Home

Cabdi Xirsi 

                                                                                   Gabay iyo Taariikh

Cabdi Xirsi iyo Sayid Maxamed
Uruurin kooban
 
 
 
 
 
 
 
 

 

Qore: Cawaale Xuseen

awalle@gmail.com

 

Waa qayb cusub oo ka mid ah dersigii taxaneha ahaa ee summaddiisu ahayd ‘rag waa raggii hore, hadalna waa intuu yidhi.’  Waxaan maanta soo qaadanaynaa gabaygii Cabdi Xirsi ka tiriyey Gondo Gooye iyo taariikho kale oo la midab ah.  Akhris wanaagsan.

 

Dhawrkii sano ee ka horreeyey 1901dii waxaa dhacay saddex arrimood oo la odhan karo waxay saamayn xoog leh ku yeesheen geedi-socodka halgankii Daraawiishta ee mudada dhawr iyo labaatanka sano ah socday.  Saddexdaa arrimoodi waxay kala yihiin: 

  1.  Dilkii Garaad Cali Maxamuud ee Oktoober 1899

  2. Dagaalkii Jigjiga ee Maarso 1900, iyo

  3. Kalakacii Gurdumi  

Garaad Cali Garaad Maxamuud Garaad Cali wuxuu ahaa garaadka guud ee Dhulbahante, wuxuuna tirsadaa boqortooyada Shirshoore oo ah boqortooyo fac weyn.  Sida la ii sheegay, silsiladda garaadnimo waxay maanta maraysaa 19 garaad.  Waxay Garaad Cali iyo Daraawiishi is gafeen kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay Garaadka iyo taliskii xarunta dabadeed uu Garaadku xaruntii ka guuray colaadna ku talagalay.  Wuxuu diray laba warqadood oo uu midna u diray madaxdii Ingiriiska ee Berbera fadhiday midna u diray boqor Cismaankii Majeerteen.  Waraaqahaa wuxuu kaga cawday in wadaad Ogaadeen ahi Nugaal la wareegay dadkiina isku dubbaritay sidaa awgeed uu u baahan yahay inuu helo ciidan iyo xoog uu kaga hortago wadaadkaa.  Waraaqdii Ingiriiska ku socotay ayey Daraawiishi gacanta ku dhigtay. 

 

Kolkii waraaqdii xarunta la keenay ayuu Sayidku fariin u faray Garaad Cali oo ku yidhi bal ii imow aynu tashanee.  Garaadku codsigaa wuu yeelay, xaruntii ayuuna wadatashi u yimid isagoo moog in waraaqihii uu diray midood Daraawiishi qabatay xaruntana ay taalo.  Sayidka ayaa dabeed ku yidhi “Garaad xarunta lagaama laha ee kusoo noqo jahaadkana taageer.”  Wadahadal dheer ayaa dhexmaray.  Sayidku wuxuu aad isugu dayey inuu Garaadka soo jiito oo uu xulufaysi ka helo hase yeeshee Garaadku arintaa wuu ka madax adaygay wuxuuna istaagay “degaanka iyo dadka Nugaaleed anaa u taliya ee wadaadyahow wixii diinta ku saabsan ku ekow.” Intaa ka dib, Daraawiishi waxay is tustay in Garaadku collaystay Daraawiish iyo Nugaal joogitaankeedaba, waana la xujeeyey, ka dibna la dilay.  Garaad Cali wuxuu ahaa Soomaaligii labaad  ee gacan Daraawiish ku baxa. 

 

Garaadka hortii waxay Daraawiishi 1898kii xujaysay nin la odhan jiray Fidhin Qodax oo Habaryoonis, Isaaq ahaa.  Waxaa la yidhi, Fidhin iyo wiil qowsaar u ahaa ayaa isku maandhaafay xidhaaladii uu qowsaarku qaadan jiray dabadeed qawsaarkii ayaa faras la soo baxsaday lana yimid xaruntii Daraawiishta.  Fidhin ayaa ka daba tagay oo yidhi faraska ninku wuu iga soo dhacay ee ha la ii celiyo.  Waxaa lagu yidhi adigu in faras lagaa dhacay ayaad sheeganaysaa ninkanina in aadan xaqiisii siin xidhaaladii uu shaqaystayna aad u diiday ayuu ku dacwiyey, sidaa awgeed shareecada Islaamka ayaa laydinku kala saarayaa ee diyaar ma u tahay?  Fidhin arintaa wuu diiday oo wuxuu yidhi dacwo haddii aan qabo Ingiiska ayaan u tagayaa ee faraskayga ha la i siiyo.   Mar haddii uu  xukunka diinta Islaamka ka doortay midka gaalka, Daraawiishi ninkaa way xujeysay waana la dilay. 

