Dagaalkii
Fardhidin ee 1901dii dhexmaray Daraawiish iyo Ingiriis ka dib
waxaa dhacay duullaankii lagu hoobtay ee Beerdhiga (1902dii.)
Beerdhiga wuxuu Daraawiishta iyo Ingiriis iyo wixii la socday ku
dhexmaray goob magaceeda lagu sheegay Xodayo oo Mudug ka tirsan.
Kolkii Fardhidin
lagu jabiyey, Kornayl Swayne oo ciidamada Ingiriiska madax u ahaa wuxuu
la kulmay ceebin iyo canaan kulul oo kaga timid dhinaca xukuumadii
Ingiriiska. Sideebay Daraawiishi uga adkaatay ciidankii xoogga
badnaa ee boqortooyada? Sideebuu kaaga il helay wadaad miskiin ah
oo aad ka hub iyo hantiba badan tahay? Ciidan iyo hub maxaad u
baahan tahay si aad usoo afjarto wadaadkan iyo dhaqdhaqaaqiisa?
Wasaaraddii Dagaalka ee Ingiriiska ayaa soo dirtay su’aalo noocaa oo
kale ah, Swayne naftiisana waxaa loo arkay hoggaamiye nugul oo aan
aqoon fiican u lahayn tabta dagaalka.
Haddaba, si uu
ceebta isaga rogo una aarguto, wuxuu soo abaabulay dagaal hor leh oo
aanu waxba la hadhin. Daraawiish oo dhinaca Mudug u naqraacday ayuu
doontay iskuna dayey inuu iyagoo warmoog ah darbad aysan kasoo
waaqsan ku dhufto. Xoog lagu sheegay illaa 4000 oo asgari oo
Ingiriis, Hunuud, Afrikan iyo Soomaali isugu jira ayuu soo kiciyey.
Daraawiishina way ka war heshay duullaankaa kusoo maqan cidhbaha
ayeyna aasatay.
Xodoyo ayey
xabbadu miifleysay, waranka, gaashaanka iyo seeftuna kulmeen. Illaa
habeenka niskiisii dambe ayey guubaabadu dhinac walba ka uugaantay.
Guul iyo geeri ayuu Darwiish walba goostay inuu mid ahaan helo.
Ingiriis caga-weyne waxaa boobay niman aan gabasho aqoon oo dhammac
saydhaya. Saynta ayey gacanta ka buuxsadeen illeen waa rag uu ciil
ku gaaxsamaye. Ingiriis jabyoo waxaa ku dhacay jac iyo baaruude
ayaa ka dhacday. Mahbar badan oo Soomaalida la muuqaal ah asii
mabda’ kale ku dagaalamayey ayuu tukuhu indhaha kala baxay.
Aji iyo midgaba wuu
dilaa Uustar buuxsamay,
maydkii ayaa labada dhinacba tiro beelay. Wixii dhiciba ha
dhacee, ninkii dhiman lahaaba ha dhintee, Ingiriis aad ayey
Daraawiishi u hurguftay, libtii iyo guushiina waxay ku dambaysay
Sayid Maxamed iyo raggiisii. Jaalle Swaynekii wacadka ku maray inuu
Daraawiish soo qabqaban doono ilbay xabadi kasoo tuurtay oo gorof
noqotay. Beerdhiga ka dibna Soomaalidu ninkaa waxay ku naanaystay
Swayne Cawar. Ka xaabxaabi waxa kaa tif
lihi, waa xinjiro dhiige.
