1.  

    Magan-dowr iyo Cali-dhuux: Qiso Gaaban

                                                       

     
     
     
     
     
     
     
     
     

    Qardoofihii gacan-ka-hadalka isu rogay ee dhexmaray Magan-dowr iyo Cali-dhuux

    Qore: Cawaale Xuseen

    awalle@gmail.com

     

    Suugaanta Soomaalida dhexdeeda caanka ku ah waxaa ka mid ah Silsiladda Rayad, dadka qaarkiina Guba si khaldan ugu yeedho.  Silsiladdaa waxaa billaabay Cali-dhuux Aadan Goroyo waxaana ka qaybqaatay rag tiradoodu soddomeeyo cagacagaysay.  Waxay taariikhyahanada iyo gabay-ruugyada silsiladdan u kuurgalay  sheegeen inay dhawr sababood Cali-dhuux ku kaliftay inuu Silsiladda Rayad billaabo.  Sababahaa waxaa ka mid ah colaad uu si gaar ah ugu hayey laf lafaha Ogaadeen ka mid ah oo uu xidid iyo inan-la-yaalba u ahaa.  Dhawr qiso oo la xidhiidha godobta Cali-dhuux tirsanayey ayey taariikhdu soo rartay.  Mid qisooyinkaa ka mid ah ayaan qormadan si kooban ugu eegaynaa.

     

    Si aad dhab ugu fahamto qormadan aan kuu soo hormariyo dhawr magac oo qisada udub-xoog u ah.  Reer Dalal: waa qoyskuu Cali-dhuux ka qabay inan-la-yaalkana u ahaa.  Reer Cali Yuusuf: waa niman ay tol hoose iyo oodwadaagba Reer Dalal yihiin.  Reer Cali Yuusuf iyo Reer Dalalba waa Reer Cabdille, Ogaadeen.  Cali-dhuux waa gabayaa Dhulbahante u dhashay. Afarta rukun ee sheekadani ku qotonto waa xurguftii dhexmartay Cali-dhuux iyo nin la odhan jiray Aadan Xuseen Axmed Magan.[1]   Siday sheekadaasi u dhacday iyo eelkay reebtay oo singibtiran guddoon.

     

    Cambaro-sagal Bulxan Cali [2] ayaa u doonnanayd Aadan Xuseen Axmed.  Aadan wuxuu xurmo iyo yarad ahaan u bixiyey boqol neef oo ishkin ah (60 geela iyo 40 lo’ ah.)  Kolkii maalkii yaradka ahaa la isdhaafsaday ayuu Bulxan oo gabadha aabaheed ahaa wuxuu Aadan usoo jeediyey odhaahdan.  Wuxuu yidhi:  “xarago nin weyn ayaad bixisay, xilkiina aniga ayuu igu wareegay laakiin waxaan codsanayaa lix faras inaad soo raaciso maalka aad dhiibtay.”  Aadan kama labalabayn maxaa yeelay xoolo uu xididkii ku qurxiyo iyo kuwa uu ku xaajogutaba Illaah waa u dhiibay.  Cadceedu intaysan baalka dhiginba wuxuu keenay lix faras oo uu Bulxan guddoonsiiyey.  Fardihii markuu guddoomay ayuu Bulxan wuxuu mar labaad yidhi “xoolo dambe oo aan kaa sugayaa ma jiraan.  Reerku bari ayuu u dabjeedaa sebankan, markii aan degno meherkii gabadha iyo aqalkii oo dhisan u imow.”  Hawraarsan ayuu Aadana ku jawaabay.    Aadan habeenkaa ayuu u hoyday raaskii Bulxan, subixii dambena wuu kalaha-guuray.   

     

    Reerkii Bulxan waa kii bari u dabjeedee wuxuu ku furay meel u dhexaysa Xodoyo[3] iyo Baraar Koriye.[4] Awrtii markii rarkii laga dejiyey ayaa Cambaro-sagal orodoo fardaha aroori la yidhi.  Cambaro fardihii ayey isu keentay wejigana saartay Xodoyo oo aan jabada reerku degay saa uga fogayn.  Iyadoo gadhwadda faras Nugaaleed fardaha ka mid ahaa inta kalena ay daba taxaashayso ayey Xodoyo Weyne kusoo baxday.  Rag Dhawr ah oo hooska qudhaca weyn ee Xodoyo fadhiyey ayey Cambaro soo hormartay.    

