Home

Qiso Gaaban: Weyshaan u Xidhay...

                                                                                           June 2005 

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Cawaale Xuseen

awalle@gmail.com

Waxaan dhawaan dhagaystay cajalad uu duubay Abwaan Cabdullaahi Macallin Axmed Dhoodaan cajaladaas oo uu ku saxayo taariikho la kufsaday iyo suugaan la boolyaday.  Markii aan laba saddex jeer dhinaca kale uga baxay ayaan waxaan haahaabtay qalin iyo waraaq oo is idhi Allaa ku lehee wax uun kala hadh xikmadda ma guurtada ah ee abwaanku cajalada ku qabtay. 

Waxaan haddaba galay kala doordoorasho iyo isbarbardhig aan leeyahay talow qisadeed ku hormartaa.  Ma tan, taa, tii, mise tu kale.  Dhawr jeer haddii aan laba-qalbiyeeyey, dhawr goor oo kalena saddaradii aan qoray qashinka ku daray waxaan ugu dambayn goostay qisadan Dhoodaan sida hufan dhagaysiga ugu soo gudbiyey inaan qoraal ahaan usoo bandhigo.   

Sadarkii ugu dambeeyey markii aan ebyay ayaan dib u milicsaday si aan u saxar tiro, kolkaa ayaan waxaan xaqiiqsaday inaanan sheegan karin qoraalkan ee hadalkii Dhoodaan ee cajalka dhex giraangirsanaa sidii anigoo Macallinka karaani u ah aan rogay oo daabacay.  Waxaan dabadeed is idhi mar haddaan Dhoodaan wali qorin inaad adigu qorto, isagoon ku wakiilanin laakiin aan is leeyahay koley daa kuma dhaheen, waa wax ku ool.   

Qisaba qiso ka tilmaamane tani waa weyshii cabeebsanayd oo sida laga yaabo inaad maqashay ninba siduu doono u dhigay ciddii uu la jeclaadana u tiiriyey dhacdada iyo gabayada la xidhiidhaba eex iyo aqoon xumo midood iyada oo ay indha-duubtay.  Waxaan Dhoodaan afkiisa ka dhagaystay qisadan oo uu sida uu halkan ugu sajilay uga sheekaynayo isagoo jooga Nairobi xilligaa oo haatan laga mudaystay sanado dhawr ah.     

Anigoo sooyaalka taariikhda kasoo raraya cajaladii uu Dhoodaan duubay, ayaa waxaa la yidhi wareemeysi sokeeye ayaa dhexmaray laba qoys oo Ogaadeen ah oo la kala yidhaahdo Isaaq Aadan, Bah Gari, iyo Reer Warfaa, Reer Cabdille.  Dhawr goobood ayey labadan qoys ragna isaga laayeen xoollana ku kala qaadeen.  Colaadii waxay soo guura-bahalaysaba Isaaq Aadan ayaa geel laga soo qaaday.  Haddii geel la qaado ninka dhacani xeelad, xeer, iyo xoog kolba kuu kusoo celin karo ayuu ciirsan jiray.  Isla waqtiga warka dareenka lehi yimaado ayey barbaartu salabka xaabsan jirtay buxuushtuna ergo degdeg ah diyaarin jirtay.  Aw Yuusuf Barre oo geel la qaaday ergo u ah waa kii lahaa:

·        Nin caddaaday caddaabkiiba, waa lagala ceesaaye

·        Rag cirroobay baa nagu jiree, geela noo celiya 

Siddii dhaqanku ahaa odayaal Isaaq Aadan ah ayaa ka daba yimid geelii si ay tolnimo iyo wadahadal ugu dayaan in geela lagu soo celiyo dhiig daata iyo gurbays isku madhana ay uga hortagaan.   

Odayaashaa waxaa hormuud u ahaa Cilmi Guud-Cad, Xeef Ileey, iyo Caafi Geeraar.  Waxay jilib culustaasi la kulmeen dhiggood ka socday dhinaca Reer Warfaa oo ay ka mid ahaayeen Warfaa Faarax Cadde, Reer Ugaas, iyo Guraase Xaaji Cali, Reer Dalal.  Waxaan isleeyahay maqaawiirtaasi dhammaan waa uun aakhiro sidaa daraadeed Allow u naxariiso inaan ugu duceeyo ayaa igu waajibay mar haddaan magacaabay.  Haddii cidi ka nooshahay naxariista noloshaba way ugu baahan yihiin. 

