Raage Ugaas ayey gabadhi u doonanayd, gabadhaasoo qurux Illaahay ku manaystay. Raage gabadhuway madax qaaday, oo aad buu u jeclaa. Waxaa gabadhii loo meheriyay Faarax Wiil-waal. Warkiimarkuu Raage soo gaadhay ayuu jiif iyo joogba diiday, kadibna tiriyey  gabaygan layidhaahdo Alleyl Dumay. Xilligaas way adkayd in guur iska daaye lahawaysto gabadh u doonan  nin kale khaasatan rag-adagaaga, ninkarmeedka, laqanka ah, haday dhacdana waxaa lafilan jiray halaag, basbeel iyo moore-duug.

  • Alleyl dumay albaabadoo laxidhay, uunkoo wada seexday
  • Onkad yeedhay uugaama roob,  alif banaadiikh ah
  • Iihdayda bixibaa libaax iman lamoodaaye
  • Raggase adhaxda iyo ooftu waa udub dhexaadkiiye
  • Labadii waxlaga eegijiray waan ka awdnahaye
  • Halkaan aa ka leeyahay Illaah kaliya uun baa og
  • Aboodigu malalo garab haduu iin ku leeyahaye
  • Orod uma holado ooglihii adhaxda beelaaye
  • Ma aarsado il iyo oof nimay iimi kaga taale
  • Aroos uma galbado nimuu wadnaha arami jiifaaye
  • Geeluba markuu oomo wuu ollol badnaadaaye
  • Sidii inan yar oo hooyadeed aakhirow hoyatay
  • Oo aabeheed aqal midkale meel illina seexshay
  • Hadba waxaan la urugoonayaa uurkutaalada e
  • Ninka illo biyaleh soo arkoo ooman baan ahaye (soo maroo, na waa la akhriyey)
  • Ninka ooridiisii nin kale loo igdhaan ahaye
  • Nin abkii Ogaadeen yahoo aarsan baan ahaye
  • Afdhabaandhow aayar ninkaa aamusaan ahaye

Tuduca ka horeeya midka uu gabaygu ku dhamaado ee ah “Nin abkii Ogaadeen yahoo aarsan baan ahaye”ayaa xilligii dawladdii ugu dambaysay ee Soomaliya ay uruurinaysay suugaanta Raage Ugaas ayaa loo badalay “Nin ugaas wallaalkii yahoo eeday baan ahaye.” Marka siddaa ula soco haddii ay kuugu muuqato in gabayga wax laga badalay. Tuduca u dambeeya isna wax baa ka badalan oo sidan ma ahayn asalkiisuma hayno asalkii ee nala soo socodsii haddii aad isagoo sax ah hayso. Raage markuu gabaygaa mariyay, ayuu odaygii gabadha dhalay siin iyo meher isugu daray da’dii ka yaraydgabadha oo aan ayadu waxba ka liidanin tan weyn. Waatii Soomaalidu tidhi “nin meeli u cadahay meelika madow e” Raage gabadhii waa la’aqal galay, laakiin indhihiisu waa dhaafsanaayeen. Caado waxaaahaan jirtay marka gabadh laguursado inay reerkooda ladaganaato sanadka ugu horeeya si loo sidaabaro maamuuska iyo maamulka reer leeyahay, daraadeed Raage iyo Faarax waxay inalayaal u noqdeenreerkii ay gabdha kaqabeen. Maalin maalmaha kamid ah ayuu Faarax Wiil-waal haweenaydiisa usheegayinay sifiican usoo labisato, soona kaxayso walaasheeda ka yar oo ah xaaska Raage, dabadeed ku soo agmaraandulleed ka reerka. Faarax intuu u yimid Raage  ayuu ku yidhi war inakeen aan kabdhoodka shax kusoo ciyaaree,kadibna waa laysraacay. Ayagoo shaxaya ayaa dumarkoodii soo kor mareen, dabadeed waxaa la’is waydaarsaday tixahan halgaada ah: Faarax:

  • Geenyada nin lihi qoofashee qollolka meeraysa
  • Qiyaasli’i ninkii ugu tagow qoomamaa xigiye

Kannaan dagay…………………………………….. Raage:

  • Geenyada nin lihi qoofashee qollolka meeraysa
  • Manala qoonsanaayaa haday fuulmo nooqabato

Kannaan dagay……………………………………….  Faarax:

  • Qumbe subaga oo meel qotoma oo nin lihi quuto
  • Qooraansigiisaa kuugu daran quud aan lacunaynin

Kanaan dagay………………………………………….. Raage:

  • Qumbe malaba oo meel qotoma oo rag wada quuto
  • Ma nalagu qoonsanaayaa haday gaajo noo qabato

Kanaan dagay………………………………………….. Faarax:

  • Nin adoogi dhawr qaalin dhalay qolona kaa fiican
  • Ma lagu qoonsanaayaa haduu gabadhi kaa qaaday

Kanaan dagay…………………………………………… Raage:

  • Nin adoogi dhawr qaalin dhalay qolona kaa liidan
  • Mala qoonsanaayaa haduu rubadda kaa qaado

Raage intuu ablaydii iska gooyey ayuu Faarax laba u kala gooyey, dabadeed gabadhuu jeclaa ee xilaha u ahayd Faarax  ayuu faras kiisa ku ritay, lana tagay oo reerkoodii la aaday. Raage markuu tagay reerkoodii ayuu gabay ugu sheegaywixii dhacay digniina kusiiyey in waxa uu sameeyay rag badani u gu’i doono. Wuxuuna yidhi:

  • Qab qab dhaafay waa waxay laba qabiil qaran ku waydaaye
  • Qaabiilba haabiil intuu qoonsaduu dilaye
  • Qar hadumo qiyaamana hadhaco qoysna yuu hadhine
  • Qacda waaga labadeena qolo ha isu qaateene
  • Walee Faarax qooqaan ku dilay qoomamayn mahayo!

Waxaa ku deeqay Cabdi Xiis. Mahadsanid saaxiib. Digniin: Ujeedo aan taariikh iyo suugaan xifdin ahayn oo ay bahda doollo.com ka lee dahay suugaantan iyo taariikhdeeda midna ma jirto. Haddii aad si kale u isticmaasho ama u qaadato waa adiga iyo khayaarkaa.