     

    Waxaa dhulkaa caado ka ah in faras iyo gabadh quruxsanba raggu jalleeco ishana cabbaar la raaco.  Hal mar ayuu raggii dhinaca Cambaro wada dhawray.  Ragga geedka fadhiya badankiisu, ileen dadku meel fog ma kala jiree, garay gabadhu tay tahay waxaase jiray nin aan aqoonsanin Cambaro.  Ninkaasi wuxuu ahaa Cali-dhuux.  Cali-dhuux wuxuu si la wada maqlay u weydiiyey: “waar gabadhu wa’ayo?”  Waxaa loo sheegay inay tahay Ina Bulxan Cali.  Waxaa kale oo uu weydiiyey gabadhu ninkay u dhaxday, waxaana loogu jawaabay Aadan Xuseen ayaa ka yarad bixiyey oo ay u doonan tahay.   

     

    Cali-dhuux wuxuu markiiba gartay qoyska gabadhu kasoo jeedo ileen nin reerka ka mid ah ayuu ahaaye.  Gabadha bilicdeeda markuu indhihiisa ku arkay, qoyska ay kasoo jeedana loo sheegay ayuu damac galay.  Laba siyoodba waa la wariyey.  Mar waxaa la sheegay inuu isagu gabadha isu rabay oo uu guur-meer qudhiisu ahaa.  Mar kalena waxaa la sheegay inuu wiil uu adeer u ahaa oo madi xoolo badanna indha-indhayn indhawaalaba ugu jiray, Cambarana uu ninkaa la damcay.  Sida dambe ayaa xoog badan oo aan qisada ku wadaynaa. 

     

    Wuxuu ka xumaaday inuusan dhooroofin gabadha sidaa u eg ee ay mudaba jabada wada yaaleen.  Wuxuu kaloo ka xumaaday in markii ugu horeysay ee uu arkaba lagu taabtay in Cambaro doonan tahay yarad baddana laga dhiibay.  Rag waxba isuma ogolee, wuu isla hadlay isagoo ka caloolxun in Aadan Xuseen gabadhii kuwa sebankan kacay ka dhaqaaqaysay reeraystay.  Nin af-maal ah ayuu ahaayee, waxaa si lama filaan ah usoo dhaaftay “wejiga Illaahay inaan u gabyi!”  Yaad u gabyi ayaa la weydiiyey?  “Gabadha iyo Reer Cali Yuusufba” ayuu ku jawaabay.  Badal Cali Guure[5] oo seedigii ahaa ayaa ugu jawaabay “Caliyow ha gabyin.  Haddaad gabaydo Reer Cali Yuusuf kuu gabyi mahayaan, wayse ku dilli.”  Cali-dhuux taladaa wuu iska dhagatiray, waxaase u fiicnayd inuu qaato oo uusan gabyin.  Waano abuur baa ka horeeyee isagoo ku halqabsanaya faraskii ay Cambaro gadhwadday ayuu wuxuu yidhi:

     

    • Jookh midabkii leeyeey Cambaro, jamatay laabtiiye

    • Jixi  buu yidhaa inan-gumeed, loo jidhnaxayaaye

    • Aniguba jawaab uma dallaco, jaamaleeyada e

     

    • Inaad jeceshuhuu moodayaa, juuqdanaad tidhiye

    • Jamaahiirta Reer Gorod[6] haddaad, Jookhay la cawayso

    • Jannadii inaad geli aniga, waygu Jaamace

     

    • Naa hadba jaad-xunkii kula hadliyo, jeedal Cali Yuusuf

    • Jifeeyaha u qaad Ina Abtaay, ha iska jeedsado e

     

    Intaa haddii raggii geedka fadhiyey maqlay, Badal Cali Guure ayaa mar kale Cali-dhuux ku yidhi: “taladaydii diiday, wayse ku dili doonaane ani iyo nin arin ila wadaaga toona ku eedoobi mahayo dilkaaga.”  Waa la kala carraabay iyadoo nin walba tuducyadii Cali-dhuux xafiday.