 

Dhulbahante aad ayuu uga xumaaday dilka Garaad Cali, habeyn madow ayeyna xaruntii ka  guureen Reer Caligeri ma ahee.  Halkaa wixii ka dambeeyey lafaha ugu badan Dhulbahante sida Maxamuud Garaad, Bah Ararsame iyo Reer Hagarba Ingiriis iyo xeeb, bari iyo Boqor Cismaan, Mudug iyo Keenadiid ayey madaxdoodii ka cidgashay, colaad iyo dagaalo aan kala go’ lahayn ayeyna Daraawiishi kala kulantay.  Gabayo badan oo Sayidka iyo rag kaleba ka tiriyeen khilaafkaa ayaa jira.

 

Iyagoo awalba colaadaa qabay ayey Bah Ararsame waxay gaar ahaan sii eersatay dilkii Faarax Maxamuud Sugule oo ka mid ahaa raggii shirqoolkii Canjeel wax ka abaabulay, ka dibna baxsaday oo Ingiriis u galay.  Isagoo guuto Ingiriis u hubeeyey wata oo ku sugan Laaso Daar iyo Widhwidh agagaarkeeda ayaa niman Daraawiish ah oo Webi Shabeele Daraawiishtii deganayd ka soo noqday ka soo dul dhaceen.  Qadar Alla, isagoo kaligii geed Higlo ah hoos jiifa oo aan wax col ah filaynin ayey si kadis ah usoo dul istaageen.  Jaantii iyo shanqadhii nimanka ayuu ku toosay.  Degdeg ayaa la isu gartay ileen nin madaxda Daraawiish ka mid ah ayuu kol dhow ka hor ahaaye.  Eedda uu qabo Faarax ma moogayn, wuxuuna isku dayey inuu cago ku baxsado, laakiin nimankii ayaa markiiba afar waran isu dhaafiyey.  Halkaa ayuu ninkaasina ku baxay.      

 

Dilka Faarax wuu dambeeyey, laakiin dilka Garaad Cali iyo colaadii ka dhalatay saamayn xoog leh ayey ku yeesheen  amaamudkii jahaadka, sidaa daraadeed Daraawiishi carro Dhulbahante way kasoo guurtay oo waxay degtay carro Ogaadeen gaar ahaan Doollo, Dig, Ciid iyo inta la ollaga ah. 

 

Muddo gaaban kolkuu degaankaa joogay, awood fiicanna kulansaday, jilibyadii halkaa ku dhaqnaana taageero ka helay, wuxuu Sayidku abaabulay duulaankii koowaad oo uu ku balaadhiyey Xabashidii Jigjiga haysatay. Dagaalka Jigjiga wuxuu dhacay Maarso 1900kii wuxuuna ahaa dagaalkii ugu horreeyey ee dhexmara Daraawiish iyo gumaysiga.  Difaaca uu dadkiisa gumaysiga iyo gardaradiisa ka difaacayo waxaa u dheeraa oo ujeedooyinka uu Sayidku dagaalkan ka lahaa ka mid ahaa inuu muujiyo in ciidan iyo hub-uruursigiisu ku wajahan yahay Xabashi iyo dhulbalaadhsiga xaqdarada ah ee ay ku hayso Soomaalida.  Wuxuu Sayidku jeclaa in Ingiriis u dambeeyo oo ay marka horre Daraawiish iyo Xabashiyi kala war helaan.  Isagoo iska dhawraya iskudhac dhexmara Daraawiish iyo Ingiriis ayuu Sayidku dhawr goor qalab Ingiriiska lagala soo baxsaday celiyey si Ingiriis u ogaado inaan Daraawiishi colaad u haynin duulaanna ku ahayn.

