Home

Xuseen Hudle

                                                             Ogaadeen

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Waa mar kale iyo taxenihii ahaa "Rag waa raggii hore, hadalna waa intuu yidhi."  Waxaan maanta soo qaadanaynaa gabay uu tiriyey Xuseen Hudle. 

 

Gabaygani wuxuu ka mid yahay gabayadii tirtirsiga ahaa ee ay abwaaniintii Ogaadeen ku dhiirigelinayeen Dhulbahante ka dib markii Caynaba iyo Cayn oo idil Isaaq kala wareegay  islamarkaana ka laayey rag badan oo magac iyo maamuusba lahaa oo ay ka midka ahaayeen Xaaji Cumar Cameey, Axmed Cige Siiarag iyo kuwo kale.  Wuxuu gabaygu tilmaamayaa dagaal iyo dhiig daata waxaan ahayn inaysan Dhulbahante ku xaajo qaadan. 

 

Sidoo kale wuxuu gabayaagu taxay jabkii Ogaadeenku u gaystay Isaaq iyo haydaartadii rag mutay. Wuxuu si guud mar ah u sheegay awoodda Ogaadeen isagoo dhawr jilib oo degaankaa ka dhawaa tusaale ahaan usoo qaadatay.    Wuxuu ku soo af-jaray in Dhulbahante ceebi dul baraaqsatay.  Waxay la tahay haddii aanay aargoosan degaankoodiina dib u qabsan inay magac xumo usoo jiidayaan Daaroodka kale.  Gabaygu wuu dhutinayaa sidaa awgeed waxay u badan tahay in qaar maqan yahay.  Wuxuu yidhi:

 

  • Culuuntiisa gabay waanigii, caarif ku ahaaye

  • Indhaweydse waa taan ceshaday, camaladiisiiye

  • Cishriin gu’ buu iga xidhnaa, cod aan idhaahdaaye

  • Ciraabtii wax lagu eegi jirey, caabuq baa galey

  • Eeggana nabsiga ciiray baa, ceeshka noo fureye

  • Caynaba[1] raggaa tegahayow, Cali[2] war gaadhsiiya

 

  • Cowl Baahale iyo Reer Subeer, cuurka Reer Xamara

  • Cabdalle iyo Makaahiil wixii, cudud Ogaadeen ah

  • Ciisiyo Jibraa’iil Bahgeri, curadadii Aadan

  • Calaankii la guubaabin jirey, ciiskii soo rogeye

  • Nin calool nuglaadaa ma galo, ciidho dirireede

  • Haddii caadilnimo loo warami, taagte calan dheere

  • Waatay Cibraan iyo noqdeen, ciidan xoog badane

  • Afartaa cadceedoodba waa,  laga cataabaaye

  • Ogaadeen cadceed iyo cadceed, ciirshe dunidii dheh

  • Ninkaan magan cidhbaha noo fadhiyin, caydhis baa diliye

 

  • Carrabkeeda muus waysagaa, ciyayey boodaanku

  • Culuseey raggii maali jirey, Ciidda lagu duugye

  • Iidoor cag geel waysagaa, caydh la yuurura e

  • Cidda Araba iyo Ciidagale, cuurka Habar Yoonis

  • Awalkaa cidhiidhiga ku jira, ceelka Madar Weyne

  • Cabdi Bari iyo Guuleed Suldaan, cuudkii laga qaadye

  • Cishihii Bah Deylaan lisayn, sidigtii coomaade

  • Waa kuu cirooluhu lahaa, cabasho seedowe

  • Waatay caruurtii habluhu, la ciddi jiideene

  • Waa kay canduurada gobkii, calaf ka yeesheene

  • Waa kii biyaha ceelka iyo, cawskii loo miyeye

 

  • Cammuud iyo calkii Jeerinleey, cidhifkii Jiileeye

  • Ceelka Qarandi ee loo cubtamo, coonka Xagareeya

  • Cafta Dowguduud iyo Mataan, calastii Gaafowba

  • Intaa seerahaan ugu cammirey, cuudkii lagu daaqye

  • Isagoon caarad-dhuubtii[3] Lixlaha[4], lagaga cayntaarin

  • Garmaqaatihii lagu caddibay, lagaga ciilbeelye

 

  • Daaroodka kale ceebta diid, inay carmeysaaye

  • Waa cuurka Habarwaa[5] waxaan, calalku saarneyne

  • Axmed Cige iyo Xaaji Cumar, sow suuqa lama caalin

  • Ma cayaayirkii lagu dilaan, cowdii laga toosin

  • Ma caaryeystay dhiigii intuu, cowlay maradooda

  • Ciyaar sow shalay looma dilin, curaddadiinii dheh

  • Haddaadse ciil ka bixi Xaajigii, kama cadhooteene

  • Calal miyey ka bixiyeen kuwii, Ina Cameey toogtay?!

 

  • Camalkii Shishooriyo la waa, cadho iyo dhiiftiiye

  • Faro kuma cilaalmine naftay, kala cabsoodeene

  • Caadhkaa ku yaaliyo xiniin, kuma cadgoostaane

  • Sidii dumarka caadoonayaa, laga caqiidaaye

  • Ama ceelka Waamo iyo Gedo yey, ciilka ula dhoofi

  • Ama ceebtaney sidan adduun, waa ka caarideye

  • Caro Edegba dhaaftaye maxay, nimanku coodaanshan?!

 

Axmed-Daahir Xaaji Xuseen ayaa gabayga soo saxay meerisyo badan oo naga maqnaana noosoo gudbiyey.  Mahadsanid Axmed-Daahir.

 


[1] Caynaba ceel caan ah oo Dhulbahante degi jiray, gadaalna degmo ka noqday

[2] Cali-dhuux Aadan Goroyo – waa ninkii Silsiladda Rayad ee uu gabaygani ka midka yahay billaabay

[3] Caarad-dhuub: rasaasta

[4] Lixle: Qori hal-kalyaale u dhaca oo lix xabadood qaada oo Soomaalidu xilliggaa ku dagaalami jrtay

[5] Habarwaa waa jilibka uu Dhulbahante badankii ku abtirsado 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of SOmali poetry.  All rights reserved.