     

    Nin la odhan jiray Canshuur-falan[7] ayaa gabaygii niman Reer Xasan, Reer Cali Yuusuf ah oo fardo miraya u geeyey wuxuuna ku yidhi “waxaan ogahay haddaad og tihiin, hawo adduun waad ka samri lahaydeen.”  Canshuur ayey nimankii hareeraha ka galeen oo weydiiyeen: “war maxaad og tahay oo dhacay?”  Cabbaar ayuu Canshuur-falan odhaahdaa kusoo celceliyey si uu xasaasiyadda warka uu wado kor ugu qaado, ka dibna wuxuu sheegay wixii maanta geedkii Xodoyo ka dhacay, afaraydiina wuu mariyey.  Dhawr nin oo gacan fudayd caan ku ahaa ayaa dhawr faras oo dheereeya ku booday una afarqaaday dhinac walba oo ay Cali-dhuux saantiisa ku tuhmayeen.  Hase yeeshee il iyo baal kama aysan qaadin iyagoo bishinta qaniinsan ayeyna dib ugu soo laabteen halkii ay ka gadoodeen mudo gaaban ka hor.  Nin raggaa soo hungoobay ka mid ah ayaa dabadeed odayaashii reerka qaylo ku dhextuuray.  Shir ayey odayaashii raaskaasi isla habeenkiiba u fadhiisteen.  Shirkaa waxaa ka hadlay afar nin:

     

    1)   Cismaan Cumar Axmed oo Aadan Xuseen ina adeerkii ah ayaa ugu hor hadlay.  Cismaan wuxuu ku taliyey waagu kolkuu   baryo in Cali-dhuux aqalkiisa loogu dhaco, labada go’ba laga furo dabadeed labada indhood shaabuug lagaga soo tuuro.  Isagoo qaawan oo indhuhu dam yihiin aan qolqolka reerka kaga tagno, ku ye. 

    2)   Muxumed Daahir Axmed oo Aadan Xuseen ina adeerkii ah ayaa isna talo soo jeediyey.  Muxumed wuxuu yidhi ilma adeerayaalow Reer Dalal kolleey is dillayee innagoo wax dillay aan is dillo. 

    3)   Cabdi Muxumed ayaa ku xiggay.  Cabdi wuxuu yidhi ninkii dambe ee aan shaabuug ka maqlo wixii aan Cali-dhuux ugu tala galay ayaa ku dhici.  Xabad!  Cali Muxumed waa ninka Cali Liibaan (Cali-gaydh) oo uu Cali-dhuux adeer u yahay dili doona ugu dambaynta

    4)   Magan Axmed (Magan-dowr) ayaa hadalkii qaatay.  Wuxuu yidhi: ilma adeerayaalow talada caawa yaan la i dhaafinin.  Waxaa ila quman inaan Cali-dhuux la dilin ee ninkuu gabadha  u doonayo la dilo si uu Cali-dhuux ciil u muto, gabay calaacal ahna u tiriyo.  Gabaygaa calaacalka ah ee uu tirin doono ayaa taariikhda galaya, afaraydaa hore ee cayda ahna tirtiri doona. 

     

    Dhammaan raggii shirka isugu yimid waxay isku raaceen inay wax dilaan laakiin ninkii ay dili lahaayeen islamay meeldhigin, shirkiina halkaa ayuu ku xidhmay. 

     

    Hadal wax ka orod badanee tixdii Cali-dhuux ayaa gaadhay dhammaan beelihii Haro Xagarey, Ciid iyo Doolloba yaalay.  Yaab iyo amakaag ayaa dadkii kasoo hadhay oo waxaa is qaban weyday ninkan inan-layaalka ah ee haddana reer xididkii gun baad tihiin ku leh.  Nimankii qadafku gaadhay intii aanay wali gacanta qaadin ayaa, sida la wariyey, nin qoyskaa ah oo aanan magaciisa taabin gabay jawaab ah kii Cali-dhuux garab dhigay.  Gabaygaa oo aanan wada helin waxaa ka mid ahaa:

     

    • Jawaasiista Reer Gorod haddaad, Jookhoy la ciyaarto

    • Inaad qarandi jiidhkeeda cuni, waygu Jaamaca e…

     

    Cali-dhuux wuxuu ogaaday in Reer Cali Yuusuf ugaadhsanayaan oo ay xakawda ka jari doonaan fursadda ugu horraysa ee ay helaan.  Inaan Reer Dalal ku hagoogan doonin ayuu xaqiiqsaday maxaa yeelay digniintii Badal Cali Guure ee ahayd nimankaasi kuu gabyi mahayaan ee way ku dili doonaan ee afkaaga hayso ayaa madaxiisa ka guuxaysay.  Sidaa awgeed wuu irdhoobay oo wuxuu ka go’ay fadhiyadii iyo shirarkii uu iman jiray odayaashana kula haasaawi jiray. 

