Home

Xarbi Ismaaciil Samatar

                                                                       Dhaqaaleeya geeliinnu way naga dhexeeyaaye

Cali Dhuux daya
Xarbi vs. Qawdhan
Dhurwaale
Rag Qabiilo Weyn...
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Gabayadii Xarbi Ismaaciil Samatar wixii aad hayso fadlan noo soo gudbi

mail@doollo.com


Geel tiro badan ayaa niman Reer Isaaq ahi Isaaq kasoo dhaceen.  Geelii ayaa waxaa ka daba yimid col Ingiriis ah oo dib ugu celiyey gacanta nimankii Isaaq ee laga soo dhacay.  Geela noocaa ah ayuu Xarbi Ismaaciil gabaygan ka tiriyey isagoo nimankii geela lahaa u sheegaya inaan wligood Ingiriis ilaalo u ahaanaynin, markuu Ingiriis isaga dhexbaxana uu geela soo meersan doona sidii caadada u ahayd.  Wuxuu yidhi:

  • Hadduu gaalku noo kiin dhiboo, maanta naga dheelmo

  • Dhala-uus dhabbaha qaaliyeed, dhinaca Buunshaale

  • Xeryahaan kaliil hore ku dhacay, dhaafin mahayaane

 

  • Intay dhagaxa hoos uga ridaan, dhuumin mahayaane

  • Dhoobada intay joojiyaan, dhoofin mahayaane

  • Nimankii seen isaga dhawnaa, dhaagi mahayaane

  • Dhudhumada markaa inaanu qaban, dhawri mahayaane

 

  • Kolkii hore dhallaan baydin galay, dhuumashe ahaaye

  • Intaan dhudaha Guuleed maroon, col u dhabaalyeeyo

  • Annagoo dhan reeraha dhexdood, dhaaxa naga eega

  • Arladiina dheelkiyo intay, dhedada baas joogto

  • Dheehaay waxaan kaa maqnahay, dhibica deyreede

 

  • Meeshii dhinbiil badan leh iyo, dhaayin la ogaada

  • Dhogorteeda jeel baa rogee, dhanaha fuudsiiya

  • Kaa haatan dhays ihi intuu, dhalayo sii raaca

 

  • Dhiilka uun ha eegine nirgaha, dharaq u sii daaya

  • Cusbada dheegga yaan lagaga rarin, dhaamiyaha awrka

  • Goortay magaaladu dhashaad, dhadarbiyeysaane

  • Dhurwaa yahay ha iga siisanine, dhar iyo soor toona

  • Niriggaad ka sii dhaylyeysataan, dhagar u qoondeeya

  • Dhaqaaleeya geeliinnu way, naga dhexeeyaaye

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.