 

Laakiin sidii Sayidku jeclaa ma noqon oo dagaalkii Jigjiga wuxuu Ingiriisku ka fahmay awoodda iyo kani-adaygga Daraawiish, wuxuuna isku qanciyey inaan xero u oodnayn haddii Daraawiishi xididaysato.  Wuxuu kaloo dagaalkaasi isu soo jiiday Ingiriis iyo Xabashi oo go’aansaday inay si wadajir ah wadaadka uga hortagaan. Sidaa awgeed, dagaalkani saamayn weyn ayuu ku lahaa qaabaynta halgankii Daraawiishta.    

 

Kalakacii Gurdumi wuxuu ahaa shirqool ay niman Bah Xawaadle, Reer Cabdille ahi u dhigeen Sayidka, wuxuuna dhalay masiibadii Gondo Gooye.  Dagaalkii Jigjiga ka dib, Daraawiishi way bulaashay, tolal udbahoodii iyo dhigahoodii wata ayaana soo galay.  Kuwii aan wali iman ayuu Sayidku rag u diray oo yidhi waa inay dariiqada kusoo biiraan, jahaadkana taageeraan.  Inkasta oo rag badani amarkaa Sayidka u riyaaqay fulintiisana ku dhaqaaqay haddana waxaa jiray rag ka gows-qabsaday laakiin aan ku dhiiran inay toos maya u yidhaahdaan.  Nin la odhan jiray Shide Dhabarjilic ayaa isagu si toos ah arintaa uga dhaga-adaygay, dareenkiisana aan qarsan.  Shide waa la xujeeyey waana la dilay.  Ninkaasi sidaa haddii uu ku dhintay ayaa, waxaa la yidhi, Sayidka hadal ka baxay, hadalkaa oo shaki galiyey sababtii Shide loo dilay.  Hadalkaasi wuxuu ahaa “war Shide Dhabar-jilic Xasan Jiijiile ma u aaro galaa.”  Dhacdadani qiso dheer ayey leedahay laakiin intaa ayeynu haatan isku koobaynaa. 

 

Intaa ka dib, nimankuu Shide ka dhashay ayaa gadooday kana xumaaday dilkaa iyo hadalkaa ka daba yimid.  Waxay ku heshiiyeen inay Sayidka ka faraxashaan, dariiqadiisu inta ay curdanka tahayna ay saqiir suujiyaan.  Shirqool ayey haddaba dhigeen.  Sayid Maxamed ayey rag u direen oo ku yidhaahdeen sidii Alle noogu kaa keenay kuuma aanan dabaaldegin, ee waxaan doonaynaa inaan kuu damaashaadno ee taariikhdu kolkii ay intaa tahay balliga Gurdumi ha inoo ahaato.  In kasta oo shaki ku dhashay, haddana Sayidku arintaa wuu aqbalay.    Gurdumi ayaa xilligii la ballamay la isugu yimid, shirqoolkiina lagu fuliyey.  Alle mahadii, Sayidku wuu ka badbaaday dabinkaa laakiin labada dhinacba rag badan oo Aw Cabbaas ku jiro ayaa goobtaa ku qudhbeelay.    

 

Waa la kala aamin baxay, qolo walbana dhinac ayey isu uruurisay.  Nimankii shirqoolka ka dambeeyey  ayaa shiray kuna heshiiyey inay Sayidka guddi maslaxo raadis ah u diraan.  Waxay soo xuleen 33 nin oo midba midka kale ka daran yahay Sayid Maxamedna ergo ahaan ugu direen.  Ergadaasi waji fiican lama kulmin oo kolkii ay xaruntii tageen ayaa la xidhay.  Sayidku wuxuu faray fariin ah in Bah Xawaadle gaar ahaan Reer Dalal ay nimanka furtaan kuna furtaan laba qori oo Daraawiish lagala tagay iyo 100 neef oo geel ah midkiiba.  Kolkii dalabkaas Reer Dalal fulin diiday, nimankii maxaabiista ahaa Daraawiishi si arxandarro ah ayey ula dhaqantay.   Oo waa sidee sidaasi?  Labo labo ayaa la isagu xidhay kadibna addimada ayaa bir lagaga jabiyey, ugu dambaynna dhammaantood la laayey. 