     

    Cabsi ayaa la faqday oo raadgado ku hanuunisay. Dhawr caano-maal oo isku xigta ayaan Cali-dhuux cidina il iyo baal saarin.  Meel aan aqalkiisa ahayn ayuu nafta ku aamini waayey maxaa yeelay nabadgelyadii iyo xasiloonidii ayaa ka guuray.  Wuxuu is yidhi wax kale oo ay sameeyaanba aqalka gabadhooda kugu dhex dili maayaan.  Waxgaradkii Reer Cali Yuusuf talaa ku ciirtay.  Go’aan inay gacanta qaadaan ah waa halkiisee waxay doonayeen in hebel ayey qadafkii gaadhay u dileen si dhaqso ah degaanka ugu faafto.  Cid ay dilaan ayeyse waayeen.

     

    Halkaa hadday marayso ayaa, rag talo kama dhammaatee, aragti cusubi soo baxday.  Ninbaa wuxuu soo jeediyey Beelaha Reer Cali Yuusuf iyo kuwa Reer Cali Wanaagba inay caynka hoosta ka geliyaan kana guuraan jabadan la wada yaalo.  Ujeedada geedigu waxay ahayd in raasaska Reer Dalal ee Cali-dhuux inan-layaalka u ahaa iyana guuraan, dabadeed geedigaa fursad lagu dilo ay uga soo baxdo mar haddii uu guriga kasoo bixi waayey. 

     

    Ninka taladaa soo jeediyey wuxuu ahaa nin ku cirraystay dhaqanka reer guuraaga Soomaaliyeed maxaa yeelay laba reer oo jabo wada yaala haddii mid guuro isagoo naq iyo tigaad doon ah way adag tahay in raaska kale halkii baaqi ku ahaado oo aanu guurin.  Sidii Reer Cali Yuusuf filayey ayey noqotay oo raasaskii Reer Dalal iyana way hayaameen.   

     

    Reer Cali Yuusuf waxay darbeen gaado maadhiinley ah oo ilaalaysata Cali-dhuux haylahana ka caseeya.  Waxay gaadadaa dhigeen tubtii geediga Cali-dhuux la socdo soo mari lahaa.  Cali-dhuux naftiisu nin dakanada uu qabo og ayuu ahaaye talo la’aan ma ahayn.  Faal ayuu dhigay wuxuuna faalkii u sheegay in qoodhe madoobe yaalo, geedigana uusan ku nabadgalynin.  Tani dhawrasho ma leh ayuu is yidhi dabadeed dadku dhinicuu geediga u ahaa dhinac aan ahayn ayuu qunyar u siibtay.  Xidhka ayuu galay ilaa geedigii la furay reerkiina degay. 

     

    Si aan dabinku u fashilmin nimankii cimidha galay waxay adeegsadeen nin ilaalo ah oo ciddii dhabbada soo martaba geel baadi ah weydiiya.  Ninkaasi wuxuu ahaa nin dadka la haybsooco ah kase tirsanaa Reer Xasan.  Waxaa ninkaa la odhan jiray Toox-yare.  Kolba geedigii tubta soo mara ayuu Toox-yare geel baadi ah weydiiyaa, waxaana mar dambe soo kusoo beegmay qoyskii Cali-dhuux la yiilay oo uu Cali Liibaankii gabadha Cali-dhuux u rabay barbaarta gadhwadda geediga ka mid yahay.  Indhaha markuu ka qaaday ayuu Toox-yare kor u dhawaaqay si uu u maqashiiyo nimankii dhufayska ku jiray wuxuuna yidhi: “War Cali Liibaan, geel baadi ah ma aragtay?  Cali Liibaan, war mooge ayuu ahaaye, wuxuu ku jawaabay “maya geel baadi ah ma arag"  Wuxuu mar labaad weydiiyey 'Odaygii Cali-dhuux ahaa reerka lama socdee xaggee jiraa?"  Cali-dhuux geel lumay ayuu doonay.” 

     

    Markay xaqiiqsadeen inaan Cali-dhuux reerka la soconin ayey nimankii wax wiidaysanayey si degdeg ah war maxaynu yeelaa isu warsadeen.  Sidii Magan-dowr ku taliyey, Cali-gaydhba aynu dilo ayuu midi soo jeediyey.  Si kadiso ah ayey dabadeed ugu soo baxeen maadhiinna u qabadsiiyeen.  Qorigii uu watay ayey ka qaateen meel kastoo jidhkiisa xabadi duleelisayna qashar/maar ayey ku gufeeyeen iyagoo ujeedadoodu ahayd silcin iyo caddayn in ninkaa kas iyo maag loo dilay, kama’na uusan u dhiman. 

