|
The largest
online collection of Somali poetry

Weerar Cali oo Habar Yoonis,
Isaaq, ah ayaa gabay calaacal ah tiriyey ka dib markii Abraahiin,
Makaahiil, Ogaadeen, si la yaqaano ooga libaystay dagaal ahli ah oo
labadaa qoys dhexmaray. Weerar wuxuu doonayey inuu rag kiciyo
oo Habar Yoonis soo rogaal celiso. Gabaygu mindhaa intan wuu ka
badnaayee waxaa ka mid ahaa:
-
Timir iyo raggiisii miyaa,
Toomo lagu laayey
-
Ma intaan qaxwaha tuugayaa,
Teeyo la xaabaray
-
Tobankii Abraahiin miyaa,
naga tol roonaaday
-
...
Maxamed Dheere isla
Abraahiinka ah ayaa u jawaabay oo yidhi:
-
Kuwo talada laga qaadi waa,
nalagu taagaaye
-
Talleeji baan ka lalin tuu
lahaa, tabar intuu waayey
-
Wankii tooxda weynaa Berbera
saw, ma tagi waayin
-
-
Dharkii tuurta lagu qaadi
jiray, saw ma kala tuurin
-
Saw taajirkoodii Galbeed,
kama tabaandhaysto
-
Toban dabato saw uguma tagin,
tan iyo Gaaroodi
-
-
Talyaaniba kolkuu Xabashi
helay, wuu ku taagsadaye
-
Toban liiro waa tuu ka
dhigay, kii la toogtaba e
-
Turqintii Cadwaad buu ogaa,
tii ay mariyeene
-
-
Tabcase maalin waa lala
helaa, tol aad colowdeene
-
Haddii timaha Daarood wax
uun, igu tabiineeyo
-
Amay tuugooda uun iga
dhacshaan, toobinka i saaray
-
Wallee tuuryo kaagama
hadheen, daba tuxaalow e
-
Tollaahaan ku dhaartaye
inaad, tagi lahayd Xeebe
|