 

Kalakacii Gurdumi iyo Gondogooye waxaa iyagana la odhan karaa saamayn xoog leh ayey ku yeesheen taabogalka halgankii xaq u dirirka ahaa ee Daraawiishta.  Rag door ah ayaa gabayo ka tiriyey dhacdadan.  Gabaygan hoose ee hodanka ah waxaa mariyey gabayaa la odhan jiray Cabdi Xirsi oo nimankaa la laayey ay isku raas ahaayeen.  Wuxuu yidhi:     

  • Gabay layga waa Maxamedow, garashadiisiiye١

  • Indhawaydba geesbaan ka maray, gole ka sheegiise

  • Geeraaradii iyo ka hadhay, gooddi iyo faane

  • Gedisaday geddaan odhan jiroo, waanigaa gudhaye

  • Geddii nimaan aqoon jirinna waa, lagu gulaalmaaya

  • Waa kaan gardiidaye beryey, gunno i saarayde

  • Gadhka waxaad i haysaba haddaan, kuu godlanayaaye

  • Bal garwaaqso gaban baad tahaye, gololadaan tooxi

  • Guntaan nahay xaajada wada gubtaan, xalay garraadeeyey

  • Meeshii go’aankeedu yahay, gacalow hay seejin

  • Gabay Hawle iyo Raage iyo sidii, geddii Weerar

  • Afartaa gar layskuma qasee, ma u gufaacooday

  • Galsho lama dhurtee sow midkani, gacankii Eyl ma aha

  • Meeshaan u goof xaadhan jiray, gaw ma kaga siiyey

  • Guulaamo roob iyo sidii, galal biyoobaaya

  • Gaaroodi lagu weerar yahay sida, gammaan xoogle

  • Girligaan dawaarliyo sidii, roob guyoo hooray

  • Ama sida gufaacada baddiyo, mowjad galab joogta

  • Ama goor gariimadi dhacdoo, galowgu dhiiloobay

  • Ama goos aroortii la riday, gaaddan iyo raacdo

  • Ama culimo geed waabatoo, subac ku gawdiidda

  • Ama odayo guurti u baxoo, xaajo gu’i wayday

  • Ama Ferenji gaardiyahayoo, gaadhka laga meershay

  • Ama ceel galshaysiya dadkoo, gamashi boobaaya

  • Ama giir-yar geeddiyo hayaan, gubayo oon hayso

  • Ama goodir dhalayoo ilmihii, gurada loo saaray

  • Ama naag raggeedii go’ayoo, gocasho ooyeysa

  • Ama awr gugiisii da’ayoo, gaane lagu qooqshay

  • Walee xalayto goortii la leday, gawdii iga yeedhay

  • Guuxayga iyo reenkiyo, gubashadii laabta

  • Gorroskaan ilamada duugayiyo, gododkii aan jeexay

  • Gelbidhabadka goortaan hurdada, gudub usoo booday

  • Ninkii garasho lay fiiiyaye, gama la’aantayda

  • Guhaaddiyo waxaa iigu wacan, gibilka lay saaray

  • Aakhiro raggii iga galaan, soo qarwaaqsadaye

  • Gergeyrtaad ogayd baan tebiyo, goosankii lumaye

  • Godka kalama soo bixi karee, waa galoof olole

  • Waa garab la’aan meesha iyo, galabtii Dhiitaade

  • Gondogooye siduu noogu dhacay, gaasir baan nahaye

  • Ganku way madow yahay sidii, gubad abaareede

  • Geesaaska dumarkaa qalbigu, ila gariiraaye

  • Goonyaha waxaa iga xigga, gole ogoomeede

  • Geestaan u meeraba haween, guud cad baa tubane

  • Geblan weeye reeruhu haddaan, geesiyaal kicine

  • Shirkan laysku wada guulayaa waa, gabbood madhane

  • Gubni odaya gaas wada dhashoo, geed ka kici waaya

  • Gadh-caddaayo xaajada hayoo, garasho loo daayey

  • Garta niman yaqaanoo la waa, tooda loo go’o e

  • Eebbow xaggaa naga gargaar, guushu waa adiye

  • Gaban kale waa sida adduun, noo gilgilay haatan