     

    Dhabbadii geedigu hayey ayey meydkii gudbeen.  Talo dhabaqday.  Nimankii Cali-dhuux dilkiisa mudada dawarinayey ayaa qawrac ugu jiiday wiilkii ragga uu dugsado ugu qiimo badnaa.  Dilka ninkaa iyo inuu u dhintay aflagaaddadii Cali-dhuux geystay gabayada caddaynaya waxaa ka mid ah beydadka laga soo tabiyey Salaan Carrabeey.  Isagoo Cali-dhuux la hadlaya waa kii yidhi:

     

    • Rabbaa wacad gondaha kuugu xidhay, waadna gogataaye

    • Adunbaa geyiga uunka yaal, gubaya waa noole

    • Hadba inaad garrida duul ku tumi, galuhu noo keenye

    • Afkaagaaba Gaydh lagu diliyo, Gaani berigiiye

     

    Gaydhka uu Salaan ujeedo waa wiilka Cali-dhuux adeerka u yahay ee dartii loo dilay ee aan qormadan kaga waramayo, ma aha Faarax-gaydh oo uu isagu dhalay maxaa yeelay xilliga Faarax-gaydh la dilay way ka dambaysay marka Salaan gabaygan tiriyey.  Xilliga Faarax-gaydh Cali-dhuux la dilay aabihii cad ayuu ahaa oo neefsashadaaba ku adkayd garri uu tumo iska daayee.[8]  Inay sidaa tahay waxaa caddaynaya gabayga Aadan-carab ee uu leeyahay Cali-dhuux yaa gurayn doona mar haddii Faarax-gaydh la dilay. 

     

    ·         Haddii goroy haldhaagii la dilay, geedka ka hadlaayey

    ·         Oo uusan Cali-dhuux gabow, guriga dhaafaynin

    ·         Gorgor garab ka jabay meelna, waa uma gurguurtaane

    ·         Laga guurye odaygiina yaa, gurada saaraaya

     

    Waxaa kale oo jira meeris laga hayo Cali-dhuux kolkii Faarax-gaydh la dilay; hal i galay sidii ugaxda goray, ha igu gaarraado.  Beydkaasina wuxuu caddaynayaa inaan Cali-dhuux dilkii Faarax-gaydh ka gabyin.  Gaaniga meersiyada Salaan ee kore ku jirana waa nin Reer Hagar, Dhulbahante ah oo isaguna qiso colaadeed kale leh. Qisadaa Gaani halkan ku furfuri mayno.       

     

    Cali-gaydh sidaa ayuu ugu dhintay denbigaa uusan galin.  Xusuuso Cali-dhuux wuxuu inan-layaal iyo maganba u ahaa Reer Dalal, Cali-gaydh Liibaanna adeer ayuu u ahaa.  Saansaan colaadeed ayaa ka dhex aloosmay Reer Cali Yuusuf iyo Reer Dalal.  Oo maxay u aloosmi wayday ma magan wax la yeelay baan, in kasta oo magantu qadaf gaysatay, wax laga dagaallamo ahayn!  Hubka ayey isu gurteen waxayna gaadhay meel xun inkastoo aan wali wax xabad ahi dhicin. 

     

    Dilkii Cali Liibaan ayaa sidii dab caws qabsaday ugu hulaaqay degaankii reerahaasi ku dhaqnaayeen.  Dhiilada culus ee dilkaa ka daran oo ah labadaa qoys oo dagaal qarka u saaran ayaa iyana faaftay.  Waxgaradkii Ogaadeen ee aagga ka dhawaa ayaa ku birmaday oo maslaxo raadgoobay.  Indheer-garadka yimid waxaa laga magacdhabay:

     

    1)     Fooleey Aadan Cali Hareeri oo ahaa suldaankii Gacan Weyne

    2)     Cilmi Xaaseey oo ahaa suldaankii Abraahiin

    3)     Cali Garaad oo ahaa Garaadkii Reer Isaaq, iyo

    4)     Qodhob Guuleed Hagoog oo ahaa suldaankii Ismaaciil Gumcadle

     

    Cuqaashaa iyo raggii ay kala wateen ayaa dhex fadhiistay labadii qoys ee isu hub gurtay.  Gorfayn iyo wada tashi ka dib waxay go’aamiyeen in Reer Cali Yuusuf bixiyo 160 halaad.  Oo maxay ku saleeyeen tirada intaa la eg inay hal nin magtii noqoto?  Boqolku waa ninkii ay dileen magtiisii, lixdankuna waa maganta ay qaadeen.  Waxay u qabteen muddo bil ah.