Gar iyo xeer dheegasho ayuu samo-kataliskii beeshu jilibka u laabtay.  Geela aan celino oo aan tolka ku kala hagoogano ayaa guurtidii ra'yiyeysay.  Hase ahaatee wiil dhalinyaro ah oo malaha rabay in dagaal lagu kala food qaado lana odhan jiray Ina Mataan, Reer Xandule, Baha Magan, Reer Warfaa, ayaa gabay tiriyey isagoo ku haasaawaya geela siduu usoo qaaday iyo sida raggii maali jiray u hamraday iyo in cudud loo sheegto mooyee in aan si kale farihiisa lagaga saari doonin.  Barbaar geel soo dhacay oo waligii maslaxo dhaafsay lama sheegin, Ina Mataanna barbaarta xilliggaa ayuu la mid ahaa.  Inta naga soo gaadhay wuxuu yidhi:  

·        Hashu waa hashaan ugu dhex tagay, Habar Saleebaane

·        Huurmood iyo yaraankoodba, waw hagar la’aayeene

·        Iskagama hadheen geela ay, qalab u haystaane

·        Kama hawlyareysteene way, hidiin la’aayeene

·        Hurre Caliyo Xeef maalinbay, hirigta jiidhiine

·        Kol hadduu raggii Hira lahaa, hawdka uga yaacay

·        Qolti Hogol leh oo hays yar iyo, Madi horaad weyn leh

·        Anigaa helyeyoo hashaa, waanigii helaye

·        Horin iigu soo godol bagaan, Haybe soo dhacaye 

Gabaygii Ina Mataan ayaa loo geeyey Isaaq Aadan.  War ninku caaqsanaa ama cadowsnaa iyo miyaan dadku cashiiro wada dhalatay ahayn cidna isma weydiinin.  Dadkii digashada Ina Mataan maqlay ruux la yaabay wiilka iyo haasaawihiisa toona ma jirin maxaa yeelay geela ayaa xilligaa ahaa mid hadba ninkii u xoog bata xeradiisa ku jira.  Ninkii muruq iyo dhac ama dhaqaale iyo daryeel ku tanaadiya ayaa warkiisa iyo weedhiisu wax ku ool ahaayeen, weeye iyo war muxuu yidhiduna gaar u ahayd.  Qofkii xilligaa joogay ee la yaaba geel la qaaday ninkarmeedkii qaadayna dumarkii ku dalaaqay inuusan maslaxo dhaafsanaynin tuludda u ahaatay, laga-roone iyo damane aan waayaha iyo xilligga lagu sugan yahay la qabsan karin ayuu u muuqan jiray.   

Wuxuu xilligani la tilmaan ahaa xilligii uu gabyaagii Carbeed lahaa hadalkii macnihiisu ahaa: ninkii aan darkiisa hubkiisa ku difaacanin waa laga dumin, ninkii aan dadka dulmiyinna waa la dulmiyaa.  Wuxuu ahaa xilli  colaadi ku habsatay geyiga nimankan isu jawaabaya ay ku dhaqnaayeen.  Wuxuu ahaa xilli ninkii muruq lihi maalo kii miskiin ahina  midhaysto.  Anoon waxba ku dheeraanin sifaynta xilliggan, Guure Dulyar oo ahaa abwaan gaamuray, jilibkiisana af-hayeen u ahaa ayaa kasoo jawaabay tixdii Ina Mataan oo tiriyey gabay ay naga soo gaadhay: 

·        Lix kun iyo lix deyrood ninkii, libin macaan haystay

·        Waxaad cadho la luudoo isagu, kibir la liicaaba

·        Mar unbuu adoo laaci kara,  luqunta keenaaye

·        Intaan laabta kaaga degaan, kaa likayn warane

·        Waxba gabayga laanlaansiga ah, luuqda haw badanin 

Gabaygii Guure la keen Qorraxeey iyo degaanka Reer Warfaa, isna idhi ka jawaabe oo gabay kale ka celiye iyadoon waliba yaa u jawaabi kara iyo hebel ha la raadiyo midna aan lagu daahin gabyaaga xilligaa joogay oo faraha ka batay awgeed.     