  • Mar haddii guddoon naga dhintoo, boqorna geeryooday

  • Gaanigii Xuseen iyo haddaan, gacal adeer waayey

  • Gobonimo haddii aanan damcayn, gacanta lay saaro

  • Gaddii hore hadday naga gudhoo, lay gadh qaadaayo

  • Gaadiid haddaan ahay la rari, gu’i iyo jiilaalba

  • Gabbal dhiciyo waagii baryiyo, goor Alliyo fiidba

  • Naftoo ila gariirtiyo anoo, gaadasho u taagan

  • Gumcadliyo Mareexaan anoo, sedo u gaynaaya

  • Gadh-cun reer lug-gaab ihi hadduu, iga gol roonaaday

  • Goobtii hadduu igaga hadhay, garicii ceeboobay

  • Gaalkaan nebcaa iyo hadduu, ii guntaday Caamir

  • Hadduu Maxamed gaal-layska iyo, gamaska ii looshan

  • Geyigaan iqiin iyo hadduu, Doollo naga geeyey

  • Ceelkii Garlowgubay hadduu, gobonimo u qaatay

  • Doh intaan ka gaadhiyo intay, goray ka foofayso

  • Godka seesha gooyaha Bankiyo, webiga geestiisa

  • Goglo iyo haddii aanan helayn, gurarkii Laandheero

  • Golxoodkii dhannaanaa haddaan, goray ka fuudeynin

  • Gaw iyo gaskii jiirta iyo, gala jabkii laagta

  • Geedaha bannaankooda simay, Miiro garabkooda

  • Gocondhaale iyo Caadiyo, Sebi garraarkiisa

  • Galka Simay gafiir iyo Dannood, Harasan guudkeeda

  • Isha Gawlalaaliyo Gar-duur, Xodayo guudkeeda

  • Godankii madheedhkiyo lahaa, geedsankiyo saarka

  • Gombisiyo gaankii Digeed, Goonle agahiisa

  • Gomoshaale geesaha Darroor, amase geel Faahis

  • Gahaydhkii Awaariyo ku yaal, Sagag gafuurkeeda

  • Milmil gawrarkeediyo waddada, Gubato loo qaado

  • Gobabkii Bullaaliyo dixdii, gunnadu noo tiilay

  • Garbidii Butaalliyo Ciyow, Gunagadoo doogle

  • Gosha webiga geediga Dhanaan, geedihii Elele

  • Intaasoo geyiga Reer Wacays, gocay ku maalaayey

  • Oo geelu ugu naaxi jiray, gu’i iyo dayrtiiba

  • Ninba garu u daaqaba haddii, maanta laga gaaray

  • Geediga haddaan laga dhigayn, loo genfaday awrka

  • Tawal goonyaheediyo haddaan, Wadal kasii guuray

  • Guro iyo haddii layga riday, gudihii Uu-uule

  • Guryihii Qotaad iyo haddii, Adari lay geeyey

  • Gurre nimanka sheegtiyo Amxaar, igu gadoodaaya

  • Gudabiirsay iyo Ciisiyo, Alado guuxaysa   

  • Iidoor galbeed iyo haddaan, gaalo deris mooday

  • Gaashaan lasoo hooriyiyo, garab haddaan waayey

  • Sow haatan inaan gaaxiyaa, gabayga daw ma aha!

١Gabayga waxaan kasoo guuriyey buugga Aw Jaamac ee hoos ku xusan. 

____________________________ 

 

Tixraac:

 

  1. Gabayo kale, waraysiyo iyo baadhis gaar ah.

  2. I.M. Lewis. A Modern History of Somalia.  Longman Group Limited. New York. 1980

  3. Said S. Samatar. Poetry in Somali Politics: The Case of Sayid Mahammad Abdille Hasan.   Northwestern University, Evanston, Illinois. 1979.

  4. Aw Jaamac Cumar Ciise. Himilada Maansadii Hore.  Xarunta Cilmi Baadhista ee Jabuuti. Jabuuti. 2005. 

  5. Aw Jaamac Cumar Ciise.  Taariikhda Daraawiishta iyo Sayid Maxamed Cabdille Xasan. Akadeemiyaha Dhaqanka.  Muqdisho, 1976.

 

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.  The largest online collection of Somali poetry.