     

    Waxgaradkii Reer Cali Yuusuf ayaa shir isugu yimid waxaana shirkaa ka hadlay Magan-dowr.  Wuxuu yidhi: “Reer Cali Yuusufow maxaa laydinku xukumay?”  Waxaa loogu jawaabay 160 halaad.  “Xaggee laydin yidhi geela keena?” Waxaa loogu jawaabay “Qoriile”  Wuxuu yidhi dabadeed “160 qori rag ku hubaysan keena subaxa mudadu tahay ee laydiinka fadhiyo 160ka halaad.”  Sidaa ayuu Reer Cali Yuusuf yeelay, geelii uu mag ahaanta u bixin lahaana hub ayey kusoo biirsadeen.   

     

    Mudadii la qabsaday markay dhammaatay ayuu waxgaradkii Ogaadeen isugu yimid Balliga Qoriile.  Toban gool oo ay keeneen nimankii magta laga rabay ayaa lagu qashay goobtaa iyadoo qoys qoys loo kala fadhiyo, fadhi walbana baydankoodii uu geela u qalayo.  Shirkii ayaa loo fadhiistay magtiina Cali Yuusuf laga dalbay. 

     

    Magan-dowr ayaa hadlay wuxuuna ku jawaabay “ninkan ulakac ayaanu u dillay, nin aanu kas u dilayna mag ka bixin mayno.”  Cirkay isku shareertay, shirkiina waa laga yaacay oo hubkaa laysu gurtay.  Bug markii la yidhi ayaa waxaa hadlay Cabdi Muxumed oo ah ninkii Cali Liibaan dilay wuxuuna yidhi “Cali Aadanow istaag?”  Kolkuu Cali-dhuux istaagay ayuu wuxuu tiriyey gabay ay naga soo gaadhay intan hoose. 

     

    • Maxaad Roobku meeshuu fadhiyey, loogu mari waaye

    • Mid mid lama lahaadee rasaas, way u millaalayde

    • Masayr baa laguu layn tan iyo, milayga dayreede

    • Maanlaawihiiyow Xuseen, lama madiixdeene

    • Wax kalood malaysaba mag, yaan lagugu maaweelin

     

    Gabaygaa marna taagtaa marna tabartaa ah haddii uu maqlay Cali-dhuux wuxuu yidhi “wejiga Illaahay gobbaa i dishay, waana la ii tacsiyeeyey ee anna waxaad iga sugtaan waa uun gabay.”  Qadar gaaban ayuu maskaxda xoodaamiyey, ka dibna raggii maqashiiyey gabaygan hoose. 

     

    Ciil iyo caloolxumo inuu la hullaabtay, goostayna inuu guuro tolkiina aargoosi ku caraabiyo ayuu sheegay.  Ma wiilkii aan adeerka u ahaa ayuu Cali Yuusuf ku taagsaday oo dhabada geelu maro wadhay, ayuu ku ooyey.  Wuxuu ka calool xunyahay in Cali-gaydh sidii neyl yar oo la sadaqaynayo dhagta dhiigga loogu daray oo aan waliba deero deero u hardiyin.  Wuxuu qaadan la’yahay inaan Reer Dalal arintaa rag u laynin.  Nimankii aan maganta u ahaa ayaa i dayacay oo tan i baday ayuu ku calaacalay.  Wuxuu ku laabriixday tiiraanyada la baday inuu la aadi doono Caynaba oo ay uga dhammaatay Carro Ogaadeen, sidaa daraadeed Reer Cali-gerow idinku waligiin sidaa u jooga goobtan, ayuu ku xidhay.  Diradiraale buuxa gabay ah ayuu wuxuu ku yidhi:

     

    • Nin hadduu tallamo oo hurdada, taaha ladi waayo

    • Oos ina-adeer tiiriyiyo talo, walaal waayo

    • Mar unbuu tola’ayey yidhaa, meel intuu tago e

    • Tolkii nimaan la jooginaba, wuu turunturroodaaye

    • Wuu tacab khasaaraa ninkii, taga shisheeye

     

    • Tumbushii Shirshooriyo[9] haddaan, tamashlihii raaco

    • Tan Allaa i keenaye haddaan, timacaddii haysto

    • Cali-Yuusuf[10] kuma taagsadeen, Taaniguu dilaye

     

