Alla gaysteene
- Ma Hartaynu nahay soorta, maad hadal la'aan
dhiibtid?
|
- Qeylyahow haddana qeylku dhalay, ee
qurjiga dheer leh
- Addunbaa noo qeyshadaye, waan ku
quudhsadaye
- Ingiriis markaan quusinaan, qoorta kaa
xidhiye
- Qisaas maalintaan kuu dabrado, qabasho
waa duufe
- Sidii maganta jeerkii Qardhood, yaad
qanbiyi dhaaxe
- Awalbaad qaraabana gabtiyo, Reer
Qandhicileeye
-
Qunyar kaadso oo dhawr sidaan, kuu qabiran doona
|
|
- Daabaca ninkii kugu dhuftee,
daabna kuu celiyey
- Iyo kii duleedshaay ku yidhi, wax
isma doorshaane
|
- Qudhaanjaa u yaroo meel hadday, kugu qaniinayso
-
Qaarkeed ayaantaa hurdada, kaaba qadiyaaye
-
Kolkolbaa qaniinyada duqsiga, lala qayuucaaye
|
|
-
Sad u dhigo Isaaqow nabsigu, kaama soomana
e
- Soofkana badh celi waan arkaa, saad u gaal
laliye
|
Maxamed Macallin
- Nin indhala' mid kale oo indhala',
oon waxba arkaynin
- Ileen oodda kama leexiyoo, hilin ma
aadsiiyo
______________________________________________
- Haddii timaha Daarood wax uun, igu tabiineeyo
- Amay
tuugooda uun iga dhacshaan, toobinka i saaray
-
Wallee tuuryo kaagama hadheen, daba tuxaalow e
-
Tollaahaan ku dhaartaye inaad, tagi lahayd Xeebe
|
|
- Hadii aad inaad taajir tahay, tuhunto
uurkaaga
- Toodowga xoolaha ninbaa, tulud ku sii
dheere
- Walee inna raggow talo aduun, taada uun ma
aha
|
Maax Dhagoole
-
Ummul
daahatoo meel daycan, daba fadhiistooyin
- Jeerey
mandheeraha dubtaan, kama dareerooyiin |
|
- Nimay qaaxo feedhaha gashoo, malaxi
gaashaysay
- Gux hadii u dhaho maydhaqaan, gocosho
daynaynaye
- Wad gudoonsay saadkana ninkaa, guraya
weeyaane
- Aniguna gaddii baan ahee, gogosha hay
gaynin
|
Ducaale Dheere
-
Siddeeddii cishaba
waa intii, sahanku laalnaaye
-
Waa soo sidnaa
xeedhyihii, saabka loo tolaye
- Iidoor sal fududaa
wuxuu, sugayo muu dhawro
|
|
- Naagtii ganbada taabatee, gacanta loo maydhay
- Ee galisay meeshii haddana, gabaygu sow ma aha?
|
Ismaaciil Xayd Xirsi
-
Eeboow geyiga Aakhariyo, dunida guudkeeda
- Mid unbay galladi noo
ahayd, inaad na geysaaye
- Goodaaddo dhexe waa
halkaan, galabta joogaaye
|
|
Cali Odey |
Kuluc Cali Wacays |
|
-
Gadhka xiira gaashaandhig bay, gobi u aydaaye
- Geerida ha diidina ninkii, go’ana
yeelkiisa
- Girigirada naaguhuna yey, idin
galiilyeynin
- War guntada Ilaahbow garnaqa, gaal
iyo Islaane
-
Warmihiina ganna goor dhaw bay, gooshii soo celine
|
-
Nin kuu xigga naxliga kuu galaa, nudiga kaa gooye
-
Mar haddaanan naaskii walaal, idinla nuugaynin
-
Nuugaalna aan u kacee Reer Xirsow, nacay agtiiniiy |
|
-
Lix meeshaad ku joogtaan dagaal,
laabta ka ogaada
- Haddii luqunta
kore laydin jaro, lugaha meermeersha
- Luxdanaanta
kama soo hadhee, laliya duulaanka
- Lalabaha
sidaad ugu waddaan, laba jibaar geeya
|
- Kismaayo iyo Luuq waxay jiraan, laba
kabaal qaade
- Kalyo nimaan lahaynbaan u kicin, kalligii
meel dheere
- Allahayow kacaamaye lugaha, hayga kala
reebin
|
|
Khaliif Aw-Axmed
- Ogaadeen dal
dheer iyo wuxuu, wabiga daanshoodo
- Hadduu dirir xigaalkii og yahay, igama
daaheene
- Damta iyo dinnaaqada horruu, kaa dul
dhacayaaye
- Haddii dalandal kaa fiigo, waa
dooxanahayaaye
|
Faarax Muxumed Xirsi
- Haddaan marada dacalkeeda iyo, deysto gacantayda
- Oo anan la degin Reer Ugaas, kama duwnaadeene
- Dabadaalis laygama dhigteen, waan u daadsadaye
-Waryaadhaay billaa laguma degin, dabinkan
saynsaaban
- Oo
yaa aniga dabadey ku dhicin, webi duraabaaye
- Dadba yaa u noolaan
Xaashi oo, la isuku soo daayey |
|
Cabdullaahi Badel Cabdi |
Xuseen Hudle |
|
|
|
- Shanta qaaradood waxaa ka riday, qayladiyo
buuqa
- Waxaa qamarka guudiyo hawada, qaraxa loo
saaray
- Waa quud nin haystiyo mid raba, inuu ka
qaataaye
- Ama qaab uu gumaytuhu bartiyo, waa qoqoba
riixe
|
- Haddaadse ciil ka bixi Xaajigii, kama cadhooteene
- Ciyaar sow shalay looma dilin, curaddadiinii dheh |
|
- Laba
Axad wax kala gaadhay, bow kala
ufootaane
- Kamana uur gubyootaan wixii, geesi iil
galaye
-
Aqligiyo Soomaaliyeey, waaya-arageenu
- Aqoontiyo garaadkeenu, sow eber ma soo
dhaafo
|
Cali Dhuux Aadan
- Gunbaan
ahay ganbo-cad baygu xidhan, iyo gar naagoode
-
Gaashaantimaha sidoodoo kalaan, guur u sugayaaye
- Aniga
iyo hablaha loo galmoodo, waan gudboonahaye
- Jeer oon
ganboolka iska rido, guudka iga saaran
-
Ogaadeenka noo soo gabyoow, waa gar xaajaduye
|
|
Murriya Cali Ibraahim
- Waa karaahi Cali Aadan oo, waayay laba
koobe
- Kalwin maayo haasaawahoo, ways
kanbalayaaye
- Kurka intuusan seef igaga jarin, aan u
kululeeyo
------------------------------------------------------------- Maxamuud Tanaade
- Waligey gadhoodh adhi ma dhamin, umana
gaajoone
- Caanaha Gobbaad baan aqaan, inaan
gobsheystaaye
- Kac u geeya wixii gaaden jirey, wayga
garanuuge
-------------------------------------------------------------
Maxamuud
Cabdullahi Ciise (Singub)
-
Madaxdii Afrikaay,
Mabda'a gumeysigu
-
Magacood be' wuxuu yahay,
Wanka macasha ii qabo
-
Adigu gawrac ii mari,
Dhiiggana aan muudsado
|
|