Home

Maxamed Dheere vs. Weerar Cali

                                                                                           

Beyr
Dabacayuun

More to come from Maxamed-dheere.

 
 
 
 
 
 
 
 


Dagaalkii Jiidha ee uu Maxamed-dheere gabayada dhawr ka ah ka tiriyey ka dib ayaa waxaa mar kale dagaalamay Abraahiin iyo Habar Yoonis.   Weerar Cali gabayaa la odhan jiray oo isla Habaryoonistaa ah ayaa dirirtaa ka gabyey.  Gabay guubabo iyo kicin ah ayuu mariyey isagoo leh Timir iyo ragkarmeedkii la socday miyaa hilibkooda dugaagu ka dhargey, nimankii aadka nooga tiro yaraa miyaa naga adkaaday.  Wuxuu eersaday tuulo joognimada iyo inuu miyigii laysku haystay ka yimid.  Waxaa iga soo gaadhay gabaygaa: 
 

  • Timir iyo raggiisii miyaa, Toomo lagu laayey
  • Ma intaan qaxwaha tuugayaa, Teeyo la xabbaadhay  
  • Tobankii Abraahiin miyaa, naga tol roonaaday.

Maxamed Macallin Muxummed (Maxamed Dheere) oo Abraahiin ah ayaa Weerar u jawaabay.  Wuxuu Maxamed u arkaa in ninkii Illaahay karkaarka weydaarinayo uun iyaga  isku taago.  Sidii ay Habar Yoonis uga adkaadeen iyo sida ay ganacsatadoodii u udulufeen, taajirkoodiina darbadda ku dhacday awgeed uu Galbeed uga magan-Allaysto iyo sida xataa intii hadhay ee ugaadhsiga ku noolayd uu ugaga dabatagay dhul fog ayuu ku dhaatay.   Sidii Talyaanigu Itoobiya maalin kaliya u cantuugay ayuu la simay sida ay Habar Yoonis u galeen.  Wuxuu ku goodiyey inuu Badda Cas soo taaban lahaa haddii Daarood dagaalka la geli lahaa, ama yeysan waxba dagaalna la gelinee haddii ay khaa’inkooda iyo dhibkiisa uun ka dhicin lahaayeen.  Way iska caddahay cidda uu ujeedo marka uu leeyahay "amay tuugooda uun iga dhacshaan toobinka i saaray"  Wuxuu yidhi inta aan helay:  

  • Kuwo talada laga qaadi waa, nalagu taagaaye

  • Talleeji baan ka lalin tuu lahaa, tabar intuu waayey

  • Tookhiyo faankii badnaa, Timir ma beenowday

  • Tafantoof ma galay Reer Xirsiyo, tuugtii Habar Yoonis

  • Wankii tooxda weynaa Berbera,  saw ma tagi waayin

 

  • Dharkii tuurta lagu qaadi jiray, saw ma kala tuurin

  • Saw taajirkoodii Galbeed, kama tabaandhaysto

  • Toban dabato saw uguma tagin, tan iyo Gaaroodi

 

  • Talyaaniba kolkuu Xabashi helay, wuu ku taagsadaye

  • Toban liiro waa tuu ka dhigay, kii la toogtaba  e

  • Turqintii Cadwaad buu ogaa, tii ay mariyeene

 

  • Tabcase maalin waa lala helaa, tol aad colowdeene

  • Haddii timaha Daarood wax uun, igu tabiineeyo

  • Amay tuugooda uun iga dhacshaan, toobinka i saaray

  • Wallee tuuryo kaagama hadheen, Daba Tuxaalow e

  • Tollaahaan ku dhaartaye inaad, tegi lahayd Xeebe

 

Soo dhammaystir gabayadaa. 

  
 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.