Haddaba Guure Dulyar ma ahayn kaliya nin gabayaa ah ee waxaa kale oo uu ahaa ammaanduule ciidan wuxuuna ka dhabeeyey goodigiisii oo duullaan culus dumay.  Duullaankii ayuu kusoo mooraduugay geel iyo lo’ badan.  Waxaa lo’da la socotay weyl baadi ah oo bugta oo aad u ciyeysay.  Guure oo aad u shanqadh tiranayey rabayna inaan qardaftiis ah la maqal inta uu kala xerogalayo xoolaha ayaa amar ku bixiyey in weysha geed lagu tigtigo oo laga reebo duulaankan sii dheelmadka ah. 

Waraabaa cuniyee Guuroow maxaad ka xidhaysaa ayaa raggiisii ku bushiyey?  Dab ku ag shida si dhurwaagu uga leexdo neefka una moodo in dad ka ag dhaw yahay ayuu kusoo celiyey.   Ciidankiisii u jajabnaa fulinta amarkiisana siddaa ayey yeeleen.  Weyshii markii ciidankii iyo ciddiiba ka jaanqaaday, inay xidhan tahay oo aanay cago ku gaadhi karina is hubsatay, mugdina jawigu yahay ayey ci aan kala joogsi lahayn bilowday.  Ileen weyl baadi ah ci waa caadkeede siddii Cabdullaahi Dhoodaanba u sifeeyey isagoo xalka ummadda Soomaaliyeed raadinaya:

·        Qeylaa willane yaa dadkii, waydan kaga yeedhshay

·        Siddii weylo baadi ah maxaa, kaga wadhaac siiyey

·        Waraabaha qarsoon yaa noqdayoon, ruux wajiga moodnay

Col Qoraxeey raacdo kasoo galay oo guure ah maalkii lasoo dhacayna ku raad taagan ayaa weyshii oo ciyeysa dabna agteeda ka baxayo xilli dambe kasoo dul dhacay.  Qamaame ayuu markiiba ooda soo jabiyey ninba ninkuu ka gacan fududaa tabta iyo tabcada dagaalkana uga aqoon liitay.  Col isu gibilo weyn ayey Soomaalidu horay u tidhiyee kuwii duulaamada ku caan baxay aqoontana u lahaa dagaal iyo camaladiisaba ayaa qiyaastayda is weydiiyey: war maxaynu yeelaa nimankii halkanay fadhiyaan iyo war u kaadiya aan xeel dagaal xariiqnee!  Mir iyo in xilligaa weerar la galaa-bixiyo iyo in subixii waagu markuu soo iftiimo lagu kala baxo ayey midood ahaatey.  Waxay talo ku ibo-beeshay in la dul fadhiisto halkan la is yidhi xoollihii ayaa ku hoyday. Ilaalo iyo gaadh wada jira ayaa lagu wareejiyey si aan fudho yar oo xataa neef qudhihi ka fakado loo helin.   

Allaw yaan waaga waraabe la tagin iyo waa baas waa baas wuxuu nin karmeedku ku guuxaba subixii ayaa nin horaadkii u xiggay dhinicii colka lagu filayey tuhun galay oo is yidhi mindhaa meesha cidiba ma joogo.  Haddii waagii sii iftiimayna la arag in dagaalku waa khudca e dabinkii sirta ahaa ee uu maleegay Guure Dulyar, waa siday la ahaydee, badhtanka loo fadhiyo oo raacdo iyo raadgooyo mooyee aan rugtan ruux nool iyo rammad dhaqaaqda midoodna xalay ku hoyan.

