Mar aan is idhi tolkii ayuu guubaabinayey khilaafka iyo qabyaaladana inay iska dhawraan u sheegayey wuxuu tiriyey gabay aan filayo inuu intan aad uga dheeraa laakiin aan ka hayno:
- Wallee ama rafiiqdoo sidii, Raxan walaalowde
- Ama idin rash tiri bawdadaan, laga rukuucaynin
- Rufucii tol kala gala haddii, layska wada raadsho
- Haddeydnaan sidii yacay ruqsamin, dhagaxa ii raabi ?
Mar kale isagoo wax tabanaya tabashadaasina ay soo xusuusisay haweeneey wanaag iyo maamuus wacan ku idaarayn jirtay Raage iyo ummuurihiisaba waa kii lahaa:
- Cirkoo da’aya qaar baan dhulkiyo, ciidda wada qoyne
- Caleemaha gugii baxa badh baan, carun ku dheehnayne
- Caku dunida cuur wada dhashuu, qaarba cayn yahaye
- Yaa yidhi Cibaadiyo tanaa, caano wada nuugey
Soomaalidu waa dad aad u jecel inay laba shay ama labo qof baratansiiyaan isna barbardhigaan kuna doodaan midkaas ayaa sita ama kaasi waxba ma ahee midkaa kale ayaa baro dheer. Waxaa la wariyey in Raage la waydiiyey Soomaali qofka ugu gabay badan wuxuuna ku jawaabay gabay ay ka mid ahayd sida nasoo gaadhay:
- Aw-Muuse waa hoorin jirey, hadal nin waayeel ah
- Ina-Looti baan la hinjin karin, heeladkuu dhigaye
- Odawaa Dhugeed baa hantiyey, hibadii geeraare
- Anna hooto ridey gabay hadduu, haybad leeyahaye
- …
- Dhallinyarada haatana ma jiro, Hawle oo kale’e
(… beyd Hawle ku saabsan ayaa ka maqan halkaa)
Beydka ugu dambeeya Hawlaha uu Raage sheegay tolow ma abwaankii Reer Ciideed baa, Gabay Hawle? In kasta oo aanan hubin, waxaan u haystay inaan Gabay Hawle iyo Raage Ugaas nolol isku soo gaadhin maxaa yeelay Gabay Hawle soo ma ahayn ninkii arintii Ugaas Xaashi hadda dhaw ahayd ka lahaa:
- Wax badan baan hoggaankiyo jeclayn, inuu hagaagaaye
- Waynaan helaynine Xirsuu, kaga habboonaaye
- Hayin nimuu ka jiifsaday wax uun, hilayga saarsaarye
- Faratoon aan haaramannee, inaga heeryeeya
Halka magacu ka raacayna waxay ahayd gabaygii uu tiriyey ee uu
lahaa ‘Hud-hudkii aan cunay baa wadnuhu, haw i leeyahaye’
Waxaan kaa codsanaynaa inaad soo saxdo taariikhaha iyo
gabayadanba haddii aad hubto say kala yihiin
|