Home

Sayid wuu dhaqan yahay

                                                 Qamaan Bulxan

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Qamaan Bulxan wuxuu ahaa caaqil talo-ruug ah, gabayaa murti badan iyo aftahan geed ka hadal ah oo aan talada ka ilduufin.  Wuxuu ahaa nin garan og qof walba iyo waxa uu mudan yahay.   Wuxuu ahaa nin aan geyin inuu reeraha u kala raro iniq yar oo dhexmartay isaga iyo ninay tol yihiin. 

Inkasta oo dadka qaar buunbuuniyo colaad la yidhi waxay u dhexaysay Qamaan iyo Sayid Maxamed, haddana waxaa xaqiiqo ah inuu Qamaan mar walba laabta ku hayey miisaanka iyo qiimaha uu Sayid Maxamed leeyahay, tolnimada ay wadaagaan iyo halganka iyo hawsha guud ee uu Soomaali idilkeed Sayidku u hayey.  Xurgufi haddii ay doonto ha jirto, Qamaanse mararka uu mucaaradnimada muujiyey wuxuu ku dadaalay inuu si hufan oo aan talaxtag lahayn mucaaradnimadaa usoo gudbiyo.  Ogow inan-rageed wax isuma ogola, qoodhina qardabo ma kala dayso, sidaa awgeed meel rag maqaawiir ahi talo ku qaybsaday 'yes sir' iyo 'abeed' mar walba lama filo.     

Waxaa la yidhi, Qamaan Bulxan oo ay Amxaaro Adari ku xidhay ayey niman xabsiga kusoo booqday u sheegeen in Sayid Maxamed geeriyooday.  Gabay ayuu dabadeed khabarkaa lasoo gaadhsiiyey ka tiriyey.  Qamaan nimankaa warkooda wuu ka shakiyey, wuxuuna u qaatay inay yihiin dhuxdhuxlayaal geerida Sayidka jecel oo ku bishaaraysanaya.  Waxaan jirinba warkaasi inkasta oo uu la ahaa, haddana inuu ka naxay, kuwii soo gaadhsiiyeyna uusan u ducaynin ayuu ku furay.  Xabsiba ha ku jiro war iyo wacaal badanna yuusan adduun ka haynin,  laakiin Qamaan wuxuu caddeeyey  inuu ku kalsoon yahay in Sayid Maxamed nool yahay.  Nin ay tol yihiin inuu yahay, guushii Sayidku gaadho iyo middii isagu uu gaadhona inay isku mid yihiin ayuu raaciyey.  Gabayga inta aanu helnay waxaa ugu dambeeya meeris uu Qamaan ku muujiyey fikir ah haddii Sayid Maxamed aakhiro u hoydo in Ogaadeen gabbal u dhacay.  Wuxuu yidhi: 

  • Dhoobkii magaaliyo warkaa, dhoofka laga keenay
  • Ee niman dhabbada soo hayiyo, dhebedku soo sheegay
  • Dhawaaqaale xaajada tagtiyo, Adari dhuuxeeda
  • Dhulkaa ii dalooshamay hadday, dhab u ekeeyeene
  • Dhafoorrada sidaan ugu kogaan, dhabanka haystaaye
  • Dhag baa waagu ii yidhi sidaan, dheel u yuururaye

 

  • Sayid Maxamed wuu dhaqan yahaye, dhimey ninkii sheegay

  • Rabbi dhinaca naar haw dhigee, wuu na dhuunmudaye  
  • Waa dhuuxa Baahale Hartina, waa dhufaanyihiye
  • Libtuu dheelmo iyo taan dhigaa, ii dhawaaq simane
  • Wuu dhiman Ogaadeen hadduu, dhumo adoogoode

Soo raadi gabaygaa inta ka maqan, fariin qaaduhuna waa mail@doollo.com

Gabayaa la odhan jiray Yuusuf Sharmaarke Cismaan oo ku magacdheeraa Shan-ku-kibir oo u dhashay Cismaan Maxamuud, Majeerteen ayaa isagoo Sayid Maxamed iyo Daraawiishba boggaadinaya wuxuu yidhi:

  • Ragga yimid risaalada la sido, libinta rooreysa

  • Ee safarradii Roox ka yimid, saaka lagu reeye

  • Maantana in gaaladii la rogey, raylku noo yimide

  • Nimankaa kufriga reebayaan, ahay rafiiqoode

  • Reer guurey reer negi qalbigu, wayska raacaaye

  • Anigana rakaab suul galyoo, waa i ruxayaaye

  • Sayid Maxamed ruunkuu fadhiyey, rugihii loo jeelye

  • Reyrreeye ii qabo qalbigaa, raba Daraawiishe

Soo raadi gabayadaa inta ka maqan oo nala soo xidhiidh.

 

_________________________

Cajalad uu duubay Yuusuf Colaad iyo buuggii Yaasiin Cismaan Keenadiid ee cinwaankiisu ahaa Ina Cabdille Xasan, Istituto Universitario Orientale, Napoli. 1984. ayaa wadajir uga qoray.

 

 

 

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright 2002 Doollo.com. All rights reserved.