Guure Dulyar oo gurdan ah libina ku geeraaraya ayaa la guri galay xoolihii uu soo qaaday.  Nin gabyaa ah oo libin intaa la eg midigaystay saw inuu gabay iyo geeraar kolba kii la gudboon tiriyo uma ahaanin.  Maxaadse ka filaysaa markii uu maqlay in colkii birmadka ahaa oo haddii ay habeenkii soo gudi lahaayeen halista galin lahaa, ninkii u adkaada yeelkiisee ay weyshii uu ci da isaga reebay xalay oo dhan dul kulaaxayey.  Saw mar kale Guure uma ahaanin inuu ku tiiqtiiqsado gabay faan, goodi, guul, iyo digasho isagu jira.  Sidaa unbuu yeelay wuxuuna tiriyey tixdan hoose oo yidhi: 

  • Ogaadeenku weys wada wargalin, wadar ahaantiise

  • Aadna waxaaba loo sii wadwadi, weedha Baahale e

  • Subeer waligii kaga weyn Bah Gari, wadhida ceebeede

 

  • Waqti horeey waxoogaa dhufteen, geel wadeeca ahe

  • Kaanagii wadiiqaha maryoo, wadato jeerkiiye

  • Hadduu Habar Saleebaan wax dado, niman ma wiiqneene

 

  • War helkiyo ilaaladu waxay, kugu wareegaanba

  • Walwaal baan kasoo weerar tagay, amase Waa-Afdhuuge

  • Tunkii Qudhac Walgaale een marriyo, bidixda weeraarta

  • Waa soo dhawaadkii intaan, wagan biciid laynay

  • Markaan hilib wadaagnee afyadan, laga waraab qaatay

  • Walwalkoo dhaqaaqaan ka helay, waraqa Fool-Jeexe

 

  • Waraasilaha wataan u xidhay, labigii weynaaye

  • Waataan ka wiifsaday lo’diyo, geel walaalo ahe

  • Waa tii aan kama waalinine, aayar soo wadaye

  • Waataan walwaashee lahaa, wire isoo gaadhe

  • Waa tuu wagdaalow ritigu, doobta waajilaye

  • Waatay haraadee wardiday, waasac ololkiiye

  • Waatay waliilkii nirguhu, wiida ku hayeene

  • Waataad nin soo weyraxoo, dirira weydeene

  • Waatii midkaan waabinaa, weecday oo hadhaye

  • Waatii adoo wadhi la tagay, wahab ku saaraaye

  • Waatay wadada Reer Ugaas, walashtamaayeene

  • Waatay Warfaa iyo Colaad, webi u jiiteene

 

  • Wayshaan u xidhay Reer Subeer, wiil u fura waaye

  • Wadhaadey tidhaahdaba baqaad, wagac ka siiseene

  • Wadkii dili lahaa moode iyo, waramahaygiiye

  • Alla maad wadnaha joojisaan, Waaxid baa jira e

Waxaan qoraalkan kuugu soo qadimay inay ka faa'iidaystaan kuwa khaldamay ee aqoondaradu u gaysay in ay ku sheegaan qisadan iyo gabayada la xidhiidhaba rag kale oo aan ahayn kuwaa sare ku xusan.  Waxaa kale oo aan idiin soo gaadhsiiyey qisadan in kuwa boolida iyo xalaashu isugu midka tahay ay u noqoto hangool xaqiiqi ah  oo aad hanqalaalka kaga riixdo markii ay kugula soo daqaqamaan sheekooyinka minguuriska ah ee marfashyada lagu qayilo lagu soo malmaluuqay.   

Qaarbaa ku odhan doona cajalad hebel oo suugaanta aad u yaqaana duubay ayaan ku arkay gabay hebel (mid ka mid ah dhacdadan) oo uu ku sheegayo inuu tiriyey Hebel Fulaan.  Ma diidani in cajalado markii horeba ay ahayd inaan la duubin ama la saxo midhaha ku duuban ay meel badan gaadheen, ujeedadaydu waxaa weeye hebelkaa cajaladaa duubay iyo hebelo kale oo suugaanta Soomaaliyeed si indha la’aan ah u qardo-jeexday ayaa buuxa.  Waxaanu leenahay siddii Cabdullaahi Dhoodaan:    

  • Dhuxdhux laguma soo jiidi karo, buur dhadhaabo ahe

  • Dhul ka culus wax hees lagu dhagriyo, dhaanis gabadheede

  • Dhayal qoladii moodaayse, way kula dhanaanaane…

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.