Home 

Cabdi Xirsi iyo Sayid Maxamed

                                                                            

 
 

Daraawiish ayaa gashay qeyro Maxamed Subeer ah oo Garduur taalay.  Geel wixii gacantooda ku jiray ayey soo taabeen, ragna way laayeen.  Qeyradii geela laga dhacay ayaa abaabul iyo raacdo gashay dabadeed colkii Daraawiish oo geelii soo luudinaysa ayey meel dhexe ku soo gaadheen.  Dagaal xun ayaa goobtaa ka dhacay, ciidankii Daraawiish ayaase laga tugtug roonaaday, rag badanna laga laayey geeliina lagala hadhay.  Cabdi Xirsi oo ahaa nin gabayga magac ku leh ayaa mariyey gabaygan uu kaga sheekaynayo wacdarihii meeshaa ka dhacay.  Wuxuu yidhi: 

 

Galsho murugtay ceelkoo mug go’ay, miirad lagu oomay

Hadday maaxda waaberi tubeen, darar malaastii leh

Iyagoo makaabiri haddii, weerar lagu meershay

Raacdada la maalmili haddii, nalagu soo muuqday

Makhrib dabadii maal-soo-galkii, mudanahoo seexday

Madiix yaa lahaayey haddii, layna maqashiiyey

Magacii Gurraasiyo haddii, maydho la xusuustay

Haddii muusanowgii Warfaa, nagu dul meeraystay

Haaruunka kama maaranee, madax hadduu keenay

Oo mowlihii noogu yimid, marada xooraayey

Sengayaal maroorsaday haddii, meesha laga fuulay

Waagoo miliilicay haddaan, moosinka u aasnay

Iyadoo malqaxan oo afmeer, madaxa loo saaray

Waxaan orodka sii maadiyaba, Mudha haddaan gaadhay

Haddii faraska geed lagu martoo, la iska meeleeyey

Maatada carruuriyo haddaan, odayadii miidhnay

Oo lay miliilicay dagaal, waan u mohonaaye

Miridh buu u riday Reer Subeer, malihii weeyaane

Waxaa geela lagu maalayaa, labadii maalmoode

Magaalooyinkaa laga hayaa, maadahaan dhigaye

Daraawiish inaanan mid uga tegin, Maxamed loo sheeye

 

Guuldaradaa Daraawiish soo gaadhay iyo digashada loo raaciyey Sayid Maxamed dib wuu u liqi waayey.  Ciidan laxaad leh ayuu diyaariyey amarna ku siiyey inay weerar ku ballaadhiyaan nimankii gacanqaadku dhexmaray.  Sida la sheegay, Daraawiishi Ciid idilkeed ayey cagta marisay, qoodhaale badanna laysay, geel wixii degaankaa ku dhaqnaana way hanatay.  Gebagebadii geelaa waxaa la dhigay balligga Caado.  Sayid Maxamed ayaa haddaba mariyey gabaygan kaa hore jawaabta u ah, uuna kaga warramayo daanadii Daraawiishi geysatay.  Wuxuu yidhi Sayid Maxamed:

 

Awal maanso caashaq uma qabin, camalo sheeggeede

Calooshayda unbaan ka helay, inaan ka caagaaye

Cod yar oo isoo galay bal aan, caynka ha higaadsho

 

Ogaadeenka Ciideed ma dhamo, caano loo shubaye

Cawdiyo furaashkiyo dermada, kuma caweeyaane

Nimankii xadrada caayi jiray, culus ma maalaane

 

Ninkii caasiyaan Eebbahay, cidhib ka reebayne

Geelii casuurada ahaa, cooddidiis helaye

Camankayga waxaa loogu riday, calaf Illaahaye

 

Cudud nimaan lahayn baan ka helin, duul cadaawo ahe

Cayuuntii galbeed maalintay, cararaqlaynaysay

Cabdilliyo Subeerow markay, kuugu cabanaysay

Caqlidiirsha maantay lahayd, yaa ciddii Dalala

Ee aan caraadkiyo ku daray, cayda iyo maadda

Inaad ciiska soo rogoto yaa, kuu cindi ahayde

Waxaa Caado xerada uga dhigay, ciidan baw imane

Inaad ciil u dhiman waad ogeyd, amase caydheede

 

Haddii aad caddaan ugu tagteen, ciiradii shalayto

Ood cagaha rogateen sidii, cawsha iyo siigga

Anigaa ciddii imanayee, Ceelis iga dhawra 

 

Tixraac:

Aw Jaamac Cumar Ciise. Himilada Maansadii Hore.  Xarunta Cilmi Baadhista ee Jabuuti. Jabuuti. 2005. 

Aw Jaamac Cumar Ciise.  Diiwaanka Gabayadii Sayid Maxamed Cabdille Xasan. Akadeemiyaha Dhaqanka.  Muqdisho, 1976.

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.