    • Tubta geela lama jiifiyeen, tolankii dheeraaye

    • Toolmoone Liibaan hadhkii, lama taxaabeene

    • Tabaq lagama siiyeen wadnaha, toori xoog badane

    • Sidii nayl tacdaar loo xidheey, galowga taabteene

     

    • Inaan Caliyo[11] Reer Magan[12] tixgalin, looma tirinayne

    • Tooyooday oo Reer Subeer,[13] waysku wada taage

    • Kuwaan maganta ugu tiirsanaa, toosa laga waaye

     

    • Haddaan haatan taladood la gelin, taabe boqorkiiye[14]

    • Tiiraanyadeydaan la qaban, tiirkii Caynaba e

    ·   Tubtubnaada Reer Cali-gerow, wayska tagayaaye

     

    Isla habeenkaa ayuu Cali-dhuux carro Ogaadeen ka jaqaafiyey, Cali-gerina wuu ka daba guuray.  Ha guureene colaadii arintani ku dhalisay labadii beelood ee Ogaadeen ayaa sii xumaatay, waxayna qarka u istaagtay inay laba saf kala noqdaan.  Gadhcas tolka ku kala hagoogta ayey xaaladdu dalabtay; caajis iyo niyadjab ayaase ka muuqday waxgaradkii horey u dhexgalay labada beelood taladoodiise laga booday.

     

    Dhibkii labadaa qoys ka dhex oogma ninkii uu dhibi lahaa oo dhan ayaa maankiisa dib ugu foofay oo ka fakaray sidii xal degdeg ah loo heli lahaa.   Cirroolihii ayaa aad mukha u tuujiyey oo sidii dhiig sokeeye loo baajin lahaa isku hawlay.  Kii degaan fog ku maqnaa ayaa farta wadnaha saaray kuna hamiyey hebelo badan oo talo toosni iyo samo jacayl lagu yaqaanay mar horese ciidda lagu rogay.  Saansaan colaadeed iyo mid ciidan uruursi mooyee wax kale ayey ishu qaban wayday.

     

    Halkaa markay marayso walise aysan qarxin ayaa Rabbi haatuf kheyr sheegaya u soo diray.  Xuseen Yuusuf Xirsi (Xuseen-il-jeex) oo indheer-garadka Reer Dalal ka mid ahaa ayaa shir degdeg ah wacay.  Wuxuu kulmiyey waxgaradkii reerkaa wuxuuna ku yidhi: “Reer Dalalow gunnimo aan gobonimo ka dambaynin iyo cay laba guri ah kala doorta.”  Waxaa lagu yidhi noo kala sheeg labadaa?  Gunnimo aan gobonimo ka  dambaynin waa Reer Dalal iyo Reer Cali Yuusuf oo maadhiinka isu qaata oo ay ku qudhbeesho boqolaal nin, ileen waad is taqaanaan oo kala carari maysaane.  Cay laba guri ahna waa ina adeerkaa oo la qadfay iskana celiyey wixii qadfay oo aad cafisaan, waxaana laysla dhexmari nin inan-layaal ah ayaa la dilay oo aan mag laga bixinin, taasina dhawr maalmood unbay socon.” 

     

    Yaaba u fadhiyey warkaa.  Barbaartii ayaa hoosta ka reentay una arkay in uusan odaygu caadiba ahayn.  Ma magan la qaadaybaan maslaxo dhaafsanaa ayaa dhinac walba ka yeedhay.  Barbaarta badhkood shirkiiba way ka dareereen mucaarado awgeed.  Talada wanaagsani waxay la qiimo tahay maxsuulka ay dhaliso, waxaanse kuu sheegay in Xuseen-il-jeex haatuf kheyr sheegaya ahaa waxaana sidaa kuu caddaynaya duqaydii Reer Dalal  ayaa taladiisii u guuxay kalsooni buuxdana siiyey.  Ta dambe ayaanu qaadanay ayey ugu  bishaareeyeen, gurbaystii haliilaysana waxay amar ku siiyeen inaysan far dhaqaajinin.  

     

    Xuseen labadiisii kabood ayuu horey u gashaday wuxuuna la kulmay madaxyo-weyntii Reer Cali Yuusuf wuxuuna weydiiyey “Reer Cali Yuusufow magantii mayga qaadeen?”  Haa.  “Magtiina ma diideen?” Haa.  “Haddaba labadaaba idinkoo isugu kay daray, hadda tol ma noqonaa?”  Ma hadal kale ayaa u furan Reer Cali Yuusuf, hawraarsan ayey ku jawaabeen.  Nabadgalyo waarta ayaana labadaa reer ka dhex dhalatay maalintaa ka dib.