Guushaa ay Daraawiishi hanatay ayaa geyiga Soomaaliyeed oo dhan
gaadhay. Aadbaa loogu farxay Soomaalidaa sanka jabisay shisheeyaha
doolaalo dhaafka ah, gardarro iyo daandaansigana ka dayn waayey
Daraawiish. Tolalkii Soomaaliyeed ayaa tarab-tarab taageero iyo
tahniyad wada socota uga timid. Boqor Cismaankii Majeerteen ee
gobolka Bari fadhiyey
ayaa ka mid ahaa ragga dagaalkaa ka dib Daraawiish dhinaceeda usoo
dunmay. Wuxuu soo diray sahan, hub iyo saad birmad iyo xoojin ahna
wuu soo raaciyey. Lix iyo toban casho ka dib ayuu safarkaasi
xaruntii Daraawiishta ku furay. Si fiican ayey Daraawiishi usoo
dhawaysay kolkii ay dib u ambabaxayeenna Sayidku geel iyo badeeco
xoog leh ayuu siiyey.
Xuseen Maxamuud
Faarax, Xuseen-dhiqle, oo ahaa Xoghayaha Warfaafinta ee Daraawiishta
ayuu Sayid Maxamed ka codsaday inuu safarka sagootiyo lana dardaarmo.
Xuseen-dhiqle wuxuu tiriyey gabay nabadgelyeyn, duco, xog waran,
dardaaran iyo soo jiidasho isugu jira. Wuxuu yidhi:
×
Socdaaladatan joogow berraad, socod damcaysaane
×
Safaryahow salaama e haddaad, saaka naga guurto
×
Sagootigii iyo hadday, sooryo idin raacdo
×
Saraar yeelan meel siman bannaan, suudi iyo guure
×
Jidku waa sursuuree haddii, Eebbe idin saabsho
×
Sabadii baddii waxaad u dhixi, laba siddeedaade
×
Hadday idin salaamaan kuwii, sahanka dhawraayey
×
War
haddii lagaa sugo adoo, daal la socon waayey
×
Sunne ma aha xaajaduye yey, idinka seeraarin
×
Abtiyaal sidaan idin fariyo, sawd yar naga geeya
×
Ku
salaama boqorkii adduun, seegid bow darane
×
Gabay waa nin seegiyo nimuu, saabka kaga yaalle
×
Sikhilaa la mariyaa birtaan, soofe kicinayne
×
Waan kala sifeeyaa sidii, saayaqoo kale
×
Afartaa intaan saxay miyaan, siinka ka higaadshay
×
Sawd kalena waa hadal yarood, sixi akhbaartiisa
×
Sallax Eerigooy maalintey, samadu gaadootey
×
Sumuciyo jigraha maalintay, saanadu is dhaaftay
×
Saraakiisha maantuu tukuhu, saabka kaga joogay
×
Ee
suuniyaalow Kufrigu, baqaha siigeeyey
×
Waa
siin Illaahay wuxuu, gaalku noo sidaye
×
Ingiriis sidii loo galiyo, saxalka
Iidoor ah
×
Sanbab dooxan iyo xiidmo sayan, sabar wixii yiilay
×
Saf
dhanbaa la gawracay sidii, sadaqo Ciideede
×
Cawar waxaa surkii lagaga jaray, sulub dharaareede
×
Saddex aliflayaashaan gudnayn, sedatay naartiiye
×
Sumaca iyo seefaha dabkiyo, saanadda aan taabnay
×
Tagoo seediyaal kaga warama, suuqa iyo xeebta
×
Ku
sayaxa safkii Ferenji iyo, saaxirka kharaabay
×
Ku
salaama boqorkii adduun, seegid baw darane
×
Sucdigaynu leenahay haddaan, anigu suureeyey
×
Sifadooda reer boqor haddaan, hadal kusii saydho
×
Nimanyahow sokeeyeynu nahay, saxar la’aaneede
×
Saalixiya diinteenu way, ina simaysaaye
×
Samaan iyo kalgacal Eebbahay, wuu na kala siine
×
Sayidkuna jeclaa idinka iyo, socotadiiniiye
×
Soomaali hadalkeedu yuu, suruq inoo yeelin.
_____________________________
Buuggii Taariikhdii
Daraawiishta iyo Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee uu qoray Aw Jaamac
Cumar Ciise (1976)
ayaan kasoo raray
gabayga, taariikhdana ka tixraacay.