     

    Haddaba cuqdadaa iyo ciilkaa ayuu Cali-dhuux kala carraabay Ciid iyo carro Ogaadeen.  Mar haddii uu si kale u aargoosan waayeyna wuxuu is yidhi afkaaga uun ku ciil bax, geedkii uu gaadhi karay ayunbuuna midho ka gurtay.  Illeen waa kii ninkii Soomaaliyeed ee colaaddu gashay hase ahaatee tabartu dabartay ku gabyey:  rag haddaad colaad leedihiin, ciidanse u weydo; hadba waxaad ku ciil bixi kartaa, kuu cawo adduuna.

     

    Hurgumadaa gaarka ah ee uu Doollo iyo Ciidba uga caagay darteed ayuu Silsiladda Rayad u billaabay, sidaa ayeyna godobtaa Cali-dhuux tirsanayey u ahayd sabab ka mid ah kuwa ugu weyn ee ku xambaaray diradiraha.  Wuxuu rabay in dhibkii la mariyey iyo ceebtii la baday uu si uun uga gar-Alleeyo.  Sidaasina waxay noqotay inuu Ogaadeen iyo Isaaq isku qoddeeyo oo isku diro mar haddii iskudirkii Ogaadeen dhexdii ahaa iyo kii Ogaadeen iyo Dhulbahante ku aadanaa midho dhali waayey.

     

    Dhammaad []


    [1] Ogaadeen, Reer Cabdille, Reer Cali Yuusuf, Reer Xasan, Reer Magan 

    [2] Ogaadeen, Reer Cabdille, Reer Warfaa, Reer Magan, Reer Dalal.  Waa Cali-Baqalyo Faarax Dalal

    [3] Xodoyo: balli balliyada Haro Xagarey ee caanka ah ka mid ah

    [4] Baraar Koriye:  dhul daaqsimeed u dhexeeya Qoriile iyo Xodoyo.  Waa isla Haro Xagarey

    [5] Badal Cali Guure: Ogaadeen, Reer Cabdille, Reer Warfaa, Reer Magan, Reer Dalal, Bihina-Cali. Badal waa ninkuu Cali-dhuux gabayga Cartaneey dhexdiisa ku magacdhabay isagoo wali wax tabanaya, Reer Dalalna isku diraya: Badal baa cashiiro u xiggoo, waa cuq dabadeede.  Gabayga Cartaneey Silsiladda Rayad lug kuma lahayn laakiin, aqoon xumo awgeed, qaarbaa u haysta in silsiladdu gabaygaa ka billaabatay. 

    [6] Reer Gorod waa jilibka hoose ee Cali-dhuux yahay.  Gorod, Xirsi, Cali-Geri, Axmed Garaad, Faarax Garaad, Dhulbahante

    [7] Ogaadeen, Reer Cabdille, Reer Cali Wanaag

    [8] Faarax-gaydh Cali-dhuux Aadan Goroyo (Dhulbahante, Reer Cali-geri, Reer Gorod) Waxaa 1950aadkii dilay niman ay abtir ahaan isu dhaw yihiin oo Dhulbahante, Reer Cali-geri, Reer Warfaa ah.  Waxay ku dileen meel u dhaxaysa Buuhoodle iyo Marqaan-weyne.  Marqaan waa tuulo koonfur galbeed Laascaanood kaga aadan.  Waxay ugu aareen nin Dheeg Xade la odhan jiray oo mar hore iyaga laga dilay 

    [9] Shirshoore: Dhulbahante badankii odayga uu ku arooro marka laga reebo Hayaag, Khaalid iyo Yaxye.  Shirshoore, Habarwaa, Dhulbahante

    [10] Reer Cali Yuusuf

    [11] Caliyo: Reer Cali Yuusuf iyo Reer Cali Wanaag.  Labaduba waa laba qoys oo Ogaadeen ah

    [12] Reer Magan waa laftii uu xididka iyo inan-layaalkaba u ahaa

    [13] Reer Subeer; wuxuu ula jeedaa Maxamed Subeer.  Waa laf Ogaadeen ah

    [14] Taabe boqorkiiye: boqorkii Reer Ugaas Magan.  Waa qoyskii jifada u ahaa boqortooyadii Ogaadeen oo dhan kulmin jirtay

     

     

     
     
     
     
     
     
     
     

    Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

    Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.